Sign in to follow this  
General Duke

Somalia: Buuhoodle Suldaan Siciid Maxamed Garaase recieved a good welcome in Cayn-report

Recommended Posts

Buuhoodle, Mar 30 - Wafti dhaqameed isugu jira Isimo, cuqaal, nabadoono, iyo madax-dhaqameed kala duwan oo kasoo kicitimay gobolka Nugaal, uuna hogaaminayo Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa maanta soo gaadhey magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn.

 

Wafti-dhaqameedkan ayaa waxaa magaaladda Buuhoodle ku soo dhaweeyey Isimo, cuqaal, aqoon yahan, siyaasiyiin, maamulka gobolka Cayn, xildhibaano iyo wasiiro ku sugan magaaladda Buuhoodle.

 

Waftiga ayaa waxaa meel 50km dhanka koonfureed ka xigta magaalada Buuhoodle kaga hortagey Isimo, cuqaal iyo madax-dhaqameed kale oo ka socdey gobolka Cayn, waxayna usoo gelbiyeen huteel loo sii diyaariyey.

 

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo wafti hogaaminayey ayaa markii uu magaalda soo gaadhey kadib waxaa uu shir saxaafadeed ku qabtay huteelka uu degan yahay, waxaana uu ka warbixiyey ujeedada socdaalkooda, isagoo tilmaamay inay u socdeen booqasho iyo sidoo kale in ay dadka la wadaagaan dhibaatada haysata xiligan ee isugu jirta colaadda iyo abaarta.

 

Suldaan Garaase ayaa sheegay in magaalada si weyn logu soo dhoweeyey, loogana hor yimid meel ku dhow deegaanka Bursaalax ee gobolka Mudug; waxaana sidoo kale uu tilmaamay in socdaalkoodu ku salaysan yahay ardin dhaqan, uusan marna ku lug lahayn arimo la xidhiidha siyaasad.

 

Ugu danbayntii, Suldaan Garaase ayaa ugu baaqay bulshada gobolka Cayn in ay ka shaqeeyaan nabadda, islamarkaana aysan iyagu cid ku xadgudbin.

 

Garaad Saleebaan Buraale Adam oo isna ka hadlay shirka jaraa'id ayaa ka warbixiyey safarka waftiga ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhaweeyeen waftiga, kulamo la qaadan doonaan madax dhaqameedka gobolka Cayn.

 

Ma aha markii ugu horaysey ee wafti Ismo ah oo ka socda gobollada Bariga Puntland uu soo gaadho magaalada Buuhoodle; socdaalka waftiga ayaa ku soo beegmayaa xili ay gobolka Cayn ka taagan yihiin colaado, iyo abaaro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Buuhoodle:(Allpuntland)-Waxaa saacadihii lasoo dhaafay deegaano kamid ah gobolka Ceyn ee dawlada Puntland kusugan wafti sare oo katirsan Cuqaasha,waxgaradka & isimada reer Puntland kaas oo uu horkacayey Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo kamid ah isimada sida weyn looga yaqaano Puntland waxaana la socday xubno kale oo kamid ah golaha nabadoonada ee Puntland kuwaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Ceyn.

 

Waftiga Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa xalay ilaa saaka kulamo kaladuwan la leh bulshada gobolkaas gaar ahaana isimada,maamulka & xubno kale iyagoo kala hadlaya xaaladihii ugu danbeeyey ee deeganadaas & guud ahaanba dalka oo idil oo ku jira xaalad khatar ah,waxaana ay waftigu dadkii ay la kulmeen ku dhiirigeliyeen inay ku dadaalaan ka shaqeynta nabada & xasiloonida.

 

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in ujeedada imaanshahooda Buuhoodle ay kusaabsan tahay kala warqaadasho bulshada halkaas kusugan oo uu sheegey inay markasta muhiim tahay in ay Bulshoweynta reer Puntland iska warqabaan,waxaana uu intaas kudaray in safarkoodu uusan marna wax lug ah ku lahayn siyaasada,isagoo sheegey in ay dadka reer Ceyn la wadaagayaan Abaaraha & Colaada dadka & duunyadaba saamaysay ee halkaas ka taagan.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

GD

Some people do not see the big picture, to them is all about challenging certain people, it is amazing how BBC does not have a reporter in Buuhoodle and have to rely the one in Burco, and the people who were trying to make this story bigger than it is, the only i see them as waa sheekada doqonta 10 indhood leh oo sagaal walaalkeed isaga ilaalisa halna cadowgeeda, well they could be secessionist in closet such as Ali Khaliif, who knows, but people in SSC need serious talk, and I am sure if they talk to each other they can come up with a solution, but as long people such as Dalbac are welcomed open arms I doubt anything will change.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this