Sign in to follow this  
Liqaye

Shuruudo Adag oo soo wajahay Shukaansiga hablaha Soomaaliyeed ee kunool Dalka South Africa

Recommended Posts

Liqaye   

Waxaa waayihii danbe Dalka South Africa soo gaarayay Hablo Soomaaliyeed oo fara badan kuwaas oo intooda badan ka imaanayay gudaha Dalka Soomaaliya iyo Kenya iyo wadama kale oo dhoor ah kuwaas oo ujeedkoodu ahaa in ay South Africa kahelaan nolol aad u wanaagsan dhaantana midi ay horay ugu jireen.

 

Hablahaan ayaana horay loogu soo sheegay markii ay South Africa gaaraan in aysan dhul dhaceen halkaasina ay joogaan rag aad u fara badan oo guur doon ah dhaqaala badana heesta taasoo hablo badan ku kaliftay in ay si dag dag ah kusoo gaaraan dalkaan eena ka wardoonaan waxa loo sheegay run ahaan shaheeda.

 

Imaanshaha hablahan Soomaaliyeed ee dalka South Africa ayana waxaa si taxadar ku jirto usoo dhaweeyay qaar kamid ah Raga Soomaaliyeed ee horey ugu noolaa dalkan kuwaas oo iska dhaadhicay hadii ay habluhu soo badan in uu imaan doono hoos u dhac xagaga gor gortanka haweenka markii loo haasaawo tago balse taasi ma dhacday .

 

Hablihii Soomaaliyeed ayaana markii ay yimadeen dalkan South Africa lasoo baxay Shuruudo adag aan loo baac baac dhigin karin taasoo raga qaar ku kaliftay in ay si dag dag ah daaqada uga baxaan ayna kasoo qeeb galin miiska wada hadalka shukaansiga maadaama aysan buuxin karin shuruudaha Shukaansiga ee hor yaal .

 

Shuruudaha adag ee lasoo baxeen gabdhaha Soomaaliyeed ee kusugan South Africa ayaana waxaa kamid ah Dukaamo maleedahay? dukaanka meeqa ayaa ugu yar uu gadaa maalintii bishiisa imisa lacag ah aya kasoo xaroota ?imisa gaari ayaad leedahay ? dukaanka wax ma iga siineysaa aan aani si gaar ah uleeyahay? aroos kii ugu qatarsanaa ma noo dhigaysaa ?lacagtii igu soo baxday intii ana wadada kusoo jiray ma bixinaysaa ? .

 

Shuruudahaasi iyo kuwa kabadan ayaana lasoo hordhigayaa ninka guurdoonka ah durba Culculeter inta lasoo qaato ayaana la isugu dhufanayaa Blus iyo meenis waxii kubaxayo hadii uu ninkaa guur doonkaa uu intaasi awoodin isna si dag dag ayuuna daaqada uga baxayaa xitaa hadii uu qaar kamid ah shurudahaasi horay ubuuxiyay warkiisa ma dhama jaale bay ayaa lagu yirahadaa inta fadhiga looga kaco.

 

Shuruudahan iyo wada hadalada koowaaad ayaana waxaa kahoreeya marka hore in aad kusocto baabuur cad lamana doonayo Baki ama xaajiyad sida ay ubadantahay Soomaalida kunool dalkan waxaana lagaaga baahan yahay in aad horay usoo qaato KFC oo ah Chekenka loogu jecelyahay dalkan jiibsi iyo Cabitaan qabow iyo xoogaa mac macaan[ :) HAHAHA] hadii aad intaa hore usoo qaadin wax wada hadal madhacaayo habeenkaasi irida ayaana lagaa xiranayaa .

 

Shuruudahan adag ee lasoo hordhigay raga guur duunka ah ayaana rag fara badan ku kaliftay in ay guursadaan haweenka ajaanibta ah ee udhashay dalkan Haba u badnaadeen Kuwa Madow ee loo yaqaan Xiiranta iyo kuwa Midabka ah halka dhalinyarada qaar kii awoodana uu dalab ahaan gabar ay ehel yihiin ama saaxiibo hore uu wadankii uga soo kaxeesto taas uu arko in ay kaga qarash yartahay kuwa halkan joogo halka kuwa qaarna ay ku kaliftay in ay dalkoodi dib ugu laabtaan si ay halkaasi ugu soo guursadaan halka kuwa soo harayna ay kunoqotay dhaxda meerax kuxiro .

 

Sidoo kale waxaa jira rag Shuruudaha qaar buuxiyay kuna guuleestay in ay guursadaan oolaad badana kahelay , halka qaar kalana afsoomalai fara badan ay kubad galeen kuna guuleesteen calaacal badan kadib halka qaar kalana ay niyada kasaarteen in ay wax mustaqbal ah kusameestaan dalka South Africa maadaam uu xaga noloshiisa adagtahay loona baahanyahay dhaqaalo badan markaad guursaneyso iyo nolosha danbe intaba.

 

Shuruudahaan adag ayaana gabdho badan oo jooga xiligoodii guurka ku keeentay in aysan guursan walina ay joogaan iyagoona kashalaaya imanshaha dalkan sheegayan sidii loogu sheegay si ka badalan ay ugu yimaadeen dalkan .

 

Dhanka kale wiilala badan oo da'yar ah iyagana jooga xiligii ay Nolosha macaanteeda ka war dooni lahaayeen ayaa waxa ay sameeyeen kadib markii ay kasoo bixi waayeen shuruudaha hablaha dalkan kunool in ay si Calaf doon ah uga xariiftamaan PalTalka iyagoo raadinaya hablo kunool Dalalka Yurub iyo Ameeriak kuwaas oo iyagana hamuun badan uqaba dhalinyarada Kunool afrika kadib markii ay is fahmi waa adag soo kala dhaxgalay kuwa ay wada joogana dalalkaas .

 

Dhalinyaro badan ayaana PalTalka kaga faa'iidey ujeedkoodi iyagoo qaarkood ku aqal galay dalkan South Africa looguna yimid halka qaarna laga kaxeestay halka qaar kalana ay wali baadi goobkoodu kujiraan.

 

Hadaba aqristaha Sharafta leh markii aad aqrisay dulucda Warbixinta maxaa kaga soo baxay shuruudaha adag ee raga lasoo hor dhigay ma mid saxbaa mise ?ragase maxa ala gudboon hadii aysan shurudaha akasoo bixi karin ?hadaba fikirkaga kusoo *** ciwaanka hoos kuxusan .

 

W/D Wariye Gacal Xuseen Gacal Ayman Cade

aymancadde@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Lol@Shuruudo adag oo soo wajahay! War laba-qarxaaya (breaking news) ayaad mooddaa in ay soo sheegayaan. :D

 

Lol@KFC shibsi iyo xoogaa macmacaan. Lol. Fixdaa iga dhamaatay markaan akhriyay Calculatorka laysugu dhufto part. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this