Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Shariif Sakiin buying his votes

Recommended Posts

(Warbixi Dheer)

 

Iyadoo weli uu jiro khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan,ayaa hadana labada Dhinac maalmahaan wadaan Kulamada ay la yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku aadan sida loo wajahayo waqtiga kala guurka ee Dowladda Federaalka oo bilooyin ka harsan yihiin

 

Labada Shariif ayaa mid weliba wuxuu ku dadaalayaa sidii u heli lahaa Taageerada Xildhibaano farabadan haddii ay timaado Doorashada Madaxweyninimada , inkastoo Madaxweyne Shiikh Shariif uu sheegey in waqtigaan aan la qaban Karin wax doorasho madaama uu dalka haatan uu ku jiro Xaalad Dagaal , wuxuuna isaga iyo Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ay sheegeen in Hayadaha Dowladda ay sii shaqeeyaan ilaa Bisha Ogoosto ee Sananadka Dambe

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maalmahaan kulamo kula yeelanayey Gurigiisa Xildhibaanada Baarlamaanka kaasoo looga hadlayey sidii loo qaban lahaa Doorashadii Mdaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu doraad kulan la qaatey Guddigii Doorashada oo sheegey in ay diyaariyeen Kaararkii Doorashada ee Xildhibaanada, waxayna Guddiga ay sheegeen in ay meel wanaagsan u mareyso Howlahii Doorashada , iyagoo sheegey in doorashadaas ay dhici doonto Inta ka horeeysa Bisha Ogoosto

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo lagu tiriyo nin Maalqabeen inta uusan ku soo biirin siyaasada uu ahaa nin Ganacsade ah oo si weyn looga yaqaan Gobolada Bay iyo Bakool ayaa kulamada uu la yeelanayey Xildhibaanada waxaa u sii dheer in kuwa sida aadka u taageersan doonayana in Madaxweyne ka noqdo dalka ayaa waxaa lanoo Xaqiijiyey in midkiiba la siiiyey Gaari kuwa raaxada ah

 

Mid ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka mid ahaa xildhibaanada la siiyey Gawaarida isagoo faraxsana aan la kulaney ayaa naga codsadey in aan Magaciisa la sheegin wuxuuna noo xaqiijiyey in Xildhibaanada Baarlamaanka ee Taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka Gawaaridaas la siiyey

 

“Weligey Maskaxdeyda ma soo gelin Gaari Layla Calawi ayaa lagu siinayaa” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo maanta aan kula kulmey isagoo wata Gaarigaas oo intaa raaciyey “ Gaariga Gudoomiyaha wuxuu noo siiyey in uu kor u qaado Sharafta Xildhibaanada Baarlamaanka oo maalmahaan ay ka muuqatey Daruufo Dhaqaale wuxuu nagu yiri Gudoomiyaha Xildhibaankaan aan isa soo qurxin oo aan si wanaagsan u soo labisan kaasi ma dhihi karno waa xildhibaan waayo Xildhibaanku waxaa looga baahan yahay in uu ka dhex muuqdo Bulshada Dhexdeeda waa in aan u ekaanaa Xildhibaanada Adduunka sida ay u labistaan “

 

Waxaan weydiiyey gaariga sow laguuma siin in Codka siiso Gudoomiyaha Baarlamaanka haddii ay Doorasho timaado wuxuu ku jawaabey”iyadoo taasi meesha ay ku jirto haddana Gudoomiyaha waa runtiis in aan ka soocnaano Bulshada inteeda kale oo xildhibaanku uu noqdo xildhibaan mar kasta taagan oo xiran Suudkiisa

 

Xildhibaan kale oo isna la siiyey gaari noociisu yahay NOHA ayaa isna waxaan weydiiney sida uu u arko Gaariga quruxda badan ee la siiyey wuxuuna yiri” aad baan u soo dhaweynayaa Gawaaridaan nala siiyey waana mid farax gelineysa Xildhibaanada Baarlamaanka waayo waxaa arkeysaa xildhibaan Saaran Gawaarida Dadweynaha ama waxaa arkeysaa Xildhibaan Cagta maalaya oo u lugeynaya Xarunta Baarlamaanka marka waxaan u arkaa arintaa mid kor u qaadeysa Niyada Xildhibaanada Baarlamaanka magacii doono halagu bixiyee “

 

Xildhibaanada oo Gawaarida laga siinayey Garaashyo ku yaal lambar afar ayaa waxaa qaarkod la sheegey in markiiba ay galeen Dugsiyada lagu barto Gawaarida waxayna noo sheegeen in ay haystaan Balan qaadyo haddi uu Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku soo baxo tartanka Madaxtinimada Soomaaliya iyagoo sheegey in ay heli doonaan wax ka sii wanaagsan Gawaarida la siiyey sidoo kale qaar kale ayaa noo sheegey in Gudoomiyaha Baarlamaanka markii loo doortey Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka uu bilaabey in Xildhibaanada isaga taageersan uu ka bixinayey Qarashka Hoteeladda, taasina waxay ku tusineysaa In Gudoomiyaha Baarlamaanka uu hore ugu Diyaargaroobey in Madaxweyne uu ka noqdo Dalka

 

Tartanka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa fursad wanaagsan u tahay Xildhibaanada Baarlamaanka oo waayadaan aan qaadan wax Mushaar wuxuuna yiri Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka “ Anagu waxaan Faaiido helnaa markii ay is qabsadaan Madaxda Sare ee Dowladda iyadoo taasi ay jirto kuma sii jirto marka ay timaado tartan Doorasho Madaxweyne waayo waxaan helnaa Dhaqaale fara badan

 

Midowga Yurub ayaa dhawaan shaaca ka qaadey in ay joojinayaan Kharashka ay siiyaan Dowladda Federaalka haddii aan la qaban Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya inta aan la gaarin Bisha Ogoosto taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada Taageersan hadaba la arkii doonee halka ay ku biyo shubato is haysiga u dhaxeeya labada Shariif iyo Ciida Madaxweyne ka noqoto Dalka Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Sounds like what sheekh shariif did when he wanted to get votes for the parliament's acceptance of the PM nomination.. remember he refused the parliament to caste their votes secretly. He wanted them to vote by raising their hands so he can make sure the ones he paid voted for him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

“ Anagu waxaan Faaiido helnaa markii ay is qabsadaan Madaxda Sare ee Dowladda iyadoo taasi ay jirto kuma sii jirto marka ay timaado tartan Doorasho Madaxweyne waayo waxaan helnaa Dhaqaale fara badan

Kuwaan ayaa magaca xildhibaan ku tuntey. :(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Why not if he was the former Finance Minister and was in charge of the National treasury it won't be hard for him to buy out the Parliamentarians everything is allowed in the Game of 4.5 You have to do something if you want to become president of the TFG and we all know you won't be selected for being nice and polite and honest.

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

XURMO MALAHA RUUXII DADYAHOW

XAARAAN KU NAAXAAYE

ILAA AY LAALUUSH XAABSADAAN

XUKUN MA GOOYAANE

XARBIGU INUU SII SOCDEY

DOONAYAAN TAN IYO XIIXAAYE

XAQIIR BEY NAGA DHIGEEN/DHIGAHAYAAN

ANNAGOO DAWLAD XOOG BADANA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this