Sign in to follow this  
Br. Nur

Geeridii Rasuulka SCWS( A touching story)

Recommended Posts

Br. Nur   

Geeridii Rasuulka SCWS

 

 

Intuusan Rasuulku geeriyoon, Xujjatul wadaac ayaa wexey aheyd Xajkii ugu dambeeyay oo uu xajjiyey Rasuulka SCWS, waxaan halkaa ku suu degtay aayadda " Maanta ayaan idiin dhameystiray Diintiinna, idinkuna taam yeelay nicmaddeyda, raallina idiinka noqday inaad diin ka yeelataan Islaam"

 

Markey ayaddas soo degta, Abu Bakar Al Sadiiq ayaa ooyey, Markaasuu Rasuulku SCWS ku yidhi Abu Bakar, Maxaa kaa oohiyey oo ku jira aayaddaan? "

 

Abu Bakar wuxuu ugu jawaabay " Waa tacsidii Rasuulka Allah SCWS"

Rasuulka SCWS waa ka soo laabtay Xujjatul Wadaac, dabadeed, sagaal casho ka hor intuusan geeriyoon Rasuulka, SCWS ayaa waxaa soo degtay aayadda " Iskana jira maalin, la idiin soo celin doono Rabbigiina, dabadeedna laga abaal marin doono naf waliba wexey galabsatay, ayagoon la duudsiyeyn"

 

Xanuunkii waa ku soo kordhay Rasuulka SCWS, markaas buu wuxuu yidhi waxaan doonayaa inaan booqdo shuhadaada UXUD, markaas buu is dul taagay qubuurtoodii, asagoo odhanaya " Assalamu Calykum, shuhadaada UXUD, idinka ayaa naga hormaray, annana waan idin soo dab soconnaa, oo waan idin ka daba iman doonnaa, anigana hadduu Allah idmo waan idinku soo biiri doonaa"

 

Rasuulka SCWS asagoo soo laabanayaa, ayuu ooyay, markaasey saxaabada ku yidhahdeen " Maxaa kaa oohinaya Rasuulkii Alllow"

Wuxuu yidhii, SCWS " Waxaan u xiisay walaalahay" wexey yidhaahdeen, miyaannaan aheyn annagu walaalahaa, rasuulkii Allow?"

Wuxuu yidhi " Maya, idinku waxaad tihiin asxaabteyda, laakin walaalahey waa dad iman doonaa gadaashey oo i rumeyn doona ayagoon i arag"

 

Saddex casho ka hor intuusan dhiman, xanuunkii waa ku soo kordhay, wuxuuna joogay aqalka xaaskiisa Maymuuna, markaasuu yidhi " isugu kay keena xaasakeyga " Dabadeed xaasaskii waa loo wada keenay markaasuu Rasuulka SCWS yidhi " Ma ii ogolaaneysaan inaan inaan tago aqalka Caasha" wexey yidhaahdeen, " waan kuu ogolaannay rasuulkii Allow"

 

Dabadeed Rasuulka SCWS wuxuu isku dayay inuu kaco, masa uusan awoodin inuu kaco, markaas baa waxaa yimid Cali ibnu Abi Talib, iyo Fadl ibnu Cabaas, markaas bey ka qaadeen Rasuulka Allah SWCS aqalkii Hooyada muminiinta Maymuuna, ooy u qaadeen aqalka Hooyada Muminiinta ee Runleyda uu dhalay Runlowga Rumeyay Rasuulka, SCWS Caasha Bint Abu Bakar . Wexyna noqotay markii ugu horreysay ay saxaabada arkaan Rasuulka Allah SCWS oo lagu sido gacmaha , markaas bey wexey yidhaahdeen " Maxaa helay rasuulka Allah, Maxaa helay Rasuulka Allah"

 

Dadkii ayaa dabadeed isugu soo soo ururay masjidka, masjidkiina wa xaa ka buuxsamay Saxaabadii, nabigana waxaa loo qaaday aqalkii Hooyoada muminiinta Caasha, , dabadeed Rasuulka SCWS wuxuu bilaabay inuu dhidido, oo uu dhidido,, Caashana wexey tiri " intaan noolaa ma arag insaan u dhidida sidaan oo kale" Markaas bey Caasho qaadday gacanta Rasuulka SCWS ooy ku tirtirtay dhididkiisa,( Hadaba maxey ugu tirtirtay Caasha Rasuulka gacantiisa, oo ayan ugu tirtirin gacaneeda?)

 

Wexey tiri Caasha " Gacanta Rasuulka SCWS ayaa ka wanaagsan kana karaameysan gacanteyda" taasna wexy muujineysaa sida ay u qaddirin jirtay Rasuulka Allah.

 

Wexey tiri Ummul Muminiin Casha waxaan maqlay asagoo oranaya " Laa ilaaha Ilaa Allah, illeen geeridu wexey leedahay sakareaad, Laa ilaah Ilaa Allah, geeridu wexey leedahay sakaraad"

 

Buuqii ayaa ku soo kordhay masjidka, markasuu Rasuulka ku yidhi Caasha "" waa maxay?" markaasey ku tiri " dadku wey kuu baqanayaan , rasuulkii Alllow"

 

Markaasuu Rasuulka yidhi " ii geeya", markaasuu isku dayay inuu istaago, waase kari waayey, markaasey biyo ku shubeen dushiisa todobo weel oo biya ah si uu usoo baraarugo, dabadeed waa la qaaday, waxaan la saaray manbarka, taasna wexy aheyd khudbaddii ugu dambeysay Rasuulka Allah SCWS, iyo ducadii ugu dambeysay Rasuulka Allah SCWS.

 

Markaasuu yidhi " Waxaad mooddaa inaad ii baqaysaan?" wexey yidhaahdeen, " Haa rasuulkii Allow waan ku baqaynaa"

Markaasuu yidhi Rasuulka Allah SCWS "

Dadyahow, ballanteenna ma aha adduunka, ee waa xowdka ( Jannada), Wallaahi, waxaad mooddaa inaan imminka meesheydaan aan ka arkayo maqaamkeygii .

 

Dadyahow, idiinka cabsan maayo saboolnimo (faqiirnimo) waxaanse idiinka baqayaa addunnyada ( Hantida, iyo maalka) inaad ku baratantaan ( tartantaan oodd) sidii ay ugu baratameen kuwii idinka horreeyay, oo ay markaas idiin halaagto sidii ay u halaagtay ayaga."

 

Markaasuu yidhi Rasulka SCWS " Dadyahow. Allah Allah,, Salaadda ayaan idinku ogohay ku dadaalkeeda" asagoo ula jeeda, Allah ayaan idinku dhaarshayee, Salaadda ku dadaala ee dhowra" aadna waa ugu celceliyey dardaaranka Salaadda. Dabadeed wuxuu wuxuu yidhi :

 

" Dadyahow, Allah uga cabsada Haweenka, waxaan idiinkala dardaarmayaa Haweenka inaad wanaajisaan" markaas buu yidhi :

 

" Dadyahow, Addoon buu Allah u bandhigay inuu kala doorto nolosha adduunka iyo waxa Allah agtiisa jira, markaas buu doortay Waxa Allah agtiisa jira"

 

Qof gartay ma jirin wuxuu ula jeeday macnaha (addoonka), laakin wuxuu ula jeeday naftiisa, in asaga Allah uu kala dooriyey labadaas., Qof aan Abu bakar aheynna ma garan ula jeeddadaas, maxaa yeelay saxaabadu wexey caadeysteen iney si ixtiraam ileh ay u dhageystaan Rasuulka khudbadiisa, ayagoo aan xataa is dhaqaajin markuu Rasuulka la hadlayo, sida in madaxyadooda ay shimbiro dul saaran yihiin ay ka baqayaan iney bajiyaan.

 

Abu Bakar markuu maqlay hadalkaas, waa is celin waayey, markaa buu cod dheer ku u ooyay, asagoo hiinragaya oo taagan Masjidka bartamahiisana, markaasuu khudbadii uu watay Rasuulka SCWS ka kala jaray asagoo oranaya :

 

" Waxaannu ku hureynaa aabayaasheenna Rasuulka Allow, waxaannu ku hureynaa carruurteenna Rasuulka Allow, waxaannu ku hureynaa xaasakeenna rasuulka Allow , waxaannu kuu horeynaa maalkeenna rasuulka Allow, markaasuu ku celceliyey oo ku celceliyey.... markaasyey dadkii qooraansadeen, ayagoo la yaabban sida uu Abuu Bakar khudbada uga kala jaray Rasuulka SCWS

 

Markaasuu Rasuulka Allah yidhi " Dadyahow, ma jiro qof idinka mid ah oo nagu lahaa abaal oo aannan abaal marin, illaa Abuu bakar, maxaa yeelay waan kari waayay inaan abaal mariyo, waxaanan u dhaafay abaal tirkiisa Allah Tacaalaa Cazza Wa Jalla, Albaabyada laga soo galo Masjida waa la xidhaa, marka laga reebo Albaabyada Abuu Bakar, waligood la ma xiro"

 

Markaasuu bilaabay inuu duceeyo asagoo ku duceysanaya ducooyinkiisii ugu dambeeyaay intuusan dhiman.;

 

" Allaha idin tuso (kheyr), Allaha idin xafido, Allaha idiin hiilliyo, Allah idin sugo, Allaha idin gargaaro, Allaha idin xafido"

 

Ereygii ugu dambeeyay intuusan ka soo degin manbarka, wuxuu kula hadlayey ummadda, oo uu kala hadlay Minbarka dushiisa:

 

" Dadyahow, igu salaama qofkii isoo raaca oo ummaddayda ah ilaa maalinka qiyaamaha"

 

Mar labaad ayaa loo soo qaaday aqalkiisa, waxaana ugu soo galay aqalka, Cabdul Raxmaan ina Abu Bakar, oo gacantiisu ku haya caday, Markaasuu Rasuulklu SCWS ishiisa ku dhacday cadayga, waana ka jeesan waayey, waana kari waayey inuu hadlo oo uu yidhaahdo i siiya,

 

Markaasey Caasha tri "

" Waxaan ka gartay siduu ugu eegayay cadayga indhihiisa inuu rabo cadayga, markaasaan ka qaaday cadayga gacanta ninka, oon ku cadaystay si aan ugu jilciyo Rasuulka SCWS dabadeedna waan siiyey.

 

Wixii ugu dambeeyay oo gala afka Rasuulka SCWS waxey ahaayeen candhuufteyda" Wexey tiri Caasha

 

" Waxaa ii ahaa sharaf in Allah kulmiyey candhhufteyda iyo candhuufta Rasuulka intuusan dhiman"

 

Markaas ayaa aqalka waxaa soo gashay inantiisa Faaduma, markaa bey oohin la soo gashay, maxaa yeelay wexey uga baratay aabaheed, in mar walba ay u soo gasho inuu usoo istaago oo uu ka dhunkado labadeeda indhood dhaxdooda, laakin maanta wuu kari waayey inuu usoo istaago, markaasuu ku yidhi Rasuulka Allah:

 

" iisoo dhowoow Faadumaay" Markaasuu dhegteeda wax ugu sheegay, markaa bey ooyday, markaasuu haddana mar labaad yidhi " ii soo dhowoow Faadumaay" markaa buu haddana dhagta wax ugu sheegay, Markaa bey qososhay. Geeridii Rasuulka ka dib ayaa la warsaday waxaa uu dhegta ugu sheegay oo ka ooysiiyay, iyo waxa uu dhagta ugu sheegay oo ka qosliyey. wexey tiri :

 

Markii hore wuxuu igu yidhi, " Faadumey, caawa mayd baan ahay" Markuu arkay oohintayda, ayuu haddan ii soo laabtayoo igu yidhi " Adiga iigu soo xiga reerkeyga qof isoo raaca, markaa baan qoslay"

 

Markaa buu Rasuulku SCWS yidhi " Aqalka iiga baxa , markaa buu yidhi " Caashaay, ii soo dhowow" Markaa buu ku seexday laabta xaaskiisa Caasha, Hooyada Muminiinta,. Caasha wexey tiri " wuxuu gacantiisa u taagayay cirka asagoo oranaya

" Waxaan doortay Wehelka sare, Waxaan Doortay, wehelka Sare"

Waxaa laga gartay hadalkiisa, in lagu yidhi kala dooro nolol adduun iyo Wehelka Sare ee Allah SWT.

 

Waxaa usoo galay Rasuulka SWC Jibriil, wuxuuna yidhi " Malakul Mowdka ayaa taagan kadinka ( Albaabka) oo kaa idin qaadanaya inuu soo galo, weligiisna hadda ka hor qofna kama qaadan idin"

 

Markaasuu Rasuulku yidhi, u ogolow inuu soo galo Jibriiloow"

 

Malakul Mowdkii waa soo galay, wuxuuna yidhi " Assalamu Calaykum Rasuulkii Allow, , Allah ayaa iigu kaa soo diray inaan ku kala dooriyo nolosha aduunka iyo inaad Allah la kulantid" Markaasuu yidhi " Waxaan doortay Wehelka Sare, Waxaan doortay Wehelka Sare"

 

Malakul Mowdkii wuxuu dul joogsaday madax Rasuulka SCWS ( Sida uu u dul istagi doona madaxa qof walba) Markaasuu yidhi"

Ruux yahay wanaagsan, Ruuxii Muxammad ina Cabdallah, ku soo bax raallinimada Allah, iyo Ridwaan, iyo Rabbi Raalli ah oon cadheysneyn,"

 

Wexey tiri Caasha " Markii gacantii Rasuulka eey dhacday, madaxiisuna culeys ku noqday laabteyda, ayaan waxaan ogaaday inuu geeriyooday"

 

Wexey tiri " Waan garan waayey waxaa ku dhaqaaqo, aqalkii baan ka baxay, oon aaday masjidkii ay joogeen saxaabadii, oon ku idhi " Rasuulkii Allah waa go'ay"

Masjidkii ayaa oohin la qarxaday, waa kaa Cali, ibnu Abi Talib, oo la fadhiistay murug, Cuthmaanna waa kaa sida carruurta u isula meereysanaya, Cumarna waa kaa odhanaya " Qofkii yidhaaha Rasuulkii baa go'ay, waxaan seefteyda uga goyn madaxiisa" Rasuulku wuxuu u tagay inuu la kulmo Rabbigiisa, sida uu Muuse ula kulmay Rabbigiisa'

 

Laakin maalinkaa waxaa dadka ugu xasilloonaa, Abu Bakar , Allah raalli ka noqdee, Rasuulka ayuu u galay , markaa buu laabta saarey, asagoo oranaya"

" Wayeey, saaxiibkey, Wayeey, Kaan jeclaayoow, , Aabbahayoow.....................................................

 

Abu Bakar Wuxuu ku yidhi Rasuulka " Wanaag baad la nooleyd, wanaagna waad la dhimatay,"

Dabadeed Abu Bakar waa ka soo baxay, dadkii buu usoo baxay, markaa buu yidhi:

 

Qofkii caabudi jirey Muxamad, Muxamad waa geeriyooday, qofkii Allah caabudi jirey se, Allah waa baaqi, ma geeriyoodo. Waxaan usoo baxay inaan ooyo, oon raadsado meelaan keligey ku ooyo"

 

 

Qofkii sheekadaan maqla, oo qalbigiisa ka dareema jeceylka Rasuulka SCWS, waxaa laga rabaa afar arrimood:

 

1. Inuu badiyo salliga Nabiga SCWS

2. Inuu Sunnadiisa raaco

3. Inuu barto taarikhdiisa ( Siirada)

4. Inuu hadduu awoodo soo booqdo magaaladiisa Madiina( Shardigaan la ma hubo)

 

Walaal, haddad afartaas sameyso, waxaad arki doontaa inshaAllah, in jeceylka Rasuulka qalbigaaga u galo, oo uu noqdo mid aad ka jeceshahay carruurtaada, maalkaaga, reerkaaga, iyod dakoo dhan.

 

Allah Tabaaraka wa tacaalaa waxaan ka baryayaa inuu nagu wada kulmiyo Firdousada Sare, iyo inuu nala kulmiyo kuwa la jooga Rasuulka SCWS Firdousada Sare, Hana illaawin inaad u duceyso walaalkaa Muslimka ah, ama walaashaa muslimadda ah, ood kala maqan tihiin, iyo inaad usii gudbisisd qoraalkaan qofkaad la jecleysato, wa Salaamu calayykum wa raxmatullahi wa barakaatuh.

 

 

Waxaa ka tarjumay af Carabiga

 

Walaalkiin

 

 

Nur

 

[ May 23, 2005, 04:36 PM: Message edited by: Nur ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Salaamu Alaikum bro Nur,

 

 

Walaal aad baad ugu mahadsantahey naseexadaad Jazaakumulahu kheyr. wax yar ka hor bay aheyd markaan kuweyddinayay qof aad tahey iyo meeshaaad wax ku qortid laakiin waad noo timid inshallah kheyrkana saas noogu sheeg ilaahey hakaa abaalmariyee.

 

W/salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Nomads

 

Waxaan idiin xasuusinayaa, idinka iyo nafteyda inaad ku sallisaan Rasuulka Allah, salli badan oo uu Allah naftiisa ka bilabay, farayna malaa'igtiisa, annana na amray.

 

 

ila dhaha, Allahumma salli calaa Muhammad, wa calaa aali Muhammad, kamaa sallayta calaa aal Ibrahim innaka Xamidun Majid

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khayr   

Originally posted by Nur:

Nomads

 

Waxaan idiin xasuusinayaa, idinka iyo nafteyda inaad ku sallisaan Rasuulka Allah, salli badan oo uu Allah naftiisa ka bilabay, farayna malaa'igtiisa, annana na amray.

 

 

ila dhaha, Allahumma salli calaa Muhammad, wa calaa aali Muhammad, kamaa sallayta calaa aal Ibrahim innaka Xamidun Majid

 

Nur

I don't know if people are too busy or we already celebrated the Rasul (salallahu caliyhe wasilm's ) life back in Feb. 2006 but there have been minimal threads/responses about the RASUL (salallahu caliyhe wasilm's ) birth. He (salallahu caliyhe wasilm) died the same calendar day that he was born in.

 

Its just too emotional for one to recount such events because....its Khayru Khalqa Allah (The best of Allah's creation). Symbolizing all that is praiseworthy.

 

However, its important to drive on that emotion of love for the Rasul (salallahu caliyhe wasilm) because its the emotional part of the Shahada (La Illaha illallah being the intellectual part). Its the Rasul (salallahu caliyhe wasilm) life and being that brings that strong feeling of love for Allah and his rasul (salallahu caliyhe wasilm) and draws us closer to Allah.

 

Meeting the rasul (salallahu caliyhe wasilm) is a reward that is even better then Jannah-Allahu Akbar! smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Kheir bro.

 

Yes, we become too busy at times to come to think about the Messenger of Allah SAWS. Indeed, the more we make salaat on his soul, the more we are drawn to Allah SWT, and His devine love, since its said that no one can be a believer without immensely loving the Messneger of Allah, and thae love can only grow from a keen knowledge of his legacy.

 

 

Allahumma salli calaa Muhammad, wa calaa aalihi wa saxbihi wa sallam.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this