Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somali Pirates in the Indonesian Waters

Recommended Posts

Walee Pirates kii way waasheen ,,,,,,,,,,, Ilaa Indonesia ayaaba la socday ,, :D

 

 

Burcad badeeda Soomaali ah oo lagu qabtay xeebaha Indonesia

 

 

 

Sumatra: (Sh. M. Network) Kooxo burcad badeed Soomaali ah ayaa lagu qabtay Jasiiradda Sumatra ee dalka Indonesia xili weerarada Masaafooyinka dhaa dheer kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay yihiin kuwa marba marka ka dambeysa isa sootaraya.

 

Ciimada ilaalada Xeebaha Jasiiradda Sumatra ee ku taala Dalka Indonesia ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen labo ka mid ah kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo watay dooni dheereysa oo ku sugnayd Xeeb lagu magacaabo Baarkhiil taasi oo ku taala Jasiiradda Sumarta ee dalkaasi Indonesia.

 

War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada ilaalada xeebaha Jasiiraddaasi ayaa waxaa lagu sheegay inay gacanta ku dhigeen labo burcad badeed Soomaali ah oo magacyadoodu lagu kala sheegay Max’ed Max’uud Saciid iyo Aadan Cali C/laahi kuwaasi oo la tilmaamay inay wateen dooni lagu magacaabo Fibar Kalas, waxaana ay ciidamada intaasi ay ku dareen in sidoo kale ay ku hubaysnaayeen labadaasi qof qoryaha loo yaqaano AK-47.

 

“ Haa, qabashada labadaani ruux waxaa ka dambeeyay kadib markii Kaluumaysato u dhalatay Jasiiradda Sumatra ay noo sheegeen in labadaani burcad badeeda ay ceersanayeen doon dalxiis oo aan la garanayn wadanka laga leeyahay, hase ahaatee aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinaynaa Kaluumaysatadaasi” ayuu yiri mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada Ilaalada ee Xeebada Jasiiraddaasi.

 

Majiro waxa war ah oo ka baxsan ciidamada ilaalada ee xeebaha Jasiiradda Sumatra oo cadaynayo inay dadkaasi yihiin burcad badeed hase ahaatee ay gacanta ku hayaan ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Indonesia.

 

Burcad badeeda Soomaalida ayaa waxaa ay gaareen heer aad u saraysa iyagoo awood u leh inay Maraakiibta kasoo afduubtaan meelo ka fog fog xeebaha dalka Soomaaliya taasi oo walaac xoogan ay ka muujiyeen Maraakiibta ganacsi iyo doonyaha isticmaalaha badwaynta India.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Jacaylbaro;698391 wrote:
kadib markii Kaluumaysato u dhalatay Jasiiradda Sumatra ay noo sheegeen in labadaani burcad badeeda ay ceersanayeen doon dalxiis.

:D:D,,Sheekadani waa mid lagu qoslo. Laakiin waxaan u malaynayaa in ay Been tahay.

 

mapasia.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this