Sign in to follow this  
General Duke

Al Shabaab lose momentum

Recommended Posts

Somalina   

war dag dag ah dagaaladii ka dhacay duleedka baladweyne oo aan idiinka hayno warar dheeraad ah

dagaalo ba an ayaa galabta ka dhacay duleedka magaalada badalweyne dagaaladaas oo u dhaxeeyay maamul goboleedka dooxada shabeele iyo ururka alshabaab dagaaladaan oo ka bilowday meel 8 kiiloomitir u jirta magaalada baladweyne oo ay fadhiifis u ayaayeen ciidamada maamul goboleedka dooxada shabeele ayaa waxaa weerar gaadmaa ku soo qaaday ururka alshaab laakin oo ay la socdeen ciidamada dooxada shabeele dhaqshaqaaqa ay wadaa alshaaba, shabakada hiiraanweyn oo qadka taleefanka ku heshay wasiirka warfaafinta dooxada shabeele mudane

 

maxamuud nuur dabaashe ayaa inooga aramay qasaaraha halkaasi ka dhacay wuxuu na inoo sheegay in ay ciidamada alshaab soo weerareen ceelgaal oo saldhig malarati u ah ciidamada dooxada shabeele kaa oo ay horay ula socdeen in ay ku soo food leeyihiin cidamada alshaab xeelad dagaal iyo diyaar garoow xoogana ay ku jireen ciidamada dooxada shabeele ayay waxay soo galeen waqti casir lliiqad ah galabta halkaasna uu ka dhacay dagaal xoogal oo hadana wali lagu sii daba jiro wasiirka waxaan kaloon weydiinay waxa xagooda soo gaaray dhimasho iyo dhaawac

 

wuxuuna noo sheegay in uu ka shahiiday hal nin oo ka tirsan ciidamada dooxada shabeele halka uu yiri labana waa naga dhaawacantahay waxaan kaloon weydiinay wasiirka waxa soo gaaray dhanka kale wuxuuna nooo sheegay in ay hada inta ay ka tiriyeen dhimashada meydadka alshaaba ay uga carareen ceelcaal ay dhan tahay 30 qof oo ay ka carareen ururka alshabaab walina ay ku sii daba jiraan sida uu sheegayna ay ku food leeyihiin saacadaha soo socda magaalada baladweyne wuxuuna intaa inoogu daray in ay ciidan xoogle ka abaabuleen duleedka magaalada buula barde iyo dagmada jalalqsi si loo soo af jaro colaada iyo dhaqan xumada ay ku haayaan ururka alshabaab gobolka hiiraan waa siduu warka u dhigaye wasiirka warfaafinta dooxada shabeele dabaashe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ceel-gaal: (Sh. M. Network) Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Dooxada Shabelle iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa galabta waxaa uu ka dhacay deegaanka Ceel-gaal degmada Baladwayne ee gobolka Hiiraan.

 

Dagaalkaani oo ka dhcay deegaanka Ceel-gaal ee gobolka Hiraan ayaa waxaa uu u dhaxeeya Ciidamada Xarakada Al Shabaab iyo ciidamada Maamulka Dooxada Shabelle, waxaan dagaalka la sheegay in uu bilowday kadib markii sida la sheegay ciidamada Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada Dooxada Shabelle ay ku leeyihiin aga gaarka degaanka Ceel-gaal ee goblka Hiiraan.

 

Mid ka mid ah dad rakaabka la socday gaari marayay goobta uu dagaalka ka dhacay oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka uu bilowday galabta, waxaana uu shaaca ka qaaday in uu dagaalkaasi oo uu ahaa mid xoogan islamarkaana dhinacyada ay is weedaarsadeen rasaas cul culus.

 

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Dooxada Shabelle Max’uud Nuur Caga-joof oo isna la hadlay Shabelle ayaa waxaa uu cadeeyay in dagaalka ay kusoo qaadeen ciidamada Xarakada Al Shabaab, isagoo tilmaamay in dagaalkaasi ay ku qabsadeen gaadiid dagaal islamarkaana ay ku sugan yihiin deegaanadii ay dagaalka kasoo qaadeen Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

 

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabab oo iyagu weerar ku qaaday fariisimaha deegaanka Ceel-gaal ay ku leeyihiin ciidamada Maamulka Dooxada Shabelle hase ahaatee xalay ayay aheyd markii Mas’uuliyiin u hadlay Maamulka Dooxada Shabelle ay ku hanjabeen inay guud ahaanba gobolkaasi kasaari doonaan Xarakada Al Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Government Forces and Their Raaskomboni Allies Shell Dhobley Town

 

Hiiraan Online Staff

 

Friday, April 01, 2011

Troops loyal to the Somali government and Raaskomboni forces led by Sheikh Ahmed Mohamed Islam ( Sheikh Ahmed Madobe) have heavily shelled Dhobley town in Lower Jubba Region of Somalia since last night according to reports reaching Hiiraan Online Friday morning.

The heavy shelling is said to have destroyed residential buildings although no human casualties have been reported thus far. The affected areas of the town were also the scene of fierce fighting between Alshabab and the allied Government and Raaskamboni forces last week in which Alshabab remained in control of the town.

 

Witnesses told HOL that the heavy shelling into Dhobley town was coming from Kenyan Somali border, with residents of the town fleeing back to villages around Dhobley town from where they had come back a week earlier.

 

Reports speak of heavy military movement, with Alshabab fighters said to have encircled Dhobley town where as Somali government and Raasbamboni forces are in an area known as Haar-Haar between Kenya and Somalia in no man's land.

 

Alshabab officials accuse the Kenyan army of participating in the Dhobley town shelling, but there has been no response from the Kenyan government denying or confirming this.

 

Dholey town in Lower Jubba Region of Somalia which is also close to the Kenyan Somali border, has been the scene of fierce fighting for the last few weeks where the Alshabab and the Somali government with their Raaskamboni allies each wants to bring it under their control.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

CIIDAMO KATIRSAN AL-SHABAAB AYAA ISKU SOODHIIBAY MAAMULKA DOOXADA SHABELLE EE GOBOLKAN HIIRAAN

 

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Ceel-gaal ee Gobolkan Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan AL-Shabaab ay kasoo goosteen iskuna soo dhiibeen Maamulka Doxada shabelle

Afayeen u hadlay dooxada shabelle oo kusugan ceel-gaal ayaa ii shegay in Ciidamo katirsan AL- Shabaab kasoo goostay ay dhankooda kusoo biireen ayna soo dhaweynayaan kuso biiritaanka ay kusoo biireen ciidanka dooxada shabelle.

 

Tirada askarta Ciidamada AL-Shabaab kaso goosatay ee isku soo dhiibay dooxada shabelle ayaa lagu garaya 15 askari, waxaana soo dhaweeyay saraakiisha iyo Ciidamada Dooxada shabelle ee kusugan duleedka magalada baladweyne.

 

Max’uud Nuur Caga-joof oo looyaqan oo aan khadka talefanka kula xiriiray ayaa ii xaqiijiyay in ay is ku soodhiben Ciidamo katirsan AL-shabaab Maamulka Dooxada shabelle waxa uuna yiri “xalay ayaa waxaa isku keen soodhibay ciidan katirsan AL-shabaab oo garaya 15 askari waxayna wateen 12 qori oo loyaqano AK47 ah iyo labo nocyada baaburta lagu gubo ee saban ka ah iyo hal beke am ah ama baardulel sida loyaqo;

 

Waxaa uuna sheegay in ay dhawaan u sooban dhigayaan saxafada ciidamada kasoogostay AL-shabaab iyo hubkodaba sida ugu dhaqsaha badan.

 

Maalmo kahor ayay ahayd mar ay isku soodhiibeen ciidamo katirsanaa Ahlu sunnah waljameca oo garaya 120 askari oo wata hubkoodi iyo gaadid koodii dagaal.

 

Waxaana wali kahadlin ciidamada AL-shabaab madax doodii kusugnayd gobolkan hiiraan ciidamadan katirsan ee is dhiibay.

 

Hiiraanweyn online

 

Xafiska magalada Baladweyne.

 

Tifaf tiraha webka:c/rahman bashiir aden

 

Hiiraanweyn1@hiiraanweyn.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca oo si buuxda maanta ula wareegay degmada Garbahaarey

 

Khamiis, Abriil 28, 2011 (HOL) – Ciidamada DKMG ah ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, kaddib dagaal khasaare badan geystay oo shalay gallinkii hore ku dhexmaray dhinacyadan Tuulo-barwaaqo oo koonfur kaga beegan degmada Garbahaarey.

 

Guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee DKMG ah Maxamed Cabdi Kaliil oo la hadlay warbaahinta wuxuu sheegay inay saakay si nabad ah ku galeen Garbahaayre ayna iyagu haatan gacanta ku hayaan, isagoo sheegay in xoogaggii Xarrakatul Shabaab ay isaga baxeen degmadaas saakay aroortii hore.

 

"Degmada Garbahaarey innaga ayaa gacanta ku hayna ciidamadii ku sugnaa ee Al-Shabaab way isaga baxeen, waxayna u ruuqaansadeen dhinaca Buur-dhuubo iyo degmada Baardheere," ayuu yiri Kaliil.

 

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Gedo wuxuu shacabka degmadaas ugu baaqay inay is-dajiyaan ayna la shaqeeyaan maamulkooda, isagoo xusay inaysan jirin wax dhibaato ah oo loo geysanayo.

 

Xarrakada Al-shabaab ayaan ka hadlin qabashada degmada Garbahaare ee gobolka Gedo halkaasoo ay gacanta ku hayeen labadii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo ay degmadan noqonayso degmadii afaraad oo ka tirsan gobolka Gedo lagana qabsado Xarrakatul Shabaab tan iyo markii ay billowdeen dagaallada gobolkaas ka socda bishii Feberaayo sannadkan.

 

Goobjoogayaal ku sugan degmada Garbahaarey ayaa sheegaya inay degmadaas ka taagan yihiin xiisado colaadeed. Dowladda KMG ah ayaa isku dayaysa inay gobolka Gedo ka qabsato Xarrakatul Shabaab oo gobolkaas ka talinaysay labadii sano ee lasoo dhaafay.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowladda ayaa maanta gudaha u galay qeybo ka mid ah suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho kaddib howl gallo subaxnimadii hore ee saakay ka bilaabeen degmooyinka Hodon iyo Howl wadaag ee magaalda Muqdisho.

 

Isgoysyada Howl-wadaag iyo Aadan Cadde ayay Ciidamadu la wareegeen subaxnimadii hore, ayadoo dagaal uu ka dhacay halkaasi. Kaddib maleeshiyaadka Khawaarijtu waxay isaga carareen goobaha dagaalka, ayadoo ciidamadu ay sii wateen howl gallada.

 

Dad ku sugan Suuqa Mubaarak oo ka tirsan Baarakaha ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ciidamada Dowladdu ay galeen qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha sida halka lagu iibiyo Galleyda, waddada Shirkadaha iyo qeybo ka mid ah Suuqa qudaaarta.

 

Taliyaha Guutada Madaxtooyada ayaa saacaddu markii ay yihiin siddeeda subaxnimo u xaqiijiyay Radio Muqdisho in ciidamadu ay la wareegeen Isgoysyada Howl wadaag iyo Aadan Cadde halka ay shalay maleeshiyaadka ka qabsadeen Isgosyka Bakaaraha, dhammaan goobahani waxay ka tirsan yihiin waddada Wadnaha.

 

Dad goob joogayaal ayaa Radio Muqdisho u sheegay in maleeshiyaadku ay subaxdii hore ka dagaallamayeen suuqa Bakaaraha dhaxdiisa hase yeeshee ay hadda Rasaas ka soo ridayaan Baar Ubax iyo meelo u dhow suuqana aysan hadda uusan dagaal xooggan ka socon.

 

Koox wariyeyaal ah oo ka tirsan saxaafadda magaalada ayaa ku sugan imminka Furumaha dagaalka, wixii warbixin ahna waan idiin soo gudbin doonnaa Hadduu Alle Idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afrax Cali Afrax oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan dagmada Hodan ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ay ciidamada qalabka sida ay hormar ka gaareen howl gallo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan islamarkaana ay ciidamada la wareegeen xaafadda African Village iyo goobo kale oo badan.

 

Arrintaan ayaa ka dambeysay kaddib dagaallo soconayay shalay illa xalay oo u dhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Shabaab,waxa uu hoosta ka xariiqay in aynan jirin wax qasaaro ah oo soo gaaray ciidamada dowladda halka Shabaab ay ka dileen maleeshiyo badan oo ay wali meydadkooda yaalaan halka laga saaray Khawaarijta.

 

Afrax Cali Afrax ayaa sheegay in saakay ay deggan tyihiin goobaha ay dagallada ka dhaceen oo ay ciidamadu ka wadaan baaritaano lagu xaqiijinayo.

 

Ciidamda ayaa maalmihii la soo dhaafay guul ka gaaray howl gallo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo Khawaarijta Shabaab looga saaray goobo muhiim ah sida waddada Wadnaha iyo qeybo ka mid ah waddada Warshadaha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowladda ayaa maata la wareegay fariisimo hor leh oo ka tirsan degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

 

Abaanduulaha ciidanka XDS oo saxaafadda shir jaraa]id ugu qabtay agagaarka Xaafadda African Village ee degmada Hodon ayaa sheegay in ciidamadu ay maanta horumar ka sameeyeen agga Hodon, wuxuuna tilmaamay in dagaalo shalay galab illaa maanta ka dhacayay halkaasi ay ciidamada u sahleen in ay kula wareegaan xaafaddan iyo goobo kale oo ka xiga dhinaca suuqa Bakaaraha.

 

Generaal Dhegobadan ayaa tilmaamay in dhinaca kale ay ciidamadu ay ku sugan yihiin Waddada Wadnaha, ayadoo maleeshiyaadku ay rasaas ka soo ridayaan qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha, wuxuuna ku eedeeyay in ay doonayaan in ay baabi’iyaan hantida umadda Soomaaliyeed.

 

Ciidamada Qaranka ayuu Abaanduuluhu ku boorriyay in ay xil iska saaraan badbaadinta hantida ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed ee suuq Bakaaraha dhex taalla, wuxuuna sheegay in dowladda aysan ka go’neyn in lagu dhex dagaalamo suuqa waqtigaan.

 

Maleeshiyaadka Shabaab ayuu sheegay Generaal Dhegobadan in ay gubayaan Lugaha Gaadiidka, kuwaas oo uu sheegay in ay ku baneysanayaan Hantida dadka oo ay doonayaan in suuqa uu deb ka kaco kaddibna ay bililiqeystaan.

 

Bahda saxaafadda ayaa lagu soo warejiyay goobo badan oo ka mid ah degmada Hodon oo ay ciidamada Dowladdu ku sugan yihiin sida Tarabuunka, Warshadda Caanaha, African Village, Xero Ruush, Warshadda Tolmada iyo xarumo kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rasaas ayaa laga maqlaayaa aagaga Hodan iyo Howlwadaag oo maalmahaan dagaalo ka jiray iyadoo la soo xaqiijanayo in ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay weli ku sugan yihiin wadada Wadnaha.

 

Ciidamada ayaan weli u gelin suuqa wallow dhinaca suuqa lagaga soo ridayo xabado teel teel ah Tangiga AMISOM ayaa weli taagan isgoyska Howlwadaag oo ku jeeda suuqa Bakaaraha iyadoo la ogyahay in ciidamada Alshabaab ay gudaha suuqa ka dhiganayaan gabaad.

 

Dhinaca kale ayaa ciidamada Dowlada waxa ay sheeganayaan in ay la wareegeen Xaafadaha Afrikan Village iyo guryihii Bankaariyada halkaas oo ay kala wareegeen ciidamada Alshabaab oo ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay.

 

 

Xaaladaha aagaga dagaalka ayaa ah kuwa mar kasta isbadalo laga soo warinayo iyadoo guulaha ay gaarayaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay yihiin kuwa is daba yaal oo mar kasta ay ku sii siqayaan fadhiisamada ciidamada Alshabaab

 

Kala Soco Jowhar.com Wararka Dagaalada Muqdishu mar kasta

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka ka imaanaaya magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in xaalad cakiran ay ka taagan tahay magaaladda Baladweyne, taasoo salka ku heysa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo u dhaxeeya dhinacyada isu haaya Gobolka Hiiraan.

 

Ciidamo ka amar-qaata Maamulka Dooxada Shabelle ayaa waxay soo dhoobteen duleedka magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, iyagoo qorsheynaaya in weeraro culus ay kusoo qaadaan Shabaabka ku sugan gudaha magaaladda Baladweyne.

 

Ciidamadda Dooxada Shabelle oo ku hubeysan qeybaha kala duwan ee hubka ayaa waxay sheegeen in saacadaha soo socda lagu kala bixi doono, gacan ku heynta magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, isla-markaana waxay sheegeen in Shabaab uusan itaal laheyn.

 

Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ee ku sugan magaaladda Baladweyne ayaa waxay daafacyo waaweyn ay kaga jiraan wadooyinka waaweyn ee soo galla magaaladda Baladweyne, iyadoo saraakiisha Shabaab ee Baladweyne ay sheegeen, inay iska caabin doonaan weerarada Maamulka Dooxada Shabelle.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Maamulka Dooxada Shabelle uu hellay saanado hub ah, oo ay ugu yaboohday dowladda Itoobiya, isla-markaana waxaa lagu wadaa in hubkaasi ay kula dagaalamaan Xarakada Al Shabaab, oo ay ugu yeereen koox argagaxiso ah.

 

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Maamulka Dooxada Shabelle ay soo gaareen ciidamo cusub, oo tababaro kala duwan loogu soo gaba-gabeeyay gudaha dalka Itoobiya, kuwaa oo ay dowladda Itoobiya ugu talla gashay, inay dagaalo culus la-gallaan Shabaab.

 

Sidoo kale majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada isu haaya gacan ku heynta magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, hase ahaatee saacada soo socda ayaa waxaa dhici kareysa, in xaalada dhaq dhaqaaqyada ciidan ay ka kala hadlaan.

 

Dhanka kale shacabka ku dhaqan duleedka magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay warbaahinta ay u sheegeen, in dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh ay ka jiiraan deegaanada Tuulo Hiiraan iyo Ilko Cado, waxayna soo sheegayaan in labada dhinaca ay qarka isu saaran yihiin.

 

Si kastaba ha-ahaatee deegaanada ay gacanta ku heyso Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa xilliyadii ugu dambeysay hareereeyay dagaalo qaraar, lamana oga waxa ay kusoo idlaanaan natiijada deegaanada ay ku sugan tahay Xarakada Al Shabaab

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Somaliya oo wacad ku martay inay gacanta ku dhigi doonto degmada Shibis, ayna cagta marin doonto Shabaab

Kadib markii dowlada Soomaaliya ay gacanta ku dhigtay inta badan degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa qorsheyneysaa weeraro balaaran oo ay ku qabsato degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

 

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay ciidamo u qorsheysay inay gallaan aagaga uu Shabaab uu ku lee-yahay degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, isla-markaana qorshaha dowladda ayaa wuxuu yahay sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd guud ahaan caasimadda, kahor bisha Augusto oo la-sheegay in’ay ku beegan tahay waqitigii ay dhici laheyd Xukuumadda Soomaaliya.

 

C/qaadir Muxudiin Cabdulle oo kamid saraakiisha sar sare dowladda ee aagga degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu sheegay, in dowladda Somaliya ay qorsheysay weeraro balaaran oo ay ku qaado Shabaabka ku sugan degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

 

Sarkaalkaan oo wareysi gaar ah siiyay mid kamid ah warbaahinta ka hawl-gasha magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in guutada uu madaxda u yahay lagu amray inay isu diyaariyaan dagaalo ka dhan ah Shabaabka ku sugan degmada Shibis.

 

Damaca dowladda ee degmada Shibis ayaa wuxuu ku sifeeyay in uu qeyb ka yahay raafka lagu haayo buu yiri kooxda Khawaariijta ah ee Shabaab, isagoo qeexay in Shabaab ay dhibaato ba’an ku heyso guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, laakiin wuxuu sheegay inay soo afjari doonaan, dhibaatada Shabaab ee uu ku haayo buu yiri shacabka Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale wuxuu ku goodiyay askari kastaa oo Shabaab ah haddii ay gacanta ku dhigaan inay soo taaggi doonaan Maxkamad, isagoo ciidamadda kale ee Shabaab ku sheegay inay ku dhabar-goyn doonaan, dagaalada xoogga leh ee ay ku qaadayaan.

 

Dhanka kale Abaan Duulaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cabdi Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan” ayaa wuxuu sheegay inay dhawaan soo afjari doonaan, dagaalada xoogga leh ee ay kula jiraan waxa uu ugu yeeray Khawaariijta.

 

Si kastaba ha-ahaatee dowladda midnimada qaran ee Soomaaliya ayaa waxaa la-dhihi karaa waxay ku fir fircoon tahay dagaalada xoogga leh ee ay ku heyso Shabaabka ka arrimiya qeybo kamid ah magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, the embattled of Somali transitional federal government on Monday said that Al shabaab has distinctly failed in Mogadishu’s recent battles.

 

Speaking to one thousand of Somali military forces in Mogadishu’s Halane military base, the president indicated that his troops made god advances in front battles, adding that they killed a number of foreign fighting alongside with that group

 

“You are aware that they (Al shabaab) are experiencing in its weakest time. Our forces are taking new anti Al shabaab actions” said Ahmed.

 

He said that the group which is against Somali government will not last so far, spelling out that they are not representing the interests of Somali people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this