Sign in to follow this  
Somalina

Somalia: Madaxweyne Shariif oo guddoomay dhambaal uga yimid dhiggiisa Djibouti

Recommended Posts

Somalina   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa manta guddoomay warqad dhambaal casumaad ah uu u soo diray dhigiisa dalka Jabuuti taasi oo ku saabsan, in uu ka qayb galo munaasabadda lagu caleemo saarayo Madaxweynaha dib loo doortay ee Ismaciil Cumar Geelle.

 

Dhayib Dubad Rooble Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya oo casuumaadaasi u keenay Madaxweyne Shariiif, islamarkaana la hadlayey Radio Muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu ka guddoomay dhambaalkii uu u siday, waxaana uu intaa ku daray in dowladda Jabuuti ay ka go’antay sii wadadida taageerada ay Soomaaliya siinayaan.

 

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Dhayib Dubad Rooble ayaa beesha caalamka ugu baaqay in Soomaaliya gar gaar beni aadanimo lala soo gaaro, gaar ahaan degmooyinka ay dhawaan la wareegeen ciidamada dowladda ee ka tirsan Gobollada jubooyinka, waxaan uu xusay in Dowladda Jabuuti ay si weyn u taageersantahay dadaallada ay Xukuumaddu ugu jirto dib u soo celinta ammaanka iyo kala dambeynta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweynaha dalka Jabuuti oo markii saddexaad loo dhaariyay xilka madaxweynenimo ee dalkaas

 

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo Axad ah markii saddexaad loo dhaariyay xilka madaxweynenimo ee dalkaas oo uu kaga guuleystay murashaxii la tartamaya ee Max’ed Warsame Raage, waxaana xaflad dhaarinta ka qaybgalay madax ka kala socday dalal dhowr ah.

Xafladda oo ka dhacday Hotel Kambisk ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno uu ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo madax kale oo u badan Afrikaan.

 

Dhaarinta kaddib, ayaa waxaa halkaas hadallo ka jeediyay madaxweynaha xilka loo dhaariyay ee dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubnihii lagu casuumay inay ka qaybgalaan xafladda caleemo saarka, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu jeediyay hadal u badan guubaabo iyo dardaaran.

 

5699480552_b7dfa34228.jpg

 

 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti C/raxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo la hadlay Radio Muqdisho oo ku hadla afka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu si gooni-gooni ah ula kulmay xafladda kaddib xubnihii caleemo-saarka kasoo qaybgalay.

 

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo 63-jira ah ayay shacabka dalkiisu u doorteen inuu hoggaamiyo mar saddexaad bishii lasoo dhaafay ee Abriil, balse murashaxii uu la tartamaya ee Raage ayaa diiday codadkii ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada tirintii codadka kaddib.

 

Xisbiyada mucaaradka dalka Jabuuti ayaa horay u diiday inay doorashada ka qayb-galaan, waxayna sabab uga dhigeen diidmadooda in guddiga doorashada uusan ahayn mid dhexdhexaad ah oo uu la safan yahay xisbiga talada haya ee RPP.

 

Dalka Jabuuti oo ka mid ah dalalka ku yaalla bariga Afrika ayaa wuxuu xorriyadiisa ka qaatay sannadkii 1977-kii gumeytihii Faransiiska, waxaana intii uu xorta ahaa madaxweyne kasoo noqday Marxuum Xasan Guuleed Abtidoon iyo madaxweynaha hadda talada haya Ismaaciil Cumar Geelle

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Sequence-03.Still002.jpg

 

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya mudane Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii ay ka qeyb galeen caleema saarka Madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

 

wafdiga Madaxweynaha ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay wasiiru-dowlaha madaxtooyada.

 

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Maaliyadda iyo lacagta Xuseen Cabdi Xalane, wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/shakuur Sh Xasan Faarax, wasiiru-dowlaha wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta C/casiis Maxamed “Laftagareen” iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

 

Madaxweynaha ayaa ka soo qeyb galay Xafladda caleemo-saarka maxadweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo markii sadexaad loo doortay madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, wuxuuna sidoo kale madaxweynuhu kulamo la qaatay madax ka soo gashay xafladdaasi.

 

Sequence-03.Still014.jpg

Sequence-03.Still0171.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

ismacil cumar geelle waa nin qiima badan istaahilana inuu mida xigta xitaa qabto ,anaga hadaan heysan laheyn nin ismaaciil oo kala ah xaaladeena iney halka aan hada taaganahay ka fiicnaan lahayd ayaan filayaa , Geelle waxa uu isku dayay in uu soomali nabadeeyo shirkii carta ayuu u qabtay ,reer jabuuti oo dhan ayaa ku xoola beelay lakin markeey muqdisho kusoo laabteen hogaamiya kooxeed oo dhan ayaaa abaalkiisii diidma ugu badalay . runti somalida mararka qaar hadaad eegto waxaad is leedahay waa dad meel xun loo wado . viva mr Geelle

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Mudane ismaaciil somaalidu waxay tiraahdaa waa dadaalay

Waa dalkii aan walaalaha ahayn oo noo aasaasay 4.5 ceelkii ugu dheeraa noo qoday markaan salka tagnayna tacsida noo soo diray

waa dalkii aan walaalaha ahayn oo qaxootigeena iska fogeeyay ganacsatadeenana soo dhaweeyay

waa dalkii aan walaalaha ahayn oo markaan transit ka nahay meel kulul nagu xareeyay af faransiisna nagula hadlay

 

Somaalidu waa bukaan jiif doonaya ayadoon gloves gacmaha la gashana in laga taabto meesha xanuunkoodu u badan yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

gooni;717767 wrote:
Mudane ismaaciil somaalidu waxay tiraahdaa waa dadaalay

Waa dalkii aan walaalaha ahayn oo noo aasaasay 4.5 ceelkii ugu dheeraa noo qoday markaan salka tagnayna tacsida noo soo diray

waa dalkii aan walaalaha ahayn oo qaxootigeena iska fogeeyay ganacsatadeenana soo dhaweeyay

waa dalkii aan walaalaha ahayn oo markaan transit ka nahay meel kulul nagu xareeyay af faransiisna nagula hadlay

Somaalidu waa bukaan jiif doonaya ayadoon gloves gacmaha la gashana in laga taabto meesha xanuunkoodu u badan yahay.

soomalida ayadaa dooratay iney 4.5 wax ku qeybsato kadib markeey is mari weyday oo cid walba wax badso istiri ee Geelle maku qasbin, xalba la mooday .

qaxooti soomaliyeed meel uu geeyo maba hayo ma dayacnaantooda ayuu daawdaa mida kale qaxootiga badankood wexey uqaxeen kenya qaarkii wadamada carabta aadi karay ,iyo xabashida in u gashay .

wadanka jabuuti waad ogtahay inuu wadan kulul yahay marka in meel kulul aad tagto wa caadi , mana jiraan soomali kasoo cabatay si xun ula dhaqan marka eey transit ku yihiin dj , maxey ka faaiday jabuuti marka eey xoolahoodii iyo maalkoodii oo dhan eey shir soomaali ku bixineysay , wadanka saa u yar inuu soomaali tira badan nolosha ugu fiican uu muda ku hayo dhulkisa waa maxay faaidada ugu jirta .

Geelle wuxuu istaahilaa in bilad sharaf lagu siiyo taageeridiisa .

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Waa la amaani ama waa la eedayn mar haduu masuul somaaliya yahay dhul somaaliyeedna ka taliyo

Marka arintu naga qasanto, soomaalidana waa ku kala duwanaadaan ra'ayiga, anigu waxaan u arkaa in looga fadhiyay wax ka badan isku daygii marin habaabinta ahayd.

 

maxey ka faaiday jabuuti marka eey xoolahoodii iyo maalkoodii oo dhan eey shir soomaali ku bixineysay

Aragtidaada aad u fogee haddii aysan somaali wax ka dhisin sow dalal kale oo ka tira badan meel qabow oy ku raaxaystaan u noqon mayso? haba fogaane dariskeeda eeg.

 

saaxiib cudurkeenu madaxuu u badan yahay nabadaad doonayso allaha keeno.

maalin wanaagsan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this