Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Ahmed Siilanyo meets kuwaiti Amiir Sabah al Ahmed Al jabar Al sabah+PICS

Recommended Posts

Boqorka dalka Kuwayt Amiir Sabah Al Ahmed Al Jabir Al Sabah oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxwayne Siilaanyo iyo Waftigiisa.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu faah-faahin ka bixiyey dedaalka ay shacbiga Somaliland iyo dawladuba Daawo Sawiradda

 

Boqorka dalka Kuwayt Amiir Sabah Al Ahmed Al Jabir Al Sabah ayaa saaka xafiiskiisa si weyn ugu qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftiga uu hugaaminayo ee booqasho hawleedka ku jooga wadanka Kuwayt.

 

Boqorku waxa uu Madaxweynaha Somaliland ku amaanay dadaalka ay dawladda iyo shacbiga reer Somaliland ka sameeyeen dhinaca nabadgelyada iyo hanaanka dawladnimo ee ka hanaqaaday.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) ayaa Boqorka dalka Kuwayt uga waramay xaaladda guud ee dhinac-yada dhaqaalaha, siyaasadda iyo nabad-gelyada Somaliland.

 

Madaxweynuhu waxa uu faah-faahin ka bixiyey dedaalka ay shacbiga Somaliland iyo dawladuba ka sameeyeen dhinaca nabadgelyada iyo horumarka iyo caqabadaha hor yaala ee u baahan in ay dawladda Kuwayt ka caawiso somaliland.

 

Madaxweynuhu waxa uu Boqorka u gudbiyey buqshad qoraalo ah oo koobaysa baahiyaha ay Somaliland qabto kuwaas oo uu Madaxweynuhu Boqorka ka codsaday in uu ka caawiyo.

 

Madaxweynuhu waxa uu Boqorka u sheegay in ay Somaliland qani ku tahay khayraad badan oo dhulka hoostiisa ku jira sida shidaalka iyo macdanta iyo weliba khayraad dhulka dushiisa iyo badaba ku jira sida beeraha, xoolaha iyo kalluunka, Sidaa awgeedna ay diyaar u tahay in ay fududayso oo ay soo dhawayso cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa gaar ahaana dawladda Kuwayt iyo tujaarteedaba.

 

Madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu Boqorka uga mahadceliyey soo dhawaynta qiimaha leh ee ay dawladda Kuwayt ku qaabishay weftigiisa iyo niyadsamida walaalnimo ee ay u muujiyeen.

 

Boqor Sabah Al Ahmed Al Jaabir Al Sabah ayaa gunaanadkii kulankaas Madaxweynaha ku dhiiri geliyey in ay Somaliland ku fara-adaygto nabadgelyada ay samaysatay. Waxaanu ballanqaaday in ay dawladda Kuwayt diyaar u tahay in ay Somaliland wax la qabato iyadoo ay imikaba jiraan mashaariic horumarineed oo ay Kuwayt Somaliland ka wado.

 

Boqorku waxa uu Madaxweynaha waji furan ugu ballan qaaday in uu tixgelindoono codsigiisa ay xambaarsan yihiin qoraalada uu u gudbiyey.

 

Markaa ka dib Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu kulan muddo saacad ah qaatay la yeesheen Hay’adda Kulmisa hay’adaha iyo ururada sama-falka ee wadanka Kuwayt. Waxaanu Madaxweynuhu uga xaal waramay kaalmada uu shacbiga Somaliland uga baahanyahay hay’adahaas sama-falka ee muslinimo iyo benni-aadanimo. Hay’adahaa ayaa iyaguna sheegay in ay diyaar u yihiin gacan ka geeysashada taageerada ay u baahanyihiin shacbiga Somaliland, dhawaana soo diri doonaan koox diraasad ka soo samayn doonta Dalka Somaliland.

 

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro;715961 wrote:
I thought some were saying "Head of States meet each other" ............. where are they hiding now ?
:D

Thankful - has been staying away from these threads.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Lol, no actually I am not, just been busy.

 

I thought some were saying "Head of States meet each other" ............. where are they hiding now ?

Actually the Emir of Kuwait is not meeting a head of state or even someone he recognizes as a leader of a country. If he did you would see a flag behind them. (Even Ethiopia or Djibouti don’t)

 

If you notice your enclave developed a so-called flag, where is it in any pics? The flag signifies two leaders representing their countries. There is a specific reason why no flags are present in this meeting.....you and I both know that!

 

I admit for Kuwait they see business opportunities in Somalia, so many of our imports from cars to drinks comes from the UAE, they make a fortune off of the livestock quarantine. I mean we just import and there is barely any bilateral trading going on. I suspect that Kuwait wants to tap into Somalia's market.

 

But this meeting is not between heads of state! Obama meets thousands of people in his office, but the flag is what differentiates guests and leaders.

 

Same leader, see the difference!

 

Cheney_meets_with_Sheikh_Sabah_Al-Ahmed_

 

15d4bwn.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think the meeting is between two head of states not between two flags i don't think the flags do much talking or sign contracts

Thankful you went from the Somaliland president is equal to a Minister then he got a red carpet welcome in kuwait then he met the Amiir of kuwait man , you need to stay consistent

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Ok, (Even though technically the Queen of England is the Head of state in Canada) I guess the The Somalia National Congress President Ahmed Hussen is also a foreign leader since he met the Canadian Prime Minister in his office and had a meeting right?

 

2007-12-07-001.jpg

 

(Anyone can meet and world leader in their office, it's the flag that signifies head's of state and other leaders!)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;715967 wrote:
I think the meeting is between two head of states not between two flags i don't think the flags do much talking or sign contracts

Thankful you went from the Somaliland president is equal to a Minister then he got a red carpet welcome in kuwait then he met the Amiir of kuwait man , you need to stay consistent

By his logic, you can Google a picture of any leaders sitting together without their respective flags behind them to debunk his theory :). Dude comes out with the most bizarre arguments lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Governor Siilaanyo and Governor Palin when they went to Kuwait

 

sarah-palin-kuwait-visit1.jpg?w=500&h=39

 

hab47lnoaourk2w99zgy.png

 

 

President Abdullahi Yusuf and President Bush when they went to Kuwait

 

Kuweyt1.jpg

 

Bush-Kuwait.jpg

 

Can you tell the difference in reception??

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this