Sign in to follow this  
Som@li

Shirkii Nairobi oo Soo Xirmay---Who is the winner?

Recommended Posts

Som@li   

Shirkii Nairobi oo Soo Xirmay

Shirkii wadatashiga ee labada maalmood ka socday Nairobi ayaa la soo gaba-gabeeyay, waxaana laga soo saaray qodobo kale duwan.

Sahra Abdi Ahmed | Nairobi, Kenya Arboco, 13 April 2011

 

 

 

Shirkii wadatashiga ee ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midooday loogana hadlayay arrimaha Somalia ayaa maanta lagu soo afjaray magaalada Nairobi.

Shirkan waxaa ka soo ka qeyb-galay ergooyin kala duwan oo ka socday Baarlamaanka Somalia, Maamul-gobolleedyo iyo ururka Ahlu-Sunna.

Haddaba gaba-gabadii kulankaasi ayaa waxaa laga soo saaray bayaan ay ku qoran yihiin qodobada kala ah:

 

-Baahida loo qabo in la dhameeyo xiliga “Ku-meel-gaarka ah” iyada oo loo eegayo waxa Axdiga Federaalka ah ee KMG ahi arrintan ka oranayo, kaasoo ah in la qabto doorashada Madaxweynaha, ta Afhayeenka Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa dhamaadka xiliga Ku-meel-gaarka oo ku beegan bisha August ee sanadkan 2011.

 

-In 2 sanadood loo kordhiyo xiliga Baarlamaanka Federaalka ee KMG ah, yoolkuna uu yahay inay dhameystiraan waajibaadkii loo igmaday oo ka mid tahay inay diyaariyaan doorasho qaran oo kama dambeys ah.

 

-In dib loo habeeyo Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee hadda jooga, iyada oo la xoojinayo la xiriirida iyoo wada xaajoodka lala sameynayo dawlad-goboleedyada, maamul-goboleedyada, bulshada rayidka ah, iyo qurbe-joogta si talo soo jeedin uga sameeyaan dib u habaynta baarlamaanka kan xiga.

 

-In la dar-dar galiyo sidii loo heli lahaa Dastuur Federaal ah, iyada oo la isla gartay inay tani mas’uuliyadda hay’adaha Federaalka ee KMG ah, maamul-goboleedyada iyo qeybaha kale ee arrimaha Somaliya daneeya oo ay beesha caalamku ka mid tahay.

 

-In la ilaaliyo, lana dhaqan galiyo heshiisyadii ay galeen DKMG ah, Puntland, maamul-goboleedyada kale iyo ASWJ, iyo

 

-In kaalmo degdeg ah loo fidiyo meelihii dhawaan laga qabsaday kooxaha hubaysan oo magaalada Muqdisho ka mid tahay iyo guud ahaan in kor loo qaado gargaarka bani’aadaminimo iyo mashaariicda horumarinta ee heer federal, heer gobol, iyo heer degmo si loo yareeyo dhibaatooyinka abaaraha.

 

Bayaankan waxa lagu sheegay in la isku raacay baahida ah in Soomaalidu ay noqoto kuwa iyagu ubucda u ah qorshahan.

Bayaanku waxa kale oo intaas ku daray in natiijada shirka lala wadaagi doono Madaxweynaha iyo DKMG ee Somalia iyo waliba qeybaha kale ee arrimaha Somalia daneeya.

Ugu dambeyntii bayaanka waxa lagu sheegay in xili dhow la kulmi doono, kulanka xigaana uu Somalia gudaheeda ka dhici doono, sida la rajeeyeyna ay DKMG ahi ka qeyb qaadan doonto, dawladaas, oo sida bayaanka lagu sheegay, door muhiim ah ku leh sidii hanaanka nabadda hore loogu sii wadi lahaa.

Dowladda KMG ee Somalia ayaa iyadu horey u diiday ka qeybgalka shirka wadatashiga ee Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Main points

 

-Election in August for President, Prime Minister, and speaker of Parliament

-2 years extension for PMs

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Xildhibaan Mohamoud Geedi Aw Hilowle: “Shirkii Nairobi ee Loogu magac darey Wadatashi Soomaaliyeed Fashil ayuu Ku Dhammaaday iyo Fidno Sii Fiddi-Doonta

 

Shirkii muranka badan dhaliyay ee magaalada Nairobi ayaa goor dhoweyd lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo eysan ka soo bixin qodobo leysku raacsan yahay balse qolo kasta oo ka qeyb gashey shirkaas shirqoolka ahay, ey siday doonto u sheegeyso, taas oo horseedi kareysa fidno hor leh iyo jahawereer Siyaasadeed oo kusii fida Soomaliya oo dhan gees ka gees.

 

Sida lala wada socdo Shirkaan dhigistiisa waxaa ku fududaaday, fool xumana ka raacday Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya Dr. Augustine Philip Machiga, sidoo kale waxay eed-weyn ka raacday inta badan ergadii Soomaaliyeed ee ka qeyb gashey shirkaas fidno.

 

Ergeyda Soomaliyeed ee ka qeyb-gashey shirkaas lagu maja-xaabinaayay danaha shacabka Somaaliyeed iyo Dowlada FKMG ah oo bilihii ugu danbeeyey muujineysey wax qabad la taaban karo, Ergeydu qudhoodu wey kala ujeedo duwanaayeen, qaar waxay shirkaas u tageen ficiltan doqonimo ah iyaga oo ku xumeynaaya shaqsiyaad ey Siyaasad isku haayaan, qaarna waxay u tageen Is-muujin Siyaasadeed iyaga oo sheeganaaya Mas'uuliyiin ka kala socota Is-maamul goballeeyo iyo ururyo diimeedyo laga daba qeylinaayo, qaar raba sed-bursi iyaga oo ku faana waxaana wadata Dowladda Itoobiya iyo qaar iska socda oo aan ogeyn halka loo socdo balse la yiri Dayaaradeen raaca " Kaluundi".

 

Sikasta arrintu ha'ahaatee, waxaan shacabka Soomaliyeed intooda ah waxgarad iyo Xildhibaanada wadaniyiinta ka codsanaayaa in aan qalad lagu sixin qalad kale, maadaama qalad lagu saxo qalad kale horey looga dhaxley Is-qab-qabsi faraha ka baxa dabadeedna keena Qaran-dumin, Qabuuro badan iyo Qax aan xed-laheyn.

 

Ugu danbeyntii, xalku wuxuu ku jiraa in mudnaanta kowaad la siiyo sidii loo bad-baadin lahay Dalka, Dadka iyo Diinta labaatan (20) sano ka badan uu ku socday dagaal naxariis darro ah, balse xalku kuma jiro in xooga oo dhan leesugu geeyo qolo heblo amba hebel ayaan siyaasad isku haynaahe sidee Riingaha Siyaasada uga tuurnaa?.

 

Xil. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Shirkii wadatashiga ee ka socday Magaalada Nairobi oo la soo gabagabeeyay

 

(Ahlu Sunna Waljameeca iyo Beesha Caalamka oo qaadacday waxyaabihii kulankaasi ka soo baxay)

 

Waxaa xalay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya lagu soo gaba gabeeyay Shirkii looga tashanaayay arrimaha Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen wafuud Soomaaliyeed oo kala matalaayay Maamulada Putland, Gal-mudug Ahlu Suna Waljamaaca, xubno uu hogaaminaayay Shariif Xasan Gudoomiyaha Baarlamaaka iyo Madax ka tirsan Beesha caalamka

 

Shirkaasi ayaa si weyn looga dooday xiliga kala guurka Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee sanadkan aan ku guda jirno iyo waqti kordhinta Barlamaanka ayaa waxa ka dhashay is qab qabsi badan oo u dhexeeya Wafuuda Soomaalida iyo sidoo kale Madax ka tirsan Beesha caalmka oo uu ka mid yahay Danjire Mahiga

 

Danjire Mahiga ayaa aqriyay qodobada kasoo baxay Shirka, wwuxuuna sheegay in la isku raacay in muda2-sanno ah laga dhigo waqtiga Barlamaanka KMG ah oo ka bilaabaneysa Xiliga kala guurka taasi oo ay tageereen Maamulada Putland iyo Gal-mudug

 

Sidoo kale Madaxdii Ahlu Sunna Waljameeca uga qeyb gashay kulankaasi ayaa iyaguna soo jeediyay in la qaato soo jeedinta Xukuumadda ee ah in 1-sanno loo kordhiyo Hey’adaha Dowlada KGM ah, waxayna sheegeen inay qaadaceen waxyaabaha kasoo baxay Shirka kadib markii sida ay sheegeen bayaanka ka soo baxay kulanka aan lagu xusin waxyaabahii lagu heshiiyay.

 

Dhinaca kale waxaa kulankaasi isaga baxay Madax ka socotay Mareykanka iyo Dowladaha Reer galbeydka kuwaasi oo ku fakir ahaa ahlu Sunna Waljamaaca oo soo jeediyay in dhamaan Hey’adaha Dowlada loogu daro min Hal sanno.

 

Waxaa horay shirkaasi uga horyimid Dowladda KMG ah, iyagoo sheegay in danjire Mahiga uu kala qaybinaayo Dowladda KMG ah, sidoo kale waxaa ka horyimid Shirkaasi Odayaasha dhaqanka iyo dhamaan Ururada Bulshada Rayidka, iyadoo qaar ka mid ah Gobolada Soomaaliya ay ka dhaceen banaanbaxyo lagu diidan yahay kulankaasi.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sharif Xasan wins, and the States win. An extension to the parliment is a big problem, but they will "reformed" as many state. The argument that Sharif /Farmaajo who control very little real estate in Somalia can bar any Somali stakeholders from high level meetings to discuss the Somali republics dilema and ending the transition has been proven false.

 

There are 4 months left and little time to extend anything,. Let the same Parliment that elected him, hold him accountable.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Term extension for current PMs is nonstarter. Sharif Hassan is the most reliable man for NRB NGOs

Having that in mind cinwaanku waa inuu ahaadaa: Somali gudaha dalkeeda ha ku tashato.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this