Sign in to follow this  
oba hiloowlow

War deg deg: Shabaab oo goor dhow lagala wareegay Beledxaawo

Recommended Posts

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa CUlumaa'udiinka Ahlusuna ay daqiiqado ka hor la wareegeen degmada Beledxaawo oo saaka dagaalo culus ay ka qarxeen, kadib markii dhowr jiho ay degmadaas ka weerareen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Culumaa'udiinka Ahlusuna.

 

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa jira saameyn xoog leh oo labada dhinacba ka soo gaaray dagaalka, waxaana la sheegayaa inay jirto dhimashada ilaa tobaneeyo ruux oo labada dhinacba ah.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka hada la isagala baxay degmada oo Shababka ay u muuqdaan kuwo ka sii baxaya, waxaana saaka lagu arkay degmada Ciidamo aad u fara badan oo ka duwan kuwii maalmihii hore weerarada fashilmay ku soo qaaday.

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo Xildhibaan ayaa ku sugan degmada, iyadoo mar aan isku daynay inaan xiriir la sameyno ay inoo sheegeen in dib saxaafada ugu warbixin doonaan, ilaa dagaalka ay ka soo afjaraan, iyagoo sheegay hada howl galkooda uu gabo gabo u marayo.

 

Warar qaar ayaa sheegaya in dagaalka saaka ay dhinaca lugta ay kaga soo biireen Ciidamo Itoobiyaan ah oo xalay ka soo dhaqaaqay deegaanka Doolow, kuwaasoo dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ay dhanka Madaafiicda iyo saadka Ciidamada ay kaga qeyb qaadanayeen.

 

Inkastoo maalmihii la soo dhaafay Shabaab ay aad ugu fara adkaadeen gacan ku heynta degmada Beledxaawo, ayaa hadana saaka waxaa muuqata in awood ka xoog badan ay soo galeen degmada, kuwaasoo dhowr jiho ka soo galay, iyadoo ciidamada ay yihiin kuwii ugu faraha badnaa oo labada dhinacba isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan.

 

Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ahlusuna aya dagaaladii maalmihii la soo dhaafay aanay ugu suura gelin inay la wareegaan degmada Beledxaawo,kadib markii iska caabino iyo difaac xoog leh ay kala kulmeen Shabaab

 

la soco wixii ku soo kordha daqiiqad kasta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirada Gaashaandhigga, Arrimaha iyo warfaafinta oo ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyey ee Muqdisho iyo la wareegidii gacan ku heynta B/xaawo

 

05.03.2011--------Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud X. Fiqi, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax iyo Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/kariim Xasan Jaamac ayaa saaka shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho iyagoo faah faahin ka bixiyay dagaalkii ay dowladdu kula wareegtay gacan ku heynta degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo iyo sidoo kale dagaalada ka soconaya qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho.

 

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga ayaa xaqiijiayay in dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay saaka si toos ah ula wareegtay gacan ku heynta magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo halkaasoo todobaadyadii ugu dambeeyey ay ka soconayeen dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa kooxda khawaarijta Shabaab “Ciidamada xooga dalku waxay saaka si rasmi ah ula wareegeen gacan ku heynta degmada Beledxaawo, dibna ugama laaban doonaan shacabka degaanadaasina waxaan ugu baaqeynaa inay taageeraan ciidamada dowladda” ayuu yiri Mr. Fiqi.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka oo isna xaqiijiayay la wareegida magaaladan Istaraatiijiga ah ayaa sheegay in ay sida ugu dhaqsaha badan ugu sameyn doonto dowladdu maamul si loo xakameeyo amniga kala dambeynta iyo sharciga degmadasai “Dowladdu waxay ku talo jirtaa inay si deg deg ah maamul ugu dhisto gobolkaasi si loo helo amni iyo kala dambeyn” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Guduhu.

 

Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta oo isna ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa sheegay in saaka ay dagaalo xoogani ka dhaceen nawaaxiga Wasaaradii hore ee Gaashaandhigga kadib markii ay weeraro soo qaadeen kooxda khawaraajta ee Shabaab isagoo tilmaamay inay u adeegsadeen weerarkooda gaadiid Qaraxyo sida oo ay wadaan niman naftooda haligay (Is Qarxiyay), wuxuuna tilmaamay in aysan wax qasaaro ah ka soo gaarin ciidamada dowladda iyo kuwa kaabaya ee AMISOM ayna bartilmaameedkooda ku fashilmeen.

 

“Ciidamadu wey ka feejignaayeen falalkaasi guracan ee is qarxinta ah sababtoo ah kooxdan waa caadadooda in marka laga itaal roonaado ay qaraxyo soo abaabulaan oo ay shacabka cadaadiyaan, waxaana idiin xaqiijinayaa in labo gaari oo ay ka soo buuxiyeen Miinooyin iyo walxaha qarxa ay ku guuldareysteen inay ku waxyeeleeyaan ciidamada dowladda saldhigyadooda ku yaala nawaaxiga Gaashaandhigga” ayuu yiri wasiirka oo xusay in qaraxyada kadib ay dagaalo naf la caari ah soo qaadeen, taasoo ciidamada dowladdu u babac dhigeen.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay wasiirku in ciidanka dowladdu ay saaka horay ugu durgeen degaanka dayniile iyo aagag cusub oo dhanka Wasaaradii gaashaandhigga ah, isagoo tilmaamay in arrintani ay ka dambeyso baaqa ka soo baxaya bulshada rayidka, odayaasha dhaqanka, salaadiinta, culimada, haweenka iyo dhalinyarada ee ay ku dalbanayaan in dowladdu sii labo jibaarto howlgalada ay nabada ku soo celineyso.

 

Dhanka kale, wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay fal ay saaka khawaarijta Shabaabku dadweynaha u shaqo taga suuqa Bakaaraha kaga hor istaageen inay galaan suuqa kadib markii kumanaan shacab ah oo ka galayay suuqa Bakaaro dhanka wadada Sayidka ay jidgooyo u dhigeen dibna uga celiyeen, taasoo uu sheegay in dowladdu isku dayeyso inay shacabka u furto waddooyin kale oo ay horay u xanibtay koodan

 

 

Wasiiro_Warbixin_Dagaalka_Muqdisho_1.JPG

 

Wasiiro_Warbixin_Dagaalka_Muqdisho_3.JPG

 

Wasiiro_Warbixin_Dagaalka_Muqdisho_2.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Johnny B   

Kudos to the Somali National Army Forces....

 

Just wonder how many kids from Baidao have Roobow and his Qaida-Talibani bosses forced to march into their certain Death.

 

Kismayo next?!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Polanyi   

The place was invaded with Ethiopian tanks, new police puppets and drugged ****** SOmali militia. They will not hold the city for long, but only succeed in rape, loot and force thousands to flee. Shame on you puppets of axbash.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^And where do you get your news from? It's local sufis AKA "Ahlu Sunnah Wal Jamaaca" who took the city with Xabashi Qashiin's help. It is unfortunate that civilians are being trapped in this non-sense war.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Correction Ciidanka xooga dalka iyo ciidamada culima'udiinka Ahlu Sunnah Wal jameeca ayaa qabsaday Beled xaawo hadana waxey uu jeesteen Luuq,Garbahareey iyo Ceel Waaq...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Johnny B   

The Zack;699679 wrote:
Sir ka fakatay Sheikh Bare Qooje oo ah Madaxda xarakada Al-Shabaab ee qaabilsan Gobolka Gedo 5/3/2011

 

This is (was) and will never be much of a secret.

 

Qooje (and Godane for that matter) unlike Roobow and his kids from Baidao understand the dynamics of the fake Jihad.

 

Qooje is a man of noble blood who despite the jihad-travesty has the best of his kin at heart, i wish the same could be said about the Baidao lowborn Roobow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Amxaar baan kula jihaadaya Killinka Shanaad markey qabsadaan Beled Xawana wa ku farxayaa waxaas buu la so shir tagaya

 

Xaarka qori dheer ba la iskaga tiraa Amxaarka wuuba iska baxayaa laakin daba******yada waa in la nadiifiyaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haa jiirow waa runtaada, ee bal aan jihaadka ka qeybgalno oo shacabka wax la qixiyo, wax la dilo iyo wax la dhaawaco aan ka dhigno wixii fayow neh aan gaaleysiino, saasey dani inooga jirtaaye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this