Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Italian Delegation Visit Somaliland

Recommended Posts

Wafdi Talyaani ah oo Somaliland Booqday

 

Wafdi ka socda dalka Talyaaniga ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa halkaasoo ay la kulmeen wasiirka arrimaha dibadda.

 

Wafdigan talyaaniga ah ee maanta gaaray magaalada Hargeysa waxaa horkacayay Giani Vernetti oo xubin ka ah guddiga arrimaha dibadda ee aqalka sare ee baarlamaanka dalkaasi.

 

Mr. Varnetti iyo wafdigiisa waxay kulamo la qaateen wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar.

 

Kulankooda ka dib waxay si wadajir ah ula hadleen saxaafadda, iyagoo sheegay in kulanka ay yeesheen looga hadlay wanaajinta xiriirka Talyaaniga iyo Somaliland.

 

 

 

VOA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Oo Maanta Kulan Kula Yeeshay Xafiiskiisa Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Dalka Talyaaniga.

Hargeysa(Ramaas) Feb.04, 2011 - Wasiirka arrimaha dibbada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta xarunta wasaarada arrimaha dibada ee Magaalada Hargeysa ku qaabilay mudane Pallazo Di Montecitanio oo ka tirsan guddida siyaasada arrimaha dibada u qaabilsan baarlamaanka Talyaaniga, iyaga oo labada dhinac ay kulankaas kaga wadahadleen cilaaqaadka labada dal ka dhexeeya.

 

Safarka uu xildhibaankan ku yimid Somaliland ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee uu ku yimaada wadanka, waxaana la sheegay in masuuliyiinta xukumada ay ka wadahadleen sidii loo suura galin lahaa xidhiidh dhaqaale oo dawlada Talyaaniga la yeelato Somaliland mustaqbalka.

 

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland oo ka hadlay kulankaas, ayaa sheegay in dawlada Somaliland ay aad u soo dhawaynayso booqashada mudane Montecitanio uu ku yimi dalka, iyada oo ninkan uu wasiirka hore uga ahaa dawlada Talyaaniga mar, waxa uu sheegay wasiirku inuu gacan ka gaysan karo xidhiidh wanaagsan oo dhexmara labada dawladood.

 

Waxa uu uu sheegay wasiirku xildibaanka in shacabka Somaliland ay dalkooda ka hirgaliyeen nidaam dimuqraadiya, iyada oo ay taas cadayn u tahay doorshooyinkii ka dhacay wadanka badhtamihii sannadkii aynu soo afdhaafnay oo beesha caalamku ku hambalyaysay dadka reer Somaliland waxqabadka ay mujiyeen.

 

Mudane Di Montecitanio oo isna ka hadlay kulankaas, ayaa sheegay in dalwada Talyaaniga ay si dhaw ula socoto xaalada Somaliland sida nabada, xasiloonida iyo nidaamka axsaabta badan ee ka jira dhulkan, waxaana uu sheegay in Talyaaniga si weyn u danaynayo xidhiidh ganacsi oo uu la yeesha Jamhuuriyada Somaliland, waxa intaas ku daray Somaliland in aanay wax saamayn ah ku yeelan rabshadaha ka taagan dalka Soomaaliya mudada ka badan laabatan sanno, waxa uu ballanqaaday xidhiidh dhex mara baarlamaanka Talyaaniga ka Somaliland mustaqbalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

The Zack;692951 wrote:
I like this map in the background, quite creative!

LOOOL, I saw that too. I was thinking that - wow our NW Somali brothers have enough trouble with their own borders, but I never realized they were confused with the rest of East Africa!

 

Remember this is suppose to be a so-called ministers office!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

The Zack;692996 wrote:
Thankful,
:D
:D the minister thinks Ethiopia and Somalia are one country LOL.

The map is hilarious, but the fact that it is in a so-called ministers office makes it unbelievable. Eritrea isn't even there!

 

I think the person that made it and put it up must have been under the influence of a certain green-stimulant!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this