Sign in to follow this  
Nabad_dadaye

kubada cagta diinta islaamka maxeey ka qabtaa?

Recommended Posts

وَفَعَلَ" مَا لا يَصْدُرُ إلاَّ مِنْ كَافِرٍ "أَوْ قَالَ مَا لا يَصْدُرُ إلاَّ مِنْ كَافِرٍ إجْمَاعًا فَـ" هُوَ "كَافِرٌ" وَلَوْ كَانَ مُقِرًّا بِالإِسْلامِ

rasuulka PPUH wuxuu yiri xadiis micnihiisu ahaa '' muslimka inuu zineysto waa laga yaabaa ,inuu wax xado waa laga yaabaa laakiin muslimka been masheego''

hadaan xadiithkaan soo daliishado, qaacidan dheheyso ( ama yiraahdo wax guulun kasoo baxo)aan ku dabaqo e een dhaho beenta gaal un beey kasooo baxeysaa warkan ma is qaban karaa . taasna wexey daliil utahay hadii aqwaasha taad jecehshay aad la imaato eedna qariso inta kale .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Naxar, I love democrazy" shirt ay ku qorantahay, marka horeba maxaa qof muslim ah u xidhay. I think way ka darantahay wuxuu na waydiiyey Nabad_dadaye

 

 

Walaalkay Nabad dadaye, xadiithkan baa Bukhari ku jira: Al-Bukhaari narrated in his Saheeh from ‘Aa’ishah (may Allaah be pleased with her) that the Prophet (peace and blessings of Allaah be upon him) would never leave anything in his house on which there were any crosses without erasing them or – according to another report –cutting them out.

 

Marka kolay nabigu(salallahu alayhi wasalam) waxa uu samayn jiray waa kaas. Asagaana nala faray in aynu ku dayano, qofku in uu ku gaaloobayo iyo in kale, waa sheeko kaloo u baahan baadhis intan ka badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

al-maskiin

aad ayaad umahadsantahay walaal , arinka aan ka naxay waa gaaleysiinta ,maadaama walaala badan oo muslim ah aan ku arkay ayagoo masaajidka lasoo galayo funaanada ciyaartoyda , arinkaas ayaan is weydiiyay .

lakin waxaa yaab leh walaalaha qaar wax walbo eey gaalnimada kula boodayaan , albitraha haduu gaal yahay gaal ayaad noqoneysaa , gaalo hadaad kubad lacayaarto waad gaaloobeysaa , maxkamad gaal hadaad tagto waad gaaloobeysaa . yacni waxaad umalaysaa in gaaleysiinta qof muslimah in eey u sahlantahay , dhibaatada ugu badan ee jamaacatu takfiir heysato ayaa ah arinkaas .

waana fikir halis ah cawaaqibtiisana xuntahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Akhi Nabad_dadaye wa iyyak walaal, waana runtaa akhi, gaalaysiinta maaha shay la iskala soo boodi karo, baadhis dheer, iyo xujo oogid baa ka horaysa. Walaalo badan baa jira oo aanba ogayn ficilada ay ku dhacaan qaar in lagu gaaloobi karo, markaa kuwaas oo kale in gaalnimadda la dul saaro sharicgu xataa ma qabo. Waayo Cilmiba uma qabaan waxay samaynayaan. Shuruud wa Mawaanicu takfeer in la soo barto maanta waa arin muhiim ah, si aan xukun qalad ah dadka loo saarin.

 

Laba daraf baa maanta muslimiinta ku jira, daraf wax kastay fududaysteen, oo waxayba taagan yihiin qofku in uusanba sinaba ku gaaloobi karin, ilaaa uu afka ka dhaho "WAAN GAALOBAY", kuwo kalena, shay kastoo qofku ku dhaco gaalnimay ku xukumaan. Labadaas darafba way qaldanyihiin.

 

Qolada dambe waa kuwa Jamaa3atu takfiir loo yaqaan, waana ragg marnaba aan caadi ahayn. Allah sharkooda ummadda ha ka qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al-Miskiin;722822 wrote:
Laba daraf baa maanta muslimiinta ku jira, daraf wax kastay fududaysteen, oo waxayba taagan yihiin qofku in uusanba sinaba ku gaaloobi karin, ilaaa uu afka ka dhaho "WAAN GAALOBAY", kuwo kalena, shay kastoo qofku ku dhaco gaalnimay ku xukumaan. Labadaas darafba way qaldanyihiin.

Qolada dambe waa kuwa Jamaa3atu takfiir loo yaqaan, waana ragg marnaba aan caadi ahayn. Allah sharkooda ummadda ha ka qabto.

waa runtaa walaal diinta islaamku waa diin wasad(dhexdhexaad) ah mana ogolo xadgudubka(israaf) iyo fududeysi dhulka la gaaro(tasriif) , sida aayada Rabi eey tilmaameyso ch2 v143 . sharta takfiirtana Allaha naga qabto iyo sifooyinkooda xunxun .

Kubbadda cagta baad ka sheekaynaysaa xataa feedh baa la ciyaari karaa ee ninyahow isa soo diyaari.

kkk walaal feerka waa qatar sida kubadoo kale ma ahan ,wadnaha in lagu istaajiyo baaba laga yaabaa ,marka taa kuma jiri .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ascw , walaalaha ayagoo mahadahsan waxaan rabaa in xoogaa la turxaan bixiyo arin iyadana kubada ku saabsan .

badanaa marka wax la hor marinayo waxaa lagu dayadaa dadka arinkaas meel sare ka gaaray ,sida diinta marka la baranayo ama cibaadada waa in lagu dayadaa rasuulkeena suuban iyo asxaabtiisa , dhanka cilmiga bulshada ibnu khalduun .

dhanka ciyaaraha hadii qof muslim ah uu iska dhigdhigo sida laacib kalo gaal ah , aan dhahno messi or xavi hab ciyaareedkooda , kama wado shaqsiyadooda iyo wexey aamin sanyihiin lakin qaab ciyaareedka ,arinkaas masoo galeysaa xadiithkii nabigeena ( man tashabbaha bi qowmin fahuwa minhu) . jawaabtiinu waa muhiim .

Share this post


Link to post
Share on other sites

jawaab iqanciso hadaan helo waa alxamdulilaah waa sida fiican .lakin hadii hamigeyga iyo rabitaankeyga kasoo horjeedo sida islaamka qabo ,waan ka tagaya sidaan jeclahay ,diinta sidey qabta ayaan qaadanayaa .

gaaleysiin oo kaliya walaal diinta ma ahan , in qofka gaal ayaad tahay ama noqoneysaa qofka lagula boodo culimada wey diiday ,mana fududo arinkaas , rasuulka scw wuxuu yiri ( inuu ku hanuuno gacantaada hal qof ayaa ka wanaagsan inaad hanato aduunyado iyo waxa dhax yaalo) ,lakin hadad tiraahdo qofka diintaada waad ka bexeysaa bas inuu arbitarka yahay gaal , waa arin weynigeeda leh .

Share this post


Link to post
Share on other sites

waa sax qofkii gaalnimo cad la yimaado ama diida xukun Illahey oo yiraahdo keena ka fiican ,in lagu gaaloobaya , galeysiinta dadkana waxa ku haboon culimada .

diinta islaamka waa diin nidaam ma ahan isku dhaxyaac qof walba meel kasoo qeyliyo ,meela loo noqdana waa noola sheegay ,Rabi wuxuu quraanka ku leeyahay ( hadey uceliyaan rasuulka ama dadka cilmiga u leh oo ka mid ah ,waxaa ogaan lahaa kuwa lasoo baxa ee kamid ah ) ch 4 v 83 .

diinta wexey qabtaa in culimada rabaaniyiinta loo daayo arimaha ku saabsan diinta, en leyska xukminin adoon cilmi dheer ama tafaasiil ka bixin karin , mana arag culimo su,aasheyda ka jawaabeyso marka inaan weydiiyo walaalaha igu dhaama weye , ee sidey niyadeyda jeceshahay ma ahan .

Share this post


Link to post
Share on other sites

subxaanalah waa arin laga naxo in aan iftoono cilmi la'aan teeda kale ma ta'wiilkaaga baad wax ku gaalaysiisay mise daliilkaagu waa sheekh hebel baa yiri mase ogtahay in gaalnimo ku xukumida ay u xilsaaranyihiin dadka layiraahdo ahlu xali walcaqdi.

waxaan ku oran lahaa toobad keen oo allah u noqo ogawna in fatwadu la macne tahay adoo ku hadlaya magaca allah iyo rasuulkiisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

subxaanalah waa arin laga naxo in aan iftoono cilmi la'aan teeda kale ma ta'wiilkaaga baad wax ku gaalaysiisay mise daliilkaagu waa sheekh hebel baa yiri mase ogtahay in gaalnimo ku xukumida ay u xilsaaranyihiin dadka layiraahdo ahlu xali walcaqdi.

waad mahadsantahay walaal abdiwahid , towbadana Allaha nagu wada duwo , su'aashan aan soo weydiiyay ee kor ku xusan runtaa jawaabteeda wexey muhiim u tahay walaalo badan oo SOL ku jira , ilaa iyo hadana mahelin jawaab .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this