Sign in to follow this  
Liqaye

Ururka Somali Peace Progress oo dood kulul u qabtay musharixiin magac leh [Presidential Debate]

Recommended Posts

Liqaye   

Ururka Somali Peace & Progress oo magaciisa losoogaabiyo (SPP), ayaa kuqabtay gobalka Minnesota ee dalka mareekanka xaflad balaaran oo taariikhi ah looguna magacdaray “Somali Presidential Debate” kana soo qeyb galayn dadbadan oo soomaali ah isuguna jira siyaasiyiin, culimo, dhalinyaro, macalimiin ‘diinta iyo maadigaba’, waalidiin iyo waxgaradba.

 

Xafladda waxay ururka SPP ku casuumayn dhamaan musharaxiinta Soomaalida ee kunool waqooyiga Maraykanka kuna dhawaaqday in ee utartamayaan jagada madadweenaha ee dalka Somalia sanadkan aan kujiro ee 2011-ka.

 

Sideedooniba hanoqotee markii lasoogaaray habeenkay xafladu dhici laheed waxaa lagawaayay goobtii dooda ragbadan oo balanqaaday in’ay ka qeyb galayaan doodaas ayagoon waxwargalin ah oo kusaabsan in’aysan imankarin doodaas usheegin masuuliyiinta ururka SPP. Taasoow xaqiiqdii madaxda ururka SPP kutilmaamayn “XILKASNIMODARO.”

 

Musharaxiinta kasooqeebgalay xafladaas waxay ahaayayn: Mr. Abdulkadir Ali Fish, Mr. Mahamed Cali, Mr.Abdulahi Ahmed iyo Mr. Sh.Abdurahman Haji-Dabcasar.

 

Dood kulul ayaa waxay dhex martay musharaxiintaas midkastana waxuu sheegay waxbadan oo uu rabo in uu uqabto dadkiisa iyo dalkiisa hooyo. Dadku waxeey ku tilmaamayn ragaas in’ay yihiin geesiyaal kudhiiraday in’ay hor istaagaan dadka Soomaaliyeed oogana jawaabaan suaalahooda.

 

Dhamaan dadkii yimid xaflada ayaa xaqiiqdii ka mooqatay farxad aad u badan markay arkayn rag Soomaaliyeed oo musharaxiin u ah jagada madaxweenaha ee dalka Soomaaliya, kana doodaaya dadka hortiisa ayagoo kiiba kakale oo naqdinaayo. Dooda ayaa kudhamaatay si wanaagsan, kadibna musharaxiinta ayaa salaamaayay dadweenihii Soomaaliyeed ee kasooqeebgalay dooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Presidential debate in MN, isn’t that waste of time, I mean come on you have to convince Sakiin & CO not some people in Minnesota, 550 warlords, thieves etc are the ones they need to be talking to.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this