Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Madaxweyne Shariif oo si layaab leh loogu soo dhoweeyay Magaalada Bujumbura ee dalka Brundi SAWIRO

Recommended Posts

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed oo howl qaran ugu maqan dalka dibaddiisa ayaa waxaa uu gaaray Caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa Eeraboorka ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Dalka Burundi Mudane Terence Sinunguruza iyo Taliyaha Ciidamda Burundi Jeneral Maj. Niyombare Godefroid iyo shacab fara badan oo reer Burundi ah iyadoo ay soo bandhigeen cayaaraha hiddaha iyo Dhaqanka.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdikareem Xassan Jamac iyo wasiirka dhalinyarada, isboortiska,, shaqada iyo shaqaalaha Mudane Cabdinuur Macalin Maxamed.

 

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa kadib waxaa uu la kulmay Madaxweynaha Dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza kulanka ayaa ahaa mid ay iska wareeysteen labada Madaxweyne iyaga oo ka hadlay dhibaatadda ka taagan Soomaliya iyo sidii Walaalaha Burundi ay ugu qeyb qaadan lahayeen.

 

Madaxweynaha ayaa goobta uu kulanka ka dhacayay waxaa ku soo dhaweeyey kumanaan shacab reer Burundi. Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa sidoo kale kala qeyb qaatay shacabka iskool la dhisayay.

 

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya qudbad kooban uu kula hadlay Shacabka reer Burundi ayuu ugu mahad celiyay taagerada buuxda ay la garab taagan yihiin walaalahooda Afrikaanka ah. Kadibna waxaa uu ka hadlay xaalada lagu sugayo nabada ee ka socoto gobolo badan ee dalka Soomaaliya iyo sidii loo soo gabo gabeeyn lahaay Alshabaab/ AlQaceeda iyo kuwa ay marin habaabiyeen.

 

Malik Abdalla

Agaasimaha Warfaafinta

Xafiiska Madaxweynaha

Muqdishu, Somalia

Mabdalla@presidncy.gov.so

 

shariif-brundi_1.jpg

 

shariif-brundi_2.jpg

 

shariif-brundi_3.jpg

 

shariif-brundi_6.jpg

 

shariif-brundi_7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya qudbad kooban uu kula hadlay Shacabka reer Burundi ayuu ugu mahad celiyay taagerada buuxda ay la garab taagan yihiin walaalahooda Afrikaanka ah.

I wonder which language ,,,,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kama qasna, with a new suit everyday! What a leader, dadkiina rafaad iyo silic bay ku noolyihiin, asaguna maalinkasta suudh cusub iyo diyaarad buu sii saaran yahay, resting in 5 star hotels around the globe!

 

He should not laugh or have a "good time "! Such was our Salaf that they felt the importance of a good leader, and the burden resting on there shoulders.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Jacaylbaro;710529 wrote:
I wonder which language ,,,,,,,
:D

Through interpreter dee, possibly Abdikarimka boostada. Lol.

 

Maskiin, waar dhinac kale mooyee xagga suitka odayga haka gelin. The dude doesn't even wear tie and that is totally unprofessional.

 

Anyways soo dhaweyn wacan baa loo sameeyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oba lol, if u think he wears the same suit every time uu safrayo, dib ugu noqaan odhan lahaa arintaas. Wali ilaa maanta ma fahmin waxaad u difaacdid ninkan, asagaa isku ciyaaray, ceeb badanaa.

Gabdhaheenii muslimiinta ahaa ee sharafta lahaa baa la ina yidhi gacan ha u dhiibina, bal ka waran mid gaalad ah oo uraysa, oon xataa aqoon sida loo istijoodo? akhas! Walee calling him a leader over the muslims is a mockery of the word "leader"! Shaydaan buu madaxwayne u yahay that's for sure.

 

sharif-and-clinton.jpg

 

Zack lol, maba u fiirsan that he doesn't wear tie, dee shalay nin macawis iyo bakoorad watay, maxaad ka sugi adigu. Asagoon u baran surwaalka caadiga ah bay ku dadajiyeen dharkaan casriga ah I guess.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^Loool@asagoon sarwalkii caadiga ahaa baran bey dhar casri ah u xireen.

 

Seriously though sxb I don't believe it was wrong that he shook hands with Clinton because danaha uu kalahaa baa ka weynaa. I am sure you are more knowledgeable in the deen than I am but don't you think there are exceptions to some rules based on circumstances?

Share this post


Link to post
Share on other sites

. Siyaasad ay aheyd gacanqaadku hadii kale waa ogtahay gaaladan discriminate ayuu igu sameeye ay habartu dhihi laheyd oo wuu isla weyn yahay meeqo jeer ay dhacday arimahaaso oo kale.. Bal waayahay Al-maskiin Al shabaab aan taageerno oo cid kasto waa gaal aan dhahnee, oo aan isku qarxino Muslimka kedibna aan Ilaa Alaska iyo syberia aan qabsano Allahu Akbar, Takbiir...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oba hehe, akhi, anigu shabaab taageer kuma lihi, amba ma taageeroo!

Maadaama aynu muslimiin nahay xaqa taageeraa baa la ina yidhi, and not a singel group or something like that. Meesha uu xaqu galo uun in laga daba galo weeye, ayadoon shakhsi iyo kooxna ku qornayn.

Marka anigu uma arko marnaba ninkan(Shariif) inuu soo wado guul, ama uu yahay Madaxwaynaha muslimiinta. Madaxwaynaha muslimiinta waxaa doorta dadka Ehlul-xal wal-caqd ah, and not baarlamaan meel uu ka yimid la garan.

 

Gacanta naagta siyaasad buu u siiyey, iyo inay qalad u fahmana baad tidhi, who cares sxb. He should fear Allah instead, muxuu marka hore ku falayaa USA? Asagoo shacab dhan madaxwayne u ah, and have there love buu ka doortay to please what the US thinks?

 

bro Zack, sax there are always exceptions in the deen, for example, haday dantu kuu keento u can eat pork, and drink wine in some circumstances.

Laakiin the thing about Shariif is, there are severel things wrong with him!

 

 

1: He chose to go the meeting by him self, without him being captured or that he was under compulsion

2: He should't have been to the meeting with the U.S at all, as they are Muslims' enemy No. 1 around the world.

3: You can not be allied with a country that daily kills thousands of Muslims, and supports the Zionist state Isra'el with both weapons and money.

4: Because he is a Muslim leader, he should act like one. He is not just any leader, he is the "Amir Al muminiin" of somalia. Many people look up to him, and by doing such and act he does not represent Islam, or its people.

 

Our salafu Salih who sometimes had some very very difficult situations than the one Sharif are in, they've never violated the Sharia law.

 

And I dont know meel diintu ku banaynayso inuu ficilkaas ku dhaqaaqi karo, exept hadii xabad madaxa lagaga qabto, ama si kale loo khasbo, naftiisana uu u baqo. Something shariif was fare from.

 

And last but not least the mistakes of Sharif are soo great that wallahi u can write a book about it.

 

When he was "elected" he was loved by everyone, bal muxuu dadkiisa ugu tashan waayey alone, instead of runing to USA and the west? Haduu siyaasad lahaan lahaa, markii la doortay wuxuu isla markiiba habayn kari lahaa wadankoo dhan, just as he did when there was the Maxakiim. Dadku shareeco uun bay rabaan, the somalis hope buu burburiyey wallahi, markuu gaalada safkooda ka soo jeestay, isla gaaladii intaas oo bilood maxaakiimtu la soo dagaalamaysay.

 

Marka ninkan khayr badan ma soo wado, Allah sharkiisa iyo khiyaanaduu ummadda ka galay si dhakhsaa ha inoo dhaafiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

waraysi hore oo caasha cabdalla ku andacootay anagoo gabdho soomaaliyeed ah baan sheekh shariif ugu tagnay si aanu ugu hambalyayno doorashada waana uu diiday inuu na gacan qaado ms klintona asagaa gacanta la doontay waan in arintaas naloo fasiraa??:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this