Sign in to follow this  
Liqaye

Wafdiga Waax iyo Waadi oo kulan la yeeshay Imaam Maxamuud Imaam Cumar

Recommended Posts

Liqaye   

Wafdiga Waax iyo Waadi oo kulan la yeeshay Imaam Maxamuud Imaam Cumar kana wadahadlay sidii loo dardar gelin lahaa dhismaha dowlad goboleed.

 

Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa Gurigiisa ku Qaabilay Wafdigii ay Hogaaminaysay Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Maamul U Samynta Deegaanada Waax iyo Waadi Jawaahir Baarqab iyo Wafdigii ay hor kacaysay oo Dhowaan ka Yimid Dalka Ingiriiska,Wafdigaas oo ay ka mid ahaayeen Sayid Cali Wasuge, Saciida Cilmi Jalle,Dahabo Maxamuud Max,ed,Xaawa Cismaan Caynte iyo Deeqo Abuukar Gacal.

 

Uagu horreyn waxaa halkaasi Warbixin dheer oo Dhinacyo badan taabanaysay ka jeedisay Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Maamul u samaynta Deegaanada Waax iyo Waadi,iyadoo faah faahisay Ujeedada fog ee ay kaleeyihiin Maamul Goboleedkaas oo ay sheegtay in ay doonayaan Dadka ku nool; Waax iyo Waadi in ay helaan Maamul ka tarjuma Rabitaankooda Isla markaana danahooda u adeega.

 

Guddoomiye Jawaahir waxay ka Codsatay Imaamku in uu Taagero Dhismaha Dowlad Goboleedka Waax iyo Waadi.

 

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Dr.Cumar C/qaadir Axmed Fiqi (Cumar Shariif) oo ah Wakiilka Est Afrika ee Waax iyo Waadi,wuxuuna ka warbixiyay Dadaalka loogu jiro Maamul U Samaynta Deegaanada Waax iyo Waadi iyo Halka ay marayaan,wuxuuna sheegay in Qabanqaabada loogu jiro howshaasi ay marayso meel waaagsan,Sidaas Daraadeedna ay u baahanyihiin Taageerada Imaamka.

 

Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo Gabagabadii Halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu Horay u Taageeray Dhismaha Dowlad Goboleedka Waax iyo Waadi Oktoobar Sanadkii hore, Kulankii lagu qabtay Hotel Nasahablood 2 oo ay ka soo Qayb galeen Dhamaan Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Imaamku Wuxuu hoosta ka xariiqay in uu Soo dhoweynayo Dadka uu Imaamka u yahay Haddii ay Hurdada ka kaceen oo ay Sameysanayaan Dowlad Goboleed ka Tarjuma Rabitaankooda,wuxuuna Carabka ku adkeeyay Imaamku in uu si Buuxda u Taagersanyahay Dadaalkaan ay Wadaan Gabdhaha Deegaanada Waax iyo Waadi.

 

Ugu danbeyn Imaamku wuxuu u Duceeyay Dhamaan Dadka ku abtirsada Deegaanada Waax iyo Waadi Gaar ahaan Guddigii ku Booqday Hoygiisa.wuxuuna si gaar ah ugu duceeyay Howl wadeenada Waax iyo Waadi iyo in uu ilaahay hirgeliyo inta ku howlanna ajir iyo Xasano ka siiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

How many clan states are there now in Somalia

Puntland

Galmudug state

ximan iyo xeeb

jubbaras

udubland

Jubbaland

waax iyo waadi

Hiiraan state

midstate

 

And then there is the 3 political parties

 

Somali dempcratic party SDP

AND then there is hiilqaran

And xisbal islam even though they joined Alshabaab

 

And then there is Alshabaab iyo dawlada meel ma gaadho iyo Ahlu sunna wal jamaca

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^ SSC is a jabhad and i don't know about raaskambooni ma kooxdi xassan turki ba.

 

And SNM were former freedom fighters who fought for the independence of Somaliland SNM ceased to exist in may 1993

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Waryee ,,,, SSC waa dhul, waana wadan...juquraafiga soo baro teeda kale Raaskambooni waa kuwa Diif wacdaro ka dhigaya...waamonews.com gal...adaa arki doone...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this