Sign in to follow this  
Somalina

Somalia: Demonstrations against the UN-sponsored meeting

Recommended Posts

Somalina   

Haa...HOL :D

 

-------

 

Banaanbaxyo ballaaran oo lagu taageerayay go'aankii Xukuumada oo ka dhacay Luuq, Doolow iyo B/xaawo ee gobolka Gedo

 

Banaanbaxyo ballaaran oo si weyn loo soo abaabulay ayaa maanta mar kale ka dhacay magaalooyin ka tirsan gobolka Gedo, gaar ahaana degmada Luuq, Doolow iyo Beledxaawo ee dalka Soomaaliya waxaana

banaanbaxyadani lagu taageerayay go’aankii diidmada ahaa ee Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay ku qaadacday ka qeybgalka shirka Q/midoobay ay qaban qaabisay ee wadatashiga iyo sidoo kale taageero ay u muujinayeen go’aankii xukuumada ee muddo kordhinta hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda.

 

Banaanbixii ugu horeeyey ayaa maanta ka dhacay magaalada Luuq ee gobolka Gedo halkaasoo ay isugu soo baxeen kaasoo ay isugu soo baxeen kumanaan dadweyne ah oo muujinayay go’aankii ka soo baxay dowladda waxaana dadkaasi ay isugu jireen dhalinyaro, haween iyo waxgaradka magaalada.

 

Dadweynihii isu soo baxay ayaa waxay wateen boorar ay ku qornaayeen waan taageersanahay dowladda federaalka doonimeyno Alshabaab….Soomaaliya Soomaalibaa leh dooni meyno shirka shirqoolka ee

Q/midoobay iyo erayo kale, waxayna lug ku soo dhex mareen waddooyinka magaalada Luuq halkaasoo ay ugu dambeyntii usugu soo urureen goob fagaare ah.

 

Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Kaliil oo la hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa u sheegay in dadka ku dhaqan gobolka Gedo ay taageero u hayaan go’aankii ay dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ku gaartay in aysan ka qeyb galin shirka la sheegay inuu ka dhacayo magaalada Nairobi ee ay garwadeenka ka tahay Q/midoobay wuxuuna xusay in ay ku taageersan yihiin go’aankoodaasi dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Dhinaca kale, banaanbaxyo kuwan la mid ah ayaa waxa ay ka kala dhaceen degmooyinka Beledxaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo kuwaasoo ay soo abaabuleen qeybaha bulshada rayidka ee degmooyinkaasi waxayna banaanbaxayaashu muujiyeen shucuurtooda ku aadan shirka Q/midoobay ee

ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna taageereen in go’aankii dowladda ay mudada ku kordhisatay iyo weliba hadalkii ka soo yeeray labo cisho ka hor Ra’iisul Wasaare Farmaajo kaga dalbaday hay’addaha Q/midoobay inay muddo 90 cisho gudahood ah ku soo degaan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaana Caasimadda.

 

Maxamed Xuseen Ugaas.

Ugaasyare114@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maalinba maalinta ka danbeysa wey ka duwantahay. Banaanbax AS ka dhan waa la dhigey Xamar, you can Google it.

 

----------

 

Bannaanbax looga horjeedo shirka ay Qaramada Midoobay soo qaban-qaabisay oo Muqdisho ka dhacay

Talaado, Abriil 12, 2011 (HOL) – Bannaanbaxyo looga horjeedo shirka ka furmay magaalada Nairobi ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay soo qaban-qaabiyeen ururrada bulshada rayidka iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaana xubnihii ka hadlay ay ku tilmaameen shirkaas inuusan ahayn mid ay dani ugu jrito Soomaaliya.

 

Dadweynihii ka qaybqaadanayay dibadbaxan ayaa socod kusoo maray degmada Xamarweyne iyagoo ugu dambeyn kusoo ururay barxad weyn oo ay kula hadleen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo kuwa bulshada rayidka ah.

 

"Talada Soomaaliya gogosheedu waa Muqdisho, wax badan ayaana dibadda wax ka doonnay caalamkana waa nagu wareeray... waxaana loo baahan yahay in gudaha dalka lagu soo laabto si looga hadlo xaaladda Soomaaliya," ayuu yiri Shariif Xuseen Jilacow oo ka mid ah golaha odayaasha Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale, waxaa dibadbaxa ka hadashay xoghayaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Faadumo Cali Cosoble iyadoo shirka ka furmay Nairobi ku tilmaantay mid lagu burburinayo dowladda Soomaaliya laguna qaybinayo dalka.

 

"Mahinga iyo inta la midka ah ee doonaysa inay Soomaaliya la kala qaybiyo waan kasoo horjeednaa, shirka Nairobi ma ahan mid looga hadlayo xalka Soomaaliya ee waa mid lagu burburinayo, gudaha dalka ayaa lagu qaban karaan shir wadatashi, Mahinga waxaad waddo ma doonayno, ogow Soomaaliya xalkeeda wuxuu yaallaa gudaha iyada ayaan ka tashanaysa," ayay tiri Faadumo.

 

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne C/llaahi Sahal Gadhuub oo isaguna hadal ka jeediyay mudaaharaadka ayaa ka codsaday xoghayaha guud ee QM Ban Ki-Moon inuu xil ka qaadi sku sameeyo wakiilkiisa Soomaaliya danjire Mahinga oo uu sheegay inuu ka shaqeynayo burburka Soomaaliya.

 

"Soomaaliya wixii u dan ah iyadaa taqaan mana doonayso in cid kale ay u yeeriso, innagu waxaan doonaynaa cid nala shaqeysa ee ma doonayno cid naga shaqeysa, waxaana ka codsanaynaa xoghayah guud ee Qarammada Midoobay inuu bedelo wakiilkiisa Soomaaliya," ayuu yiri Gardhuub.

 

"Ma doonayno cid na qafaasha ee waxaan doonaynaa cid aayaheenna nagala shaqeysa, ciddii qafaalka raalli ka noqotay oo raacdayna go'aan ayaan ka qaadanaynaa," ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa raaciyay.

 

Dibadbaxayaasha ayaa waxay wateen boorar ay ku qoran yihiin inaysan raalli ka ahayn shirka Nairobi iyo ergayga xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha dalka Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

This is music, music to my ears! :D

 

Maanta maanta maanta, waa maalin weyne maanta,.....right alright, wait,...is it too soon for that tune. OK, shelf for now. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

These clowns can meet Obama if they want, the reality on the ground is Muqdisho nimaysan raalli ka ahayn ka talin maayo. :D

Afarta meeting-ka isugu timidna I hope they enjoy their vacation. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sharif is doing lot's lobbying to keep the africans in Somalia he is touring uganda rwanda and burundi and igad fully backs Sharifs Govt it's seems the international community disagrees on what will happen after august. And the Somali regional clan states are fueling internal rivalry and using Mahiga and the UN eventhough he has his own agenda to topple Sharif and farmaajo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Xaaji Xunjuf;711217 wrote:
Banaan bax won't safe the current TFG from mahiga + caalin +faroole +
sharif sakin
< iyo barlamaankisa but we shall see outcome.

Hayeey! That is the man to watch!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this