Sign in to follow this  
Che -Guevara

War Deg Deg ah:Ciidanka Difaaca Puntland oo in kayar 30-Km ujira Laascaano Gurmad gaaray Buuhoodle

Recommended Posts

Tukaraq(Allpuntland)-Wararka imika laga helayo deegaano katirsan gobolka Sool ee Puntland ayaa hoosta ka xariiqaya in ciidamo farabadan oo isugujira hay’adaha kaladuwan ee Milatariga Puntland islamarkaasna qeyb ka ah kuwa difaaca ee Puntland oo wata hub aad u badan & gaadiid dagaal oo aanan tiradooda la xaqiijin ay galabta gaareen deegaano katirsan gobolka Sool ee Puntland gaar ahaana Tukaraq & Gambara oo inkayar 28-Km oo kaliya u jirta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Warar ay APL ku kalsoontahay ayaa sheegaya in ciidamadan katirsan kuwa Difaaca ee Puntland ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ah kii ugu danbeeyey oo ay kusoo celinayaan deegaanada ka maqan Puntland,waxaana sidoo kale jira ciidamo beeleedyo ay dadka deegaanku iska abaabuleen oo uu madax u yahay Wasiirkii hore ee duulista hawada Puntland ay qeyb ka qaadanayaan dhaqdhaqaayada culus ee dib gacanta Puntland loogu soo celinayo magaalada Laascaanood.

 

Taliye sare oo katirsan Hogaanka ciidanka Difaaca Puntland ayaa APL u sheegey in dhaqdhaqaaqani uu ka danbeeyey kadib markii ay u dulqaadan waayeen dhibaatooyinka ay Somaliland ka wado gobolada SSC,waxaana uu taliyahani intaas kudaray inay diyaar u yihiin difaaca dalkooda & soo celinta gobolada Maqan mudo kayar 2-Cisho iyagoo gurmad & garaba ka helaya Taliska guud ee Difaaca Puntland & shacabka reer Puntland oo uu sheegey inay imika soo jeesteen.

 

Dhinaca kalena waxaa maanta duhurnimadii magaalada Buuhoodle gaaray Wafti sare oo katirsan Puntland oo isugujira saraakiil ciidan & Xubno katirsan dawlada Puntland kuwaas oo uu horkacayo Gudoomiye kuxigeenka golaha Wakiilada Puntland oo deegaankaas laga soo doorto,waxaana waftigan galbinayey Tobonaan katirsan gawaarida dagaalka ee Puntland kuwaas oo isla galabtaba gaaray deegaanada Kalshaale,Hagoogane & Meygaag islamarkaasna si rasmi ah uga qeybqaadanaya difaacista gobolka Ceyn iyadoo tanina ay noqonayso talaabadii ugu horeysay ee ay Puntland qeybteeda ka qaadanayso.

 

Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee Puntland oo laga dareemayo Talisyada Puntland & Magaalooyinka Boosaaso & Garoowe ayaa bilowday xalay saqdhexe kadib markii uu madaxweynaha Puntland xalay ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin difaaca dalkooda,waxaana ay tani imaanaysa xili ay deegaanada dalka oo dhan ka dheceen banaanbaxyo ka dhan ah duulaanka Somaliland ee gobolada SSC & sida aysan dawlada Puntland wax tilaabo ah uga qaadin.

 

Wixii War ah ee kasoo kordha Dhaqdhaqaaqyadan APL kalasoco Daqiiqad kasta.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamadii Maamul goboleedka Puntland Oo Ku Soo Biiray Kooxihii Nabadiidka Ee SSC

 

February 21st, 2011 Comments Off

 

(Somaliland.ORG Laascaanood, Somaliland) War ay maanta qortay shabakda ku hadasha afka xukumada maul goboleedka puntland ee lagu magacaabo www.allpuntland.com ayaa qortay in ciidamo ka tirsan maamulkaasi gurmad ugu tageen kooxaha

 

Nabadiidka ee SSC, ee iyagu dagaalka kula jira ciidamada Somaliland.

 

 

Ciidamo iyagu ka socda beesha ******teeniya oo wata hub aad u badan & gaadiid dagaal oo aanan tiradooda la xaqiijin ay galabta gaareen kusii socdeen deegaanada Tukaraq & Gambara ee katirsan gobolka Sool.

 

Hore ayaa waxaa dagaalka ugu jiray ciidamo beeleedyo uu madax u yahay Wasiirkii hore ee duulista hawada ee maamulka Puntland, kuwaas oo iyagu dagaal ku dhexmaray ciidanka Somaliland deegaanada Kalshaale,Hagoogane & Meygaag.

 

Somaliland.ORG

 

Laascaanood, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

The secessionist dont know what to say or think, they are using the likes of Xabsade since the Habro groupings cant comment on a United Front. From what I have told most troops have not yer enterd but a contingent has left yesterday..

Share this post


Link to post
Share on other sites

AfricaOwn;696838 wrote:
I guess let the fireworks begin. No running back to Garowe this time around.

You must be fat little kid who never seen war and you seem hateful-SubxanaAllah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland troops are within LA, right now in areas you were claiming a few days a go, yet there was no fighting, you just fled. Also in Buhoodle your militias have been halted in their tracks and more fighters are entering the game.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thankful;696840 wrote:
Firworks huh, you'll be no where near any of this! So you are looking forward to it right?

The threats and bickering has to come to an end. I say they go to war and end all speculations. Tani is plotting somewhere right now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo Katirsan Maamulka Puntland Oo Tukaraq Soo Gaadhay

Lasanod Online Monday, February 21, 2011

 

Laascaanood,(Lasanod Online)-Jawiga guud ee magaalada laascaanood ayaa caawa kacsan kadib markii dadwaynaha reer laascaanood ay ku war heleen in ciidamo ka tirsan puntland

iyo kuwa hore ugu sugna degaanka tukaraq ay fadhiisimo ka samaysteen Aaga bari ee laascaanood,halkaas oo ay hore ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Somaliland ee Dulkaanka ku jooga gobolka sool.

 

Dadka ku dhaqan magaalada lascanod ayaa dareenkoodu badalmey kadib markii ay mudo 4sano ah kadib maqleen ciidamo ka socda maamulka puntland oo dagaal la gali doona ciidamada somaliland,

 

dhanka dhaqdhaqaaqa ciidamada somaliland ayaa si wayn looga dareemaya gudaha magaalada lascanood iyago fadhiisimo badan oo ay ku lahaayeen Duleedka Koonfureed ee laascaanood,na idil ahaanba ka baxay una wareegay Bariga Magaaalda halka la dhoho Maraaga, halkaas oo fadhiisin u ah somaliland,

 

Ciidamadan puntland iyo kuwan *********** oo iskaashanaya ayaa sida haatan warku sheegayo waxay ku soo wajahanyihin magaalada laascanod iyadoo sanadii 2007 ay maamulka somaliland la wareegeen gacan ku hatnta Magaalada laascaanood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Hope this ain't lip surface this time and Farole's admin won't let LA people down again. Buhodle people defended against aggressions from somaliland militia by their own for the last few months and they will continue to do so. They know and respect peace but they don't accept aggressions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I hope there are no back stabers and that the comunity will deal with traitors like Xabsade and others who work for the secessionist when their are defeated for good. One can not ride many horses any longer..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this