Sign in to follow this  
Somalina

In ku dhow 40-Xildhibaano ka mid ahaa taageerayaasha Shariif Xasan oo lagu celiyay Garoonka Diyaarad

Recommended Posts

Somalina   

Warar goor dhow na soo gaaray garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegaya in ilaa afartameeyo Xildhibaano oo ka tirsanaa 3-da Gudi ee uu dhowaan magacaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa is hor-taag lagu sameeyay safar ay ugu ambabixi lahaayeen Magaalada Nairobi.

 

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida ayaa ku wargeliyay Xildhibaanada in aanay ka dhoofi karin garoonka Xildhibaanada, kadib markii lagu soo wargeliyay, in aanay Xildhibaanada aanay dhoofi karin.

 

Is hor-taaga lagu sameeyay Xildhibaanada ayaa ka dambeysay kadib markii sida la sheegay amar ka soo baxay wasaarada Arrimaha Gudaha lagu joojiyay safarkooda, kadib markii la soo amray Ciidamada Booliska iyo Waaxda Duulista Hawada.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya inay ka dhacday garoonka gudihiisa gacan ka hadal dhex martay Xildhibaanada iyo Ciidamada Booliska, iyadoo taasi ay dib u dhac ku dhigtay waqtigii ay dhoofi laheyd Diyaarada African Express.

 

Ilo wareedyo muhiim ah oo ku sugan garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa u sheegay Shabakada Jowhar.com in Xildhibaanada ay u socdeen siminaar la sheegay inay waday Hey'adda NDI oo horay siminaar u qabatay Xildhibaanada Baarlamaanka.

 

Xildhibaan Xareed Xasan Cali oo ah Afhayeenka Gudiga Doorashooyinka Baarlamaanka ayaa sheegay in inqilaab lagu sameeyay, isla markaana laga hor joogsaday safarkooda, ay ugu ambabixi lahaayeen Magaalada Nairobi.

 

"Anagoo gudaneyna howlaha baarlamaanka, oo aan howlo ugu soconay Nairobi, waraaqooyinkii tikidka wadanay ayaa waxaa inoo yimid Nabad Sugida iyo Booliska oo dhahaya Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa nagu amray in aanay bixi karin, waana nasiib daro, in maanta nin dhahaya anigaa amray in nagula celiyo garoonka"ayuu yiri Xildhibaan Xareed Xasan Cali oo sheegay in muddo shan maalmood ay howlaha doorashooyinka ugu maqnaan lahaayeen Magaalada Nairobi.

 

1_may_2011%20copy.jpg

 

Garoonka Diyaaradaha ayaa habsami u socodkiisa waxaa uu saacado noqday mid buuq iyo sawaxan hareeyay, taasoo keentay mid hakad gelisay howlaha, isla markaana duulimaadyadii qaar ay noqdeen kuwo waqtigoodii ka dib dhacay.

 

Diyaarada ay raaci lahaayeen Xildhibaanada ayaa lagu amray inay cagaha ka qaado garoonka oo ay ka dhoofto, iyadoo diyaaradu ay bixday iyadoo in ka badan 40-kuraas ay faaruq yihiin.

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somali government rejects parliamentary electoral commission to travel.

HOL

Monday, May 09, 2011

 

35 honorable members of Parliament electoral commission of Somalia were rejected to travel from Aden Adde International Airport to abroad for some duties today, while 15 others of parliament members were stopped to fly for health conditions, as Honorable Khaalid told Hiiraan Online.

 

Members of the electoral commission of parliament were reported to be heading to one of the neighbouring countries to attend a workshop.The step to ban their travel was instructed by the president Sharif Sheikh Ahmed saying that no parliament member can leave the country in this circumstances.

 

"Parliament members were rejected to travell by Gen. Abdullahi Gafow Mohamud after receiving a letter from the interior ministry," one of the parliament members who was at the airport was quoted as saying .

 

Khalid also stated that they are at the airport waiting further instructions from the government to allow them to leave.

 

This incident comes after the electoral commission started the procedures to organize an election which is contradictory to the government decision to postpone elections until next year.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liban   

Loool. I like ur little twist to this piece of news. Don't try so hard, you won't be able to stop Shariif Sakiin from becoming the president of Somalia in August 2011. Don't worry though, he will give a job so you can write good things about him on this website. Like the website really really matters, loool. I will take my drivel away now, just wanted to wipe little bit on you. LOOOL, adiós.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Waxay u egtahay in meesha ay 2bo dowladood ka talinayaan:

a) Dowlada ku meel gaarka ah ee uu madax weeynaha u yahay Sh. Shariif Sh. Axmed

b) ??? "Dowlada uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan."

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba laakin saaxibow ku darso UNta nin u dhago nugul bey raban oo wax walba ka yeela hada waxba kamu aha haday so ciyaarsiyaan, Sakiin inu musuq masaq ku noolyahay cidna lo sheegi mayo inu wax cuno uun wala wada ogyahay suashu waxa weye how do expose him

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ee maanta loo diiday inay dalka ka dhoofaan ay doonayeen inay si sharci daro dalka uga baxaan.

 

Isagoo caawa wareysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu si cad ah u sheegay in isaga uu amray in Xildhibaanada la celiyo, maadaama uu sheegay in socdaalkooda ahaa mid aan waafaqsaneyn nidaamka dowliga iyo shuruucda sida uu hadalka u dhigay.

 

"Wasaarada Arrimaha Gudaha oo aan anigoo wasiirka ugu horeeyo ayaa si amar ah ugu wargelinayay Ciidamada Ammaanka inay u joojiyaan Xildhibaanada aanay ka dhoofi karin Garoonka"ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

 

C/shakiir ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay xor u yihiin inay dalka ka dhoofaan, hase ahaatee ujeedkooda uu ahaa Xildhibaano Gudi sheeganayay oo doonayay inay dalka si sharci daro uga baxaan.

 

"Gudi aan la ansixin oo aan shuruucda la waafajin sida Gudiyada kale ee Dastuurka iyo nidaamka Dowliga loo ansixiyay ayaan joojinay anaga, kuwaas sharci darada Gudigooda ahaa ayaan dib u celinay"ayuu lahjad kulul ku yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

 

Wasiirka ayaa xusay in cid kasta oo gaar ah oo shacab iyo Dowladda ka tirsan ay si sharci ah dalka uga dhoofi karaan, hase ahaatee tallaabadii maanta ayuu sheegay inay aheyd mid gaar ah oo lagu hor istaagay Gudi sharci daro ahaa.

 

Ilaa 40-meeyo Xildhibaan ayaa maanta is-hortaag lagu sameeyay, kuwaas oo ahaa Gudiga Doorashooyinka Baarlamaanka ee uu dhowaan magacaabay Shariif Xasan, waxaana is hor taagaas ka dhashay buuq iyo gacan ka hadal dhex maray Xildhibaanada iyo Ciidamada Ammaanka.

 

Arrintan ayaa ah mid sii horseedeysa khilaafka ka taagan Hey'adaha Dowladda, iyadoo tallaabada Wasaarada Arrimaha Gudaha qaaday ay tahay mid xasaasiyadeeda yeelan karta, taasi oo keeni karta inay dhacaan qalaan qal siyaasadeed iyo mid midi ku taag hor leh.

 

arrested%2B1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

No long ago Jengeli and Sh. Sharif were buddies, while Burci used to say Sakiin is traitor of the ".5 folks" who pretends to be from Baydoa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this