Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

President Sheikh dalxiis jets off to Djibouti and Egypt.

Recommended Posts

Muqdisho:-Madaxweyne Shariif oo maanta Dalka ka duulay.

16. januar 2011

 

 

Muqdisho(Allpuntland)-Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekhm Axmed iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa maanta ka duulay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyagoona ku sii jeeda dalka Jabuuti.

 

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Cabdi Xeeyle oo goordhow la hadlay warbaahinta ka dib markii uu Madaxweynaha dalka ka ambabaxay ayaa sheegay in madaxweynaha uu la kulmi doono Madaxweynaha Dowladda jabuuti Ismaaciil Cumar Geele islamarkaana maalinta barito ah uu ka qeyb geli doono xaflad tababar loogu soo xirayo ciidamo Dowladda Soomaliya ka tirsan ee uu tababar uga socday dalka Jabuuti.

 

Sidoo kale Afhayeenka Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu dalka jabuuti uga sii gudbi doono magaalada Sharma Sheekh ee Dalka Masar halkaasi uu ka dhici doono kulan wadamada carabta ay yeelanayaan.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu qudbad ka jeediyo kulanka wadamada carabta , wax uuna ka codsan doonaa madaxda carabta taageero dhaqaale oo Dowladda Soomaaliya la siiyo.

 

Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xili ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo uu ku sugan yahay magaalada Newyork ee dalka Mareeykanka.

 

Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed oo u Anbabaxay wadanka Jabuuti.

Sunday, 16 January 2011

Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed uu u Anbabaxay wadanka Jabuuti. Madaxweynaha DKMG ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminyo ayaa goor dhow ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo u kicitimay magaalada jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu la kulmo madax ka tirsan xukuumadda Jabuuti, uuna ka qayb galo tababar berri loo furi doono qaar ka tirsan booliska Soomaaliya. Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirka arrimaha gudaha, Wasiiru-dowlaha arrimaha Dibadda, iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, waxaana lagu wadaa inay u sii gudbaan dalka Masar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

It is funny that the title is in English, qoraalka intiisa kalena oo Af Somali ku qoran yahay. Spare us your cantarabarash awoowe, TFG ayaad ku qafiiftey. Too bad your president meel ma aadi karo. Kinda sad really...no red carpet at all!

Intaas ayaa ka gubaneysaa, however keep up shaqada fiican aad hayso.

 

Sharif Ha Noolado! Huraaaaay!:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

somalina Madaxweyne sheikh dalxiis dunida oo dhan roog cas bay u dhigeen xita u malayn mayo in dal ku taala dunida inu dhaafay kumaba diidani.. laakin marku xammar ku noqdo. tallow maxa loo dhiga ;)

 

 

haa noolaado TFG ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

:D:D:D

 

Wax ka maqan malaha. Villa Soomaliya ayuu ku haystaa wax walba (mall, hospital, police station, ceel biyo etc).

Aduunka ayaa laga aqoonsan yahay asaga iyo dawladiisa. Ah! that reminds me, ma la idin aqoonsadey weli, South Sudan wey duusheye! better inaad ilkaha hoose iska siibtaan si aad isugu ekaatiin...lol

 

13_JAN_20111A%20copy.jpg

Amin reads SOL. lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this