Sign in to follow this  
Saalax

Puntland oo shaqsiyaadka ka tirsan DKMG ka mamnuucay deeganadeeda

Recommended Posts

Saalax   

Puntland oo shaqsiyaadka ka tirsan DKMG ka mamnuucay deeganadeeda

 

Garoowe:(Sh. M. Network) Warsaxafadeed kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa maanta looga mamnuucay shaqsi kasta oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya in uu tago deegaanada ay Mamaulaan Mamulka goboleedka Putnland.

 

Kadib kualan ay maanta ku yeesheen magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka Putnland golaha wasiirada ee Xukuumadda Putnland, waxaa ay shaaca ka qaadeen in Airporada ku yaala magaaladaasi aysan kasoo dagi karin xubno ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

 

Go’aankaan ay soo saareen golaha wasiirada ee Maamulka Puntland ayaa waxaa uu daba socdaa go’aan ay todobaad ka hor ay ku sheegeen in ay gabi ahaan xiriirkii ay u jareen dowladda KMG Soomaaliya ee uu madaxwaynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Go’aanka ayaa lagu sheegay warmurtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen golaha wasiirada Maamulka Putnland oo uu hogaaminayay Madaxweynaha Maamulkaasi C/raxmaan Faroole iyo madaxweyne ku xigeenkiisa, iyadoo sidaasi ay saxaafadda ugu soo gudbiyeen.

 

Warsaxaafadeedka aya la tilmaamay in lagu soo koobay islamarkaana lagu shaaciyay in gabi ahaamba xubo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya aysan ka dagi karin garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

 

Majiro wali wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda KMG Soomaaliya oo ku aadan go’aankaan labaad ee golaha Wasiirada Puntland ay ka qaateen Masuuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya.

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ku dayo ,,, ku dayo ,, :D:D

 

 

“After an unusual meeting held by the cabinet of Puntland semi-autonomous state, all ministers have agreed a decision banning all TFG officials (from parliament, cabinet or other TFG institutions) from reaching and landing any airport in Puntland regions” said press release from the cabinet meeting.

Read more: http://www.allheadlinenews.com/briefs/articles/90031727?Puntland%20bans%20Somali%20officials%20from%20landing%20at%20Puntland%20airports#ixzz1BqactLfq

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this