Sign in to follow this  
Saalax

Somaliland Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Hadallo Ka Soo Yeedhay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

Recommended Posts

Saalax   

(Hadhwanaagnews) Thursday, January 20, 2011

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland. Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar.

Hargaysa – (HWN):-Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay hadal ka soo yeedhay Ra’iisal Wasaaraha dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi (Farmaajo), oo sheegay inaan dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, gaar ahaan Somaliland kala Go’I karayn. Hase ahaatee, Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa wax lagu qoslo ku tilmaantay hadalka Farmaajo.

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo Ku-xigeenka oo u Waramaayey Idaacada BBC-da ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan u arkaan hadalka ka soo yeedhay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya uu yahay Mid lala marin habaabay.

 

 

S: Wasiir sideed u aragtaan Xukuumad ahaan in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya yidhaahdo Somaliland ma go’I karto ee Soomaaliya waa mid?

 

 

J: arrintaasi waa arrin xaqiiqada ka fog, adalkaa ka soo yeedhey Masuulka ka tirsan Soomaaliya waa hadal aan laga fiirsan oo uu kula-dul kufay Somaliland iyo Shacabkeeda, Somaliland gooni-isu-taaggeeduna waa muqaddan aan ka noqosho lahayn oo waa rabitaankii Shacabka. Somaliland-na maanta meel fiican bay maraysaa qaddiyadda madax-bannaanideeduna waa mid lama taabtaana oo Shacabku guddoonsaday, maantana hadal kama taagna. Waxaannu u sheegaynaa masuulkaasi inay Somaliland tahay qaran madax-bannaan oo ku shuruuc ku dhisan, wax alla wax ka khuseeyaana ma jiraan ninka Muqdisho ka hadlay. Markaa, Ninka imaka taagan Soomaaliya ma kala go’I kartana waxaan u arkaa qof hurdo ka kacay oo riyoonaya, waana hadal la iska yidhi, wax dhib ahna naguma hayo Somaliland ahaan, waayo arrin maanta taaganba taasi maaha ee Somaliland 20 sano ayey dawlad ahayd, weligeedna way ahaanaysaa, qof meel ka hadlayna waxba kama beddali karo. Waxaanannu maamulkaas ugu baaqaynaa inay Soomaaliya nabad ka dhaliyaan muddada nasiib-darradu haysatay.

 

 

S: Wasiir Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu u soo jeediyey Xukuumadda aad ka tirsan tahay ee Somaliland hoggaamiyayaasheeda inay ka shaqeeyaan midawga Soomaaliya si ay taariikh uga tagaan, taasi siday kuula muuqataa?

 

 

 

J: Shicibka reer Somaliland 1960-kii iyagaa doortay oo keenay inay Somaliland iyo Soomaaliyadii Talyaanigu midoobaan, waxaanay ahayd aragtidoodu mid ballaadhan oo ahayd in la helo Qaran shan-gees ah oo Soomaaliya ah, arrintaasi way suuraga gali wayday, waana lagu fashilmay, waxaanay geeska u keentay colaado, markii dambana waxay isu rogtay in Shacabkii Somaliland ee Midnimadaa keenay lagu baabi’iyo, taasaana keentay inay Shacabka Somaliland xornimadoodii ay xaqa u lahaayeen, kala soo noqdaan Soomaaliya, Xukuumadda Somaliland-na waxay shacabka ku hoggaaminaysaa rabitaankooda. Dib u midaw dambena ma jiro, waxa kaliya ee u yaalla Soomaaliya iyo Somaliland waa inay ka wada shaqeeyaan jaar-wanaagga, Ganacsiga iyo Nabadgalyada.

 

 

S: Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu sheegay inay Somaliland iyo Puntland-ba u furan tahay inay qaybtooda mid waliba soo qaato Deeqaha kala duwan ee Soomaaliya Caalamku ku caawiyo, sida waxbarashada, mashaariicda horumarinta, dhaqaalaha iyo tababbarrada Ciidammada, markaa Somaliland ahaan diyaar ma u tihiin inaad waxyaabahaas qaybtiinna soo qaadataan?

 

 

 

J: Arrinkaasi waa arrin ka fog xaqiiqda jirta, Somaliland iyo Soomaaliya Mucaawino isugu jirtaa ma jirto, imaka mettalan haddaan ka soo qaado Ingiriiska oo kale, caawimooyinkii ay siin jirtay wixii la isku odhan jiray Soomaaliya boqolkiiba afartan ka mid ah waxa gaar loogu gooyaa Somaliland, waxaanannu rejaynaynaa sida ay Dawladda Ingiriisku noo ballan-qaadday in sannadkan la kordhiyo kaalmadaa, markaa mucaawino isugu kaaya jirtaa ma jirto. Marka laga hadlo qaddiyadda sidii aynu aduunka ula dhaqmi lahayn, hadday Ingiriis tahay, hadday Maraykan tahay, hadday Midawga Yurub tahay, hadday Igad tahay iyo caalamka oo dhan si toosa ayaannu danaha Somaliland ugala hadalnaa ugana wada xaajoonnaa, iskaashigayaga, wax wadaqabsigayaguna waa kuwo toosa oo aan marin Muqdisho iyo TFG-toona. Sida runta ah marka la eego maalin walba dunidu annaga ayey na waydiisaa sideed Soomaaliya wax ugala qaban kartaa dhinaca nabadgalyada maaha midaw iyo waxaas ee sidii nabad looga dhalin lahaa. Markaa waxaannu maamulka Sheekh Shariif ugu baaqaynaa inay ka shaqeeyaan sidii ay Muqdisho nabad uga dhalin lahaayeen.

 

 

S: Wasiir Maraykanku waxa uu hore u sheegay inaanu Somaliland xidhiidhka uu la samaynayaa raad ku lahayn mid dawladnimo iyo mid gooni-isu-taag toona ee ay tahay dhinaca nabadgalyada iyo horumarka arrimaha bulshada, Sidii Gobol Soomaaliya ka midana ula dhaqmayo. Markaaa miyaanay kuu muuqan inay lagama maarmaan tahay inaad aqoonsiga Soomaaliya ka raadisaan?

 

 

 

J: Arrintaa in ogolaansho looga helo Soomaaliya waxay ku habboon tahay marka uu dalku dal kale oo uu weligii ka mid ahaa ka go’ayo, sida Koonfurta Sudan oo kale oo dawlad kaliya weligeed isku ahaan jirtay Waqooyiga, taariikh kaliya wada leh, laakiin Somaliland kama go’ayso dal ee waxay ka soo baxaysaa Midaw sidii Siniingaal iyo Gambia oo kale, markaa aqoonsiga Somaliland uma baahna Soomaaliya. Maraykanka waxa naga dhexeeya Xidhiidh, Maraykanka iyo guud ahaan dunida caalamka waxaannu ka dalbanaynaa inay dawladnimadayadu ay hesho aqoonsi siyaasadeed, waana arrin aannu ka shaqaynayno.

 

 

 

S: Madaxweynaha dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Sh. Shariif, waxa uu hambalyeeyey doorashadii Somaliland 26 June 2010 ka qabsoontay, waxaanu ku baaqay inuu soo dhawaynayo wada-tashi dhexmara Somaliland, isaga oo ku baaqay inaan Midawga la halmaamin, laakiin laga wadahadlo, markaa arrintaas Xukuumad ahaan ma soo dhawayseen oo wax xidhiidha ma kala yeelateen Sheekh Shariif?

 

 

J: Haa, waannu soo dhawaynaynaa Baaqa Madaxweyne Shariif uu soo jeediyey, Somaliland ma diiddana inay Soomaaliya kala hadasho arrimaha ka dhexeeya, hase-yeeshee, xorriyadda iyo madax-bannaanida Somaliland waa mid ay go’aankeeda leeyihiin shacabka Somaliland, Xukuumadduna sidaas ayey ku hoggaaminaysaa oo taasi halkaas ayey taallaa. Hase ahaatee, Somaliland iyo Soomaaliya waxay ahaayeen laba dal oo walaalo ah oo muddo soddon sano ah wada jiray, markaa arrimo fara badan inay ka wadahadlaan waa arrin meesha taalla, waa marka ay timaaddo dawlad gacanta ku wada haysa Soomaaliya oo dhan oo nabad ah, oo Shacabkeedu ku kalsoon yahay oo raalli ka yihiin oo haysata rabitaanka shacabkeeda marka ay dhalato, inay Somaliland la fadhiisato oo ay kala hadasho sidii xidhiidh walaaltinnimo, mid ganacsi iyo mid isu socodba dhexmaro oo wixii ka dhexeeyeyna si wanaagsan look ala goosto waa arrin aanay Somaliland diiddanayn marka ay dawladdi u dhalato.

 

 

S: Wasiir, waxay la yidhi haddii ay gacantaadu dhudhub gasho laguma soo dhufto ee waa laga soo dhiraan-dhiriyaa, waxaanay dadku yidhaahdaan Somaliland haddii ay xidhiidh aqoonsiga kala yeelato Madaxweyne Shariif wakhtigan waa ta ugu suuragalsan ee ay Somaliland ku heli karto saxeex Madaxweyne Soomaaliyeed oo ku waajahan Ictiraafka, miyaanay sidaa idinka idiin kula muuqan?

 

 

 

J: Annagu waannu jecelnahay inaannu Soomaaliya wadahadal la yeelanno oo aannu arrimahayaga ku kala baxno, hase-yeeshee, imaka dhibaatooyin badan ayaa Soomaaliya ka taagan, Xukuumadda maanta jirta ee Sheekh Shariif-na maaha ama uma eka mid arrimahan jira aannu ka wadahadli karo. Balse haddii ay dawladda Soomaaliya ay dalbato sidii aannu u kala dhammaysan lahayn wixii naga dhexeeyey arrin aannu diiddannahay maaha.

 

S: Muxuu yahay Xidhiidhka idin dhaxeeya ee Dawlada ku Meel-gaadhka Soomaaliya?

 

J: Xukuumadda ku meel-gaadhka Soomaaliya waxaanu jecelnahay inay ka shaqayso Nabbad-gelyada iyo Horumarinta Shacabka Soomaaliya oo ay haystaan Dhibaatooyin dhinaca Ammaanka iyo Nololasha,waxaanan ugu baaqay Masuulliyiinta Soomaaliya inay Masuuuliyadooda Gartaan.

 

 

 

Cabdiqani Cabdilaahi Axmed (Asporo)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Why even bother with the Armaajo. He is gone in couple of months and then he will be forgetten, like the rest of 10 so called former PM of Somalia.

 

These people are insignificant.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

First he says

Somaliland iyo Soomaaliya Mucaawino isugu jirtaa ma jirto

Then he adds

Imaka mettalan haddaan ka soo qaado Ingiriiska oo kale, caawimooyinkii ay siin jirtay wixii la isku odhan jiray
Soomaaliya boqolkiiba afartan ka mid ah waxa gaar loogu gooyaa Somaliland

Huwa majnuun wala eeh!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this