Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Dowladda Somalia oo ku eedeysay Puntland Midab takoor ay ku haayan dadka koonfurta kaso jeeda

Recommended Posts

Dowladda kmg ee Soomaaliya ayaa eedeyn aad culus u jeedisay maamulka uu madaxweynaha ka yahay DR. C/Raxmaan Sheekh Maxamed “Faroole”, iyadoo ku eedeysay in uu midab takoor uu ku haayo shacabka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

 

Dowladda ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Puntland uu faraha kula jiro midab takoor ba’an oo ka dhan ah shacabka kasoo jeeda Koonfurta dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Baay iyo Bakool.

 

Maxamed Cali Cusmaan “Diinsoor” oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ee dowladda Somaliya oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in uu cambaareynaayo ficilka uu maamul goboleedka Puntland uu kaga xaalufiinaayo deegaanada uu ka taliyo dadka kasoo jeeda Koonfurta dalka Soomaaliya.

 

Xildhibaan Diinsoor ayaa sheegay in maamul goboleed Puntland uu midab takoor ba’an uu ku haayo dadka kasoo jeeda gobolada Baay iyo Baay, isagoo intaasi ku daray in’ay ganacsi xoog leh ka sameysteen magaalooyinka waaweyn ee Puntland, hase ahaatee wuxuu sheegay in’ay ka xun yihiin ganacsiga ay halkaasi ka wadaan.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay markasta oo ay qaraxyo ka dhacaan ama wax-yeelo kale ay ka dhacdo magaalooyinka waaweyn ee Puntland, in uu maamul goboleedka Puntland uu gacanta kusoo dhigo shacabka kasoo jeeda Baay iyo Bakool, deetana wuxuu u soo tarxiillaa buu yiri Koonfurta dalka Soomaaliya.

 

Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Cali Cusmaan “Diinsoor” ayaa sheegay in dad badan ay kasoo wadeen Puntland, iminkana ay ku sugan yihiin magaaladda Muqdisho, kadib markii buu yiri aanu u adkeysan weynay midab takoorka uu maamulka Puntland uu ku haayo shacabka kasoo jeeda Koonfurta.

 

waa markii ugu horeysay oo mudane ka tirsan baarlamaanka xukuumadda kmg ee Soomaaliya uu shaaca ka qaado, in maamul goboleedka Puntland uu midab takoor ba’an ku haayo shacabka kasoo jeeda Koonfurta, gaar ahaan kuwa Baay iyo Bakool.

 

 

 

 

Filsan C/Raxmaan

Hawl-wadaag, Muqdisho

Xidigta114@hotmail.com

Dhacdo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Iyaah!! Soomaaliya soo lama lahaayn waa isku midab, isku dhaqan, isku diin iyo isku luuqad, see midab takoor loogu hayaa dadka koonfurta ka soo qaxay? Now i am very confused!!:confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOL, dadka macnaha af soomaliga aysan fahmeynn malaha koley anigu waxaan uu maleynaa inuu ku wado in discrimination lagu haayo dadka Konfurta midab takoor waa wax kale................

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xaaji Xunjuf;689368 wrote:
ismahan i think oba means reer hebbel takoor , puntland dee reer kaliya iska leh hadanad rerka ka tirsaneyn ur out

Awoowe, shacabka Waqooyi Bari isku mid ma wada ahan, hana ka dhigin iney kuligood isku fikir yihiin when it comes to reer Koonfur. Meel walba dad xun iyo dad fiican wey joogaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina sawkuwii faroole sacabka u tumayey marku faarmaajo idacaadaha ka cayayey eeh ay la mudaharadayey , Somalina nimanka budhcadbadeekda aniga ka aqaan awoow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Xaaji Xunjuf;689368 wrote:
ismahan i think oba means reer hebbel takoor , puntland dee reer kaliya iska leh hadanad rerka ka tirsaneyn ur out

Xaaji Puntland anaa tagey, Somalilandna anaa tagey , Puntland Boosaaso kaliya waxaa ku nool 43,000 qof oo dadka koonfurta ka soo barakacay ah. Qaar baa dagan puntland in ka badan 18 sano wax dhib ahna oo haaysta ma jiraan. Dadka Soomaaliyeed waa isku mid, waa dad walaalo ah oo wada dhashey sida aay walaasheen soomaalina sheegtay meel kasta qof xun waa laga heli karaa balse adigu saad u dhigaysi ma aha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

:D awoowe admin-ka wax ka sheeg laakiin shacabka ha u gafin. Waa dad Soomaliyeed oo walaalaheena ah, ama aan is rifno ama aan heshiino waa mid unuka (lol) na quseysa awoowe.

 

Waxaad ka taqaan burcadbadeedka bal na bar. lol...

 

Ismahan, Xaji waxuu supportgareeya Godane, maxaad ka sugeysaa markaas? lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Ismahan, Xaji waxuu supportgareeya Godane, maxaad ka sugeysaa markaas? lol

My sis Godane waa criminal isaga iyo kuwa la shaqeeysta iyo waxa taageera oo dhan cideey doonan ha ahaaydeene waa in mid mid loo soo qabto. Marka hadii Haaji taageerayo ninkaas baroortu orgiga ka weeyn.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;689368 wrote:
ismahan i think oba means reer hebbel takoor , puntland dee reer kaliya iska leh hadanad rerka ka tirsaneyn ur out

xaaji what do u mean with -i think oba means reer hebel takoor, xildhibaan ''diinsoor'' hadalkiisa weeye not mine.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this