Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

British international development Minister arrives in Somaliland PICS

Recommended Posts

War-Saxaafadeed: Madaweyne Siilaanyo Oo Maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Wefti Uu Horkacayo Wasiirka Iskaashiga Iyo Xidhiidhka Caalamiga Ah Ee Dawladda Ingiriiska.

 

 

DSC01470.JPG

 

 

 

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo) waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka kooban 6 Xubnood uu horkacayo Wasiirka Iskaashiga iyo Xidhidhka Caalamiga ah ee DawladaIngiriiska MR. ANDREW MITCHELL.

 

 

 

 

Kulanka Weftigan oo ahaa kii ugu horeeyey ee Noocisa ah oo ay Dawlada Ingiriiska iyo Dawlada Somaliland wada yeeshaan waxa uu Madaxweynuhu Weftiga uga waramay Dadaalka ay Somaliland ugu jirto Qaran ku dhisan Dimuquraadiyad, cadaalad iyo Maamul wanaag.

 

DSC00533.JPG

 

Madaxwweynuhu waxa uu Weftiga Warbixin muqleh ka siiyey sida ay Somaliland wax u qabsatay, Dhinacyada Dhaqaalaha, Nabad-gelyada iyo Dawlad-nimada waxaanu sheegay in ay Somaliland Beesha Caalamka Ka dalbanayso in la Aqoonsado oo ay ka mid noqoto Qaramada Caalamka, Isla markaana ay Buuxisay Shuruudihii oo Dhan.

 

 

 

 

Geesta kalena Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uu si wayn uga mahad-naqay Niyad Samida ay Dawlada ingiriisku u muujisay Somaliland iyo Booqashada ay ku yimadeen Dalka Somaliland.

 

 

Dhinaca Weftiga waxa u hadlay Wasiirka Dawlada Ingiriiska waxaanu Somaliland ku Amaanay Xidhiidhka iyo Wadda Shaqaynta ka Dhaxaysa Labada Dawladood ee Somaliland iyo Dawlada Ingiriiska oo ay ka mid yihiin:

 

 

DSC00532.JPG

 

1. Dhinacayada Nabad-gelyada Iskaashiga Dhanka, Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Adeegyada Asasiga ah ee Bulshada iyo Ka hortaga Afooyinka Abaaraha.

 

2. Wasiirku Waxa uu Shirka kaga Dhawaaqay inay Go’aansatay Dawlada Ingiriisku in ay laban-laabayso Mucaawimada ay Dawlada Ingiriisku ku caawin jirtay Somaliland.

 

3. Waxa kale oo uu Wasiirku Cadeeyey in Halkii Berigiii hore ay Dawlada Somalailnd ay ka heli jirtay 40% Gar-gaarka loogu Tallo-galay Somaliland iyo Somaliya in loo bedelay Inay Somaliland Hesho 62% Kaalmada Dhaqaale ee ay Dawlada Ingiriisku Somalialnd iyo Somaliya Siiso.

 

4. Waxa kale oo ay Dawlada ingiriisku Cadaysay in ay Somaliland u samaynayso Sanduuq Dhaqaale oo lagu Shubo qaar ka mida Lacagta Gar-gaarka oo ay Dawlada somaliland iyo Dawlada ingiriisku Si wada jira u maamulaan.

 

Kulankan oo Qiimo wayn ugu fadhiya Somaliland waxa ay xukuumadu weftiga u soo bandhigtay Qorsheheeda dhinacyada Dhaqaalaha, Nabad-gelyada, Cadaalada, Horu-marinta, Waxbarashada iyo Caafimaadka iyo Tayeynta Shirkadaha Gaarka loo leeyahay iyo Meelaha uu Qorshahani uu Gacan qabashada uga baahan yahay.

 

 

Wasiirka Xidhidhka Caalamiga ah ee Ingiriiska ayaa isaguna Madaxweynaha iyo Xukuumada Somaliland-ba uga mahad naqay soo dhawaynta iyo warbixinta ay ka siiyeen Dalka Somaliland.

 

 

Ugu Danbayn Wasiirku waxa uu ku bogaadiyey Somaliland Isbedelada Muuqda ee Dhinacyada Siyaasada, Nabad gel-yada Waxbarashada iyo Caafiamadka, waxaanu ku nuux-nuuxsaday inay ka Go’an tahay Dawlada Ingiriiska inay Garab Joogsato Deddaalka ay Shacabka iyo Xukuumada Somaliland ay kuwada Jiraan sidii ay u noqon lahayeen Dal la aqoonsan yahay oo ka Mida Caalamka.

 

 

Dhinaca Xukuumada Somaliland waxa Madaxweynaha kulanka ku Wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Debeda, Wasiirka Qarshaynta Qaranka, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Maaliyada,.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaweyne Siilaanyo Oo Maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Wefti Uu Horkacayo Wasiirka Iskaashiga Iyo Xidhiidhka Caalamiga Ah Ee Dawladda Ingiriiska

Published By Webmaster On Monday, January 31st 2011. Under News

Hargeisa-(Qori)-Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo) waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka kooban 6 Xubnood uu horkacayo Wasiirka Iskaashiga iyo Xidhidhka Caalamiga ah ee Dawladda Ingiriiska MR. ANDREW MITCHELL.

 

 

Kulanka Weftigan oo ahaa kii ugu horeeyey ee Noocisa ah oo ay Dawladda Ingiriiska iyo Dawladda Somaliland wada yeeshaan waxa uu Madaxweynuhu Weftiga uga waramay Dadaalka ay Somaliland ugu jirto Qaran ku dhisan Dimuquraadiyad, cadaalad iyo Maamul wanaag.

 

Madaxwweynuhu waxa uu Weftiga Warbixin muqleh ka siiyey sida ay Somaliland wax u qabsatay, Dhinacyada Dhaqaalaha, Nabad-gelyada iyo Dawlad-nimada waxaanu sheegay in ay Somaliland Beesha Caalamka Ka dalbanayso in la Aqoonsado oo ay ka mid noqoto Qaramada Caalamka, Isla markaana ay Buuxisay Shuruudihii oo Dhan.

 

 

Geesta kalena Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uu si wayn uga mahad-naqay Niyad Samida ay Dawlada ingiriisku u muujisay Somaliland iyo Booqashada ay ku yimadeen Dalka Somaliland.

 

 

Dhinaca Weftiga waxa u hadlay Wasiirka Dawlada Ingiriiska waxaanu Somaliland ku Amaanay Xidhiidhka iyo Wadda Shaqaynta ka Dhaxaysa Labada Dawladood ee Somaliland iyo Dawlada Ingiriiska oo ay ka mid yihiin:

 

1. Dhinacayada Nabad-gelyada Iskaashiga Dhanka, Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Adeegyada Asasiga ah ee Bulshada iyo Ka hortaga Afooyinka Abaaraha.

 

2. Wasiirku Waxa uu Shirka kaga Dhawaaqay inay Go’aansatay Dawlada Ingiriisku in ay laban-laabayso Mucaawimada ay Dawlada Ingiriisku ku caawin jirtay Somaliland.

 

3. Waxa kale oo uu Wasiirku Cadeeyey in Halkii Berigiii hore ay Dawlada Somalailnd ay ka heli jirtay 40% Gar-gaarka loogu Tallo-galay Somaliland iyo Somaliya in loo bedelay Inay Somaliland Hesho 62% Kaalmada Dhaqaale ee ay Dawlada Ingiriisku Somalialnd iyo Somaliya Siiso.

 

4. Waxa kale oo ay Dawlada ingiriisku Cadaysay in ay Somaliland u samaynayso Sanduuq Dhaqaale oo lagu Shubo qaar ka mida Lacagta Gar-gaarka oo ay Dawlada somaliland iyo Dawlada ingiriisku Si wada jira u maamulaan.

 

Kulankan oo Qiimo wayn ugu fadhiya Somaliland waxa ay xukuumadu weftiga u soo bandhigtay Qorsheheeda dhinacyada Dhaqaalaha, Nabad-gelyada, Cadaalada, Horu-marinta, Waxbarashada iyo Caafimaadka iyo Tayeynta Shirkadaha Gaarka loo leeyahay iyo Meelaha uu Qorshahani uu Gacan qabashada uga baahan yahay.

 

 

Wasiirka Xidhidhka Caalamiga ah ee Ingiriiska ayaa isaguna Madaxweynaha iyo Xukuumada Somaliland-ba uga mahad naqay soo dhawaynta iyo warbixinta ay ka siiyeen Dalka Somaliland.

 

 

Ugu Danbayn Wasiirku waxa uu ku bogaadiyey Somaliland Isbedelada Muuqda ee Dhinacyada Siyaasada, Nabad gel-yada Waxbarashada iyo Caafiamadka, waxaanu ku nuux-nuuxsaday inay ka Go’an tahay Dawlada Ingiriiska inay Garab Joogsato Deddaalka ay Shacabka iyo Xukuumada Somaliland ay kuwada Jiraan sidii ay u noqon lahayeen Dal la aqoonsan yahay oo ka Mida Caalamka.

 

 

Dhinaca Xukuumada Somaliland waxa Madaxweynaha kulanka ku Wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Debeda, Wasiirka Qarshaynta Qaranka, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Maaliyada,.

Share this post


Link to post
Share on other sites

3. Waxa kale oo uu Wasiirku Cadeeyey in Halkii Berigiii hore ay Dawlada Somalailnd ay ka heli jirtay 40% Gar-gaarka loogu Tallo-galay Somaliland iyo Somaliya in loo bedelay Inay Somaliland Hesho 62% Kaalmada Dhaqaale ee ay Dawlada Ingiriisku Somalialnd iyo Somaliya Siiso.

:cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Horumarinta Caalamiga Ah UK Oo Sheegay In 60% La gaadhsiiyay Kaalmooyinkii Somaliland

January 31st, 2011 Comments Off

 

Andrew Mitchell Muxuu Ka Yidhi Aqoonsiga Somaliland

 

Hargeysa(Somaliland.Org)- Wasiirka Iskaashiga iyo Xidhidhka Caalamiga ah ee DawladaIngiriiska Md. Andrew Mitchell, ayaa ka waramay kaalmada ay dawlada Ingiriisku siin doonto Somaliland, kaalmooyinkaasi oo ay ku jirto mashruuc 22 kun iyo shan boqol oo shaqo loogu abuurayo bulshada Somaliland.

 

Wuxuu sidaasi ku sheegay Wasiirka Horumarinta caalamiga ah ee dalka Ingiriisku war murtiyeed uu ka akhriyay shir jaraa’id oo maanta uu ku qabtay Huteelka Ambassador ka hor intii aanu dalka ka dhoofin isaga iyo weftigii uu hoggaaimanayay.

 

Warsaxaafadeedkaasi oo nuqul ka mid ah aanu idiin soo turjunay waxa uu u dhignaa sidan:-

 

Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dalka Ingiriiska Md. Andrew Mitchell, wuxuu maanta Hargeysa oo uu booqasho ku yimid, kaga dhawaaqay in UK inay afar jibaartay kaalmooyinkii uu siin jiray Somaliland.

 

UK wuxuu kordhiyay taageerooyinkii iyo kaalmooyinkii uu siin jiray Somaliland sadexda sanadood ee soo socda, waxaanu kordhin doonaa Horumarinta, la dagaalanka faqriga, waxaanu sii sii adkayn doontaa dhinacyada Nabadgelyada iyo Dimuqraadiyada.

 

Waxtarkan cusub ee la kordhiyay waxa ku jiri doona talaabooyinkan soo socda:-

 

Waxa ku jiri doona shaqooyin joogto ah iyo ganacsi taasi oo dawlada UK dooonayso inay abuuri doonto 22,500 oo shaqo illaa 2015, shaqooyinkaasi oo 7,500 la siin doono Haweenka, waxa kale oo uu 6 Milyan oo Gini ku bixin doonaa maalgelinta gaarka ah 2014-ka taasi oo lagu horumarinayo kaabeyaasha ganacsiga sida suuqyada iyo habaynta hilibka.

 

Britain waxay horumarinaysaa adeega caafimaad ee Somaliland gaar ahaan Haweenka iyo carruurta. Ingiriisku wuxuu kordhinayaa tasiilaadka goobaha adeegyada caafimadaadka ee shaqanaya ee Somaliland laguna bilaabi doono shan goobood, lana gaadhsiin doono 40 goobood sanadka 2015-ka

 

waxaanu balaadhinayaa sidii carruurta shanta sano ka yar ee Somaliland tallaalka loo gaadhsiin lahaa 45% illaa 65%.

 

Taageerada Ingiriiska waxa kale oo ku jiri doonta gacan siinta Booliska si ay u noqdaan qaar shaqaynaya oo si hufan u adeegaya. Waxa kale oo aanu dawlada Somaliland ka taageeraynaa in kor loo qaado dakhli cashuureedka waxa kale oo aanu horumarinaynaa adeegyada kale ee bulshada ee maxaliga ah sida Biyaha, Fayo-dhawrka iyo waddooyinka oo aanu ka taageerayno 9 ka mid ah 20 degmo oo Somaliland ah.

 

Mr. Mitchell waxa kale oo uu kaga dhawaaqay kaalmada deg dega ah ee Britain ku caawinayso dadka Somaliland ee ay saamaysay abaartu oo wax lagala qabanayo 20 kun oo qof oo degan Gobolada Sool iyo Sanaag, oo la gaadhsiinayo Biyo nadiif ah, adeeg caafimaad oo deg deg ah.

 

Somaliland waxay ku soo bandhigtay dimuqraadiyad weyn, deganaansho iyo dawlad, gobolkan adag, maanta waxaan qaatay fursad aan kula kulmo Somaliland oo u heelan inay musqabal fiican u sameeyaan nafahooda iyo qoysaskooda.

 

Caawimada UK ee Somaliland-na waxay wax ka tari doontaa in la abuuro mustaqbal wanaagsan, waxaanay caawin doontaa, Ragga, Dumarka iyo Carruurta Somaliland inay ku nolaadaan nolol aan baqdin iyo waxyeelo lahayn, sidaasna ay ku kasbadaan waxsoosaarka nolashooda.

 

Wuxuu booqday Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo uu soo eegay waadhadhka carruurta, halkaasi oo uu ka socdo tababar ay caawiso dawlada UK, waxa kale oo uu booqday xarunta taliska Booliska si uu u soo arko, tababar la siinayay Booliska.

 

Waxa kale oo uu booqday dugsi lagu barto quraanka kariimka ah oo la yidhaahdo Al- Najax, halkaasi oo uu kula kulmay bareyaasha iyo ardayda quraanka dhigata ee madarasadaasi.

 

Wuxuu maanta furay bilowga mashruuc ay dawlada UK maalgelinayso. Kaas oo ay shaqo ka heli doonaan 22,500 oo qof illaa sanadka 2020 ee fooda inagu soo haya, mashruucaasi oo loo soo gaabiyo (SEED) Sustainable Employment and Economic Devolopment. Waxa kale oo uu la kulmay Madaxweyne Siilaanyo iyo Komishanka doorashooyinka Qaranka.”

 

Wasiirka oo wax laga weydiiyay ictiraafka Somaliland wuxuu sheegay in dawlada Britain ay taageerayso Somaliland, hase ahaatee arrinta aqoonsiga waxa uu xusay inay u taallo dalalka gobolkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waa sidaas, mar haddii wasiiradii cadcadaa imanayaan Somaliland dhaqaaqday. berigii dawladdii Rayale, waxa wadanka iman jiray uun, safiir ku xigeenka safaaradda Uk ee Addis Ababa iyo wax ka hooyeeya.

 

************************

Somaliland baan sifaheeda guud

Iyo sawraceeda gaarkaa siman kuugu tusayaa

Milgaheeda gaarkaan qalin kuugu saxayaa.

******************************************

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawladda Ingiriiska oo Shuruud Adag ku Xidhay Taageero ay si Toos ah u Siiso Xukuumadda Somaliland

Wefti culus oo ka socda Boqortooyadda Ingiriiska oo Hargeysa yimi iyo waxyaabaha dhinaca horumarka la xidhiidha ee ay doonayaan inay ka hirgeliyaan Somaliland

 

 

“Koonfurta Suudaan arrinteeduna waxay ahayd heshiis guud oo ka dhex dhacay waqooyiga Suudaan.. Doorka Ingiriiska ee ku waajahan aqoonsiga Somaliland waa mid cad oo...”

 

Wasiirka kaalmadda caalamiga ah ee Boqortooyadda Ingiriiska

 

 

 

Hargeysa (Jam)- Dawladda Britain, ayaa markii u horreysay si rasmi ah u shaacisay inay shuruud adag oo muwaaddiniinta Ingiriiska ee cashuurta bixiyaa ku qancayaan ku xidhan tahay taageero dhaqaale ay si toos ah u siiso Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sidaana waxa ku dhawaaqay wasiirka Kaalmada Caalamiga ah ee Boqortooyada Ingiriiska Mr. Andrew Mitchell oo isaga iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey booqasho rasmi ah ku yimi Somaliland shalay, waxaannu caddeeyey in Ingiriisku sare u qaadayo taageeradda dhaqaale ee ay u fidiyaan Somaliland, balse shuruuda ay ku xidhayaan tahay in marka hore la helo jawi aaminaad ah oo cashuur bixiyeyaasha Ingiriisku ku kalsoon yihiin si lacagta ay bixiyaan u gaadho halkii loogu tallogalay oo aan si kale loogu tagri falin.

 

Wasiirka Ingiriiska oo galinkii dambe ee shalay saxaafadda uga warramay ujeeddada socdaalkiisa Hargeysa iyo kulamadii uu la yeeshay masuuliyiinta dawladda Somaliland, waxa uu ugu horreyn xusay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu noqday wasiirkii ugu darajada sarreeyey ee Golaha Wasiiradda Ingiriiska ee Somaliland yimaad, isaga oo caddeeyey in mudadii uu booqasha ku jiray uu kormeero kala duwan ku soo maray sayladda xoolaha Hargeysa, cusbitaalka guud iyo taliska guud ee ciidanka booliska.

 

Mr. Andrew Mitchell oo kulamo la yeeshay madaxweynaha Somaliland, wasiiro ka tirsan xukuumadda, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan, waxa uu shirkiisa jaraa’id kaga dhawaaqay in dawladdiisu labanlaab kordhisay mucaawadii ay siin jirtay Somaliland, iyadoo lacag dhan 15 milyan oo lacagta Ingiriiska ah, taas oo la gelin doono mashaariic kala duwan oo isugu jira shaqo-abuuris, horumarinta caafimaadka, adkaynta ammaanka iyo hannaanka dawladeed.

 

War-murtiyeed Wasiirku halkaasi ka akhriyey oo uu ku faahfaahiyey koradhka caawimada dawladda Ingiriisku ugu talogalay Somaliland iyo waxyaabaha loogu kala talogalay, waxa qaybta ugu muhiimsan oo Jamhuuriya akhristayaashiisa u soo turjumay u qornayd sidan;

 

“Biritan waxay libintaabaysaa taageerada ay siiso Somaliland saddexda sanno ee soo socda, si ay uga caawiso barwaaqadeeda, lana tacaasho faqiirnimada iyo xoogaysato horumarka Somaliland ee degannaanshaha iyo dimuqraadiyadda.

 

Koradhkan waxa ku jira mashaariic cusub oo ay ka mid yihiin;

 

* Abuuridda shaqooyin waara iyo ganacsi:

 

Kaalmada Ingiriiska waxa u qorshaysan in la abuuro 22,500 (laba iyo labaatan kun iyo shaqn boqol oo shaqo abuuris ah) ilaa sannadka 2015-ka, taas oo 7,500 (toddoba boqol iyo shan boqol oo ka mid ahi) dumar yihiin.

 

Sidoo kale lacag 6 milyan oo lacagta Ingiriiska ah (Pound) ayaa lagu maalgelin doonaa ganacsiga gaarka ah ilaa sannadka 2014-ka iyo horumarinta kaabayaasha ganacsiga sida suuqyada iyo habaynta hilibka.

 

* Horumarinta Caafimaadka iyo Daryeelka Taranka, gaar ahaan dumarka iyo carruurta:

 

Mucaawadana Ingiriisku waxay kordhinaysaa tirada goobaha caafimaadka Somaliland ee shaqaynaya iyadoo laga bilaabayo 5 ilaa 40 inta la gaadhayo sannadka 2014. Waxa kale oo la ballaadhinayaa tirada tallaalka carruurta 5 sanno jirka ka yar oo 42% ilaa 62 la gaadhsiinayo.

 

* Kor-u-qaadida ammaanka, awoodda iyo nidaamka shaqo ee dawladeed:

 

Kaalmada Ingiriiska waxa ku jirta taageerida booliska si ay u noqdaan qaar tayo leh oo shaqeeya, in madaxda Somaliland laga taageero cashuur bixinta iyo in la taageero horumarka adeegyada gudaha sida biyaha, nadaafadda iyo waddooyinka 9 ka mid ah 20 degmo ee Somaliland ka kooban tahay.”

 

Mr. Andrew waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in dawladdiisu caawimo degdeg ah ka gaysanayso gurmadka abaarta ba’an ee dalka ka taagan, isagoo intaa ku daray inay gacan ka gaysan doonaan sidii loo heli lahaa biyo nadiif ah, nafaqaynta carruurta, daryeel caafimaad oo degdeg ah iyo in la horumariyo nolosha xoolaha nool oo ay dhaqdaan dad lagu qiyaasay 20,000 qof oo degan gobollada Sool iyo Sanaag, isaga oo wasiirka caawimadda dibadda u qaabilsan Ingiriisku xusay inay hirgelin doonaan mashaariic dib-u-habayn loogu samaynayo sayladda xoolaha Hargeysa.

 

Ugu dambayn Wasiirka Kaalmada Dibada Ingiriisku waxa uu ku tilmaamay taageerada dawladdiisu siinayso Somaliland mid muhiimad gaar ah u leh iyaga iyo gobolka Geeska Afrikaba.

 

“Caawimada Somaliland waa mid muhiim u ah Ingiriiska. Horumarka iyo xasiloonida Somaliland waa u muhiim nabadgelyada guud ahaan gobolka iyo in laga hortago khataraha iyo xasilooni-darradu inay sii fidaan,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Mr. Andrew Mitchell.

 

Intaa kadib su’aalihii suxufiyiintu weydiiyeen wasiirka Ingiriiska iyo jawaabihii uu ka bixiyey ka hor intii aannu isla gelinkii dambe ee shalay dalka ka dhoofin waxay u dhaceen sidan:

 

VOA: Wasiir, Somaliland waxay ka mid ah ahayd maxmiyad ka tirsan Boqortooyada Ingiriiska, ilaa haddana aqoonsi kamay helin beesha caalamka, markaa ma la odhan karaa dawladda Ingiriisku waxay iska indhotirtay inay xidhiidh diblamaasiyadeed la yeelato ama aqoonsato Somaliland?

 

Wasiirka Ingiriiska: Waan filayey in su’aashaa la i weydiin doono. Waxaannu Somaliland siinaa taageero xooggan oo la xidhiidha dhinaca hannaanka dimuqraadiyadda, laakiin qaddiyadda Somaliland waa mid marka hore u taal Somaliland iyo Soomaaliya, marka labaadna goonni-isu-taaggu ma aha wax u yaal Ingiriiska ee waa arrin u taal ururka Midawga Afrika iyo dalalka kale.

 

Jamhuuriya: Waxaad sheegtay in Ingiriisku sare u qaaday taageerada uu siiyo Somaliland, markaa caawimooyinka aad balalnqaadeen ma si toos ah ayaad u siinaysaan dawladda Somaliland, mise hay’ado kale ayaad u soo marinaysaan?

 

Wasiirka Ingiriiska: Marka hore qiimaha taagerada aanu siino Somaliand sare ayey u kici doontaa sannadka soo socda oo tusaale ahaan taageerada aanu hore u siin jirnay Somaliland waxay ahayd 42%, haddana waxaannu doonaynaa in aanu gaadhsiino ilaa 62%, hannaanka aanu taageerada u bixinaynaana maaha mid hannaan maaliyadeed leh, laakiin waxaannu dawladda. Wasiirka maaliyadda iyo wasiirka qorshaynta kala hadalnay sidii aanu uga guuri lahayn qaabkii hore ee aanu taageerida u bixin jirnay oo ay u noqon lahayd mid dawladda Ingiriisku si toos ah u gaadhsiiso Somaliland, iyada oo aan la sii marinayn cid kale, waxaanan ku rajo waynahay in si aanu taageero toos ah u siino Somaliland in aanu bilaha soo socda isla meel dhigno jawi lagu aamini karo dhaqaalaha baxaya si muwaaddiniinta Ingiriiska ee cashuurta bixiyaa u aaminaan in lacagta Somaliland loogu deeqo u gaadho halkii loogu talogalay oo aan si kale loogu tagr -falin.

 

TV-ga Qaranka: Dhaqaalaha Somaliland waxa laf-dhabar u ah xoolaha nool, sayladaha ugu weyn ee xoolaha loo dhoofiyaana waa dalalka Carabta, arrintaasi caqab ayey Somaliland kala kulantaa oo marar badan ayey Carabtu joojisay dhoofka xoolaha, markaa Ingiriisku saylad ma u samayn karaan xoolaha nool ee Somaliland?

 

Wasiirka Ingiriiska: waa su’aal wanaagsan oo aan doonayo in aan hoosta ka xariiqdo, dhoofka xooluhuna waa fursada ugu weyn ee maalgashi lagu heli karo si loo tirtiri saboolnimadda, haddii aad doonaynaysaan in aad wax u dhoofisaan Yurub shariga maamulaya ganacsigaasi maaha mid u yaal Somaliland iyo Ingiriiska oo qudha ee waa mid u yaal Ururka Midawga Yurub oo la soo marinayo, kaasi oo noqonaya hannaankaasi oo lagu qabanbaabin karo heshiis ganacsi oo dhex mara Somaliland iyo Midawga Yurub, laakiin waaxaannu si gaar ah u eegaynayaa in la helo hannaan sare u qaada xidhiidha ganacsi ee u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska, aad baanan u rajaynayaa in arrintaasi midho-dhal noqoto.

 

The Republican: Waxaad sheegtay in taageeradda aad Somaliland siinaysaan ay xoog u labanlaabmayso, si aanu u fahano, bal intaad noo jilciso waxaad noo sheegtaa xadiga lacagta taageeradiinu noqonayso?

 

Wasiirka Ingiriiska: Sida runta ah lacagta aanu doonayno in aanu sannadka soo socda Somaliland ku caawino waxay noqonaysaa 15 milyan oo lacagta Ingiriiska ah, sannadkana lacgta aanu ugu tallogalnay Somaliland waa 8 Milyan oo lacagta Ingiriiska ah, sidaa darteed aad baan ugu faraxasanahay in aanu kuu sheego xadiga lacagta aad I weydiisay, waxayduna mustaqabka arki doontaan faa’iidada shacabka Somaliland ka helaan caawimooyinka aanu siino.

 

Wakaallada wararka Reuters: Ingiriisku waxa uu ogolaaday in Waqooyiga iyo Koonfurta Suudaan oo isku dal qudha ahi ay kala madaxbannaanaadaan, markaa maxaad ka yeelaysaan Somaliland iyo Soomaaliya oo ahaa labada dal oo midoobay oo imika Somaliland ka noqotay midawgaasi?

 

Wasiirka Ingiriiska: aan mar labaad iftiimiyo, doorka Ingiriiska ee ku waajahan aqoonsiga Somaliland waa mid cad oo waxaananu aaminsanahay in aqoonsiga Somaliland marka hore ka yimaado mandaqada Gobolka Geeska Afrika oo dadka Soomaalidu ka tashadaan aayahooda iyo xidhiidhkooda mustaqbalkaba, dawladda Ingiriiskuna waxay si dhaw Somaliland ugala shaqaynaysaa sidii ay uga caawin lahayd dimuqraadiyadda iyo xasiloonida, Koonfurta Suudaan arrinteeduna waxay ahayd heshiis guud oo ka dhex dhacay waqooyiga Suudaan, kaasi oo dhammaanba dhinacyada ku lugta lihi isla qaateen, manuu ahayn heshiis u dhexeeya waqooyiga iyo Koonfurta Suudaan, balse waxa uu ahaa heshiis caalami ah oo dawladda Ingiriiskuna markhaati ka ahayd, sidaa daraadeed isma barbardhigi karno Somaliland iyo Koonfurta Suudaan, waanna run oo waan ogahay in Somaliland iyo Soomaaliya ahaayeen laba dal oo isku biiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhinaca kale, warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda ayaa lagu sheegay in madaxweyne Siilaanyo weftiga uga waramay dedaalka ay Somaliland ugu jirto sidii ay u noqon lahayd qaran ku dhisan dimuqraadiyad, caddaallad iyo maamul wanaag.

 

Madaxwweynuhu waxa uu weftiga warbixin muqleh ka siiyey sida ay Somaliland wax u qabsatay, dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada iyo dawladnimada, waxaanu sheegay in Somaliland beesha caalamka ka dalbanayso in la aqoonsado oo ay ka mid noqoto Qaramada Caalamka, isla markaana ay buuxisay shuruudihii oo dhan.

 

Geesta kalena Madaxweynuhu waxa uu weftiga si wayn uga mahadnaqay niyad samida ay Dawladda Ingiriisku u muujisay Somaliland iyo booqashada ay ku yimadeen dalka Somaliland.

 

Kulankan oo qiimo wayn ugu fadhiya Somaliland waxa ay xukuumadu weftiga u soo bandhigtay qorsheheeda dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada, caddaaladda, horu-marinta, waxbarashada iyo caafimaadka iyo tayeynta shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo meelaha qorshahani uu gacan qabashada uga baahan yahay.

 

Dhinaca Xukuumada Somaliland waxa Madaxweynaha kulanka ku wehelinaayey wasiirka Arrimaha Debeda, Wasiirka Qarshaynta Qaranka, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Maaliyada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

3. Waxa kale oo uu Wasiirku Cadeeyey in Halkii Berigiii hore ay Dawlada Somalailnd ay ka heli jirtay 40% Gar-gaarka loogu Tallo-galay Somaliland iyo Somaliya in loo bedelay Inay Somaliland Hesho 62% Kaalmada Dhaqaale ee ay Dawlada Ingiriisku Somalialnd iyo Somaliya Siiso.

dhan walba u seexday sadaqo mooyee gaal aqoonsi laga waa,,,, 38 da soo hartayna oromada ha la siiyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this