Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

President Siilaanyo's advisor for international relations visits South sudan Juba

Recommended Posts

Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Maxamed Rashiid Oo U Anbabaxay ka qaybgalka xaflada Madaxbanaanida Juba Suudaan

 

 

09/05/11-Hargaysa-(Bnn) - La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraafka Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, ayaa ka xog-warramay saamaynta socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo ku tegay waddamada Imaaraadka Carabta iyo Kuwait qaddiyadda aqoonsi-raadiska Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Dr. Maxamed-rashiid oo Warbaahinta uga warramayey shalay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in wefti culus oo ka socda dawladda Somaliland ka qaybgeli doono xafladda ku dhawaaqista madaxbannaanida Koonfurta Sudan, isaga oo tilmaamay in safarkii Madaxweynaha iyo weftigii uu ka midka ahaa ku tageen dalalka Carabta uu ahaa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Somaliland, isla markaana wax weyn ka beddeshay mowqifkii waddamada Carbeed hore uga haysteen madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo weliba soo dedejinta aqoonsi diblomaasiyadeed oo caalami ah.

 

“Safarkii Madaxweynuhu ku tegay waddamada Carabta wuxuu ahaa mid si weyn ugu duwanaa socdaalladii ka horreeyey, waayo waxa qiimo u yeelay oo dunida oo dhan indhaheeda si weyn u soo jeediyey doorashadii dimoqraadiga ahayd ee dalka ka dhacday 26kii June 2010, taas oo wax badan ka beddeshay aragtidii caalamku ka qabeen Somaliland, waxana taas markhaati cad u ah sidii qiimaha iyo karaamada lahayd ee Madaxweynaha loo soo dhoweeyey, gaar ahaan waddanka Kuwait oo Madaxweynaheenna loo dhigay roogga cas ee lagu qaabilo hoggaamiyeyaasha adduunka, iyadoo taasina tahay arrin aad u weyn oo qayb ka ah aqoonsiga Somaliland. Markaa runtii waxaan qabaa safarkaasi ahaa guul siyaasadeed oo Somaliland u soo hoyatay, waxaanay dalalkaas Carbeed ballanqaadeen inay innaga caawin doonaan dhinaca dhaqaalaha, sidoo kalena maalgashan doonaan dalka Somaliland.”

 

Waxa kaloo Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xasan uu ka hadlay mowqifkiisa ku wajahan aragtida dunida reer galbeedka ictiraafka Somaliland ugu riixaan dhinaca dalalka qaaradda Afrika, waxaannu aragtidaas ku sifeeyey mid aan macno weyn ku dhisnayn, una baahan in Somaliland si cad uga doodo.

 

“Aragtidaas waxaan u arkaa mid aan cilmi ku dhisnayn, waxaanan qabaa in arrintaas Somaliland si adag ugaga doodo fagaarayaasha adduunku isugu yimaad, sababta oo ah aqoonsiga Somaliland waa masiir shacbi aan cid gaar ah taageero uga baahnayn, balse caalamka oo dhan looga baahan yahay inay tixgeliyaan rabitaanka ummadda Somaliland ee ku aaddan qaddiyadda madaxbannaanidooda dalnimo.

 

Qodobka kale ee aadka muhiimka u ah waxa weeye in si adag loo daba galo go’aankii sannadkii 2005 weftigii ka socday Midowga Afrika ka soo saareen socdaalkii xaqiiqo-raadiska ahaa ee ay ku yimaaddeen Somaliland, arrintaas oo noqon karta furaha ugu muhiimsan ee Midowga Afrika looga dhaadhicin karo aqoonsiga Somaliland.

 

Waxa kaloo qorshaha noogu jirta in waddamada Afrika qudhooda laga galo ololaha la xidhiidha ictiraafka Somaliland, sida dalka Suudaan ee uu dhowaan ka go’ay dalka cusub ee Koonfurta Suudaan oo dhowaan loo caleemo-saari doono qaran madaxbannaan, iyadoo xafladda ku dhawaaqista xorriyadda Koonfurta Suudaan oo la filayo inay dhacdo 9 July 2011 ay ka qaybgeli doonaan wefti culus oo ka socda dawladda Somaliland. Sidoo kale, innagoo fursaddaas ka faa’iidaysanayna waa inaynu la hadalno dawladda Khartuum oo aynu u bandhigno rabitaanka Somaliland, welibana u sharraxno in qaddiyaddeennu aad uga qaro weyn tahay ta Koonfurta Suudaan. Markaa waxa loo baahan yahay in gacmaha lays wada qabsado oo wadajir loogu hawlgalo sidii Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd caalamka,” ayuu yidhi La-taliyuhu.

 

Mar la weydiiyey diyaargarowga ballaadhan ee gudo iyo dibadba loogu jiro weynaynta xuska maalinta qarannimada ee 18 May waxtarka ay u yeelan karto aqoonsi-raadiska Somaliland, waxa uu sheegay in munaasibadda 20-guurada madaxbannaanida Somaliland tahay fursad qaali ah looga faa’iidaysan karo ictiraaf rasmi ah, isla markaana adduunweynaha lagu tusayo rabitaanka shacabka Somaliland ee muddada 20ka sannadood ah caalamku dhegaha ka furaystay doonistooda.

 

Dr. Maxamed-rashiid waxa uu xusay inuu maalmaha soo socda u dhoofi doono dhinaca waddanka Ingiriiska oo uu xusay inuu hoggaamin doono isu-soo-baxyo aad u ballaadhan jaaliyadaha reer Somaliland ka dhigi doonaan daafaha adduunka, gaar ahaan dalka Britain oo uu sheegay inay noqon doonto xuddunta ugu weyn lagu muujin doono qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefti Culus oo ka Socda Dawladda Somaliland oo ka Qaybgeli Doona Xafladda Madaxbannaanida Koonfurta Suudaan

Maxamed-Rashiid-She.jpg

 

Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xasan oo xog-warramay socdaalkii Madaxweynaha ee Carabta iyo saamaynta aqoonsiga Somaliland

 

“Waa in si adag loo daba galo go’aankii sannadkii 2005 weftigii ka socday Midowga Afrika ka soo saareen socdaalkii xaqiiqo-raadiska ahaa ee ay ku yimaaddeen Somaliland”

 

 

 

 

“Aragtidaas waxaan u arkaa mid aan cilmi ku dhisnayn.. Aqoonsiga Somaliland waa masiir shacbi aan cid gaar ah taageero uga baahnayn, balse…”

 

 

Waraysi khaas ah - La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraaf-raadinta Somaliland

 

 

Hargeysa (Jam)- La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraafka Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, ayaa ka xog-warramay saamaynta socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo ku tegay waddamada Imaaraadka Carabta iyo Kuwait qaddiyadda aqoonsi-raadiska Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Dr. Maxamed-rashiid oo Jamhuuriya ugu warramayey shalay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in wefti culus oo ka socda dawladda Somaliland ka qaybgeli doono xafladda ku dhawaaqista madaxbannaanida Koonfurta Sudan, isaga oo tilmaamay in safarkii Madaxweynaha iyo weftigii uu ka midka ahaa ku tageen dalalka Carabta uu ahaa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Somaliland, isla markaana wax weyn ka beddeshay mowqifkii waddamada Carbeed hore uga haysteen madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo weliba soo dedejinta aqoonsi diblomaasiyadeed oo caalami ah.

 

 

“Safarkii Madaxweynuhu ku tegay waddamada Carabta wuxuu ahaa mid si weyn ugu duwanaa socdaalladii ka horreeyey, waayo waxa qiimo u yeelay oo dunida oo dhan indhaheeda si weyn u soo jeediyey doorashadii dimoqraadiga ahayd ee dalka ka dhacday 26kii June 2010, taas oo wax badan ka beddeshay aragtidii caalamku ka qabeen Somaliland, waxana taas markhaati cad u ah sidii qiimaha iyo karaamada lahayd ee Madaxweynaha loo soo dhoweeyey, gaar ahaan waddanka Kuwait oo Madaxweynaheenna loo dhigay roogga cas ee lagu qaabilo hoggaamiyeyaasha adduunka, iyadoo taasina tahay arrin aad u weyn oo qayb ka ah aqoonsiga Somaliland. Markaa runtii waxaan qabaa safarkaasi ahaa guul siyaasadeed oo Somaliland u soo hoyatay, waxaanay dalalkaas Carbeed ballanqaadeen inay innaga caawin doonaan dhinaca dhaqaalaha, sidoo kalena maalgashan doonaan dalka Somaliland.”

 

 

Waxa kaloo Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xasan uu ka hadlay mowqifkiisa ku wajahan aragtida dunida reer galbeedka ictiraafka Somaliland ugu riixaan dhinaca dalalka qaaradda Afrika, waxaannu aragtidaas ku sifeeyey mid aan macno weyn ku dhisnayn, una baahan in Somaliland si cad uga doodo.

 

 

“Aragtidaas waxaan u arkaa mid aan cilmi ku dhisnayn, waxaanan qabaa in arrintaas Somaliland si adag ugaga doodo fagaarayaasha adduunku isugu yimaad, sababta oo ah aqoonsiga Somaliland waa masiir shacbi aan cid gaar ah taageero uga baahnayn, balse caalamka oo dhan looga baahan yahay inay tixgeliyaan rabitaanka ummadda Somaliland ee ku aaddan qaddiyadda madaxbannaanidooda dalnimo.

 

 

Qodobka kale ee aadka muhiimka u ah waxa weeye in si adag loo daba galo go’aankii sannadkii 2005 weftigii ka socday Midowga Afrika ka soo saareen socdaalkii xaqiiqo-raadiska ahaa ee ay ku yimaaddeen Somaliland, arrintaas oo noqon karta furaha ugu muhiimsan ee Midowga Afrika looga dhaadhicin karo aqoonsiga Somaliland.

 

 

Waxa kaloo qorshaha noogu jirta in waddamada Afrika qudhooda laga galo ololaha la xidhiidha ictiraafka Somaliland, sida dalka Suudaan ee uu dhowaan ka go’ay dalka cusub ee Koonfurta Suudaan oo dhowaan loo caleemo-saari doono qaran madaxbannaan, iyadoo xafladda ku dhawaaqista xorriyadda Koonfurta Suudaan oo la filayo inay dhacdo 9 July 2011 ay ka qaybgeli doonaan wefti culus oo ka socda dawladda Somaliland. Sidoo kale, innagoo fursaddaas ka faa’iidaysanayna waa inaynu la hadalno dawladda Khartuum oo aynu u bandhigno rabitaanka Somaliland, welibana u sharraxno in qaddiyaddeennu aad uga qaro weyn tahay ta Koonfurta Suudaan. Markaa waxa loo baahan yahay in gacmaha lays wada qabsado oo wadajir loogu hawlgalo sidii Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd caalamka,” ayuu yidhi La-taliyuhu.

 

 

Mar la weydiiyey diyaargarowga ballaadhan ee gudo iyo dibadba loogu jiro weynaynta xuska maalinta qarannimada ee 18 May waxtarka ay u yeelan karto aqoonsi-raadiska Somaliland, waxa uu sheegay in munaasibadda 20-guurada madaxbannaanida Somaliland tahay fursad qaali ah looga faa’iidaysan karo ictiraaf rasmi ah, isla markaana adduunweynaha lagu tusayo rabitaanka shacabka Somaliland ee muddada 20ka sannadood ah caalamku dhegaha ka furaystay doonistooda.

 

 

Dr. Maxamed-rashiid waxa uu xusay inuu maalmaha soo socda u dhoofi doono dhinaca waddanka Ingiriiska oo uu xusay inuu hoggaamin doono isu-soo-baxyo aad u ballaadhan jaaliyadaha reer Somaliland ka dhigi doonaan daafaha adduunka, gaar ahaan dalka Britain oo uu sheegay inay noqon doonto xuddunta ugu weyn lagu muujin doono qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this