Sign in to follow this  
Herer

Suldaan Max’ed Suldaan C/qaadir Suldaanka guud ee beelaha Somaliland iyo Kalshaale

Recommended Posts

Herer   

Suldaan Maxamed mar uu ka hadlayey arimaha Kalshaale iyo sida xal looga gaadhi karo, waxa uu yidhi “Anigu waxaan soo jeedinayaa, in meel walba cidii ku haboon loo diro, marka cid arintaas loo dirayo maaha in loo diro cid aan dhaqan aqoon oo aan xidid iyo xigaal kala garanayn in loo diro maaha, hadii siyaasi ama wasiir loo diro halkaas, inta uu inta yar ee dawladu u dhiibto inta uu jeebka iska gashado ayuun buu iska soo noqononayaa. Somalidu waligeedba reer reer ayey isku dili jirtay, marka ergo loo diro ee ergo labaad loo diro, ee ergo sadexaad loo diro, markaas nabad diidku wuu soo baxayaa, marka meesha ergo loo dirayana waa in meesha ergo u qalanta loo diraa, dhibaatooyinka ina haysta waxa ka mid ah nin wasiir ah ayaa loo dirayaa hawl aanu aqoonin, imika tusaale ahaan ninka golaha guurtida ku jira, hadii loo diro waa macquul sababta oo ah golaha guurtidu waa gole dhaqan, laakiin golaha sharci dajinta dhaqanka Somaliyeed wuu ku yaryahay, laakiin golaha sharci dajintu wuxuu garanayaa shuruucdii iyo sharcigii iyo sidii caalamka wax loola qabsan lahaa, laakiin laba beelood oo is laayay wax uu ka dhex bislayn karaa ma jirto, nabadoono ayaa jira, cuqaal baa jirta, garaadaa jira. Arintaas Kalshaale-na waxaan qabaa waxa ay ku dhamaan kartaa oo kaliya iyaga oo madaxdhaqameedku jilbaha isdara oo kaliya”

 

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir mar uu ka hadlayey waxa uu isagu ku soo kordhin karo colaada ka taagan Buuhoodle, waxa uu yidhi “Anigu imika Suldaan Maxamed ahaan, hadii aan u tago *********** waxaan qabaa in aan nabad ka keeni karo, iyada oo hadda aanay cid kaleba i raacin, sababta oo ah anigu qadiyada ay ka cadhaysan yihiin *********** waan ogahay, waanan darsay laakiin dad aan waxba arimahaas kala socon in loo diro oo ay meesha iska galaan uun waxba ma soo kordhinayso”

 

Mar uu baaq u dirayey madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, isla markaana uu ku taageeray baaqii nabadaynta ahaa ee uu hore u fidiyey, waxa uu yidhi “Madaxwaynaha waxaan leeyahay oo aan ugu baaqayaa, gogoshii nabadeed ee aad u fidisay beeshaas ee aad afkaaga kaga dhawaaqday waa in aad sida ugu macquulsan uga midho dhalisaa, gogashaasina waa talaabo nabad ka dhalin karta deegaanadaas”

 

“Wakhtigii Dawladdihii marxuum Cigaal ilaa xukuumaddii Rayaal iyo tan Siilaanyo la isku eego waxay xukuumaddani noqonaysaa dawladii ugu horaysay ee gogol nabadeed u fidisa beesha ***********. Markaa waxaan xukuumadda iyo shacbigaba ku guubaabinayaa oo aan ugu baaqayaa qori xal maaha, dagaalna wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, beesha ***********-na mar kaliya iyaga oo Somaliland dafiraya maan arag, shacbigooda hadii aad eegto 90% ayaa Somaliland ogol, marka laga reebo in yar oo siyaasiyiin u ah beeshaas oo ama TFG-ga ha ka tirsanaadaan ama Puntland ha ka tirsan, markaa way iska cadaha in shacbigooda inta ugu badan ay yihiin Somaliland”

 

Mar uu ka hadlayey xalku waxa uu ku jiro iyo xuduudaha Somaliland, waxa uu yidhi “Anigu waxaan leeyahay dadku nabad ayey u baahan yihiine waa in nabada loogu baaqo. Waxa jira shuruuc dawli ah oo aan xadka Somaliland cidina dafiri Karin, Somalia-na badh uguma dari karaan, Puntland-na badh uguma dari karaan, Somaliland ayuun baa huran, markaa arinta nabad ha lagu dhameeyo”.

 

S: Hada deegaanada Kalshaale, Hagoogane iyo Buuhoodle waxa ka taagan sansaan colaadeed, markaa maxaad suldaan ahaan ka odhan lahayd arintaas?

 

J: Anigu waxaan qabaa hadii mar kaliya Odayaasha *********** loo baaqo, oo la yidhaahdo waar gogol iyo marti qaad ayaanu idiin fidinaynaaye waxaad ka cabanaysaan aynu iska waraysano, runtii sidaan qabo anigu cidina may diideen. Waana in la waydiiyo waxa ay ka cabanayaan.

 

S: Suldaan Dagaalkii Sabtidii dhacay waxa markii hore gacanta lagaga horeeyey sida la sheegay oo Kooxda nabad diidka ah ee Buuhoodle dagaal gaadmo ah ku soo qaaday ciidanka qaranka Somaliland, arintaasi miyaanay kuu muuqan?

 

J: Marka aad dawladd tahay ee maleeshiyo dadka ku soo dhex dhuumatay ay ku soo weerarto, waa in aanad xabad kula dag dagin, sababta oo ah meesha dad shacab ah iyo maati ayaa ka buuxa, waana in marka hore aynu inagu nabada ilaalinaa oo aynu ku baaqnaa, waana in labada beelood ee is laaya xukuumaddu dhex u noqoto.

 

S: Shalay sadexda xisbi qaran warmurtiyeed ayey ka soo saareen dagaalada Kalshaale iyo Buuhoodle, kuwaas oo sheegay in dad shisheeye ahi gacanta kula jiraan arimahaas, arintaas sideed u aragtaa?

 

J: Hadii inamo yar yar oo maleeshiyo ahi reerahoodii ka goosteen oo ay diideen, waxa jira rag waayeel ah oo lala hadli karo, kuwa halkan jooga ee reer Buuhoodle iyo reer Kalshaale xukuumaddu waa in ay u yeedhaa oo ay tidhaa la hadla inamadiina. Anagaba barigii ******tii inta nala soo qab qabto, ayuunbay Gaani iyo Moorgan odhan jireen ordoo soo qabta inamadiina (SNM), dee Hawdka ayuun baanu ka soo yar sheekayn jirnay, ilayn rag aanu u tagi karno may ahayn SNM-tuye, markaas ayuun baanu hawdkan dhaw ka soo noqonaa anaga oo boodh miidhan ah.

 

S: Sidey kuula muuqataa shirka la sheegay in jasiirada Seyschelles ay kaga qayb galeen wasiirka cadaalada Ismaaciil Muumin Aare iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranku Xasan Axmed Aadan, shirkaas oo la sheegay in ay heshiis ku soo galayaan sidii budhcad badeeda Kenya ku xidhan loo keeni lahaa Hargeysa?

 

J: Harag Sakaaro ayeynu ku fadhinaa, harag Sakaaro-na iiga kac mooyee iiga durug malaha, hadii xukuumaddu fasaxday waxaan odhan lahaa waa heer Diblomaasiyadeed oo la yaab malaha, sidii aynu beesha caalamka uga heli lahayn Ictiraaf hadii ay inala gasho halkaa, waa in la tago, markaa waa in aynu kala hubsano in xukuumadu dirtay iyo inay iyagu iskood isku direen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Herer   

Herer;694155 wrote:

 

J: Marka aad dawladd tahay ee maleeshiyo dadka ku soo dhex dhuumatay ay ku soo weerarto, waa in aanad xabad kula dag dagin, sababta oo ah meesha dad shacab ah iyo maati ayaa ka buuxa, waana in marka hore aynu inagu nabada ilaalinaa oo aynu ku baaqnaa, waana in labada beelood ee is laaya xukuumaddu dhex u noqoto.

 

yaa inta u sheegaya ama gadhsinaya taliyaha ciidanka somaliland Nuux Ismaciil Taani

Share this post


Link to post
Share on other sites
Herer   

Herer;694155 wrote:

 

J: Marka aad dawladd tahay ee maleeshiyo dadka ku soo dhex dhuumatay ay ku soo weerarto, waa in aanad xabad kula dag dagin, sababta oo ah meesha dad shacab ah iyo maati ayaa ka buuxa, waana in marka hore aynu inagu nabada ilaalinaa oo aynu ku baaqnaa, waana in labada beelood ee is laaya xukuumaddu dhex u noqoto.

 

yaa inta u sheegaya ama gadhsinaya taliyaha ciidanka somaliland Nuux Ismaciil Taani

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Suldaanka intii hore waan la socday laakiin markuu yidhi shacabka reer buhodle 90% waa somaliland baanu kala baydhnay.

 

Nabad diid waa ninka dhul uusan shaqo iyo shuqul ku lahayn soo weeraro in the name of dream government..

 

If anyone with sanity is among s/l, just stop pouring your militia in to that area. That is how far the peace is a way.. Very close!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this