Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Hiilqaran

Recommended Posts

Xisbi siyaasadeed ay horboodayaan dad caan ah oo xaflad gogolxaar ah loogu sameeyay London

 

hiil-qaran2.jpg

 

Xaafadda Wembley ee magaalada London ayaa shalay lagu qabtay xaflad loogu gogol-xaarayay xisbi siyaasadeed cusub oo lagu magacaabay Hiil-Qaran, kaasi oo ay qaabeyntiisa hor-boodayaan rag si weyn looga yaqaano Soomaaliya oo siyaasiyiin iyo aqoonyahanno isugu jira.

 

Halka lagu qabtay Xafladda ayaa waxaa ka soo xaadiray dad badan, inkastoo masraxa shirka ay fadhiyeen dad si weyn loogu ixtiraamo siyaasadda Soomaaliya sida Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen iyo Cusmaan Jaamac Cali Kalluun, Danjire Maxamed Shariif iyo C/qaadir Aadan Shiikh Jengeli.

 

Liibaan Daahir Nuur oo ka mid ah Ardayda wax-ka-barata Jaamacadda London, isla markaana shirkaas ka qeybgalay ayaa qaabkii shirkaas uu u dhacay waxaa uu uga warramay Laanta Afka Soomaalida ee BBC-da, wuxuuna sheegay in Xisbiga Hiil-Qaran ee shirka loogu gogol-xaarayay uu ula muuqday mid in muddo ah laga soo shaqeynayay oo hadda wixii ka dambeeya la doonayo in la shaaciyo, isagoo xusay in daadiyihii shirka oo ahaa Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar uu mar ka dhawaajiyay in Dhuuxa Xisbigan uu yahay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen.

 

Waxaa uu intaas ku daray Liibaan Daahir in Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo shirka ka hadlay uu sheegay in ay muhiim tahay in Soomaalida isu tagto, isla markaana ay sameystaan wax ay wada leeyihiin oo aan ahayn Dowlad dalka dibaddiisa lagu soo dhisay ama sida uu u yiri ay wadaan dowlado shisheeye ah.

 

Xisbigan Siyaasadeed ee magaciisu yahay Hiil-Qaran ayaa haddii si rasmi ah loo shaaciyo, waxaa uu noqonayaa xisbi siyaasadeedkii ugu horreeyay oo ay hoggaankiisa hayaan dad Qurbo-joog ahaa, kuwaasi oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya gudaheeda iyo dibaddeeda, waxaase is-weydiin leh sida Xisbigan uu lugta u soo gashan doono siyaasadda jaha-wareersan ee Soomaaliya, taasi oo aan hadda maareynteeda gacanta ugu jirin sida la wada ogyahay dadka Soomaaliyeed.

 

Shabakadooda waa tan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The premise that Somalia have a government constructed from within rather than in some foreign capital is a something worth supporting. Unfortunately, this new party is following the same footsteps from previous so called parties that have went no where fast. For one, there is no space for political parties in Somalia unless we're going to the bad old days of one party state of the SYL. Second, we've seen diaspora members have a political party before. The likes of SSUP & Demoractic Somalia Party and the countlesss others seem to be putting the cart before the horse. You can't have political parties unless you have put a system of government in place. Last it appears waloweyn don't learn their lessons very well, Abdi Ismail Samatar and Cisman Jama Kaluun do not represent any one but themselves and their inclusion will only make the return of Somalia from a failed state that much more difficult.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mayaani   

oba hiloowlow;698240 wrote:
Maxey bedeli karaan kuwaan??

Waxbay badeli karaan hadii aad dageertid waxay u tagan yihiin oo ah Somali aan laga xukumin Kampla iyo Bujumbura.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xisbi cusub oo siyaasadeed oo Muqdisho ku dabaal dagay

Munaasabada balaaran oo lagu taageerayay Xisbiga Siyaasadeed ee Hiil Qaran oo dhawaan lagu dhisay dalka Ingiriiska ayaa maanta waxaa ay ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

Munaasabaddaan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay kasoo qeyb galeen Aqoonyahano, Culumaa’udiin, Siyaasiyii, Dhalinyaro iyo Odayaal dhaqameedyo ayaa maanta waxaa ay ka dhacday gudaha magaalda Muqdisho taasi oo lagu soo dhawaynayay Ururka la magacbaxay Hiil Qaran oo dhawaan lagu dhisay Magaalada London ee cariga dalka Ingiriiska.

 

Kasoo qeyb galayaasha Munaasabadaasi ayaa waxaa ay si wayn u taageereen Ururka Siyaasadeen ee Hiil Qaran hase ahaatee, waxaa ay tilmaameen kasoo qeyb galayaasha xafladaasi in loo baahanyahay in door muhiim ah oo wax kaga qaban karo siyaasadad Soomaaliya uu la yimaado Xisbigaasi.

 

Munaasabadaasi oo ay ka hadleen Mas’uuliyiin farabadan ayaa waxaa ka hadlay oo soo gaba gabeeyay Wakiilka Ururka Hiil Qaran ee Soomaaliya Shariif Xuseen Rooboow kaasi oo sheegay in Ururkaan dhisidiisa ay socotay Mudo labo sano ah islamarkaana waxaa uu tilmaamay inay doonayaan inay soo nooleeyaan qaranka baaba’ay sida uu hadalka u dhigay.

 

Shariif Xuseen Rooboow ayaa waxaa uu xusay in shalay magaalada Lonodon lagaga dhawaaqay guddi u xilsaaran abaaraha ka jira Soomaaliya kaasi oo gudoomiye looga dhigay C/risaaq Xaaji Xuseen, waxaana uu tilmaamay in Xisbigaan u jeedkiisa uusan ahayn oo kaliya Siyaasadda hase ahaatee uu doonayo in uu ka qayb qaato wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed.

4006-full-1-so.jpg

4006-full-2-so.jpg

4006-full-3-so.jpg

4006-full-4-so.jpg

-----

Dhallinyaradii maxaa ku dhacay? kuwii kacaanka ka faaiideystey ayaa weli soo taagan wallee.

Haddii ay wax bedelaayaan, waa la soo dhaweynaa.

Charterkooda is well put together. Good for them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Amiin Caamir dacaayad raqiis loo joogin uu iska galaa. Dadka ka qosolsii ee ka tahay, mar mar dhab ayee u baahantahay wuxuu gacanta ku sawiro. Dadkaan hadda lee soo baxeen in uu saas u dacaayadeeyo waaba iska raqiis. It says more about him than anything else.

 

Wax walba sawir ahaan ugu soo horjeedaa, anigana nabadda Kanadana waaku noolaanaa ma soconeyso. Qashin isku badalee marka wixiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this