Sign in to follow this  
Saalax

Ciidamada Amaanka Ee Magaalada Laascaanood Oo Xidhay Sheekh Ka Mida Culimada Magaca Leh Ee Magaalada

Recommended Posts

Saalax   

Ciidamada Amaanka Ee Magaalada Laascaanood Oo Xidhay Sheekh Ka Mida Culimada Magaca Leh Ee Magaalada Oo La Tuhunsanyahay Inuu Xidhiidh La Leeyahay Falaagada SSC-da

 

Laascaanood (Ramaas)May. 1, 2011- Ciidamada amaanka ee Magaalada Laascaanooda ayaa xalay xabsiga u taxaabay Sheekh lagu magacaabo Sheekh Mubaarak Xasan Faarax oo lagu tuhunsanyahay in uu xidhiidh la leeyahay kooxda falaagada ah ee SSC-da oo la aaminsanyahay in ay ka dambayso weerarada ka dhacaya Magaalada.

 

Wadaadkan ayaa la sheegay in uu ahaa nin qurba joog ah oo dhawaan ka soo laabtay wadamada reer Galbeedka oo uu ku noolaa, iyada oo sida ay wararka sheegayaan uu uu cilaaqaad qoto dheer la lahaa Kooxda SSC-da, isla markaana uu maalgaliyay weerarada lala beegsado madaxda gobolka iyo saraakiisha ciidamada.

 

Sheekh Mubaarak waxa lagu eedaynayaa in uu lacago badan falaagada uga soo uruuriyay qurba jooga deegaanada Sool iyo Buhoodle oo door muhiim kaga jira jiritaanka kooxdaas, waxaana uu ahaa xidhiidhiyaha qurba jooga iyo falaagada ka dagaalanta gudaha oo fuliyay hawgalo lagu dilay saraakiil tiro badan, .

 

Ciidamada amaanku waxa ay wali su’aalo waydiinayaan ninkan si ay u xaqiijiyeen kaalinta uu kaga jiro rabshadaha hada ka socda Magaalada Laascaanood.

 

Sheekh Mubaarak oo madax ka ah koox fulinaysa dhismaha buundo laga dhisayo Koonfurta Magaaladaa Laascaanood oo la yidhaahdo Waqidara, ayaan la ogayn waxa sababay in uu qayb ka ahaado qulqulatooyinka lagu kha-khalinayo amaanka Magaalada uu ka soo jeedo

 

 

 

 

 

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saalax;716509 wrote:
Ciidamada Amaanka Ee Magaalada Laascaanood Oo Xidhay
Sheekh Ka Mida Culimada Magaca Leh Ee Magaalada
Oo La Tuhunsanyahay Inuu Xidhiidh La Leeyahay Falaagada SSC-da

 

Laascaanood (Ramaas)May. 1, 2011- Ciidamada amaanka ee Magaalada Laascaanooda ayaa xalay xabsiga u taxaabay Sheekh lagu magacaabo Sheekh Mubaarak Xasan Faarax oo lagu tuhunsanyahay in uu xidhiidh la leeyahay kooxda falaagada ah ee SSC-da oo la aaminsanyahay in ay ka dambayso weerarada ka dhacaya Magaalada.

 

Wadaadkan ayaa la sheegay in uu ahaa nin qurba joog ah
oo dhawaan ka soo laabtay wadamada reer Galbeedka oo uu ku noolaa,

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Toban Qof Oo Ay Ciidamada Aamaanka Ee Magaalada Laascaanood Ay Ku Soo Qabteen Hawlgal Ay Ka Fuliyeen Xaafadaha Magaalada Iyo Dadka Oo Cabasho Ka Muujiyay Baadhitaanada Socda.

 

 

 

Laascaanood (Ramaas) May 03, 2011 - Ciidamada amaanka ee Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa illaa toban qof ku soo qabtay hawlgalo ay ka wadeen Magaalada afar iyo labaatankii saacadood ee u dambeeyay, iyaga oo xoog ku galay guryo ku yaala xaafadaha qaarkood, dadka la qabtay ayaa intooda badani ka soo jeeda Koonfurta dalka Soomaaliya oo ah qaxoonti ka soo barakacay dalkaas.

 

Hawlgalka baadhitaan ee ay wadaan ciidamadu ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay Magaalada Laascaanood ka dhaceen shirqoolo xidhiidhsan oo lala beegsaday siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan, iyada oo ay ku nafwaayeen weeraradan dad badan halka ay qaar kalena ay ka soo gaadheen dhaawacyo culusi.

 

Dad goob joog ah ayaa sheegay in xaafadaha Magaalada lagu arkay baabuurta gaashaaman ee ciidamada oo gaaf-wareegaya, kuwaas oo cabsi ku abuuray shacabka, waxaana ay askartu xoog ku galeen guryaha qaarkood oo ay kala baxeen rag lagu tuhusan yahay in ay ku lug lahaayeen rabshadihii dhacay oo aan la ogayn halka lagu hayo.

 

Ciidamada amaanka waxa ay sii xoojiyeen hawlgalo ay dadka intooda badani u arkaan qaar ma dhalays ah oo aan lagu qaban dadka weerarada ka fuliya Magaalada oo si caadiya ugu nool Laascaanood, kuwaas oo aan wax cabsi ah ka qaban ciidamada tirada badan ee waardiyayna xaafadaha.

 

 

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this