Sign in to follow this  
wyre

Dowladda KMG ah oo tusisay saxaafadda muuqaalada dhufeysyada Al-Shabaab ay uga qabsadeen dagaalada

Recommended Posts

wyre   

Dowladda KMG ah ayaa sheegtay inay guulo ka gaartay dagaallo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay si xiriir ah uga socday magaalada Muqdisho, waxaana Taliyaha ciidamada Milateriga Dowladda KMG ah Jan. C/Kariin Yuusuf Aadan Dhega badan oo ka hadlayay qarax ciidamada Dowladda xero ay ku jireen lagula beegsaday, uu sheegay in kooxaha ka horjeeda ay iminka awoodoodii wiiqantay, waayo buu yiri waxay u soo jeesteen inay xasuuqaan shacabka aan waxba galabsan.

 

Qeybaha Warbaahinta Dowladda KMG ah, sida Websityada taageera ayaa lagu baahiyay sawirada dhufeysyo ay ka qabsadeen ciidamada ururka Al-Shabaab, wuxuuna Taliyaha ciidamada ammaanka Dowladda KMG ah uu sheegay inay dagaalada ku dileen in ka badan 50-dagaal yahan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, isagoo sidoo kale sheegay in dagaaladaasi ay ku dhaawaceen ku dhowaad boqol askari.

 

Sawirada laga soo qaaday dhufeysyada jiidaha hore ee dagaalka u dhaxeeya Dowladda KMG ah iyo kuwa Al-Shabaab ayaa iyagu ahaa kuwo nooc cusub ah, isla markaasina dhulka la jeexay ilaa laba mitir, halkaasi oo ay ka dagaalami jireen dagaalyahanada shisheeye iyo kuwa Al-Shabaab.

 

Dhinaca kale Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa uga digay shacabka Soomaaliyeed in kooxahaasi ay gacan ku siiyaan falalka amni darida ah oo ay caadeysteen kooxaha uu ku tilmaamay inay yihiin nabad iyo nolol-diid ah.

 

Dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho mudadii saddexda maalmood ahayd oo iyagu si weyn uga duwanaa dagaaladii horay uga dhici jiray magaalada Muqdisho ee geysan jiray qasaaraha dadka rayidka ah, ayaa waxaa dagaaladaan ugu dambeeyay ay ahaayeen kuwo si fool ka fool ah ay isku arkeen dhinacyada dagaalamaya, waxaana ciidamada Dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay iyagu adeegsanayeen taatiik cusub marka loo eego qaab dagaaleedkoodii hore oo madaafiicda si indho la'aan ah ugu ridi jireen guryaha ay degan yihiin dadka rayidka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this