Sign in to follow this  
Positive

Kobcinta aqoonta Af-soomaaliga, qaybtii 2aad

Recommended Posts

Taleexi   

Waxaa la yaab iyo amankaag igu riday foqornimada iga haysata afka hooyo. Waxaan mooday in afkii kooxdii Asxaabu kahaf ku hadli jireen aad u ololaynaysid soo noolayntiisa. War hadhsiimo baan doonanayaaye aynu isu soo noqono. Halkaana dadaalka ka wad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

I love Af-maay and I want to learn, but Wang and wing that sounds chinese to me!

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Afka mayga hadii lagu qoro afka maxaadtiri si sax ah uma akhrin kartid laakiin markii lagu hadlo waa fahmi kartaa eray eray mooyee

Wuxuu leeyahay afka maygu murti iyo maahmaah aad u cajaa'ib badan waxaan kasoo qaadan karnaa maah maahdaan sarbeebta ah

 

ludayka isma moodka mehee mis moog

oo macnaheedu yahay (ayaxu isdhaaf dhaafkiisa ha moodin inuu is moogyahay) waxayna ka turjumaysaa dhaqanka beeralayda waayo ayaxu mar qura ayuu beerta kusoo dagaa asagoo aad u fara badan isla markaas wuxuu bilaabaa inuu is dhaaf dhaafo, mar qudhana wuu duulaa asagoo aad moodid inuu is ogyahay.

 

Lahjadda maxaa tiriga waxaa ugu dhaw (ilka abeeso hoostay ka xiriiraan) kana soo jeedda dhaqanka reer guuraaga sidaa darteed luuqadaan maygu waxay baahan tahay in la dhex galo si aad u hesho murti aad u fara badan

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this