Sign in to follow this  
The Zack

Xaruntii dhexe ee Shabaabka ee Xamar oo lala wareegey

Recommended Posts

The Zack   

This is by far the worst attack on the Shabaabs. They lost their central command center.

 

Xaruntii dhexe ee Shabaabka ee Xamar oo lala wareegey

 

dagaal8.jpg

 

Kn: Wax noqonaya jabkii ugu weynaa ee Alshabaab ay kala kullantay dagaaladii sanadahan ayaa maanta looga qabsaday xaruntoodii ugu weyneyd ee Xamar

 

 

Dagaal kadis ah oo aysan ku tashan ayaa waxaa soo qaaday ciidamada AMISOM ee Burundi ka socda ee fadhigoodu ahaa kulyadii Jaale Siyaad, kadibna markiiba waxa ay ka buskiciyeen xaruntii saraakiisha ee Shiirkoole, xaafada Raadaarka iyo wasaaradii Gaashaandhiga oo ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah

 

DKMG ah ayaanan la daahin sheegatasha guulo waaweyn, Ra’isulwasaare Farmaajo ayaa warfidiyeenada isugu yeerey shir si qabo-qabo ah loo abaabuley, waxana uu sheegey in ay Shabaabka kala wareegeen inta badan magaalada, islamarkaasina gaarsiiyeen qasaaro aysan waligood filin, waxa uu intaasi ku daray “firxadkoodu waxa uu gaaray degmada Balcad”

 

Ku xigeenkiisa ahna wasiirka gaashaandhiga ayaa isagoo mar sii horeysey warbaahinta la hadlay sheegey in dowlada ay abaabushey duulaamo iska warhaya oo meelo badan oo dalka ka tirsan, marka uu hadlayay waxa ay dagaalada si isku mid ah uga socdeen duleedka Baladweyne, iyo magaalada Balad Xaawo, iyadoo sidoo kalana laga cabsi qabsi qabo in iyana uu dagaal ka qarxi magaalada Dhoobleey

 

Afayeenka ciidamada AMISOM Bahuuko Biriijiyo ayaa sheegey in ay Shabaabka ka qabsadeen xaruntoodii dhexe, waxa uu intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan duulaamadani

 

Laakiin afayeenka Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo hadlay ayaa kusoo gaabsaday in weerar lagu soo qaaday islamarkaasina ay ku jiraan is difaacis.

 

Wali wararka waa ay iska soo dabadhacayaan, KismaayoNews-na waxa ay idiinla sugeysaa faalo falkaanooyin ka faniinayaan oo saacadaha soo socda idinku soo fool leh, waxaan kaga hadli doonaa xogaha daqiiqda ah ee dagaalka ku saabsan iyo halka la kala marayo

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

War meeqa qof ayaa laga dilay shabaabka illaa hadda meeley ku qorantahay ma arkin intaas baa laga dilay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Tirada laga dilay ma garanayo laakiin meelo badan baa laga qabsaday sida Wasaaraddii hore ee gaashaandiga, xeradii hore ee guulwadayaasha, bakaarahana sankaa laga saaran yahay. Wiilal yar yar oo Burundhiis ah oo dhaarsan oo lugeenayo buu u galay. Dhalinyaradii dhalinyaro kalaa heyso LOL. Saldhigii ugu weynaa ee taliskooda fadhiyay waa laga heystaa. Taas waxaa usii dheer wuxuu weerar kaga socdaa Gobolada kale ee dalka sida Hiiraan iyo Gedo. Dad xog ogaal ah waxey sheegayaan in lagaba saaray Beledxaawo iyadoo dagaal qumani ka dhacinba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

Zack sxb bahasha naga kala ayaar dhalin yaradaas looma gali karee, hadii kale give us wax muuqda?

fadhiisimihi, hubki iyo dadki laga laayey, maxa kuhelay sxb. false information is not good at all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this