Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

United Kingdom:Mujahid Axmed Mire meets Mujahid Ibrahim Dhagoweyne In london PICS

Recommended Posts

Labada Mujahid eeh Axmed mire iyo Ibrahim dhagoweyne oo ka mid aha saaraakishi hogaamiye Halganki dib u xoreynta isla markaaana lagu Tilmaaami jiray kuwo hoodo ku laha hawlagaladi SNM eeh mudadi dheera halganku socday.

Waxa ay labadu Mujahid Hormood ka ahaayeen Hawlgalki Guda galki eeh Jabhadi SNm eh dagaalka Hubeysan kala hor tagtay taliski Maxammad siyad bare Guda galki sanadku marka ahayd 1988 ki ku so hujoomeen Fadhisinmadi Ciidamadi Siyaad bare eeh Fadhigoodu ahaa Burco Iyo hargeysa oo la kala odhan jiray Makka iyo Madiina.

Lbada hawl gal oo ay labada Mujahid kala hogaaminayeen.

 

Hadaba waxaan idin so gudbin doona waraysi aan la yeelen doono mujahid Ibrahim cabdilahi Xuseyn Dhagoweyne iyo ganacsade Maxammad ciise Musbaar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Shaw duriyaddu waxaan mujaahid aheynba ma jiraan. Who knew mujaahidnimo is a heredity gene up north. Tan tii diinta aheyd ma aha waa mid dhaxal lagu helo, yacni you need a pure dna to get the title.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Liqaye Axmed mire is one of the youngest SNM officers he went even back to University in the early 90s in London, And the other Mujahid lives in hargeysa he is just there for the 18 may celebrations

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhega-weyne iyo A. Mire oo Kulan ay Isku Keliyeysteen kaga Tashaday Aayaha iyo Qadiyadda Somaliland

Written by Qaran news

May 12, 2011 at 05:30 AM

 

 

War-Murtiyeed la Filayo inay Wada Jir u soo Saaraan Axmed Mire iyo Dhego-weyne

 

 

London(Yool)-Muj. Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (Dhaga-weyne) iyo Muj. Axmed Mire Maxamed, ayaa shalay wada yeeshay kulan qaatay Maalin galinkeed, kaasoo aan la ogayn goobta iyo meesha uu ka dhacay, kadib markii sida la sheegay labada Mujaahid dadkii lale ka codsadeen in kaligood la isu daayo.

 

Warkan oo sida ay Wargeyska "Yool" u sheegeen ilo u dhuun daloola dhaqdhaqaaqa labada Mujaahid, waxa uu ka danbeeyey kadib markii subaxnimadii hore ee shalay Labada Mujaahid iyadoo aan cid kale wahelin iska raaceen Hudheelkii uu daganaa Mujaahid Dhaga-weyne, isla markaana ay ka codsadeen dadkii kale in maanta ay isu daayaan labadooda oo kaliya.

 

Sidoo kale waxa ilahaasi tibaaxeen in markaa kadib aanay jirin cid og meesha ama goobta labada Mujaahid kulan kooda ku qaateen, haseyeeshee warar aanu ka helnay ilo kale oo u dhuun daloola kulan ka labada Mujaahid, ayaa sheegaya in Dhaga-weyne iyo Axmed Mire ay kulankaa ku lafo-gureen arimo dhowra oo ay ka mid yihiin ilaalinta Madaxbanaanida iyo gooni isutaaga Somaliland, adkayanta midnimada iyo wada jirka shacabka ree Somaliland iyo saamaynaha toga ee Madaxbanaanida Somaliland ay ku yeelan karaan shirarka dhaqaalaha loogu gabanayo oo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland kala qaybgalaan hogaamiyayaasha iyo Maamul Gobileedya Koonfurta Soomaaliya, waxa kaloo wararku intaa ku dareen in labada Mujaahid ay kulankaa iskula soo qaadeen kala durugsanaantii siyaasadeed ee dhextiil hadda ka hor.

 

Geesta kale wararka nagsoo gaadhay Magaalada LONDON, ayaa sheegay in Mujaahid Axmed Mire iyo Dhaga-weyne ay wada jir u soo saari doonaan War-murtiyeed dhinacyo badan taabanaya, kaasoo la filayo in labada Mujaahid ay ku soo bandhigidoonaan arimo ay ka mid yihiin isbahaysigooda iyo damacooda siyaasiga ah.

 

Kornayl Dhaga-weyne iyo Axmed Mire, waxa soo hadlqaadkooda siyaasadeed uu si wayn u soo shaacbaxay Afartii Todobaad ee u danbaysay xiligaasoo ahayd markii si toosa looga war helay Safarka Ibraahin Dhaga-weyne uu doonayey inuu ku tago dalka ingiriiska.

 

Dhinaca kale hadal haynta xidhiidhka labada Mujaahid ayaa waxa xiisaha weyn u sameeyey, iygoo labada Mujaahid ahaa kuwo Siyaasada ku kala fog isla markaana ay dad badani u yiqaaneen kuwo la kala safan laba garab oo aan isku argti ka ahayn arimo badan, waana mida qudha ee maanta dhadhanka u yeeshay deris mimadooda cusub.

 

Taasoo ah waxa kaliya ee loogu hadal haynta badan yahay Somaliland Maanta, waxaana Xukuumadda siyaasiyiin iyo dadweynaha qaarkood isa su’aalayaan sbabta xiligan keentay midowga Labada Mujaahid iyo waxa ka dhalan kara ama kaga iman kara Xukuumadda cusub wada jirka labda Mujaahid.

 

Inkastoo ay jiraan aragtiyo is xulufaysaga labada Mujaahid ku micnaynaya inuu yahay mid ka dhashay furfurka ku yimi kooxdii markii hore lagu tiring jiray Ibraahin Dhaga-weyne, kuwaasoo ay dadka qaarkood qabaan in ay iska xulufaysteen Mujaahid Ibraahin Dhaga-weyne iyo Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali, arintaasoo markii danbe sababtay in Dhaga-weyne Cabdiraxmaan Aw Cali ay debadda ka joogsadaan Xisbiga talada haya ee KULMIYE, halka uu ka door biday Madaxweyne Siilaanyo xiligii uu Gudoomiyaha Xisbiga ahaa Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa laka ogaan doonaa Todobaada soo socda faaiido iyo khasaare midka uu yeelan doono isxulufaysiga cusub ee Dhaga-weyne iyo Axmed Mirre.

 

Yool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacpher;718766 wrote:
Shaw duriyaddu waxaan mujaahid aheynba ma jiraan. Who knew mujaahidnimo is a heredity gene up north. Tan tii diinta aheyd ma aha waa mid dhaxal lagu helo, yacni you need a pure dna to get the title.

Dhaxal awoow lugu me helo ficil ba lugu hela

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Interesting. The two SNM veterans liberators of Sanaag, Saxiil, Togdheer and other regions in Somaliland meeting for the first time in a longtime.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sidoo kale waxa ilahaasi tibaaxeen in markaa kadib aanay jirin cid og meesha ama goobta labada Mujaahid kulan kooda ku qaateen, haseyeeshee warar aanu ka helnay ilo kale oo u dhuun daloola kulan ka labada Mujaahid, ayaa sheegaya in Dhaga-weyne iyo Axmed Mire ay kulankaa ku lafo-gureen arimo dhowra oo ay ka mid yihiin ilaalinta Madaxbanaanida iyo gooni isutaaga Somaliland, adkayanta midnimada iyo wada jirka shacabka ree Somaliland iyo saamaynaha toga ee Madaxbanaanida Somaliland ay ku yeelan karaan shirarka

Mujahidintu waxay u jooogan ilaaalinta qaranka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saalax;718775 wrote:
Interesting. The two SNM veterans liberators of Sanaag, Saxiil, Togdheer and other regions in Somaliland meeting for the first time in a longtime.

Axmed mire went to togdheer and sanaag he was leading 8 aad Faction of SNM east later he formed His own 9 aad with his best Friend and cousin Col libaahe Dream team

And Dhago weyne went to cadaadlay sheikh and between hargeysa and burco Him and Muj Maxamad cilmi samatar who was leading Sayid cali Faction of SNM

 

81kjda6su6xks39n84nl.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this