Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Military commander visits laasqoray (eastern sanaag) + PICS

Recommended Posts

NEWS LATEST NEWS Abbaan-duulaha Ciidammada Qaranka Sanaag Oo Kormeer Ku tegey Magaalada Laasqoray Daawo Abbaan-duulaha Ciidammada Qaranka Sanaag Oo Kormeer Ku tegey Magaalada Laasqoray Daawo

Written by Qaran news

May 11, 2011 at 06:33 PM

Abbaan-duulaha Ciidammada Qaranka Sanaag Kormeer shaqo Ku tegey Magaalada Laasqoray Iyo Sidii loogu soo dhoweeyey.

 

 

 

 

Laasqoray(QRN) Abaanduulaha ciidammada qaranka gobolka Sanaag C/laahi Suufi ayaa subaxnimadii arbacada wuxu gaadhey magaalada Laasqoray ee ku taalla xeebta waqooyi gobolka Sanaag qiyaastiina 149km jahada waqooyi kaga began magaalada Ceerigaabo.

 

Mas’uulkan oo ah kii ugu sarreeyey muddadii ciidammada qaranku ka dhisnaayeen gobolka Sanaag ee halkaas gaadhey ayaa sida ay sheegayaan wararka degaankaas naga soo gaadhey si weyn waxa halkaas ugu soo dhoweeyey ciidammadiisa qaranka ee fadhigoodu yahay magaalada Laasqoray iyo dadweyne badan oo isugu jira qaybaha bulshadu ka kooban tahay.

 

 

 

Waxana socdaalka mas’uulkani qayb ka yahay kormeerro is daba joog ah oo beryahanba uu ku gala baxayey fadhiyada ciidammadiisu ku leeyhiin daafaha degaannada gobolka Sanaag islamarkaasna waxa la filayaa maalmo dhawr ah in uu halkaas ku sugnaan doono.

 

Taliyaha ciidanka qaranka magaalada Laasqoray (Tusbaxle) oo isagoo halkaas ku sugan aannu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa yidhi "Waa mas’uulkii ugu sarreeyey ee noo yimaadda muddada 10 sano ka badan ee ciidankan qaranku halkan ka jirey waannuna ku faraxsan nahay oo soo dhowaynaynaa ciidan ahaan iyo bulshada degaankaniba".

 

 

 

Sikastaba ha ahaatee mas’uulkan oo dhowaan xukuumadda Somaliland xilkan u magcawday ayaa u muuqda mid in badan meesha ka saaray canaanta ku saabsanayd kala daadsanaan iyo dhalliilaha maammul ee bulshadu hore ugu soo jeedin jireen saraakiisha sare ee ciidammada qaranka Sanaag.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wareysi--- Abaanduulaha Ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag oo booqdey Laasqoray.

Written by Jaamac Nuur Muuse

Print E-mail Add comment Laasqoray (SPR): Wareysi aanu la yeelanay Abaanduulaha Ciidamada S/land saldhiga sedexaad Col. C/laahi Axmed Suufi ayaa idaacada SPR uga warbixiyey booqashada uu ku tagay magaalada Laasqoray.

 

Col. C/laahi Axmed Suufi ayaa waxaanu wax ka weydiiney Gudoomiyaha degmada Laasqoray ee maamulka Puntland Xaaji Yuusuf Dibad oo sheegey in C/laahi Axmed Suufi lagu mudaaharaadey isla markaana uu isaga cararay iyo arintaasi sida uu u arko.

 

 

 

HOOS KA DHAGAYSO WAREYSIGII

 

Listen there

 

http://spr.fm/index.php?option=com_k2&view=item&id=1344:wareysi-abaanduulaha-ciidamada-somaliland-ee-gobolka-sanaag-oo-booqdey-laasqoray&Itemid=121

Share this post


Link to post
Share on other sites

Naxar Nugaaleed;719134 wrote:
^ you know what las qorayites are thinking, there is no eastern sanaag as much as you fools keep repeating it

and where is laasqoray located western sanaag?

 

somaliland-map-2010-21.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this