Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Warlord Cabdilahi Yusuf not safe in yemen he is going to flee once again

Recommended Posts

Madaxwaynihii Hore Ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf ayaa Qorshaysanaya in uu iskaga Guuro Dalka Yemen

 

29/03/11-Yemen-(Sanca) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed oo ku noolaa dhulka Yeman tan iyo sidii uu uga tagay xilka Madaxweynenimo, ayaa la sheegayaa inuu haatan ku tala jiro inuu wadaankaas isaga baxo, sababo la xiriira rabshadaha ka taagan wadaanka, iyo kacdoomada looga soo horjeedo Madaxweynaha Dalkaas Cali Cabdalla Saalax.

 

Waxaa sii xoogaystay kacdoonkaas, iyadoo la filayo in dhowaan xilka laga tuuro Cali Cabdalla Saalax oo ay saxiibo hoose yihiin Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed oo ku nool meel aan saas uga fogeen qasriga madaxtooyada Yemen.

 

Madaxweyne Cabdullahi Yusuf oo iska xanuunsanaa waayahan danbe ayaa ku noolaanshaha dalka Yeman u doortay arimo ay ka mid yihiin in Soomaaliya iyo Yeman isku Cimilo yihiin iyo inuu isaga soo fogaaday dhibaatada ka socota Soomaaliya si aan loo oran Oday Cabdullahi ayaa wax ka Maleegaya.

 

Dad qaraabo la ah ayaa ku howlan sidii Madaxweynaha looga soo rari lahaa wadankaas oo meel kale loogu wareejinlahaa, waxaanse wali la isku raacin halka uu dagi lahaa.

 

Dalal kala duwan ayaa la isku soo hadal qaaday oo ay ka mid yihiin emaaraatka iyo Sacuudiga, waxaase jira kuwo ku adkaysanaya in Madaxweynaha London loo wareeji madaama uu inta badan u yimaado dhaqtar baara dhowrkii bilood mar.

 

Waxaase jira warar sheegaya in Madaxweynaha ku adkeysanayo inuu Yemen ku sii noolaado, uusanna dhib u arag isbedelka siyaasadeed ee la filayo inuu yemen ka dhaco, asagoo ku tilmaamay xukuumada Yeman mid walaaltinimo leh oo aan hoojin doonin.

 

Dhinaca kale wuxuu walaac ka muujiyay hadii wadanka Dagaal ahli ah ka dhaco in xaaladu ay qatar gali karto, markaasna lagama maarmaan tahay in meel nabdoon uu dego oo uu ku cibaadaysto inta noolashiisa uga hartay.

 

Madaxweynaha Soomaaliya waxaan Alle uga baryaynaa inuu Xaaladiisa caafimaad wanaajiyo, Allana u dambi dhaafo oo waxkasta oo xun ka ilaaliyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Labada kaa korreeya they are wishing the man iney balaaya ku dhacdo, humanity waxa la dhihi jirey maxaa ku dhacey.

 

 

Hope Adeero Yusuf in uu meel nabad ah tago, wishing him caafimaad iyo cimri dheer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Xaajiga Xeyraanka Adduunka, raali iga noqo Cammii, marduuf dheyla ah baa ii goglanaa maanan arkinba waxa aad soo tabisey

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Xaajiga waa uu hadley, taqsiinta ha iga qasin cammii, hadaad mijin gubatey u baahatana sheeg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

The father of PL, and former President of Somalia will be alright despite political instability of Yemen.

 

Ha u baqina,,, diyaarad khaas ah ayaa loo dirayaa,,,...:)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;706661 wrote:
^^ war anigu warka uun baan soo tabiiyey goormaan cid habaaray la xawla war bal dib u eeg

 

Warlord Cabdilahi Yusuf not safe in yemen he is going to flee once again

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Thanks JB, maan arkin taa,

 

 

now Xaajiga runta sheeg waxaad qortey iyo waxaad igu tiri farqiga u dhaxeeya ka akhriso ayadoo quote ah JB postigiisa danbe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

**Looks Nuune in the eyes with indho kuuriyoosit ah, while thinking "muxuu u dan leeyahayna maanta"**

 

XX, ma waxaad rabtay Adeerkey inuu meesha iska sii fadhiyo? He's going to flee once again ku yeh...Ma ka fikirtaa waxaa qoreyso inta aadan qorin?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this