Sign in to follow this  
Liqaye

Aweys: Carur ayaan dagaal galineynaa

Recommended Posts

Liqaye   

18 Mar 18, 2011 - 3:05:36 PM

 

Sh. Xasan Daahir Aweys oo ah hogaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay sheegay inay caruur dagaal-geliyaan isagoo sheegay in caruurta ay yihiin kuwo u taagan inay dalkooda ka difaacaan cadowga kusoo duulay.

 

Hogaamiyahan oo sanadkii hore isaga iyo kooxdii uu hogaaminayay ee Xisbul Islaam ay ku biireen Al-shabaab ayaa hadalkan ka sheegay muxaadaro uu xalay ku qabtay Masjid ku yaala Ceelsha Biyaha oo ah halka ay ku sugan yihiin dadkii dagaalada uga barakacay Muqdisho.

 

“Caruur yaryar ayaa ka mid ah dagaalyahanada ka horjeeda cadowga ee la safan Al-shabaab” ayuu yiri Sh. Aweys oo intaas ku daray: “Waa kuwo diyaar u ah inay dalkooda iyo diintooda ka difaacaan cadowga kusoo duulay, dhamaan dadkana sidaas oo kale ayaa laga doonayaa”.

 

Sh. Aweys, wuxuu sheegay inaysan joojinayn dagaalada ay kula jiraan cadowga oo uu ku sheegay DF iyo AMISOM inta ay dalka oo dhan ka saarayaan, isagoo sheegay in dhamaan xubnaha dowladu ay yihiin kuwo la saftay cadowga.

 

“Waxaa jirtay in cunug yar oo aan Qaan-gaarin uu la yaabay hugunka rasaasta iyo madaafiicda uuna yiri dagaalku waa dhib badan yahay jihaadkuna waa macaan yahay, markii dambena waa dhintay” ayuu yiri Sh. Aweys oo sharaxaad ka bixinayay hadaladii ay kala hareen caruurtii ay dagaalgeliyeen.

 

Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ayaa dhowr jeer oo hore u eedeeyay Kooxda Al-shabaab inay dagaalgeliyaan caruurta aadka u da’da yar, inkastoo ay tahay markii ugu horeysay oo Mas’uul ka tirsan Kooxdan uu qirto inay dagaalada u istimcaalaan caruur aan qaangaarin.

 

Sh. Xasan Daahir ayaa looga bartay inuu hadalo badan oo iskhilaafsan ka sheego goobaha uu ka hadlo, waxaana uu ka mid yahay hadda Culumo ay Al-shabaab ugu talogalay inay dadka ku dhiirigeliyaan ka qaybgalka dagaalada ka socda Muqdisho iyo Gobolada dalka Qaarkood.

 

Kooxda Al-shabaab ayaa dagaalo ka dhacay Muqdisho iyo Gobolada Gedo looga qabsaday dhowr degmo iyo xarumo Muhiim ah bishii hore, iyadoo dagaaladii xiligaas bilowday ay weli ka socdaan Gobolada Banaadir iyo Gedo.

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Sh. Xasan Dahir markuu hadalkan sheegayey wuxuu uga dan lahaa inuu ku boorriyo dadka waaweyn, micnaha: 'ka kaca meesha ciyaal yar yar baa difaacyada ku jiree!!' ciyaalna waxay noqon karaan 14 jir, 15, jir, ilaa 20 waa iska ciyaal!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

“Waxaa jirtay in cunug yar oo aan Qaan-gaarin uu la yaabay hugunka rasaasta iyo madaafiicda uuna yiri dagaalku waa dhib badan yahay jihaadkuna waa macaan yahay, markii dambena waa dhintay”

 

 

Maaddeey that is a pathetic attempt to twist and pirouette around the issue, caruur 20 jiir halkee lagu arkey? We know that al-shabaab is actively press ganging under 14's into their military, and any family that can afford to in Somalia is paying good money, for their kids to be sent as far away from the reach of al-shabaab kidnappers as possible. Dahir Aweys is a clear speaker and it is obvious what he said as well as what he meant! wuxuu uga dan lahaa , iyo wuxuu ka jeede waa clear as day.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Dadku cilmi yaraa.. ciyaalka dagaalka ya u diiday, qorigu hadduu qaadi karo wuu dagaalami. Again, it all depends on what "Ciyaal" means. 14's and 15's are allowed to fight. Mise "18" is the new adulthood?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^It depends on the circumstances. I was just pointing out that 14's and 15's are not necessarily "Ciyaal". Hadduu wiilku ku qaangaadho 13 waa nin thus he can fight.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^LOL. In that context, I would do what Dahir Aweys does best, send my 14 year old to school in a very peaceful country.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Maaddeey;703613 wrote:
Sh. Xasan Dahir markuu hadalkan sheegayey wuxuu uga dan lahaa inuu ku boorriyo dadka waaweyn, micnaha: 'ka kaca meesha ciyaal yar yar baa difaacyada ku jiree!!' ciyaalna waxay noqon karaan 14 jir, 15, jir, ilaa 20 waa iska ciyaal!.

Nimanyahow dad lama beero ...mana baxo sidii geedo

ma ogtihiin barbaarteena beec iyo xaraash ma aha

 

Nimanyahow bulshada eega qubuurahana soo booqda(not soo faaga)

inta wiil lixaad beelay bukaansocodka tira buuxda

Xukun baadi lagu raadsho dhib looga bixi maayo

Fatma Dahir

 

Ilaahow dheg wax maqasha, qalbi ku adeeca iyo adin kuu dhaqaaqa. Ilaahow Aamin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this