Sign in to follow this  
Liqaye

Saan-saan dagaal oo laga dareemayo Kismayo

Recommended Posts

Liqaye   

Sida ilo wareedyo Calanka ka heleen Kismayo sheegayaan magalada ayaa waxaa laga dareemaya xaalad kacsanaan oo ay ku dheehan tahay saan-saan dagaal .

 

Ciidamada al-shabaab ayaa ku jira xaaalad foojignaan ah ,waxaana magalada laga dareemaya dhaq-dhaqaaqyo ciidan .

 

Deegaanada ku xeeran Kismayo ayay si weyn isugu xoomeen ciidamada al-shabaab .

 

Noloshaan cabsida ah ee ku beerantay al-shabab ayaa timid ka dib markii ay isa soo tareen xog wareedyo tilmaamaya ciidamo dowlada taabacsan oo lagu soo tababaray Kenya jubooyinkana haatan soo gaaray ay qorsheynayaan in dharbaaxo ku dhuftaan al-shabaab Kismayo .

 

Ilo madax banaan oo Calanka soo gaaraya ayaa xusay in dhowr kun oo ciidan oo lagu soo layliyay Kenya ay dhawaan ka soo talaabaan xuduuda Kenya iyo Somaliya qaarkood deegaano ku xeeran dhoobley saldhigteen .

 

Qorshahaan ciidan ayaa soo baxaya xilli dhawaan maamul dalalka dariska la ah Somaliya iyo UN-ka taageerayaan lagaga dhawaaqay Nairobi ,iyadoo ciidamadaan iyo maamulkaan ay yihiin kuwa iska war haya.

 

Al-shabaab si dhab ugama hadal xaaladaan cabsida ee Kismayo ka jirta iyo dhaq-dhaqaaqyada socda .

 

Maryama(Umu Shureem)

Seymuun@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this