Sign in to follow this  
Liqaye

Hands and feet of child robbers amputated...

Recommended Posts

Taleexi;711180 wrote:
Al-Miskiin: Aad baad horta u mahadsantahay balse Xamar oo boqolkii guriba qof maamulo sidee baa jawaabta aad halkan ku soo dhejisay xal ugu noqonaysaa? ka waran haddii sheekhan wiilkiisa berito koox kale qisaas xaq amaba xaq daro ah ku soo oogaan sheekadu miyaanay ahayn iska warlord-garayntii? Mise adigu weli waxaad ka gilgilanaysaa haddaynu Soomaali nahay inaynu ku fashilanay inaynu xitaa diinta isku xukuno?

Walaal Taleexi marka Hore Salaan qaali ah iga gudoon, Assalamu Alaikum

Runtii su'aal adag baad i waydiisay, sidaynu ognahayna xamar maaha magaalo hal koox kaliya haysato. Laakiin culimaddu kutubtooda intaan ka arkay waxay dhahaan, deegaankasta kooxdii haysata baa laga rabaa inay xuduuda Allah ilaaliyaan oo oofiyaan.

Kooxaha kala duwan ee xamar haystaa haday heshiin waayaan, oo sinaba ku midoobi waayaan, koox kastaa meesheeda ayadoo joogta xuduuda Allah waa inay oofisaa, oo dadkeeda ku dhaqdaa shareecada.

Dadka inteena kalena, markasta in aynu waanino inay midoobaan baa waajib inagu ah, oo ku boorino inay Allah ka cabsadaan oo ummadda mideeyaan! Laakiin ilaa intay ka midoobayaan midkastaa shareecada inuu ilaaliyo asagaa laga rabaa. Kooda ka tagaa markastaa lala dagaalami, waayo ka tagista shareecada Allah gaalnimay gaadhaa.

Markaa anigu waxaanba aaminsanahay Xamar labo koox baa jooga, koox shareeco raadis ah(qaladoba ha ku dhaceen e), iyo koox aan ilaa maanta wax Diin u egba laga arkin, kaliya uun inay gaalo wadanka ku soo kordhiyeen.

Su'aashaadu waxay si fiican ugu haboonaan lahayd waagii ay Xizbul Islam iyo Shabaabku labo koox kala ahaayeen, markaas baa la is waydiin kari lahaa "labo koox oo mid kastaa shareeco rabta, laakiin aan isku mid ahayn, xaalkooda maxaa laga yeeli"!

Laakiin maanta intaan anigu kolay arko, Dawladda ku meel gaarku maaha dad diin u taagan , shirar badan, beesha caalamka, safaro badan iwm uun baan ku arkaa. Afaaraha Muslimiintana uma taagna, waliba wakhti ay abaarihii ugu darnaa wadanka hayaan, Shareecada Allah ma adka in la fuliyo haday qofka daacad ka tahay, intaas oo dad diinta yaqaana baa muqdisho dagan, hal maxkamad baa ku filnayd, wakhti ka yar waagii maxaakiimta baa wax lagu xalin kari lahaa.

Anigu aad baan ugu qanacsanahay meelaha xadka Allah laga oofiyo, dhibku wuxuu yimaadaa, maadaama aynu soomaali nahay, waligeen meel gacan iyo lug lugu gooyo maynaan arag, media-hana intay arintii buunbuuniyaan bayba ka dhigaan sidii dad bahalo ah inay fuliyeen arinkan. Hadii xadka la oofinayo la ii keeno cadayn cad, ooo sheegaysa inay tahay qalad iyo xadgudub si duuduuban baan uga noqon, laakiin ilaa hada ma arag.

Cafwan waan ku dheeraaday e.

Share this post

Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;711183 wrote:
Al-maskiin, hade dadkaan wax xadaaya maxaa ku kalifaayo hadii aysan aheyn dhaqaalo yari? Inaad fikirtid ayaa lagaa rabaa qof ma jiro oo alaab iska dhacaaya for fun wax aa ku kalifaayo= Daruuf.. marka xukunaddan ma haboona xiligaan waa say ila tahay.

Walaale, dadka shuftada ah, ee dadka isbaarooyinka jidadka u dhigtaa kumaynan kalifin gaajo iwm. Gaajo ninkay ku kalifto wuxuu xadaa cunto, iyo khudaar, ma dhaco dad bas dhan saaran, waliba asagoo hubaysan, waxaan kuwaas la dhahaa Qudaacu dariiq. In lala dagaalamo bay xataa Shareecadu banaysay, si aynan ummadda u fasahaadin. Haday daacad ka tahay gaajo iwm. qoryo bay wataan, qoryahaas baa kumanaan lacag ah la gadaa.

Mida kale, dadka xadkan oofiyey uma malaynaysid miyaa inay inyarna diinta ka yaqaaniin? just like u know about Cumar bin khattab iyo xaaladda qofka gaajo u gaysay? Hadaadba adigu taqaanid, ayana maxaa u diiday? Mise waxa deegaankaas xukuma, ee maxkadda joogoo dhan waad ka cilmi badantahay?

Dad badan baa ciyaala suuqnimo wax ku xada, oo dadka ku dhaca that means "for fun"! it not always duruuf darteed.

Adigu let me ask you, sidee ku ogaatay inay gaajo u gaysay, oo ay cunto waxay ku gataan darteed ficilkan u sameeyeen? It doesn't make sense sxb, when there is solid proofs for this baynu odhan karnaa way qaldanayaan, but hadeer wax cilad ah anigu ma arko.

Share this post

Link to post
Share on other sites

hal maxkamad baa ku filnayd

Horta dowladdu waa dad Islaama ha dambaabin, arinta kale waxa waaye Dowladda wey tiri iney Shareecada islaamka ku dhaqeeso waxeyna yiraahdeen dalka waa in ugu horreyn gacanta ku dhigno ileen shareeco islaam oo sax waaye, arinta kale dowladda iyo maamulka Banaadir waxey yiraahden in goobaha ganacsiga la xiro xiliga salaadaha, iyo Qudbada Jimcada. Gaal neh inaad la hadashid wax diinta kaso horjeedo maahan. Waad ogeyd Shariif inuu rabay ciidamo nabad ilaalin oo islaam ahi balse waa laga waayay muslimiinta Jabuuti mooye. Marka al-maskiinow walaalow threadka yaanan ku dheelin maadama wax kale laga hadlaayo.

Wabilahi towfiq

Share this post

Link to post
Share on other sites

Al-Miskiin;711191 wrote:

Aniga waxaa ka hadlayaa dadka dhaco lacag ama cunto, waxaan xasuusta kismaayo in nin gacmaha laga gooyay asigo ''dhacay'' 10 dollar. Dadka xadka oofiyey waa shabaab, shabaab neh dadkey gaaleeysiiyaan, culimaddana war kama maqlaan waad ogtahay.

Sidaan horay u sheegay qofkii dhaca cunto, ama lacag gaajo darteed xukunkeeda iskuma haysano taas, waana in la cadeeyaa inay gaajo u gaysay, ninkastaa intuu boqol kun oo dollar xado "gaajaa ii gaysay" buu hadii kale odhan. Kismaayo ninka aad sheegaysid, allow muu dhaco 3dollar wuxuu u dhacay baa la eegi. Gaajo iyo rafaad haday u gaysay waa meesheeda, hadii kale waxay diintu ka qabtaa la marsiin.

Arinta shabaab too many times baynu ku soo noqnoqonay u and I, marka waynu isku daali, I'll leave that one for now.

oba hiloowlow;711192 wrote:
Horta dowladdu waa dad Islaama ha dambaabin, arinta kale waxa waaye Dowladda wey tiri iney Shareecada islaamka ku dhaqeeso waxeyna yiraahdeen dalka waa in ugu horreyn gacanta ku dhigno ileen shareeco islaam oo sax waaye, arinta kale dowladda iyo maamulka Banaadir waxey yiraahden in goobaha ganacsiga la xiro xiliga salaadaha, iyo Qudbada Jimcada. Gaal neh inaad la hadashid wax diinta kaso horjeedo maahan. Waad ogeyd Shariif inuu rabay ciidamo nabad ilaalin oo islaam ahi balse waa laga waayay muslimiinta Jabuuti mooye. Marka al-maskiinow walaalow threadka yaanan ku dheelin maadama wax kale laga hadlaayo.

Wabilahi towfiq

Gaal muslimiin nabad u ilaalinaya maba jiro, horayna looma maqlin walaal, marnana diintu ma ogala.

Kuguma raacsani waxaas walaal, laakiin waan kugu raaci in aynu joojino maadaama uu threadku wax kale ka hadlayo.

Wasalamu 3alikum

Share this post

Link to post
Share on other sites

^^ Markii ciidan islaam la waayay oo nabad ilaalin dantu waxey noqotay Ciidamo AU ma garatay, tan kale Au-da kulli yaan lagu dambaabin actually muslimiin ayaa ku jiro runtii ma badno laakin. sxb thread-kale ayaan ku doodeyna.

Salaam

Share this post

Link to post
Share on other sites
gooni   

Horta layskuma hayo in dad badan oo gaajaysan ay ku noolyihiin somaaliya shareecaduna waa badbaado looga gudbo xili kasta oo lagu jiro si ay u wada noolaadaan kii wax ilaahay siiyay iyo kaan loogu dhibcin.

Tuugadu waa kala nooc iyo kala xukun sida sheekh maskiinba noo sheegay anigu intaan kala socdo mar aan koonfurta ilaa mudug ku safray intaan shabaab qabsan marna ma garan kartaan cabsida iyo baqdinta dadkaas masaafurka ay galiyaan ragg dhalin yaro oo xoog badan shaqaysan kara ilaahayna dhamaystiray, waana la ogyahay inaysan gaajo u geyn laga yaabee inay dadkay dariiqa u istaageen kaba nolol roon yihiin

hadaba shabaab layskuma hayo inay leeyihiin ijaabiyaad iyo salbiyaad labo arimood baan anigu shakhsi ahaan ku ixtiraamaa tan kowaad waa kasaarddii caasimadda somaaliya ay ka saareen ithopianka tan labaadna waa qaaducu dariiqa oo ah fitno aan lagasoo waaqsan karin wiilkii ama gabadhii lagu koriyo lacag masaafur lagasoo dhacayna waa caaqibo beel.

Arinta xukunka siduu doonaba ha u dhacee waxaa la fiiriyaa faaíido ma u keenay bulshadii jawaabteedana culimaadaa ku wanaagsan waxaanse idiin sheegayaa in meel shabaab xukumo aan shufto joogin ama ku yartahay taasina waxay ka mid tahay ijaabiyaadka.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Hada cadayni jirto dhab ah oo maxkamad islaami ah la so hor keeno oo lugu cadeyo sharcigu wuxu leeyahay hala jaro gacan iyo lug is dhaaf ah . but i dont think cadayn ba jirta oo walugu deg degey

I don't question the sharia .....but I question who gave alshabab the right to implement it? who chose them to lead the nation?? tan kale I'm wondering if the sharia applies to them also? or just the ppl who reside in hamar ...:(

Share this post

Link to post
Share on other sites

Aaliyyah;711508 wrote:
I don't question the sharia .....but I question who gave alshabab the right to implement it? who chose them to lead the nation?? tan kale I'm wondering if the sharia applies to them also? or just the ppl who reside in hamar ...
:(

Every group has the right to implement the sharia ukhti. Koox kastoo awood leh, oo deegaan/meel xukunta khasab bay ku tahay inay dabaqaan shareecada Allah. Maba aha something aad iska dooran kartid, waaba khasab sandule. If there was shari3a already in the nation, than the burden would have been lifted from there shoulderes, but now they(Al-shabaab) are forced to do it, so is Maamul Goboleedada kala duwan ee jira.

The scholars even say, if a group by force takes over a village, than starts implementing the sharia, than we have to obey them, even thou ay markii hore xoog nagu qabsadeen. It shows how important the implementing of the sharia is. "walaahay ma adeecayno, waayo markuu hore dagaal bay nagu qabsadeen" xataa lama ogala in lagu calaacalo, waayo hadafku Shareeco buu ahaa. Hadhaw Allah baa ayaga la xisaabtami xoogay dadka ku qabsaday, ama dhibkay u gaysteen, taasi waa sheeko kale.

Markay dawlad saroo muslimiintoo dhan ka dhaxaysa la sameeyo, baa khaliif guud la dooran. Laakiin intay bahashu kala daadsan tahay sida maanta, oo Amisom. Maahiga iyo waxaan Muslimiin shaqo ku lahayn wadanka kala dabaraan, siday ku socoto bay ahaan.

The Shari3a applies to everyone ukhti, first and foremost dadka meesha xukuma. Even hadaad boqortahay.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^^well I know the sharia should be applied to all..But, seriously ya ku dabaqaya odayaashana???..I honestly think by now they would have been killed with the way they exaggerate and give misconceptions about Islam...

As for everyone being allowed to implement the shari3a I was not aware of that walaal. Can you please post some daliil? Jazakalah...Can I for instance be a killer and yet apply the sharica? isnt that contradiction??...

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this