Xaaji Xunjuf

Somaliland remembers the late president Muxammad xaji ibrahim cigaal Father of the nation

Recommended Posts

17238_297102706157_39693996157_3571247_7

 

 

Sannad-guuradii 9aad ee ka soo Wareegtay Geeridii Marxuum Cigaal iyo Xusas la Filayo in loo Sameeyo

Tue 03rd May,2011

Hargeysa (Jam)- Sannad guuradii 9-aad ee ka soo wareegtay geeridii Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo 3-dii May sanadkii 2002-dii ku geeriyooday cusbitaal milatari oo ku yaala magaalada Prirtoriya ee wadanka Koonfurta Afrika, ayaa ku beegan salaasadda maanta iyada oo la filayo in loo qabto xusas loogu ducaynayo marxuumka, isla markaana lagu soo bandhigi doono taariikhdiisa iyo yagleelida qaranimada Somaliland oo uu isagu aabo u ahaa.

 

Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo 6 May 2002 aas qaran loogu sameeyey magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa halyey geesi ah oo ka baxay Somaliland iyo guud ahaanba mandaqada Geeska Afrika, iyada oo tododbaadadii u dambeeyey la dareemayey qabanqaabo loogu jiro sidii xus ballaadhan loogu samayn lahaa marxuumka, xuskaasi oo la sheegay inay qabanqaabadiisa wadaan marwadii uu ka geeriyooday ee Marwo Kaltuun Xaaji Daahir iyo xubno kale oo isugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin iyo mujaahidiin dalka iyo dadkaba magac ku leh.

 

 

Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa lagu tilmaamaa Aabihii seeska dawladnimada u dhigay Qaranka Somaliland muddadii Jagada Madaxweynaha loogu soo doortay shirkii magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal lagu qabtay sannadkii 1993.

 

 

Waxayna dad badani aaminsan yihiin in marxuum Cigaal ahaa xuduntii isku xidhay qaybaha kala duwan ee bulshooyinka ku dhaqan guud ahaanba Somaliland, marka la eego hub-ka-dhigistii uu ku sameeyey maleeshiyooyinkii dalka ka jira, aasaaskii ciidammada qaranka, asluubta iyo booliska, samaynta lacagta Shillinka Somaliland, baasaaboorka Somaliland, samaynta dastuurka iyo aftidii lagu ansixiyey, sees u dhigidii hannaanka siyaasada xisbiyada badan ee Somaliland ka hannoqaaday, xisbiyada siyaasada iyo doorashooyinkii dalka ka qabsoomay.

 

 

Allaah ha u naxariistii marxuum Cigaal waxa uu ahaa halyey si gaar ah ugu suntannaan doona taariikhda Somaliland, iyada oo shalayna marwadii uu ka baxay Kaltuun Xaaji Daahir tagtay qabriga uu ku aasan yahay ee magaalada Berbera, iyada oo u soo ducaysay, isla markaana Illaahay uga bariday inuu marxuumka jannooyinkiisa Farduusa ka waraabiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

May 3rd, 2011 , sannad guuradii 9-aad ee geeridii Aabihii Jamhuuriyadda SL, marxuum M.I.Cigaal

 

Written by Mohamed Ali Muse

May 03, 2011 at 05:59 AM

May 3rd, 2011 , sannad guuradii 9-aad ee geeridii Aabihii Jamhuuriyadda Somaliland, marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, ha loo aqoonsado maalin Qaran

 

 

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaanan Allaha weyn idiinka baryayaa , inuu idinka yeelo kuwii if iyo aakhiraba liibaana, xaqana u hiiliya, baadilka iyo dulmigana ka fogaada.

 

Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,Ilaahay naxariistii Janno Fardawsa ha ka waraabiye,wuxuu ahaa shaqsi aan weli soo marin taariikhda dhammaan dadka af Somaliga ku hadlla,magaciisana sharaf ,qadarrin iyo karaamo huwan yahay.Wuxuu ahaa Siyaasi ruug caddaa ah,si weynna looga qadariyo mandaqadda Geeska Afrika iyo caalamkaba. Marxuum Cigaal (AHUN),wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland,gacantiisana ku soo sexeexay xornimadeenii, June 26,1960 kii. Inkastoo laab la kac aan macnno ku dhisneyn, hanfade nimo ,fudayd , talo la'aan,ca adifad iyo waxaan meeqaan dhaamin, ay sabab u noqotay in aan maalmo yar ka dib gacateenna ku sad qaynno

Qaranimadeenii.

 

Marxuum Cigaal (AHUN), 1993 kii,ayuu mar labaad madaxweyen ka noqday Somaliland,waqtigaasi Dalka iyo dadkuba waxay ku sugnaayeen xaalad aad u adag,jihadaad u jeedsatana ay ka soo yeedhayso dhiillo colaadeed,amni darro ,is aaminid la'aan ,geyigana dhammantii ka muuqato burburkii,xasuuqii iyo nabaradii ay Daalimintii Huwantu iyo kaba qaadkoodii inoo geysteen. Marxuum Cigaal (AHUN), isagoo hawshaa baaxaddaa leh u muuqato,oo aan Dawlado iyo kaalmo shisheeye toona gacanta cidnna hoos dhigan,ayuu ku guuleystay inuu shacabkii boggooda burcad isku mariyo,walaaleeyo ,hannaan dawladnimo iyo kala danbeynna u yag leelo ,seeskana u qotamiyo.

 

 

Anigu waxaan qabaa , in marxuum Cigaal, Aabihii Jamhuuriyadda Somaliland,lagu maamuuso,lagu qadariyo , lagu sharfo , dhaxalkii iyo wanaaggaa uu inooga tagay , ee maanta Somaliland heerkaa ku soo gaadhay.Maanta,May 3rd,2011,oo ah sannad guuradii 9-aad,ee maalintii uu geeriyooday marxuum Cigaal, waa in loo aqoon sado maalin Qaran,oo shaqada laga nasto,loo duceeyo, laguna xasuusto.

 

Inkastoo aan qalin iyo buug, aan lagu soo koobi karayn waxtarkiisii iyo wax qabad kiisii,bal aan dhowr shay

ka tilmaammo:

 

 

• Sameyntii Dastuurka Somaliland

• Sameyntii Calanka

• Sameyntii ciidanka Qaranka

• Hub ka dhigistii Beelaha

• Nabadayntii Beelaha

• Dib u dhiskii Dalka

• Sameyntii lacagta Somaliland

• Sameyntii Baasboorka Somaliland

• Sameyntii hannaanka Dawladnimo

• iyo kuwo kale oo badan

 

May 3,2002, oo ah maalintii marxuum Cigaal,ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada Pretoriya ee Dalka Koonfurt Afrika,waxay ahayd maalin madaw, murugo leh ,naxdin iyo dhiillana u soo hoyatay dhammaan inta jecel jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland.Walaw ay adag tahay in qoraal lagu sifeeyo sida uu ahaa dareenka Somalilandersku meel ay maalintaa joogeenbba, bal waxaan isku dayi inaan idinku maansheeyo Gabay baroor diiq ah,oo uu maalintaa tiriyey Gabayaaga weyn , Cabdiraxman Cumar Cashuur, Ilaahay magaciise ha daayee.

 

 

Waxaanu yidhi:

 

Rashiidaw nin dookh leh baa,araartu deeqdaaye

Da'dii ugu fil roonow,adigaan daadin dhaqan kiiye

Adigaan dariiqii ka lumin , daahirka ahaaye

Anbba kuuma leexdeen,haddaad dhuuni raac tahaye,

Waxaan kuu doortay ,daacaddaad tahaye

Dabuub tayda maqal,waayahaan kuu dul mara yaaye

 

Dadku nimuu jecleystaba, wad baan laga difaacaynne

Danbaa burada dhiiladu,markay degelka soo gaadhay

Sidii Danab onkoday,baa mar qudha laysku soo didaye

Doorbba kaad ku raysaa , waqtigu kaa dallacayaaye

Duul duulka wararka,dhaguhu maqalka diideenne

Iska daa rag maan doorsoomay,iyo dumar baroortiiye

Darbiyadii dhisnaa baan ka baqay,inay dillaacaane

 

Difnna Caalin waa awgayoo,laydhka oo damaye

Dayax lagu maraa buu ahaa, dawga buuraha'e

Waa deeq , aqoontiyo cilmiga u yaroo,

Waana dabaqad aadmiga,sidaa daaimku u dhigay

Darajada shaqsiga,maal mahaa daabaca'e

Daddan beel nabadduu ahaa, daawo loo liqo

 

Inkastoo nin Diricii ka madhan,degelka guudkiisa

 

Toban hal uu haldoor u ahaa, baan abdi i deyneyn

Dal bur buray ,dabkii iyo saanad guntiga lagu haysto

Isagoon dagaal kala hor tagin,duunyana u qaybin,

Deg degguu u soo hoyn jiray, baan abdi u deyneyn

Dugub qiiqay,duul muran dhex maray ,Dirir la heenseeyey

Darmadiisa kiiyoon ka kicin,dunida u qayshan

Dilka siduu u kala baajin jiray, baan abid i deyneyn

 

 

Doc wareenka ceebta iyo af xumada daadifada uunka

Kama dixin dixoon jirin , markay kula dulaamaane

Dulqaadku bulshada kula socday,ayaan abid i deyneyn

Nin u darran,dadaalnna ugu jira,dabin qoolkiisa

Isagoon dareensiin,inuu daaqsin ka horreeyo,

Siduu darrabta ugu loogi jiray,baan abid i deyneyn

Nimuu daajiyaba,maalintuu dib ugu soo jeesto

Sidii dawli Aar weyn,markuu daaladaha muujo

Daymadii Libaaxuu lahaa ,baan abid i deyneyn

 

 

Duco qabe,dagaal hoose,duullaan badheedhe

Dawladiyo kooxo,colbba halkuu ka soo degey

Markuu diiradda u saaro,difaacuu kuwad quusin

Jiray,ayaa abid i deyneyn

Dacwad murugtay,dood iyo odhaah,rag isku dooyeystay

Ninbba docuu ka qaadaba,markay diilinti adkaato

Xigmaddiisii lagu doogsan jiray,baan abid i deyneyn

 

 

Qudbad loo diyaar yahay,markuu hadalka deeqsiiyo

Diiwaanka waayaha,markuu daaha uga faydo

Daliilkuu u soo qaadan jiray,baan abid i deyneyn

Hadal dabacsan,tix gelin ,deeqsinimo taam ah

Qof dul tagay ,madhnaan kagama noqon duunka abidkiiye

Sidii Diinta ugu hiilin jiray,baan abid i deyneyn

 

 

Cid kastaba dacaami in la odhan, mawdka dacartiisa

Naftuun baa didaye,xaq ku yimid igama daahneyne,

Dan baabnna uma jeedee,haddii deelku ila baydho

Adigaa dul qaad lehee,Rabbiyaw daymo naxariisa

Isagana Ducaa naal gudbboon ,inaan u deeqnaa

Dabnni iyo quluub wada jira,ayaan ugu diraynaa

Inuu Daaimki innaga aqbalo,dagalka soo jeestoo

 

 

Inta shay dareen lehee socdaa, iyo daafid iyo jayga

Waxa daar iyo geed qotoma ama dulqaad jiifa

Qudhaanjada digaaftiyo,intii garab lahee duusha

Naxariis Dareemada ka badan,doogga & ciidda

Inta uu Quraan Sheekh darsaa,dunida sii joogo

Ama subax mid daakiray,Salaad duubyada maydho

Cisi ugu diyaafadee,adaa deeq u saaxibada'e

 

 

Annagana intii lagu daray,ee Nabiga daawysta

Ee aan dariiqada ka lumin,Daaimaw naga dhig

Balaayada Rabbaw naga dabbaal,lala digleynaayo

Afartaba maan deel qaafine,daw ma qabad siiyey

 

 

* * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * * *

 

Geeridu waa xaq,waana hubaal in naf walbbana ay maalinteeda dha dhamin doonto mawdka,waxaase xaqiiqo ah, biyo kama dhibcaan ah, in shaqsigii Dalkiisa iyo dadkiisa waxtar,wanaag iyo dhaxal loo aayo uga tagaa , inaanu magaciisu dhiman doonin , nool yahaynna inta adduunka korkiisa la sii joogo , lana xasuusan doono,loona duceyn doono.

 

 

Waxaan soo jeedinayaa,in Bisha May 3rd,2011,oo ah sannad guuradii 9-aad ,ee geeridii Aabihii Jamhuuriyadda Somaliland,marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,loo aqoonsado maalin QARAN , oo shaqada laga nasto, loo duceeyo, lana xasuusto.

 

Waxaan ku soo af meerayaa qalinkayga, Allahayaw adaa awood lehe ,waxaan kaa baryayaa inaad marxuumka danbi dhaaf u fidiso ,qabriga u nuurto , u waasiciso , neecaw udgooniyo , ku siiso naruuro , janno Fardawsana ku abaal mariso,

Aamiin , Aamiin, Aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Berbera: Xuska Loo Sammeeyay Sannad-guurada Sagaalaad ee Marxuum Cigaal iyo Waxyaabihii Laga Yidhi Shakhsiyadiisa

 

Berbera, -(Berberanews)- Xuska Sannad-guurada sagaalaad ee ka soo wareegtay geerida madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal,ayaa laba munaasibad ay iska kaashadeen shebekadda Berberanews iyo Ururka Dhallinyaradda Somedo xalay lagu qabtay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

 

 

Munaasibad-xusuuseedka waxa ka soo qaybagalay Badhasaab-ku-xigeenka Saaxil Kahadar Cali Cimi, Maayar-ku-xigeenka Berbera Cabdi Jaamaca Faduul, Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, Xildhibaan Dayib Xasan Boobe, Agaasimaha Haamaha Shidaalka Berbera Dr. Shiine Cabdi Barkhadle, Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Saleebaan, masuulliyin kale iyo dhalinyaro tiro badan.

 

Madaxda iyo masuulliyiinta munaasibada ka hadlay waxa ka warbixiyeen waxyaabaha ay ka xasuustaan shakhsiyada Marxuum Cigaal iyo sida uu qiimaha ugu leeyahay guud ahaan shacabka Somaliland.

 

Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Deegaanka Berbera Cabdi Jaamac Faduul, ayaa u mahadnaqay qabanqaabiyayaasha xuskan, waxaannu sifo ka bixiyay shakhsiyaddii Marxuum Cigaal, “Waxaan halkan mahad ballaadhan uga dirayaa shebekadda Berberanews iyo SOMEDO xuska aad sammayseen waxaan u arkaa waajibaad aad gudateen, maadaama uu Cigaal ahaa halyaya inagu qaali ah.

 

“Marxuum Cigaal wuxuu muddo badan ka soo shaqaynaya sidii umadani u noqon lahayd mid dhisan, Marxuum Cigaal wuxu ahaa ahaa ninkii abuuray Somaliland, taariikhda adduunka buuga Enyclopidea waa laga helayaa, wuxuu hormood u ahaa dadkii dagaalka badan u soo galay xoriyadii ingiriiska aynu ka qaadanay 60kii, kaasoo maal, naf iyo moodba u huray, aduunkiisii wuxuu ku baxay xornimada Somaliland.

 

Marxuum Cigaal 1960kii wuxuu ahaa ninkii boqorada Ingiriiska ka soo saxeexay xornimada Somaliland, isagoo ay xubno kale oo reer Somaliland ahi weheliyeen. Marxuum Cigaal aragtidiisu waxay ahayd inaynu gaadhno xornimmo buuxda oo dhinacyada dhaqaalaha, iyo siyaasada iyo in qof kasta oo Somaliland uu helo waxbarasho, caafimaad, tacliin iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

 

Qofkasta oo ummadiisa iyo dalkiisa u soo halgamay wuxuu xaq u leeyahay in xus loo sammeeyo, qolada xuskan sammaysayna way mahadsanyihiin.” Ayuu yidhi Guddoomiyeku-xigeenka Golaha Deegaanka Berbera.

 

 

 

Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna maamulaha Jaamacadda Gollis Berbera, ayaa sheegay inaanay Somaliland jirteen haddii aanu Marxuum Cigaal aanu joogeen, “Somaliland 21-ka sanno ee ay madaxa la gashay ma jirteen hadii aanu marxuum Cigaal dalka ku soo noqon lahayn 1993kii, isagaana lagu tilmaamaa aabihii Somaliland.”

 

Xildhibaan Naasir waxa uu ka hadlay waxyaabaha uu ku xasuusto Marxuumka, “1993kii markii la fadhiyay Boorame, ayaa wefti uu hogaaminayo Marxuum Cigaal laga magacaabay gobollada loo diray Addis Ababa , halkaasoo ay ku shirayeen kooxihii kala duwanaa ee faraha badnaa ee wixii Somalia laysku dodhan jiray magacooda huwanaa,ayaa markii weftigu gaadhay, ayaa dadkii ka soo qaybgalay waxay qaadeen heestii calanka “Soomaaliyeey tooso, Soomlaaiyeey” markii heestii dhammaatay ayuu Cigaal yidhi ‘heestani halkii ay naga damqi jirtay waanu ka bogsanay’ maalintaasay nin kasta u cadaatay inaanay Somaliland sidii hore ahayn ee ay dhabada cagta saartay.”

 

Waxaan xusuustaa wakhtiyadii dagaalada sokeeye daba dheeraadeen, ayuu Marxuum Cigaal khudbad uu jeediyay, gaar ahaan isagoo la hadlayay raggii qoodha isu haystay wuxuu ku yidhi ‘Waar miyaa naga nala kicinayseen, mise waa naga kacsanayseen?’ taasoo uu ula jeeday nidaamkii xummaa ee ******ta.” Ayuu yidhi xildhibaanku.

 

 

 

Agaasimaha Haamaha Shiidaalka Berbera Dr. Cismaan Cabdi Barkhadle (Shiine), ayaa ka sheekeeyay halgankii dheeraa ee Marxuum Cigaal u soo maray xornimada Somaliland iyo sidii uu uga shaqeeyay dhismaha haykalka dawladnimmo iyo nabadgelyada ka tisqaaday Somaliland. “Waa geesi, waa halgamaa ka baxay Somaliland.” Ayuu yidhi waxaannu agaasimuhu intaa raaciyay,“ Anigoo u mahadcelinaya dhallinyarada soo qabanqaabisay xuskan, waxaanse jeclaa in madaxdii u sarrasay gobolku ay joogaan oo ka soo qaybgalaan.”

 

Isu-duwaha Wasaaradad Diinta iyo Aw-qafta Gobolka Saaxil Sheekh Suleymaan Siciid oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay waxqabad warbaahintu la timaado, iyadoo laga cawdo, waxaannu yidhi, “Qolyaha warbaahinta waa laga qaylin jiraye mar haddii ay wax qabteen waxaan leeyahay waa wax lagu farxo.Marxuum Cigaal waa halyay reer Somaliland ah,marka labaadna waa halyay gobolka Saaxil ee uu ku aasanyahay ka soo jeeda, qiimaha iyo qaayaha Ilaahay siiyay ayuu ka mid yahay.”

 

Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi, ayaa isaguna ka xogwaramay aas-aaskii shebekadda iyo cida fikirkeeda lahayd,“Shebekadda Berbera oo la aas-aasay July 2008 waxa fikirkeeda dhaliyay dhallinyaro ka soo jeeda gobolka Saaxil oo jaamacadaha dhigata, kuwaasoo ka damqaday duruufaha warbaahin la’aaneed ee gobolka ka taagnaa, maadaama aanay dadweynaha gobolku haysan madal warbaahineed oo ay rayigooda ku cabiraan, kuna soo bandhigaan baahiyahooda, islamarkaana isku xidh u noqota qurbojooga Saaxil sidii ay kaalmo uga geysan lahaaeen horumarintiisa.”

 

Tifatiruhu waxa uu ayaan-daro ku tilmaamay in madaxda gobolka Saaxil ka gaabiyaan xuska Marxuum Cigaal, waxaannu yidhi, “Marka laga hadlayo Marxuum Cigaal, anigu taariikh badan kama hayo, waayo nin dhallinyaro ah baan ahay oo waa layga badiyaa, laakiin waxaan ku sifayn karaa inuu yahay aabihii iyo aas-aasihii Somaliland, nasiib daro-se madaxda Gobolka Saaxil iyo Somaliland oo dhami way ilaabeen abaalkii uu Marxuum Cigaal ku lahaa looma gudin, madaxda Saaxil waxay masuulliyadi ka saarantahay inay hormood ka niqdaan xusaska aabihii Somaliland.”

 

Maxamed Xarrago waxa uu ka hadlay waxyaabaha ka hirgalay ujeedooyinka loo aas-aasay shebekadda “Maxaa ka hirgalay asbaabihii aanu u aas-aasnay? Waxaannu kor u qaadnay codkii bulshada Saaxil oo aanu meelkasta gaadhsiinay, waxa kale oo aanu suurtagelinay cilmi-baadhisyo aanu ugu kuurgalnay xaaladda Gobolka Saaxil oo aanu warbixinno iyo filimi documentary ah ka sammaynay, soona bandhignay.”

 

 

 

Guddoomiyaha Ururka dhallinyarada SOMEDO Mubaarig Cismaan Yusuf, ayaa isaguna “Xuskan waxa soo qada qabanqaabiyay Ururka dhallinyarada SOMEDO iyo shebakadda Berberanews oo uu inagala joogo titatiraha Maxamed Xarrago oo dedaalka ugu badan iyo hawsha badankeeda lahaa.

 

Guddoomiyaha SOMEDO waxa uu sheegay in ururkan oo xaruntiisu tahay Berbera ay ku bahoobeen dhallinyaro fara badan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan dhinaca waxbarashada oo ay tartanno waxbarasho oo badan ka fuliyeen Berbera.”

 

 

 

Mubaarig waxa uu ka hadlay waxyaabaha ku dhaliyay firikan, “Markii aanu aragnay inaanay jirin wax dhaqdhaqaaqyo ah oo loogu diyaargaroobayo xuska sannadguurada sagaalaad ee Madaxweynaheenii hore, annagoo la kaashanayna shebekadda Berbera news waxaannu qabanay koob ay ku tartameen laba tiim oo Berbera ka dhisan, waxaana mudan in haldoorkeena la karaameeyo, maadaama Cigaal ahaa halyay qarankani lahaa.” Ayuu yidhi Mubaarig.

 

Gebogebadii xuskan Badhasaab ku xigeenka Gobolka Saaxil Kahadar Cali Cimi,iyo Isu-duwaha Ciyaaraha Shaafici Jaamac Aadan ayaa Koob ay ay iska kaashadeen Berberanews iyo SOMEDO oo ciyaar kubada cagta ah oo lagu xusayay maxrxuum Cigaal guddoonsiiyay Kooxda Dawladda Hoose ee 2-1 kaga badisay Kooxda Marines-ka oo shalay galab ciyaar dadweyne fara badani ka sooqaybgaleen daawashadeeda ku dhexmartay Garoonka Kubadda Cagta Bursade.

Share this post


Link to post
Share on other sites

AUN. His glory days were as a PM of Somalia. Insha Allah, the wannabe breakaway region will not tarnish his good name by succeeding in dismembering Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muhammad Haji Ibrahim Egal was the prime minister of the state of Somaliland Chairman of the SNL party leading the delegation From Somaliland Which led to the union of the State of Somaliland and Somalia in 1960. He later became the Prime minister of the short lived Somali republic For two years. But his legacy will be that of Somaliland the longest serving president of Somaliland from 1993 till 2002.

 

President Maxamamd xaaji ibrahim cigaal will be remembered for creating the Somaliland constitution and all the government institutions disarming all the clans and clan factions and creating Ciidanka qaranka the Somaliland National army and police force and intelligence service. Holding clan meetings with all the clan chiefs of Somaliland , which let to the outcome when he created the Somaliland house of lords or Guurti.president cigaal also successfully he managed to establish bilataral trade with foreign countries and he also introduced the Somaliland Shillings. currency of Somaliland and the Somaliland passport. Creating the Somaliland 3 political party system in 2001, President cigaal put all his energy in Somaliland in his 9 years reign. a real statesmen indeed.His legacy will live on

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Peace Action;717013 wrote:
AUN. His glory days were as a PM of Somalia. Insha Allah, the wannabe breakaway region will not tarnish his good name by succeeding in dismembering Somalia.

No doubt!

 

He later became the Prime minister of the short lived Somali republic For two years. But his legacy will be that of Somaliland the longest serving president of Somaliland from 1993 till 2002.

The ironic part about what Xaaji wrote is that the majority of the pics that he posted of Egal (AUN) was when he was Prime Minister of Somalia. Even more so, the most impressive pics of him were that of Prime minister of Somalia in this thread.

 

If his legacy is that of 9 years as NW Somalia's president as you say, than why is this thread dominated with pics from his 2 years as PM of Somalia???

 

It appears PeaceAction is correct and your pics prove it!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Actually 4 pictures was when he was the prime minister of the state of Somaliland

and the other 4 Pictures were when he was the prime minister of the Somali republic.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Actually 4 pictures was when he was the prime minister of the state of Somaliland

and the other 4 Pictures were when he was the prime minister of the Somali republic.

4+4=8 and there are 15 pics there?? :confused:

 

Wow, now you are resorted to fabricating about things that are right in the open??? Seriously with all due respect, Xaaji do you have no shame when it comes to making things up?

 

 

So yes, you claim that his legacy is that of NW Somali's PM but your posted more Pics of him as Somalia's PM.

 

(I can't believe you'll try and make something up when the evidence is right here on the thread)

 

Forget about the pics with captions that show him in the U.S and Germany lets look at the others!!

 

For instance these pics are of him in the U.S, as Prime Minister of Somalia....(look on the table of a small statue head of Abraham Lincoln on the table)

 

Egal6.jpg

 

n534660609_2595740_9638.jpg

 

This is the caption for the bottom picture

 

African Leadeers Seated At Conference

Original caption: 2/20/1969-Nairobi, Kenya- Presidents Kenneth Kaunda of Zambia (L) and Jomo Kenyatta of Kenya © are shown with
Prime Minister Mohamed Ibrahim Egal of Somalia
on the arrival of the two visiting African leaders to Nairobi for talks on the Kenya-Somalia border question.

23546_381899518491_254181163491_3968076_

 

or this one

 

The 1967 East and Central African Leader Summit, in Kampala, Uganda, brought together a number of figures who were or would become extremely significant in modern African history. In the front row (left to right) are President Grégoire Kayibanda of Rwanda, President Jean-Bédel Bokassa of the Central African Republic, Emperor Haile Selassie of Ethiopia, President Jomo Kenyatta of Kenya, Prime Minister Ismail al-Azhari of Sudan, and President Joseph Désiré Mobutu of the Democratic Republic of the Congo. Included in the back row are President Milton Obote of Uganda (second from left), President Julius Nyerere of Tanzania (third from left), President Kenneth Kaunda of Zambia (third from right), and
Prime Minister Mohammed Ibrahim Egal of Somalia
(second from right

23457_298785283491_254181163491_3556126_

 

Xaaji, so again, you say his legacy is that of your enclaves leader, but most of your pics are when he was Somalia's Prime Minister!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.