Sign in to follow this  
oba hiloowlow

War deg deg: Shabaab oo goor dhow lagala wareegay Beledxaawo

Recommended Posts

Dowladda Soomaaliya oo la-wareegtay gacan ku heynta degmada Luuq

 

 

Dowladda kmg ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay gacan ku heynta degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyadoo ay kala wareegtay maamulka Xarakada Al Shabaab ee gobolada koonfureed.

 

Ciidamadda dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya ciidamadda Ahlu Sunnah Wal Jameeca ayaa waxay si buuxda ay ula wareegeen degmada Luuq ee gobolka Gedo, kadib markii ay degmada kasoo kala galleen dhawr jihood.

 

Maamulkii Xarakada Al Shabaab ee degmada Luuq ayaa si nabad gelyo leh degmada uga baxay, iyadoo aysan dhicin wax dagaalo ah amaba wax rasaas ah oo ay laba dhinac dhinac isku rideen.

 

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in ciidamadda dowladda iyo kuwa Ahlu Sunnah ay maanta la-wareegeen guud ahaan gacan ku heynta degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyadoo saraakiisha dowladdu ay sheegeen inay sii soocn doonaan.

 

Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ee dowladda Somaliya oo warbaahinta la-hadlay ayaa tibaaxay inay xaqiijiyeen gacan ku heynta degmada Luuq ee gobolka Gedo, isagoo intaasi ku daray inaysan dhicin wax dagaalo ah.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay inay sii socon doonaan oo ay gacanta ku wada dhigi doonaan guud ahaan gobolada Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose, isla-markaana wuxuu sheegay in uu jabay waxa uu ugu yeeray Cadowga Ummada Soomaaliyeed.

 

Dhinaca kale majirto wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan, sababaha ay uga baxday degmada Luuq ee gobolka Gedo, hase ahaatee saacadaha soo socda ayaa waxaa la-fillaayaa in’ay ka hadli doonto.

 

Wixii warar ah ee kusoo kordha xaaladda degmada Luuq ee gobolka Gedo kala soco wararkayna dambe, haddii uu RABI idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this