Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland xudun district elders support the peace proposal of president Siilaanyo

Recommended Posts

21 Ka Mid Ah Waxgaradka Degmada Xudun Oo Soo Dhaweeyay Baaqa Nabadeed Ee Madaxweyne Siilaanyo

March 29th, 2011

 

Xudun (Somaliland.Org)- Cuqaasha iyo nabad doonadda degmada Xudun ee gobolka Sool, ayaan bayaan ay maanta soo saareen waxay ku sheegeen inay taageersan yihiin oo ay ka qeyb galayaan gogosha nabadda iyo baaqii Madaxweynaha Somaliland u soo jeediyay waxgaradka gobolka Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle.

 

Bayaankaasi wuxuu u dhignaa sidan “Haddii aanu nahay Cuqaasha iyo odayaasha degmada Xudun ee gobolka Sool, waxaanu leenahay waanu aqbalaye’e ha la tixgeliyo baaqa nabadeed iyo gogosha uu shacbigayaga u fidiyay madaxweynaha Somaliland.

 

Xukuumadihii Somaliland iskaga dambeeyay oo dhami may furin gogol nabadeed, waxaanu qabnaa inay xukuumadda Somaliland tahay ta kaliya ee baaq nabadeed iyo wada hadal inoogu baaqday hala yeelo.”

 

Cuqaasha iyo odayaasha saxeexay bayaankaasi waxay ahaayeen:-

 

1) Chief Caaqil Saleebaan Jaamac Baruur-doon.

 

2) “ “ Maxamed Aadan Cadde.

 

3) “ “ Muuse Xasan Falaalug.

 

4) Samadoon Axmed Yuusuf Aadan.

 

5) “ Maxamed Nuur Muuse

 

6) “ Axmed Xirsi Xasan.

 

7) “ Maxamed Xasan Saleebaan.

 

8) Oday Jaamac Nuur Cali Bandcadde.

 

9) “ Cali Faarax Warsame.

 

10) “ Cali Iid.

 

11) “ Jaamac Maxamuud.

 

12) “ Maxmaed Xasan.

 

13) “ Casbdi Maxamed Xasan.

 

14) “ Maxamed Jaamac Dhiilood.

 

15) “ Maxamed Saleebaan Diriri.

 

16) “ Jaamac Warsame Ismaaciil.

 

17) “ Maxamed Jaamac.

 

18) “Askar Aadan Hadhi-waa.

 

19) “ Saleebaan Cali Cabdi

 

20) “ Cabdilaahi Maxamed Liibaan.

 

21) Xuseen Bille Maxamed

 

Cumar Maxamed Faarax

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Xudun is now part of SL :), XX let me know when you wake up, heedhe saan dad kale dhulkii ku lahaan mayside, let us know what is going on in the triangle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bilan inadeer xudun was always part of somaliland there has been some disagreements between the clan elders and their government and that's about to be solved Inshallah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taleexi;706801 wrote:
Xaaji waxaas oo energy ah maad Hargeysa siigada kaga xaaqdid. Adigu marba aflagaado halkan ku soo qor qor.

aflgaado ah war oday weyn baan ahay anigu ma aflagaadoodo hargeysa maan ka xiiga wa caasimad eh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hogaanka Dhaqanka Ee Degmada Xudun Oo Maanta Taageeray Baaqii Madaxweyne Siilaanyo Gogosha Nabada Ugu Fidayay Beelaha Gobolada Buhoodle Iyo Sool.

Xudun (Ramaas)Mar.29,2011- Hogaanka dhaqanka beesha degmada Xudun ee gobolka Sool, ayaa maanta sheegay in ay si rasmi ah u taageerayaan gogoshii nabadeed ee Madaxweyne Siilaanyo u fidiyay beelaha gobolada Sool iyo Buhoodle.

 

Odayaashan oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Xudun, ayaa sheegay in ay ayidsan yihiin qorshe kasta oo mabad loogu dhamaynayo colaadaha ka jira Bariga dalka oo curyaamiyay horumarka deegaanadaas, waxaana ay sheegeen in wakhtigan ay dadku u baahan yihiim nabad iyo xasilooni oo aanay taabacayn kooxaha ay sheegeen in nabada ka soo horjeedaan.

 

Waxa ay odayaashani ballan qaaday in ay ka shaqayn doonaan sidii la isugu soo dhawayn lahaa xukuumada iyo shacabka ku nool dhulkaas, taa soo dhabaha u xaadhi doonto in xal loo helo colaada iyo khilaafka ka oogan Bariga, iyaga oo ugu baaqay guud ahaan dhinacyada ku lug leh arrimaha siyaasada in ay ka qayb qaataan hawlgalka nabad raadinta.

 

Baaqa odayaashan ayaa daba socday koox hogaamiye dhaqameedyo ah oo ku dhawaaqay in ay taageeradoodii kala noqdeen falaagada SSC-da, kuwaas si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa, iyada soo dhaweyntooda aan loo kala hadhin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this