Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

TFG prime minister Farmaajo flies to Nairobi kenya to attend Mahigas Conference

Recommended Posts

Raysalwasaare Farmaajo oo ka duulaya Garoonka Muqdisho Photo: Xafiiska RW

Raysalwasaaraha Dawladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta u duuley dalka Kenya.

 

War ka soo baxay xafiiska Raysalwasaaraha ayaa lagu sheegay in Mudane Farmaajo uu casumaad ka helay dhigiisan dalka Kenya Raila Odinga.

 

Raysalwasaare Farmaajo ayaa saxaafadda u sheegay waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan Raysalwasaaraha Kenya ka hor inta aanu ka duulin magaalada Muqidisho.

 

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya uu igu casuumo dalkiisa isla markaana aan yeelano kulan muhiim u ah labada dalba. Kenya waa dal aan wallaalo nahay, runtiina u istaagan sidii ay u caawini lahaayeen shacabka soomaaliyeed iyo sidii waddanka Soomaaliya uu u yeelan lahaa Dowlad soo celisa amniga iyo kala danbeynta. Arrimaha aan kala hadli doono ayaa waxaa ka mid ah xiriirka labada dal, arrimaha amniga, arrimaha qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Kenya iyo arrimaha xilliga kala guurka ah iyo go’aamadii Dowladda FKMG ah ee la xiriira xilliga kala guurka ah iyo sidii xal loogu heli lahaa soo afjaridda dhibaatada dalka Soomaaliya.” ayuu yiri Farmaajo

 

Waxaa lagu wadaa in todobaadka danbe dalka Kenya uu ka furmo shir heer caalami ah oo ay soo qaban-qaabisey, Qaramada Midoobey kaas oo ah mid waatashi kuna saabsan sidii dhinacyada Soomaalidu ay u wada hadli lahaayeen meelna isula dhigi lahaayeen marka la gaaro bisha Agoosto ee uu dhamaado xiliga sharciga ah ee Dawladda kumeelgaarka ah.

 

Xukuumadda kumeelgaarka ah ayaa shirkaas qaadacdey, sidoo kale xubno ka tirsan baarlamaanka ayaa ku baaqey in aan shirkaas laga qayb gelin.

 

Ma cadda in Raysalwasaare Raila Odinga ku qancin doono Raysalwasaare Farmaajo in shirka Nairobi ka furmaaya 12 -13 April ay ka soo qaybgalaan iyo in kale, sidoo kale raysalwasaare Farmaajo ma sheegin in Beesha caalamka ee taageerta DFKG uu kula kulmi doono dalka Kenya mudada uu halkaas ku sugan yahay. Safarka Raysalwasaaraha ayaa ku soo beegmaya isaga oo laba maalmood ka hor ku dhawaaqey in Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ku hawlan arrimaha Soomaaliya ay 90 maalmood gudahood ugu soo guuraan Muqdisho.

 

Hooska aklhri warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Raysalwasaaraha:

 

Horseed Media

 

Warsaxaafadeed

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo u ambabaxay Dalka Kenya si uu ula kulmo dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya

 

(Muqdisho – Khamiis, 06 April 2011)—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka duulay gegida dayuuradaha ee Aden Adde International Airport isagoo ku sii jeeda Dalka Kenya oo uu casuumaad Rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalka Kenya.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayay xubno ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka C/qaadir X. Maxamed (Suldan lugadhere), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini, La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yarisow), waxaana la filayaa inuu dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya Mudane Raila Odinga uu la qaato kulan rasmi ah maalinta Khamiista 7-da April 2011 si ay uga wada hadlaan arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal ee wallaalaha ah, sii xoojinta la dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee argagaxisada ah ee dhibka ku haya dalka Soomaaliya iyo waddamada deriska ahba.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya uu igu casuumo dalkiisa isla markaana aan yeelano kulan muhiim u ah labada dalba. Kenya waa dal aan wallaalo nahay, runtiina u istaagan sidii ay u caawini lahaayeen shacabka soomaaliyeed iyo sidii waddanka Soomaaliya uu u yeelan lahaa Dowlad soo celisa amniga iyo kala danbeynta. Arrimaha aan kala hadli doono ayaa waxaa ka mid ah xiriirka labada dal, arrimaha amniga, arrimaha qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Kenya iyo arrimaha xilliga kala guurka ah iyo go’aamadii Dowladda FKMG ah ee la xiriira xilliga kala guurka ah iyo sidii xal loogu heli lahaa soo afjaridda dhibaatada dalka Soomaaliya.”

 

Kulankan ayaa lagu wadaa inuu ku soo dhammaado afgarad iyo labada dal oo xiriirkooda wallaaltinimo sii xoogooba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shuruud ku xiray shirka wada tashiga ee Nairobi ka qeyb gelkiisa, isagoo sheegay in iyaga mowqifkooda uu cad yahay, sidii ay go'aanka uga qaateen dhowaan.

 

Isagoo la hadlayay Telefishinka qaranka oo dhowaan hawada soo galay ayuu Ra'iisul Wasaaraha waxaa uu cadeeyay in Dowladda KMG ay diyaar u tahay in shirkaas ka qeyb galo, hadii loo soo raro meel ka mid ah gudaha Soomaaliya, isla markaana ay garwadeen ka noqoto.

 

"Anaga mowqifkeena waa cad yahay, shirkaas waxaan ka qeyb galeynaa, hadii gudaha dalka loo soo raro, garwadeena ay ka noqoto Dowladda"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo si aan leex leexad laheyn.

 

Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa sheegay in muhiimad ay tahay in dalabkooda la tixgeliyo, maadaama shirar horay dibada lagu soo qabtay aan waxba ka soo naasacadaan, isagoo xusay in dhinacyada wada hadlaya ay yihiin Soomaali, isku af iyo isku diin ah sida uu hadalka u dhigay.

 

"Anaga shirkaas waxa ka soo bixi kara ma aanan ogin, hadii shirka aan anagu garwadeen ka noqono, waxaan ognahay wixii ka soo baxaya"ayuu sii raaciyay Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo ku taliyay in Soomaaliya aayaheeda tahay in shirku ahaado mid dalka gudihiisa lagu qabto.

 

Mr Farmaajo ayaa muujiyay in wali mowqifka Xukuumadiisa ka qaadatay shirkaas uu wali taagan yahay, kadib markii shalay Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya Amp. Mahiga uu ku celiyay in shirka uu dhacayo bishan.

 

Dhinacyada Soomaalida ayaa qaarkood muujiyay sida ay u xiiseynayaan ka qeyb galka shirkaas, gaar ahaan Maamulada curdunka ah oo durba taageeray inay ka qeyb galayaan, waxaana hadalo ka soo kala yeeray Kooxda Ahlusuna ee fadhigeeda yahay Dhuusa Mareeb iyo Maamulka kale ee ku xeyndaaban Koofurta Galkacyo ee Galmudug ay labaduba sheegeen inay ka qeyb galayaan shirkaas

Share this post


Link to post
Share on other sites

R/wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambaxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya Raila Odinga.

 

R/wasaare Max’ed C/laahi farmaajo ayaa wafdiga uu hogaaminayo waxaa ka mid ah Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Sareeyo Guuto C/qaadir Cali Diini iyo saraakiil kale oo ka tirsan xafiiskiisa, waxaana garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ku sii sagootiyey mas’uuliyiin isugu jirta labada Gole ee dowladda, saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo madax kale oo dowladda ka tirsan.

 

Mudane Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo oo ka hor intaa aanu ka ambabixin garoonka diyaaradaha waramay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu martiqaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Kenya Raila Odinga 1-dii bishaan, waxaana uu R/wasaaruhu xusay in uu kala hadli doono madaxda dalkaasi sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal.

 

R/wasaare Max’ed C/laahi ayaa shaaca ka qaaday in kulanka uu la yeelano R/wasaaraha dalka Kenya ay sidoo kale isla soo hadal qaadi doonaan xoojinta iyo iskaashiga xagga amaanka, isagoo intaa ku deray in kulankooda uu qaadan doono hal maalin.

 

R/wasaaraha oo mar la waydiiyey in haddii saraakiil ka tirsan Q/midoobay ay ku soo hadal qaadaan in uu ka qayb galo shirka ay Q/midoobay soo qaban qaabisay ee dalkaasi ka dhacaya ayaa ku jawaabay in Xukuumadda Soomaaliya ay horey arrinkaasi go’aan uga gaartay in aysan ka qayb galeynin shirka, isagoo intaa ku daray in haddii la rabo xalka kaliya ee ay shirkaasi ka qayb gali karaan ay tahay in lagu qabto gudaha Soomaaliya ayna maamusho dowladda

Share this post


Link to post
Share on other sites

R/wasaaraha: “Shirka UN-ka waxaan ka qeyb gali karnaa haddii dalka lagu qabto annaguna aan wadno”

 

Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka ay qabanqaabisay Q.Midoobay ay uga qeyb gelikarto oo kaliya in lagu qabto gudaha Soomaaliya isla markaana ay garwadeen ka noqoto Dowladda, maadaama looga hadlayo aayaha dalka Soomaaliya.

 

R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo wareeysi gaar siiyay T.V.-ga Qaranka Soomaaliyeed ayaa ku celiyay in Dowladdu aaneey ka qeybgelidoonin shirka la sheegay in lagu qabanayo magaalada Nairoobi ee dalka Kenya.

 

“Annagu Mowqifkeennu wuu cadyahay kamana qeybgaleyno shirkaasi, waayo Dowladdu waxa ay ku mashquushantahay gudashada howlaha loo igmaday, diyaarna uma nihin in siyaasad iyo howlo cusub nalaku mashquuliyo, mana dooneyno in aan ka qeybgallo shir aynaan garaneynin waxa uu ku dhamaandoono, inkastoo la sheegay in uu wadatashi yahay, haddii Soomaali la isu keenayo dowladda ayaa isu keeneeysa, sidoo kale haddii gudaha dalka lagu qabanayo shir Dowladdu garwadeen ka tahay waa wax manaagsan, Soomaalidana iyadaa isfahmi karta, waayo shirarkii farahabadnaa ee lagu qabtay dalka dibadiisa waxba kama iman”ayuu yiri R/wasaare Farmaajo.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa hore ugu gacanseyrtay shirka ay Q/Midoobay soo qabanqaabisay ee la sheegay in dhawaan lagu qabandoono dalka Kenya, iyadoo qeybaha Bulshaduna ay muujinayaan sida ay dowladda ugu taageersanyihiin go’aanka ay ku diiday ka geybgalka shirkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

“Annagu Mowqifkeennu wuu cadyahay kamana qeybgaleyno shirkaasi, waayo Dowladdu waxa ay ku mashquushantahay gudashada howlaha loo igmaday, diyaarna uma nihin in siyaasad iyo howlo cusub nalaku mashquuliyo, mana dooneyno in aan ka qeybgallo shir aynaan garaneynin waxa uu ku dhamaandoono, inkastoo la sheegay in uu wadatashi yahay, haddii Soomaali la isu keenayo dowladda ayaa isu keeneeysa, sidoo kale haddii gudaha dalka lagu qabanayo shir Dowladdu garwadeen ka tahay waa wax manaagsan, Soomaalidana iyadaa isfahmi karta, waayo shirarkii farahabadnaa ee lagu qabtay dalka dibadiisa waxba kama iman”ayuu yiri R/wasaare Farmaajo.

 

The Imam does not recognise you, Mr Cheese. In order for the Imam to recognise you, someone has to be the go-between and bring you two (and others) to the negotation table. Knowing the Imam, I now expect him to counter your argument with an invitation for all sides to attend a conference in Garowe (which, of course, nobody will turn up to but it would also call your bluff and muddy the water even further). Go to the conference, Farmaajo. But your only demand should be that you are clearly recognised as the government of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Strange development, we applauded his action of banning, not attending, relocating the UN from Nairobi.

 

 

Kolleey Farmaajo waa nin weyn, hadaladuu yirina iyo goortuu yirina aan fogeyn, wali waxaan filayaa inuu ku adkeysto mowqifkiisa.

 

 

Ps: Nayroobidan baasba inuu u safro maba aheyn, maya, saas ma ahan, Mahiga ayaa maanta hadley oo yiri TFG hadeysan ka soo qeebgalin shirka laba koorraba waa uu soconayaa, inta ka akhri, shaqada waan kaa eryi ama ka soo qeebgal calashaan.

 

So sad, in sidan naloo addoonsado, guumeeysi qarsoon ayaan ku jirney, hadana waaba mid muuqdaba

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   
Zack, I am sure Somalia and Somalis can live without UN handouts and their salary which became waan kaa goyn hadaad i maqli weydo, I am sure and certain that even with current situation, Somalia can manage itself without outside interference.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Nuunka, oh yeah? Have the AMISOM troops leave xamar for one day and if shariif doesn't run back to Libya and farmaajo doesn't fly back to buffalo, New York, then what you said is correct.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Zack, si baad ugu kacsan tahay TFG maalmahan! Jokes aside, I don't think TFG is in position to stand itself and opt out the UN/IC support, but I believe they can voice their legitimate concerns in a civilized fashion. In this case however, I though they over stepped outside their power. It would have been better for them to come to the table and demand what they think is right (extension,) rather boycotting it and then sheepishly showing their face. We will see if he is still going to attend it or not, but it seems he (farmaajo) has been pressured to change his earlier stand. War jiraaba cakaaru iman!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this