Sign in to follow this  
General Duke

What's the greatest Somali love story ever told?

Recommended Posts

Sheekadii Cilmi Boodhari.

 

Allaah ayaa mahad leh nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabi Muxam ed, intaa ka dib.

 

Saxabiyaal waan idiin salaamay meel kasta oo aad aduunka kaga nooshiin, wax aan halkaan idiinku soo gudbineynaa Qiso xusid mudan oo Jacayl ah taas oo ah Qisadii Abwaankii Jacaylka Ee Cilmi Boodhari.

 

iyadoo aan u qeybinnay Cutubyo badan soona koobnay Nuxurka Qisada layaa bka leh ee Cilmi iyo Hodan

 

Dukaankii rootiga lagu gaday ee Berbera ugu weynaa ee Cilmi uu ka shaqeyne yey waxaa soo gashay gabadh qurux badan oo la odhan jirey Hodan Cabdille Walanwal. Sidii ay u socotey waxaa abwaan Soomaaliyeed ku sifeeyey sidan

 

Markay socodka damacdee

 

Deggenida tallaabada

 

Miisaanka lagu daray

 

Laafyaha la daawado

 

Dadku waxay yiraahdaan:

 

“May daarin ciiddee

 

Indho deeraleeyey!“

 

Gabadhu waxay ku tiri Cilmi „Subaax wanaagsan!“ Isagoo markii horeba ka helay qaab-dhismeedka qurxoon ee uu Eebbe u uumay baa haddana wuxuu ku murqaamay midabkeeda oo aad dahabi moodeysey iyo indheheeda debecsan ee ka soo jeeda wejiga dhalaalaya wuxuu ugu jawaabay „wanaagsan“. Islamarkaasna wuu caashaqay

 

Caashaqii buu u bukay Cilmi Boodhari . "Culays wuu i saaran yahay“ buu ku yidhi saaxiibbadiis. Markuu muddo bil ah jacaylka dhex dabaalanayay waxaa soo batay xanuun ka dhashay rabitaan xad-dhaaf ah oo uu u qabay Hodan. Cuntadii iyo hurdadiina way ku yaraadeen. Intii uu Hodan u tegey ayaa wuxuu u sheegay in uu jecel yahay inuu guursado. Hodanna iyadoo dirifsan, si kulul bay ugu sheegtay Cilmi inaysan guurkiisa u baahnayn. Muddo kaddib Cilmi wuxuu tiriyey gabaygii ugu horreeyey, isagoo ku muujiyey dhibaatadii la soo deristay

 

Nimanyahow, dharaar iyo habeen waan dhadhabayaaye

 

Dhulkuun baan xariiqaa siday dhiilo u timiye

 

Sidii qaalin dhugatoobayoo geeli laga reebay

 

Dhallinyaro ma raacee keligay baan dhaxanta meeraaye

 

Dhakhtarkaa la geeyaa qofkii dhawac weyn qaba e

 

Iyana waa igu dheeldheeleyaan dhamacda Daa’uude!

 

Cilmi wuxuu ka faquuqmay bulshadii uu dhexdeeda magaca iyo maamuuska ku lahaa, wuxuuna noqday nin iska aammusan. Xilligaa geyiga Soomaaliyeed lagama aqoon jecel, waxaana ceeb iyo foolxumo loo arkayey qofkii laga maqlo „Caashaq baa i haya“. Qofkaa caynkaas ah waxaa loo haysan jirey mid uu jiinni derderay. Sidaas darteed ayaa Cilmi loogu qaadey habar jiinniga dadka ka buubisa oo dad badan daaweysey. Kaddib markii laga quustay ayaa waxaa loo tegey wadaaddo. Inkastoo ay aad u dadaaleen, haddana ficilkoodii iyo Quraankoodii ma noqon fal uu Cilmi ku raystay. Nin wed galay looma taag helo!

 

Cilmi Boodhari isagoo aad u xanuunsan ayaa wuxuu tiriyey gabay uu ku eedeeyey dadkii garan waayey caashaqa wuxuu yahay:

 

Caashaqa haween waa horuu Caaddil soo rogaye

 

Sayidkii Carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye

 

Carruurtay sideen meesha iyo Ciise Nebigiiye

 

Cidla‘ lagama beermeen dadkoo cuudi waaxidahe

 

Waxaa qaarba cayn looga dhigay hays cajebiyeene

 

Soomaalidaa caado xumee iguma caydeene

 

Oo ima canaanteen sidaan Cuudka iibsadaye

 

Kuwii ii calaacalayey baan camal tusalayne…

Share this post


Link to post
Share on other sites

I heard a great deal about the poet Cilmi and his love for the maiden Hodan. However are there any other stories that fellow Nomads would like to share with us?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

GD, ina'adeer ma jaceyl baa lagday? :P I JOKE, I JOKE!

 

Cawrala iyo Cali Maax marabo inaan Showqi uga hormaro, ee bal sheekada lasoo dhaqso farahaa i cuncunayee!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kool_Kat;706403 wrote:
GD, ina'adeer ma jaceyl baa lagday?
:P
I JOKE, I JOKE!

 

!

My cousin, why the JOKE, it is spring after all. Anywho let us know what your favourite story is or if you know any others..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Cilmi iyo Hodan jacaylkoodu midna caadi ma ahayn..... balse waxaa buugii ugu horeeyey ee novel jacayl ah laga qoray Cawrala iyo Cali Maax .... Aqoon Darro Waa u Nacab Jacayl ... (Ignorance is the enemy of Love) oo uu ku fara yaraystay Faarax M J Cawl balse uu turjumay Andresweski bal halkan ka dheeho ...... Jacaylkaas Cali Maax oo kale baa beri i haleelay Allase iga badbaadi....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Threadkan ayaaba shidan, isii sisinta. :D

 

KK, inadeerka spring waaye maxuu ka wadaa? :P

 

Sheekooyinka soo tuura Soomaliyeey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taleexi;706426 wrote:
Cilmi iyo Hodan jacaylkoodu midna caadi ma ahayn..... balse waxaa buugii ugu horeeyey ee novel jacayl ah laga qoray Cawrala iyo Cali Maax .... Aqoon Darro Waa u Nacab Jacayl ... (Ignorance is the enemy of Love) oo uu ku fara yaraystay Faarax M J Cawl ....

So is it a true story or a work of fiction?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this