Sign in to follow this  
Somalina

Somali Diaspora corner

Recommended Posts

STOIC   

^ Her name is Hayat Mohamed..I doubt there are many Ethipians with that name..unless she is Ethiopian of Somali origin....

 

Zack...haha..I guess women like men who rode horse and tell them what they wanted to hear all these years.....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Thriving Somali economy emerges in 'Little Mogadishu' in Kenya

 

 

CPIFINANCIAL

Sunday, March 27, 2011

 

Despite the collapse of the formal economy and of central government in Somalia, a remarkably resilient 'parallel' economy has emerged. Once a predominantly Asian residential estate, Eastleigh has become the centre of Somali entrepreneurship in Kenya and is popularly referred to as 'Little Mogadishu'. Eastleigh is at the centre of a network of trade that connects the Arabian Peninsula, Somalia, Kenya and East and Central Africa, with the Somali business community as the common thread, says Chatham House.

 

Somali Investment in Kenya charts the rise of Somali entrepreneurship in Kenya in the context of economic breakdown in Somalia, its impact on the Kenyan economy and the advantages and challenges.

 

“Two factors characterise Somali business activities in Kenya. First, they operate largely outside the formal economy of the country. Secondly, they rely heavily, but not exclusively, on clan or kinship networks of trust in their business dealings,” Chatham House said.

 

Somali entrepreneurs have introduced new concepts of business in Nairobi. Instead of going to a bank, preparing a business plan and asking for a loan, as in the past, these entrepreneurs now prepare a business plan, sell shares and implement the project. Somali-owned businesses have also created jobs for local unskilled workers.

 

Growing Somali investment in Nairobi has also attracted banks and other service-providers, demonstrating that urban refugees are not necessarily a burden on the state and can be an economic asset.

 

“Although business rivalry often leads to overblown accusations that Somali businesses are funded from the proceeds of piracy or criminality, there are some genuine national security concerns about activities within the Somali communities in Kenya. The long, open border between the two countries provides easy access for the supporters of extremist groups such as Al-Shabaab and Hizbul Islam to recruit and raise funds in Kenya,” Chatham House said.

 

“Eastleigh, Nairobi, Kenya and East Africa have benefited from the entrepreneurial activities of Somali business people. These activities have developed despite, or even because of, the collapse of Somalia. The experience has not been without problems. Governments in the region and internationally should think about ways of protecting investors and bringing more of these activities in the formal economy,” it added.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dood cilmiyeed looga hadlayay doorka waalidiinta Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan hakinta colaadaha oo lagu qabtay Nairobi

 

dood11.jpg

 

Khamiis, Maarso 31, 2011 (HOL) – Dood cilmiyeed cinwaankiisu ahaa ay doorka waalidiinta Soomaaliyeed ka qaadan karaan hakinta colaadaha ka taagan Soomaaliya iyo wacyigelinta ka qaybqaata dagaallada ayaa lagu qabtay Hotel Maredian magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kneya. Iyadoo dooddan ay la qaybgaleen xildhibaanno ka tirsan barlamaanka Soomaaliya, hooyooyin, madax ka socotay ururrada bulshada rayidka, dhallinyaro kor u dhaafaysay 160-dhalinyaro ah.

 

Doodda ayaa waxay ahayd mid xiiso badan waxaa la isku dhaafsaday afkaaro wax ku ool ah oo dhammaan ahaa xalka loo heli karo in waalidiinta ay ka hortagaan isticmaalka qaldan ee ubadkooda iyo talooyin muhiim ahaa.

 

Prof. Maxamed Cumar Dalxa guddoomiye ku xigeenki hore ee baarlamaanka Soomaaliya oo si weyn dooda uga qaybgalay ayaa sheegay in waalidiinta iyo caruurtooda ay is-waayeen sannadihii ugu dambeeyay waxaana taas uu tusaale ugu soo qaatay in ubadka loo adeegsaday in dagaallada socda loo adeegsado.

 

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in waqtiga hadda lagu jiro uu yahay midkii ugu adkaa ee ay soo mareen dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo si aan habboonayn loogu adeegsado dagaallada, isagoo kula dardaarmay waaliddiinta inay xoojiyaan iska warqabka iyaga iyo ubadkooda si ay carruurtooda uga badbaadiyaan in la isticmaalo.

dood10.jpg

ildhibaan Xasan Xaaji oo ka mid ahaa xubnihii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in carruurta oo laga marin habaabiyay goobaha waxbarashada iyadoo dhinacyada iskaga soo horjeeda dalka ay u adeegsadaan dagaallada, iyadoo xildhibaanku ku taliyay in xooga la saaro sidii manaahijta dalka loo kontarooli lahaa kuwii horena tifaftir badan loogu sameyn lahaa.

 

Marwo Dhoofo Khaliif Siyaad oo ah hooyo Soomaaliyeed oo abwaanad ah ayaa iyaduna xustay in waalidiinta ay arkeen culeys ka weyn maadaama caruurtooda ay noqdeen kuwo aan waxba ka maqlayn,iyadoo kula talisay hay’adda SYAO inaysan ka daalin kaalinteeda ah inay isku keento qaybaha bulshada si ay uga doodaan dhibaatada taagan xilligaas.

 

In ka badan 31-dhallinyaro ah oo kulanka ka qaybgalay isla markaana fikirradooda ka jeediyay ayaa sheegay in dhallinyaradu yihiin kuwo loo adeegsado dagaallada, waxaana baaq wadajir ah ay u jeediyeen dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee dagaallada ka qaybgalaya.

 

Ugu dambeyn, guddoomiyaha SYAO Max’ed Ibraahim Cali (Cajiib) oo soo xiray doodad ayaa u mahadceliyay xildhibaannadii kasoo qaybgalay doodda, madaxdii ururada bulshada rayidka iyo dhammaan dhallinyaradii waqtigooda soo huray isagoo mahadnaqa kaddib ballanqaadyo ay ka mid ahaayeen in hay’adda SYAO ay bilaha soo socda ay qaban doonto ciyaaro kuwaasoo loogu magacdari doono (Habeenkii dhaqanka Soomaaaliya) si dhallinyarada loo baro dhaqankii hore ee ku dhisnaa nabadda.

 

Hay’adda SYAO oo shaqeynaysa muddo laba sano ah iyadoo kulammo kala duwan duwan u qabatay kulammo ay fikiradahooda ku wadaagayaan, waxaana xubno ka ah 500 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah , waxayna dhallinyarada ku boorriyeen inay ka mid noqdaan.

dood8.jpg

dood9.jpg

dood4.jpg

dood1.jpg

dood2.jpg

dood.jpg

dood6.jpg

dood7.jpg

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Fatima Cali Madar oo loo doortay gudoomiyaha degmada Grunerlokka

 

fadumomadar.jpg

 

Fatima Ali Madar ayaa lagu doortay cod dhamays tiran shir sanadeedkii degmada oo ka dhacay guriga baarlamaanka ee magaalada Oslo shalay oo taarikhdu ahayd 28 March in ay noqoto gudoomiyaha degmada Grunnerlokka ee caasimada Oslo ee xisbiga shaqaalaha AP (Labor Party).

 

Shirkan oo lagu qabtay Guriga baarlamanka ayaa cod dhamaystiran la isku wada raacay inay Fatima Ali Madar noqoto madaxa degmadaas Grunerlokka oo ka mida ah degmooyinka ugu dadka badan ee caasimada Oslo.

 

Tani waxay keentay inay Fatima Ali Madar noqoto gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horaysay ee xil intaa leeg loo dooray xisbigan. Xisbiga shaqaalaha ee dalka Norway ayaa isagu ku guulaystay labadii doorasho ee ugu dambeeyay ee ka dhacay dalkaasi lana filayo inuu ku guulaysan doono dooshada deegaanka ee soo socta sanadkana. Fatima oo ah musharax u sharaxan golaha deegaanka ee magaalada Oslo ayaa tani waxay kor u sii qaadaysaa sharafta iyo qiimaha Somalida gaar ahaan dumarka Somaliyeed ee ku nool magaalada Oslo.

 

Waxay u sahlaysaa inay ahaato musharax aad u adag oo dad badani isu soo taagaan ama ay aqbalaan musharaxnimadeeda xildhibaan ahaan una soo jiidi doona cod aad u farabadan Fatima iyo xisbigeedaba. Fatima waxay ka midtahay gabdhaha Somaaliyeed ee firfircooni xoogleh ka muujiyey siyaasada Norway, waxaanay aad soo dhawaynaysaa musaraxiinta kale iyo kuwa ku hamiyaaya in ay siyaasada ka soo qayb galaan.

 

 

Waxay tidhi Fatima “hadii aad wadan degentay waa in aad ka muuqato, midkale Soomaalidu waanu ku cusbnay dalkan oo waa inaanu is muujino, hablaha Soomaaliyeed wax barashad sare aad bay ugu soo badanayaan wakhiyadan danbe ila markaana waxa kor u sii kacaaya sumcada Somalida ee wadankan, taas oo door wayn ka ciyaaraysa horumarka laga gaadhi karo wadankan qaniga ah”.

 

Wadanka Norway waxa uu kamidyahay wadamada shaqalanaatu aadka ugu yartahay, sababtu tahay waxa mudooyinkii u danbeeyey hogaaminayay dowlad uu horkacaayey xisbaga shqaalahu, kuwaas oo aad ugu howlan shaqo abuurista dalkan.

 

Fatima ayaa Bulshada Soomaaliyeed ama dadka ku nool Norway ee Imigarant ka ah ku leh sumcad iyo darajo aad u qaaliya, waxaana hubaala inay ku soo bixi doonto darajada koowaad ee xildhibaanada laga soo dooran doono degmooyinkaas hoos yimaada caasimada Oslo. Doorashadaas oo la filayo inay dhacdo September sanadkan aan ku jirno.

 

English

 

The Norwegian Labour Party – a brief presentation

 

The Norwegian Labour Party has a vision of a just world without poverty, in peace and ecological balance, where people are free and equal and have influence on the conditions affecting their lives.

 

The Norwegian Labour Party is a social democratic party committed to liberty, democracy and social justice. It is a reformist party that believes in partnership and cooperation on national as well as international level. By acting together rather than just as individuals, we can make a better society for all.

 

The Norwegian Labour Party is the largest political party in Norway. Labour got 35,4 per cent of the votes in the general election in 2009 and has 64 out of 169 members of parliament.

 

Together with the Socialist Left Party and the Centre Party there is a red-green majority in Parliament. These parties together have 86 out of 169 seats.

 

KALA XIRIIR FATIMA

 

Fatimaalimadar@hotmail.com

http://fatimaalimadar.blog.com/

twitter@fatimamadar

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Shirweynihii koowaad ee Gabdhihii Kubadda Kolayga Soomaaliya oo lagu qabtay Finland

 

shirweyne2.jpg

Talaado, April 05, 2011(HOL): Waxaa magaaladda Helsinki ee caasimadda Finland ka dhacay shir taariikhi ah oo markii ugu horeysay ka dhaca qurba ama gudaha Soomaaliyaba,shirkaas ayaa waxaa isugu yimid gabdhihii xulka qaran iyo heerka koowaad ee kubadda koleyga Soomaliyeed.

 

Shirka ayaa waxaa uu ka socdey magaalada Helsinki muddo afar maalmood ah,shirkan ayaa waxaa uu ka koobnaa qaybo badan oo maalintii koowaad waxaa ay ahayd mid soo dhaweyn ah, maalintii labaadna waxaa ay ahayd iswaraysi iyo warbixino,maalintii sedexaadna waxaa uu shirka ahaa mid ay gabdhaha kusuubsanayeen maamul cusub oo ay yeeshaan gabdhihii hore ee kubadda koleyga iyo guud ahaanba isboortiga qaybihiisa kaladuwan,maalintii ugu danbeeysana waxaa ay ahayd maalin ay martisharaftii ku laabanayeen wadamadii ay kakala yimaadeen.

 

Shirkan ayaa waa isku xiriiriye bilowgii ka ahaa Maxamuud Sujaac oo kusoo dhaweeyey Gabdhihii hore ee xulka qaranka iyo Macalimiintii qaranka iyo masuuliyiin ka socotay XSKK iyo GOS-ba. ka dib ayaa waxaa uu Maxamuud Sujaac siiyey Min Shandaqiiqo gudigii soo qabanqaabiyey ee kala ahaan Ururka Kanava,EuroSom iyo Sateenvarjo,waxaana xubnihii magacyadaas ku hadlay ka mid ahaa,Abdiqadir Gudoomiyha Kanava,EuroSom IBraahim Ahmed Takar iyo Sateenvarjo Said Jamac.

shirweyne1.jpg

Shirkan ayaa waxaa uu lahaa workshop kasoo oo looga hadlayey laba arimood oo kala ahaa:

 

1.Sidee loo hormarinkaraa isboortiga Guud ahaan gaarahaan kubadda koleyga.

 

2.Wadadee loo marikaraa horumarintaas.

 

Workshopkan ayaa waxaa kasoo baxay wax badan oo aan isdhihi karno waxaa ay noqondoonaan kuwo lagu hormariyo kubadda koleyga.

 

Maalintii sedexaad ayaa waxaa loo gudbay shirkan qaybtiisii ugu weynayd uguna muhiimsanayd oo ahayd shirka qaybta ay gabdhaha kusamaysanayeen urur ay isku maamulaan isla mar ahaantaan ay isaga warqabaan dhamaantood.

 

Shirkan Gabdhaha ayaa waxaa kasoo baxay arimmo dhowr ah oo aan isleenahay waa kuwo muhiim ah,waxaana ay kala yihiin

 

1.Inay samaysteen maamul ay leeyihiin gabdhihii hore ee kk.

 

2.Inay diyaar u yihiin inay wada shaqeeyaan XSKK iyo GOS-ba wixii horumarinta isboortiga kusaabsan

 

3.Inay si joogta ah ula xiriiraan gabdhihii hore ee kubadda koleyga ee ku dhibaataysan wadankii hooyo.

 

4.Inay soo ururiyaan gabdhihii hore iyo kuwa cusub ee kubadda koleyga.

 

Shirkan ayaa waxaa qayb weyn kasoo qaatay abaabulkiisa aana isleenahay waxaa uu mudan yahay in lagu dhiiri geliyey kaalinta halyeeynimo ee uu kasoo qaatay qabsoomida shirkan Macalinkii Qaranka Gabdhaha Soomaliieed Macalin Shiine Mxamed Guhaad,wxaa sidoo kale kaalin buuxda ka qaatay Macalinka Macalimiintoodsa Macalin Sacad Cumar Geedi,waxaa sidoo kale kaalin aan lailobi karin ka qaatay Maxamed Muqtar

shirweyne3.jpg

 

Shirkana ayaa waxaa dhinaca Taleefonka kaga soo qaybgalay Gudoomiyaha GOS mudane Aden Haji Yabarow Wiish oo gabdhaha hambalyo ugu horeeyn usoo jeediyey ka dibna kula dardaarmay inuu shirkooda u najaxo isla mar ahaantaana laga arko wax qabadkooda. Sidoo kale waxaa Halakaas ka hadlay Gudoomiyaha XSKK mudane Ibrahim Haji Hussein Rombo oo isgana sidaas oo kale hambalyo usoo jeediyey gabdhaha kadibna kula dardaarmay inay gabdhaha Soomaaliyeed ee jecel ciyaarta kubadda koleyga haysana jaaniska ay haystaan kuwa qurba joogta ah inay soo kaalmeeyaan waxna u qabtaan gabdhihii hore ee kubadda koleyga. Waxaa sidaas oo kale kasoo hadlay laba ruug cadaa Xoghayihii hore ee GOS ahaana macalinkii gabdhaa xulka qaran e e kubadda kloeyga Mudane Ali Osman oo isgana dardaaran dheer iyo weli waxqabad kula dardaarmay gabdhahaas ugu danbeeyntii waxaa qadka Taleefonka kaga soo qaybgalay Garsoore Caalmai aha muwaadin Soomaaliyeed jeclna horumarka isbooriga guud ahaan gaar ahaan kubadda koleyga waa Osman Halane isgana waxaa uu sidaas oo kale gabdhaha kula dardaarmar wax qabad dhab ah.

 

Gabagabdii shirkan ayaa waxaa lasoo bandhigay magacyadii ururka cusub ee Gabdha kubadda koleya ay yeesheen isla mar ahaantaan halkaas lagu soo gabagabeeyey shirkii koowaad ee Gabdha kubadda koleyga Soomaaliyeed.

 

More....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Bandhig lagu muujinayay buugaagta Soomaalida oo ka dhacay Norway

Markii ay taariikhdu ahayd 22 iyo 23 bisha afaraad 2011, ayaa lagu qabtay wadanka Norway caasimadiisa Oslo, bandhig lagu muujinayay buugaagta ay qoreen soomaalida, sidoo kalena, dhaqanka qaniga ah ee ay leeyihiin dadka soomaaliyeed.

 

Bandhigan oo noociisa mid lamida aan horey loogu qaban wadanka Norway, balse, noqon doona haduu alle idmo mid sanadle ah si umada soomaalida ah ee ku nool wadanka Norway ay jaaliyadu ugu baraarujiso qiimaha iyo qaninimada uu leeyahay dhaqanka iyo afka soomaaliga , ayay ka soo qayb galayaashiisu ka kala yimaadeen qaarada Afrika, Yurub iyo waqooyiga Amerika.

 

Barnaamijkan waxaa lagu bilaabay habeen casho, dadkii ka soo qaybgalayna iyaga oo ku qanacsan sida barnaamijka uu u dhacay ayay guryahoodii ukala dheelmadeen.

 

Maalintii habeenkaas xigtay oo ay ahayd taariilkhdu 23 , bisha afaraad , kuna beegneyd maalinta buugaagta aduunka, ayay maskaxmaalayaashu ku soo bandhigeen casharo la xariira dhaqanka, suugaanta , buugaag qiimaha ay xanbaarsanyihiin aanan waxba lagu miisaami karin, goobta kulamada caalamaiga ah lagu qabto ee Håndverkeren. Barnaamijka maalintiisa labaad waxa uu socday inta u dhaxaysay waqtiyada kala aha 12:30 ilaa19:30 fiidnimo.

Barnaamijkan waxaa ka qaybqaatay shirkada daabacda buugaagta qurbejoogta soomaalida ee loogu yeero SCANSOM ee uu matalayay qoraaga, mudane, Maxammed Sheeikh Xassan iyo Agaasimaha shirkada, Mr. Cabdirashiid, qoraaga caanka ah,mudane, Dr. Maxammed Daahir Afrax (Djibuti), qoraa; mudane, Siciid Cali Shire (UK), qoraa; mudane, Cali Khayr (Norway), Faaduma Cali Madar (musharax xubin kursiga maamulka degmeda Oslo), Ubax Cabdulqaadir (Musharax xubin, kursiga maamulka degmeda Oslo), Cabdicasiis Maax (abwaan).

 

Martisharaftii madaxda ahayd ee goobta ka jeedisey hadalo lagu dhiirigelinayo horey u wadida dhaqanka iyo afka soomaalida ayay kala ahaayeen ; Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya, mudane, Cali Cabdi Awaare, Wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha gudaha iyo horumarinta maamulada degmooyinka ee Puntland , Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh).

 

 

arnaamijkan waxaa soo agaasimay; jaaliyada qurbejoogta Soomaalida Norway, sigaarana waxaa ugu xilsaarnaa fulintiisa madaxa jaaliyada , mudane Cabdiwahaab Maxammed Siciid, madaxa arimaha bulshada ee jaaliyada, mudane , Cabdirisaaq Siciid Bille (dhuubane). Barnaamijka waxaa xiriirinayay madaale, aftahan , Ciiro.

 

Waxaa dhaqaalaha barnaamijka ku deeqay ; degmeda Oslo qaybteeda dhaqanka, Kulturrådet .

bug9.jpg

bug27.jpg

bug28.jpg

bug29.jpg

bug22.jpg

bug18.jpg

 

More pics

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Habeenkii soo nooleynta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida

 

dhaqan4.jpg

Isniin, April 25, 2011(HOL): Munaasbad loogu magac daray habeenka dhaqanka Soomaalida oo ay soo qabanqaabisay hay’ad ka shaqeysa arrimaha dhalinyarada ee SYAO ayaa xalay lagu qabtay hotelka Grand Regacy ee magaalada Nairobi.

 

Xafladda oo ay ka soo qeybgaleen dad kor u dhaafayey 250 qof oo isugu jiray Xildhibaano, madax ka socotay ururada bulshada rayidka , culimaa’udiinka Ahlusunah Waljamaca , xubno ka socday jaaliyadaha dibadda iyo qeybaha kala duwan ee saxaafadda Soomaalida ee Nairobi ku sugan.

 

Guddoomiyaha SYAO Max’ed Ibrahim Cali Cajiib oo xafladda furitaanka hadal gaaban jeediyey ayaa sheegay in hay’adda SYAO ay tahay ujeedada ay u qabatay munaasabaddan ay ahayd in dadka Soomaaliyeed ee dalka ka soo tagay la xasuusiyo dhaqankii hore ee Soomaaliya lana dareensiiyo xaaladda dhabta ah ee uu dalka marayo , waxaana uu sheegay in xafladda habeenka dhaqanka ay ugu talogaleen in lagu muujiyo dhaqankii hore ee Soomaalida sida uu u ahaa mid nabadeed iyo sida loogu xeeran jiray.

dhaqan1.jpg

Mr. Cajiib ayaa sheegay sidoo kale in jiilka yar ee soo koraya ay u tahay casharro ah iney bartaan dhaqankoodii saliimka ahaa iyo sidii Soomaalidii hore isku xushmeyn jirtay .

 

Munaasabadda ayaa intaas kaddib waxaa lagu soo bandhigay qeybaha kala duwan ee dhaqanka Soomaalida sida cayaaraha kala duwan ee laga ciyaaro dhamaan gobolada dalka Soomaaliya heeso dhaxtaal ah oo ay qaadayeen fannaaniin uu ka mid ahaa C/Xakiim Ciise Geedi Faro-yare ayaa aheyd mid si weyn u soo jiidatay dareenka dadki ka soo qeybgalay munaasabadda.

 

Waxaa sidoo kale la soo bandhigay riwaayad ay aad ugu riyaaqeen dadki ka soo qeybgalay xafladda oo taabaneysay xaaladda dalka , iyo sida loo marin habaabiyo dhalinyarada , sidii loo bahdilay odayaashii hore iyo dhaqamo xun xun oo waayadan ku soo kordhay dalka kuwaas oo ay geysanayeen kooxda Shabaab.

 

Waxaa sidoo kale munaasabadda ku jiray oo dhaxtaal ahaa tartan aqooneed iyo waqtiyaa nasiib ah oo uu dadki xafladda ka soo qeybgalay su’aalo ku weydiinayey abwaanka weyn Axmed Faarax Cali Idaajaa su’aalahaas oo dhamaantood ku qotomay dhaqanki hore ee Soomaaliya , waxaana lagu bixiyay abaalmarinno kala duwan oo isugu jiray Taleefoonnada gacan-qaadka ah ee Mobile-ka , computerro iyo saacado, sidoo kale lacago caddaan ahaa oo dollar ayaa lagu helay waqti yaa nasiibka.

dhaqan3.jpg

Dadkii xafladda ka soo qeybgalay ayaa aad uga qeybgalay su’aalaha abaalmarinnada lagu bixinayey iyadoo dad badan ay xalay madasha xafladda kala hoydeen alaabo qaali ah oo ay SYAO ugu talagashay iney ku dhiiragliso dhallaanka soo koraya si aysan u hilmaamin dhaqankoodi.

 

Si kastaba xafladdii xalay ayaa aheyd mid wacdaraheeda wada qireen dadkii ka soo qeybgalay , waxaana aad loogu hambalyeeyey kooxda SYAO sida ay dhinac walba isugu dheeli tireen xafladda ,waxaana la isku raacay xafladdii xalay iney aheyd middii ugu wacneyd ee waayadan lagu dhigo Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya oo ay Soomaali badan ku nool yihiin.

dhaqan2.jpg

dhaqan5.jpg

dhaqan.jpg

 

Hiiraan Online News Desk

Nairobi, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Gariiga Ilyaas Cali Xasan iyo 18 qof oo Soomaali ah oo xabsiga la dhigay

 

 

Ilyaas Cali Xasan oo qadka Taleefanka iigu waramay ayaa sheegay in sababta xarigiisa ay ka danbeysay kadib markii Todobaad ka hor weerar ku soo qaadeen Wadaniyiin u dhashay dalka Gariiga oo la tilmaamay in ay yihiin Cunsiriyiin xili Booliska ay ku sugnaayeen guryahooda, tallaabadaasi oo uu Guddoomiyaha ku eedeeyay ineysan waxba ka qaban Booliskuu goobta ku sugnaa.

 

Guddoomiyaha ayaa weerarkaasi cunsurinimo waxaa uu u bandhigay Hey'addaha Qaxootiga qaabilsan gaar ahaan UNHCR iyo wadamada Midowga Yurub, wuxuuna intaa raaciyay Ilyaas Cali Xasan in Boolisku ay ka dalbadeen in ay badbaadiyaan shacabka Soomaaliyeed hase ahaatee aysan waxba ka qaban.

 

Maanta ayaa Booliska ay weerar ku soo qaadeen xarunta Jaaliyadda iyagoo bartilmaameedsaday Guddoomiyaha iyo 18 qof oo xabsiga weli ku jira, waxaana uu Ilyaas uu sheegay in sababta loo xeray ay ka danbeyay eedeymaha jira ee ay u jeediyeen Booliska xiligii weerarka lagu soo qaaday dadka Soomaaliyeed.

 

Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo Xisbiyada dalka Gariiga ka jira ayaa ku booqday xabsiga Guddoomiyaha Jaaliyadda, wuxuuna Ilyaas uu xaqiijiyay in beri Maxkamad la soo taaki doono si loogu qaado eedeymaha ay Booliska u heystaan isla markaana waxaa arinta ku howlan sida uu sheegay Shan Looyar oo u doodaya Guddoomiyaha iyo dadka kale ee Soomaaliyeed.

 

Todobaad ka hor ayey aheyd markii koox cunsiriyiin ah ay weerar ku soo qaadeen dadka Soomaaliyeed isla markaana dhibaato xooggan u geysteen xili ay Booliska Gariiga ku sugnaayeen goobta la soo weeraray taasoo aysan waxba ka qaban.

 

Cali Muxiyaddiin

Muxiyaddiin@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Young Future Somali Tennis stars on Show

 

youth3.jpg

By Mohamed Farah

Sombrit Youth

 

 

 

Twenty boys and girls between the ages of 7 and 18 drawn from all corners of UK participated in a special Somali youth tennis tournament held at Southwark City Tennis Club, London on Sunday the 8th May 2011.The one-day tournament organized by Sombrit Youth in partnership with Somali Tennis Association and Somali Olympic committee was the first of its kind and attracted many people from the Somali Diaspora in UK. This was a historic and epic moment for Somali Youth in London. It was a great atmosphere with some competitive but fun tennis played throughout the afternoon.

 

The Tournament, which kept the club's 3 courts busy from 2.00pm to 8.00pm, was split into two different age groups, the under 12s and the under 18s. The first to compete were the under 12’s. The standard of tennis was remarkably high, and the boys kept going through a long day that had some players playing as many as 6 sets of hard-fought singles. The tournament was eventually won by 11 yr-old Abdirizak Abdulle of West London, who beat his twin brother Hanad Abdulle. Abdirizak’s victories on the way to the final included a win over hard hitting 12 yr-old Abdulahi Daoud of South London.

 

The under 18’s was equally competitive; the boys rose to the occasion and entertained the ever enthusiastic crowd with some brilliant tennis. The darling of the crowd was Omar Daud aged 16 who thrilled the crowd with his shots and moves. On his way to the final he easily dispatched his opponents with ease. Like the under 12’s the final match was also a family affair. Two brothers Omar Daud aged 16 and Abdulahi Daud aged 12 battled for the top honors.

 

Having lost to the eventual winner in the semi final at his age group, Abdulahi Daoud steadied himself and came back to compete in the under 18’s Daoud impressed many with his hard hitting and tenacity against much older boys. On the way to the final he thrilled the crowd by beating two older (and much larger) boys He eventually lost against the eventual winner, Omar (on the right) who was much stronger.

 

youth2.jpg

Mr.Duraan Farah the vice president of Somali National Olympic committee and the guest of honour said the competition was a positive response to his vision and commitment to ensure the development of the lesser-known sports in Somalia. He said that he was also happy that tennis was being revived in the community and was hopeful that well-meaning citizens, especially those with the love for sports would come together in developing various sporting disciplines. Other dignitaries who attended included Mr Abdullah Mohamed Saneey the vice president of Somalia Athletics federation, Mr Shino Guhad former Somalia National basket ball player and coach and many more community leaders.

 

The Tournament was a great success, and thanks go to the community leaders and all the parents and who gave up large chunks of their weekend to bring their boys - and to all the boys for their efforts. Special thanks also goes to Hassan Mohamud Hassan the chief coordinator of the tournament. When asked about the events Mr Hassan stated that apart from using the competition to encourage the youth and rekindle their interest in the game of tennis, it was also aimed using the medium of sports to instil the spirit of discipline and respect among the youth at all times. Mr Hassan stated that The Club will be staging more events like this over the coming months, so if anyone is interested in competing to keep an eye on the Club's website at sombrityouth.org.

youth5.jpg

At the end of the tournament, an exhibition match that pitted the champion of the under 18s category against one of the highly ranked Somali Tennis player in UK Liban Xasan aged 18 was hosted. A large crowd was on hand to cheer on both players and was treated to excellent tennis. The match went the distance and eventually won by the favorite Liiban. (Standing on the left).

 

Anisa Daud began playing tennis at age of three and now at seven, Anisa’s tennis game has it all! Forehands, backhands, volleys, and serves! Anisa also routinely trains with both her older and younger brothers Omar and Abdulahi in the Youth club ...and here she is posing for the camera during the Tournament. Anisa put on a great show and amazed the crowd at the tournament.

youth4.jpg

Go Serena! I mean Anisa! :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Kulankii qorayaasha Soomaaliyeed oo ka furmay mag. Helsinki, Finland

qorayasha.jpg

 

Bandhig buugeedkii 7aad ayaa ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland. Bandhiggan oo ah kii todobaad ayaa waxaa dhidibada loo taagay sanadkii 2005-ta.

Munaasabaddan ayaa ah mid si weyn loo soo agaasimo sanad walba, isla markaana ay ka soo qeybgalaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Finland.

 

Haddaba furitaankii xafladda ee sanadkan waxaa xariga ka jartay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada & dhaqanka ee dalka Finland, marwo Riitta Kaivosoja iyo maamulka maktabadda sare ee magaalada Helsinki oo ay hormood u ahaayeen;- Riittaa Hamalainen & Tina.

qorayasha3.jpg

 

Sidoo kale waxaa ammaan iyo bogaadin mudan C/raxmaan Max´ud Cali "Jiimi" oo ka socda maktabadda Espoo oo sanad walba qeyb lama ilaawaan ah ka qaata keydinta & dhigaalka afka Soomaaliga & Maamulka shirkadda Scansom ee dalalka Europe macallin Bashiir Ismaaciil Cusmaan.

 

Sanadkan waxaa qoreyaasha ka qeybgalaya munaasabaddan sanadkan 2011, waxaa ugu helin culus shirkadda buugaagta daabacda ee Scansom publishers ee saldhiggeedu yahay magaalada Stockhlom & Toronto oo halkaas ku soo bandhigtay buugaag aad u tiro badan oo gaareysa 270 buug , buugaagtii halkaas lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa;- buugaagta carruurta, suugaanta, taariikhda, siyaasadda, ganacsiga, ciyaaraha, diinta, caafimaadka, qaamuusyada, buugga codeysan.

 

qorayasha4.jpg

 

Qoreyaasha sanadkan sida gaarka ah loogu martiqaaday ka qeybgalka munaasabaddan waxaa ka mid ah;-

1. Max´ed Sh. Xassan Nuur;

 

2. C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban";

 

3. Siciid Cali Shire;

 

4. Amran Max´ed Axmed;

 

5. C/qaadir Cali Boolaay oo halkaas ku soo bandhigay taariikhdii ururkii S.Y.L.

qorayasha1.jpg

 

Dhinaca kale waxaa munaasaddan goobjoog ka ahaa qoreyaasha Soomaalida ee ku dhaqan dalka Finland ayna ka mid yihiin;-

1. Axmed Xijji wehliye

2. Axmed Wehliye Coofle

3. C/rashiid Cawad Diiriye

4. Dirir;

5. C/ladiif;

6. Macallin Sugulle.

Ugu dambeyntii waxaa kulankan la soo gebagabeyn doonaa maalinta Sabtida ah ee bishuna tahay 21ka bishan May, sanadka 2011.

qorayasha2.jpg

qorayasha5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this