Sign in to follow this  
Siciid1986

Koox Ka Soo Goosatay Ururka Nabadiidka Ah Ee SSC Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Burco

Recommended Posts

Koox Ka Soo Goosatay Ururka Nabadiidka Ah Ee SSC Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Burco

 

March 14th, 2011 Comments Off

 

Burco (Somaliland.Org)- Xoghayaha Arrimaha bulshada ee ururka nabad-diidka ah ee SSC Kayse Cabdi Yuusuf, oo ay weheliyeen xubin ka tirsan golaha dhexe ee ururkaasi iyo sodameeye qof oo kale oo ka mid ah maleeshiyada deegaanka Widh-widh ee gobolka Buuhoodle ayaa galabta soo gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Tog-dheer ka dib markii ay ka goosteen kooxda nabad diidka ah isla markaana ka tanaasuleen falalka nabad gelyo darrada ah ee kooxdaasi ka waddo deegaanada Buuhoodle iyo Sool.

 

Kooxdan soo goosatay waxa si diiran magaalada Burco ugu soo dhaweeyay maamulka gobolka Tog-dheer, waxaana la dejiyay guriga martida ee magaalada Burco. kooxdani waxay wateen afar baabuur oo midi tikniko yahay.

 

Tallaabadani waxay dhabar jab ku noqonaysaa kooxda SSC, iyadoo Xoghayaha arrimaha bulshada ee SSC Kayse Cabdi Yuusuf uu kooxdaasi ka ahaa xubin miisaan culus ku dhex lahaa oo ka mid ahaa qab qableyaashooda ugu caansan, waxaanu ka hawl geli jiray deegaanka Widh-widh oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

 

waxa kale oo uu Keyse Cabdi Yuusuf waxa uu hore ugu magacownaa badhasaabka gobolka Buuhoodle ee maamul goboleedka Puntland ee dalka Somalia.

 

sarkaalkan iyo waxgaradka weheliya ayaa la sheegay inay ajiibeen dalabadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee dhinaca nabadgelyada, waxaana la filayaa inay ka qeyb qaataan shirarka nabadeynta ee la doonayo in lagu soo afjaro dagaaladii ka dhacay deegaanka Kalshaale ee khasaaraha dhimasho iyo dhaawacba geystay.

 

a.jpg

 

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   

Ina eedo,

 

Ala laasa inta doontid, laakiin waxaa hubaal ah in D boys will never be held hostage by your idiotic secessionism. Keyse or no Keyse, Somaliland wax la yiraahdo buuga nooguma jiro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this