Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

ssc Military commander keyse cabdi yusuf defects to Somaliland

Recommended Posts

Faroole's troops are in SOOL, his Minister IlkajIIR has been touring and setting up admins in Dhahar, Badhan and other towns in Haylan & Sanaag, what can you do about it? Nothing.

 

Yeah Kayse with his Macawis arrived in Burco, lets all celebrate...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Farooles is scared to death he was hiding ever since that's why he was begging Melez zanawi please can you calm down Mujaheed Siilaanyo he might Invade Garowe my native Town. Faroole was like let him take laascanood let him take gambadhe let him take tukaraq but please don't let him take garowe;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^LOL@XX, it was Siilanyu's government that just wrote a late Valantines card to Melez Zanawi and you are still speaking? Come of it mate, you are all hot air.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhinaca kale waxa la sheegay in ay dhawaan Somaliland ku soo fool leeyihiin Siyaasiyiin waaweyn oo ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Buuhoodle oo hore Somaliland Xilal uga soo qabtay, balse tobankii sanadood ee ugu dambeeyey taageeri jiray Kooxda SSC iyo Dawlada TFG, hadase sida la sheegay wada hadal ka dib dib ku soo laabanaya Somaliland oo wakhti dheer ay ka maqnaayeen.

 

Siyaasiyiintan la sheegay inay u soo socdaan dhinaca Somaliland ayaa waxa, ka mid ah Baashe Cali Jamac oo Hore wasiir uga ahaan jiray Somaliland iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Saleebaan Waji Xaad iyo Prof.Cali Khaliif Galaydh oo isna ahaa musharaxiintii 1993 u tartamayey jagada madaxweyne ku xigeenka ee Somaliland shirkii Boorame

Hmmmmmmmmmmmm ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sarkaalkii Iyo Maleeshiyaddii Dhawaanta SSC Ka Soo Goostay Iyo Madax-dhaqameed Reer Buuhoodle Ah Oo Maanta Berbera Soo Gaadhay.

Berbera (Ramaas) Mar.17, 2011 – Wafti isugu jira saraakiishii ka soo goostay falaagada Somaliland dagaalka kula jirta ee SSC iyo Madax-dhaqameedyo ka soo jeedo deegaanka Buhoodle, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera.

 

Weftigan uu horkacayay Kayse Cabdi Yuusuf oo ay ka mid ahaayeen rag tiro badan oo kooxda nabad-diidka ah ee SSC ka soo goostay, isla markaana ay ka mid ahaayeen madax-dhaqameedyadoodii, ayaa waxa si diiran Magaaladda Berbera ugu soo dhaweeyay wasiirada wasaaradaha xanaanada xoolaha, deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali, duulista hawada iyo gaadiidka cirka Md Maxamuud Xaashi Cabdi, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Maayarka Berbera Md Cabdale Maxamed Carab, Maareeyaha dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirrir iyo salaadiinta gobolka Saaxil.

 

Hogaamiyaha weftiga SSC ka soo Kayse Cabdi Yuusuf, oo ahaa madaxa abaabulka iyo war-isgaadhinta ee SSC, balse markii uu kooxdaasi ugu tag waayay inay qaataan nabad-galyadda iyo gogoshii Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo u fidiyay goostay inuu si qarsoodi ah dhanka Somaliland u soo goosto ayaa warbaahinta u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida maamulka iyo odaaysha dhaqanku gobolka Saaxil ugu soo dhaweeyeen, sheegayna inay tani tilmaamayso sida shacabka iyo xukuumadda Somaliland nabadgalyadda iyo horumarka diyaarka ugu tahay.

 

Mr Kayse, waxa uu balan-qaaday inuu dawlada Somaliland kala shaqayn doono sidii nabadgalyo waarta looga dhalin lahaa deegaanka bariga ee shaqaaqooyinku ka jiraan, isaga oo carab-baabay in kooxaha nabadgalyo diidka ahi xasilooni daro ka abuurayaan dhulka Somaliland, gaar ahaan deegaanka Buuhoodle ee ay ku gabadaan kooxda SSC oo uu ugu yeedhay inay yihiin fidmo wadayaal aan wanaaga aqoon.

 

Sarkaalka hogaaminyay xubnhii ka soo goostay

maliishiyada SSC , ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in soo dhaweynta loo sameeyay, isaga oo ballan qaaday in uu kala shaqayn doono nabadaynta deegaamada Buhoodle oo sheegay in ay xasilooni daro ka abuurayaan kooxaha nabad diidka ah.

 

Masuulkan ka soo goostay SSC, waxa uu tilmaamay in kooxdaasi nabad-diidka ah uu ku yimid khilaaf xoog leh, kaasina sababi karo burbur ku yimaada SSC iyo cida dibada ka riixaysaba “Waxaan idiin sheegayaa in kooxda nabad-diidka ah ee SSC uu ku yimid khilaaf horseedi kara burbur xoog leh oo ku yimaada.” Ayuu yidhi Mr Kayse.

 

Mr Kayse oo aad dareenkiisa ka dheehan karayso sida uu ugu faraxsan yahay go’aanka uu kaga soo goostay SSC, ayaa tilmaamay in goosashadoodu ku timid gogoshii uu Madaxwaynaha Somaliland u fidiyey cid kasta oo Somaliland ka soo horjeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Berbera: Waftgii ka socday Deegaanada Buuhoodle oo si wayn loogu soo dhaweeyey Magaalada Berbera.

 

Berbera (HWN) waxa maanta magaalada Berbera soo gaadhay waftigii ka tirsanaa Maleeshiyaadka SSC ee ka soo jeeday deegaanka Buuhoodle, kuwaas oo ay ka mid yihiin Odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda isla deegaanka Buuhoodle iyo Ciidamo ka tirsanaa Maleshiyada SSC oo hogaaminayo Korneel Kayse Cabdi Yuusuf.

 

Berbera: Waftgii ka socday Deegaanada Buuhoodle oo si wayn loogu soo dhaweeyey Magaalada Berbera.

 

Berbera (HWN) waxa maanta magaalada Berbera soo gaadhay waftigii ka tirsanaa Maleeshiyaadka SSC ee ka soo jeeday deegaanka Buuhoodle, kuwaas oo ay ka mid yihiin Odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda isla deegaanka Buuhoodle iyo Ciidamo ka tirsanaa Maleshiyada SSC oo hogaaminayo Korneel Kayse Cabdi Yuusuf.

 

Hadaba, waxa wafdiga ku soo dhaweeyay magaalada Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, Badhasaabka G/sahil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Duqqa Degmeda Berbera Cabdalle Maxamed Carab, Mareyaha Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, Cuqaal iyo Waxgarad tiro badan.

 

Wafdiga ayaa markii ay soo galeen magaalada berbera waxa loo galbiyey guriga Madaxtoyada Berbera, halkaas oo loogu qado sameeyey.

 

Hogaamiyaha Waftigan Mr. Kayse Cabdi yuusuf oo ahaa Saraakiisha sarsare ee Maleeshiyo Beeleedka SSC ayaa mar uu saxaafada lahadleyey waxa uu u mahadceliyey Madaxdii soo dhawasey iyo cidkasta oo ka qayb qaadatayba waxaan jeclahay inaan umahad naqo Badhasaabka G/sahil, Duqqa Degmeda Berbera, Mareyaha, Cuqaasha iyo cidkasta oo nasoo dhawayseyba waana wax aanu idiin hayn doono ree Saaxilow.

 

Wasiirka Xanaada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi aw Daahir ayaa waxa uu sheegay ujeedada Socdaalka Wafdiga, waxaana uu yidhi Nimankan Culculusi waxay Doonayaan inay walaalahoooda wax laqaybsadaan oo waxay si fiican ugu qanceen Gogoshii uu Fidiyey M/waynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

Kooxdan maanta lagu soo dhaweeyey Magalada Berbera, ayaa waxay wateen Gaadiid iyo Hubba, kuwaas oo ay ku xardhanaayeen Astaanta iyo magaca kooxda SSC.

 

Wafdiga ayaa waxay ka yimaden magaalada Burco ee xarunta G/togdheer halkaas oo uu ka soo raacay Wasiirka Xanaada Xoolaha Dr. Cabdi aw Daahir Cali, waxaanay isla galabta u anbabaxeen dhinaacaa iyo Caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro;702790 wrote:
Hmmmmmmmmmmmm ...

Bugland (JB) oo waxad naleedahay Professor Ali Glaydh baa soo socda? Keep dreaming, as long as your secession depends on Sool, Sanag & Cayn you will not achieve your goal. But if you are reasonable and want to take your SNMLand out of Somalia, then all Somalis will agree to it reluctantly and with a heavy heart. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

NGONGE;702486 wrote:
^^ Mashruc in English is a "Project". SSC is a project, SL is a project and even the TFG is a project. The beauty of politics is that some projects work and others don't. The SL project looks like working here and the question should be why did these men forsake their clan to rejoin SL? Money alone is not the answer. There is more to this than meets the eye.

Dreams remain to be dreams.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SAXAAFADII KOOXDA NABAD DIIDKA MAXAA KA QAYLISIIYEY

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa illaahayow haa iyo maya meel hanagaga wada yeedhsiin

 

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa illaahayow haa iyo maya meel hanagaga wada yeedhsiin weli waxaa sii qoyan amaantii xad dhaafka ahayd ee Saxaafada oohinta iyo baroortu huwan jireen keyse cabdi yuusuf xiliyadii u shaqeynayey puntland iyo markii danbe ee uu ka mid ahaa masuuliyiinta ugu sareeysay kooxda nabadiidka ah ee saldhigoodu ahaa aaga buuhoodle,

 

waxay kale oo keyse ku sheegi jireen inuu yahay libaax

boqol nin aan biyo u kaban misena maanta waxay ku sheegeen fule aan haada hubsan, hore waxay ugu masaaleen caade qaate jajiis daaqud ah, xiliyadii uu kooxda nabadiidka ah ka tirsanaa waxay saxaafada oohinta iyo baroortu ugu yeedhi jireen keyse sooma jeeste ciidankiisana waxay odhan jireen guutada ismaaciil mire

 

Markasta oo ay magaca keyse soo hadal qaadaan waxay ka horeysiin jireen magacyo kale oo ay ku sharfayaan kuwaasoo ay ka mid ahayd halyey keyse, darwiish keyse, mujaahid keyse, iyo qaar kale oo badan waxaa bogagooda weli ku keydsan wareysiyadii ay la yeelan jireen kuwaasoo u muuqan jiray qaar ay aad u dhoob dhoobi jireen isla

markaana ay huwin jireen amaan aad looga badbadiyey taasoo mararka qaarkood xadkeeda dhaafsiisanaan jirtay ayna huwin jireen libinta dagaalo aan dhicin iyo fulinta hawl galo lagaga hor jeeday xukuumada Somaliland

 

Intii hadaba keyse iyo ciidankiisuba u soo diga rogteen dhanka geedi socodka wadada nabada waxaa laga daba keenay dayaacado iyo borobogaandho aan xad lahayn taasoo ay fidinayaan saxaafadii shalay amaanaysay, sidoo kale masuuliyiinta kooxda nabadiidka kuwooda weli ku

dhegsan in xabad wax lagu raadiyo ayaa kula kufay weedho cambaareyn ah iyadoo ay afkala qaad ku noqotay sida dhiiranaanta leh ee keyse ugu dhiiraday inuu nabad ku raadiyo waxa uu tirsanayo, kooxdaas tirada yar

oo ka hinaasay wadada nabada ee keyse iyo kooxdiisu qaadatay ayaa

iyagoo adeegsana saxaafadii shalay amaanaysay waxay ka soo daba tuureen hadalo aan xigmad badan lahayn kuwaasoo ujeedadooda cid waliba fahmi karto waxaase la yaab ah wiilashii yaryaraa ee qori jiray saxaafadaas una badnaa qurba joog kuwaasoo awal caadeysay amaanta

keysa ayaa loo adeegsaday inay afkey shalay ku amaaneen maantana ku aflagaadeeyaan iyaguna waxay si dhib yar ugu dhaceen daminkii loo dhigay iyagoon iska hubsan waxa kaga soo noqon kara, waayo dadku waa kii ay shalay u sheegeen in keyse yahay labo xiniinyoodle isla

markaana hooyadii nin dhashay iyagoon iska hubsan fal celinta kaga soo noqon karta ayey hadana maanta yidhaahdeen keyse waa fulay aan haada hubsan oon weligii kob caleen leh ka soo durdurin waa yaab ninkii wuxuu yidhi shiikhoow alif wax ma leh iyo wuu leeyahayba adiga ayaanu kaa wada haynaa

 

Calaa kuli xaal tani waxay ka markhaati kacaysaa sida saxaafada kooxda nabadiidka ahi mar walba u buunbuuniso oo dhinacooda u taagan tahay dadka tirada yar ee caadeysay hurinta colaada sokeeye iyo weliba sida saxaafadaasi uga soo hor jeedo cid kasta oo ka soo hor timaada

figradaha madhalayska ah ee ay aaminsan yihiin wuxuu yidhi gabyaagii BERINA HA LA AASEE NIN RAGA BAQASKII WAA CEEB markaa saxaafada waa looga wanaagsan yahay inay laba afleeyaan oo hadaladoodu iska hor

yimaado ama is buriyo hadii kale waxay u muuqanayaan in maalinba nin dan lihi ku guuroyo oo awrkiisa ku kacsanayo

 

Hadal iyo dhamaan shaki kuma jiro in wadada nabada ee keyse iyo ragiisu qaadeen dhirbaaxo ku tahay kuwa nabadiidka ah ee weli hawdka ku hadhsan sidoo kale waxay dhiiri gelin u tahay inta ka damqanaysa dhiiga daadanaya iyo inta u guntan daminta colaada sokeeye waxaana iman doonta maalin aan dheerayn in la soo afjaro is afgaranwagaa ka jira dhulkaas isla markaana laga soo hor jeesto cid kasta oo fidno iyo

dagaal doon ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this