Sign in to follow this  
Siciid1986

Xukuummada somaliland oo shaaca ka qaaday inay ku guuleysatay tijaabadii beeriiska

Recommended Posts

Somaliland Oo Taariikhda Markii Ugu Horeysay Ku Guulaysatay In Ay Dalka Ku Beerto Bariis Iyo Weedhaha Uu Xaflad Loo Sameeyay Ka Jeediyay Wasiirka Beeruhu

 

Hargeysa (HWN) Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Professor Faarax Cilmi Geedoole, ayaa shalay markii ugu horeysay ka qayb galay xaflad loo sameeyay bariis lagu beeray dalka.

 

 

Hargeysa (HWN) Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Professor Faarax Cilmi Geedoole, ayaa shalay markii ugu horeysay ka qayb galay xaflad loo sameeyay bariis lagu beeray dalka.

 

Xafladan oo ka dhacday Xarunta Beeraha ee Biyo Guure ee ku taala Gobolka Saaxil, ayaa waxa iyaguna ka soo qayb galay Mayorka Magaaladda Berbera Cabdale Maxamed Carab, Maareeyaha Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, La taliyaha madaxweynaha ee Golayaasha qaranka iyo masuuliyiin kale.

 

Ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Professor Faarax Cilmi Geedoole, oo halkaas ka hadlay ayaa guul ku tilmaamay Bariiskan cusub ee ka soo goay beeraha Somaliland, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa waxan marka hore umahad celinayaa mulkiilaha beertan aynu manta bariiskeeda arkayno iyo hawl wadeenadiisa oo uu ugu horeeyo ninka udhabar adaygay xeebtaa aad arkaysaan kulaylkeed ee ay walaalaha yihiin mulkiilaha beerta ee Axmed waxa kale oo aan aad ugu faraxsanay siidhkii aan halkan keenay oo manta midho dhala waxaana halkan iiga muuqata tacab badan oo galay beertan iyo bariiska sidii usoo bixi lahaa waxa aanu aad isu weydiinaynay markii aanu halkan bariiska siidhkiisa keenaynay tolow ma bixi karaa halkan manaan filayn laakiin manta wax badan ayaanu ka ogaanay waxaasna tacab baa keenay markaa waxan bulshad reer Somaliland ka codsanayaa in ay dhulkooda wax kala soo baxaan oo aanay gacmo shisheeye waxba ka sugin gaar ahaan qurba jooga ayaan aad ugu dhirinayaa in ay dalkooda soo maalgashadaan.

 

Waxa isna halkaa ka hadlay mulkiilaha beertan Cabdishakuur Cidin oo isaguna umahadceliyay wasiirka beeraha oo uu sheegay in uu lix goor beertiisa ugu yimi intii ay xukumada cusub talada dalka haysay isaga oo arimahaa ka hadlayaa arimahaa wax uu yidhiwaxan halka uga mahad celinayaa dhamaan madaxda Gobolka saaxil ee uu ugu horeeyo Duqa Degmada Berbera Cabdala Maxamed Carab iyo dhamaan madaxda laamaha dawlada ee ka soo qeyb galay xaflada bariiska soo go.ay waxa kale oo aan bulshooyinka reer soomaaliland ugu baaqayaa in ay dhulkooda wax kala soo baxaan oo ay beertaan wad arkaysaan oo waa kaa bariiskii laynooga keeni jiray Hiniya iyo Thailand hadii aynu isku dayno in aynu dhulkeena wax kala soo baxno waa suuragal ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland.

 

waxa isna halkaa ka hadlay Duqa degmada Berbera Cabdalla Maxamed Carab waxaana hadaladii duqa kamid ahaa

 

waxa wax ilaahay loogu mahad naqo ah beertan bariisku manta ka soo go,ay ee aynu dhex joogno oo aynu wada garanayno maalintii ugu horeysay ee wasiirkan beeruhu halkan yimaado faraq aad weyni udhexeeyo waxaanay taasi muujinaysaa sidii uu inankaa beerta beeray uu sheegay in hadii bina.aadamku wax beero oo tabco in wax labeeri karo imika markii aanu soo laabanaynay waanu yara xamanay ninka beertan beeray waxa aanu nidhi balka ka warama ninka halkaa buurta hoosteeda ee aad kulaylkeed arkaysaan beeraya ee jooga maxaade umalaynaysaan markaa waa alxamdu lilaah hadii uu mantaba bariiskii soo go,ay waan ku amaanay cabdishakuur iyo Axmedba labadaa nine e walaalah ah.waxa isna halkaa ja hadlay Siciid Cartan oo ah khabiir ku takhasusay beerista bariiska mudo badan ka soo shaqeynaayay wakhtiyadii dawladii somaliya waxaanu siciid aad ugu dheeraaday qiimaha bariiska manta halkan ka baxay iyo siyaabaha loo bahanyay in loo beero amaba loo wada gaadhsiiyo wadanka oo dhan dadkana loo baro beerista bariiska isaga oo wasiirka wasaarada beerahana talooyin badan oo ku waajahan dhinaca beerista bariiska iyo horumarintiisa siiyay siciid cartan waxaanu aad ugu dardaaray wasiirka siciid in labadiyo fidinta mashruuca bariiska iyo waliba in la furo iskuulo lagu baro dadka habka bariiska loo beero hadii aan sidaa layeelina aanay suuragal aheyn in bariisku iyo baristiisu sii socoto hakadna gali doono ayuu yidhi Duqa Magaaladda Berbera.

 

Waxa isna taariikhda biyo guure iyo wakhtigii beeraha lagu bilaabay ka hadlay la taliyaha Madaxweynaha ee Golayaasha qaranka Maxamed Cabdilaahi Cabsiiye oo sheegay in beerihii ugu horeeyay ee biyo guure uu lahaa mulkiilaha beertan maanta bariisku kasoo go.ay ee Cabdishakuur awowgii oo walibana uu ganacsigii uu magaalada ku laahan ka door biday beerista saracyada kala duwan iskastoo aanu barigaa bariisku jirin hadana waxyaabo kale oo badan ayaa la beeran jiray laakiinse waxa uu lataliyuhu uga socday in beeruhu ay yihiin qaar hide ah ugu danbeyntiina waxa uu amaan usoo jeediyay mulkiil;aha beerta cabdishakuur cidin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this