Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Bugland Minister and Other Official Defect to Somaliland

Recommended Posts

Hargeysa (HWN) Wasiirkii warshadaha iyo taliye xigeenkii ciidamada Booliska Maamul Goboleedka Puntland iyo gaadhi ciidan ah oo wehelinayay ayaa xalay ka soo goostay isla markaana soo galay dhinaca Somaliland.

 

Masuuliyiintan oo sii heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa la sheegayaa in ay hadda marayaan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil iyaga oo ku soo jeeda magaalada Hargeysa.

 

Xubno ka mid ah xukuumadda Somaliland ayaa la sheegaya in ay gadhwadeen ka yihiin Wasiirka iyo taliye xigaanka, waxaana goob kasta si heer sare ah ugu soo dhaweynayay madaxda gobolada iyo degmooyinka ay soo marayeen.

 

Lama oga sababta wakhtigan ay xubnahani uga soo goosteen maamul Goboleedka Puntland oo ay xilal sare ka hayeen, balse waxa la filayaa in marka ay soo gaadhaan Caasimada ay faahfaahin ka bixiyaan sababta ay uga soo goosteen.

 

Si kastaba ha ahaatee goor dhaw ayaa loo badinayaa in Wasiirka warshadaha iyo taliye xigeenka ciidamada Booliska Puntland ay soo gaadhaan caasimada iyada oo la kulmi doonaan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

 

Waa goosankii ugu heer sareeyay ee tan iyo intii ay xukuumada cusub ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo talada dalka la wareegtay u soo talaaba dhinaca dalka Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiir,Maayaro,Kornayl iyo Cuqaal Ka Soo Goostay Puntland oo u Soo Goostay Dhinaca Soomaaliland.

 

Burco(Ramaas)Jan,15.2011- Koox miisaan culus oo uu hogaaminayo wasiirka wax-barashada Puntland Xasan Maxamuud, oo ay weheliyaan Kornaylka Guud ee Ciidanka Booliska Puntland, Korl. Sayd Cabdile iyo laba Maayar oo kala ah Maayarka Degmada Xudur iyo Taleex iyo cuqaal, oo dhamaantood ka soo jeeda Beesha bariga sool ayaa u soo goostay Dhinaca Soomalind.

 

Weftigan oo watay laba gaadhi oo tikniko ah iyo gaadhi landcruser ah iyo xaajiyad ayaa maanta abaaro 01:00 soo gaadhan magaalada Burco, iyaga oo u dhaafay dhinaca caasimadda Somaliland.

 

Mar ay isku dayday in shabakada wararka ee ramaas ay ka hesho xogo dheeraad ah iyo sawiro weftigaas, haddana uma ay suuro gelin, waxaanay weftigaasi ka gaabsadeen in ay wax war ahka bixiyaan soo goosashadooda.

 

Si kastaba ha ahaatee arrintan waa mid ay la socdeen maamulka soomaaliland, oo goob kasta oo ay marayaan ahaa mid la socda oo ay is arkayeen Masuuliyiinta Gobolka iyo Degmadaba

 

Ramaasnews Desk

 

Burco

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Xaaji Xunjuf;687698 wrote:
Wasiir,Maayaro,Kornayl iyo Cuqaal Ka Soo Goostay Puntland oo u Soo Goostay Dhinaca Soomaaliland.

 

Burco(Ramaas)Jan,15.2011- Koox miisaan culus oo uu hogaaminayo
wasiirka wax-barashada Puntland Xasan Maxamuud
, oo ay weheliyaan Kornaylka Guud ee Ciidanka Booliska Puntland, Korl. Sayd Cabdile iyo laba Maayar oo kala ah Maayarka Degmada Xudur iyo Taleex iyo cuqaal, oo dhamaantood ka soo jeeda Beesha bariga sool ayaa u soo goostay Dhinaca Soomalind.

 

Burco

Xasan Maxamuud defected years ago so double-check the news folks...

 

http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/26421-Puntland-s-Education-Minister-Defects-to-Somaliland?highlight=defects

 

 

JB, toady it's Puntland not Bugland khashiinyahow! Where's Ngonge?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^ I know what you mean but I don't think he's that kind of person. Then again he was in Kisnaayo area when the Ethio troops wer in control. :confused:

 

I think he might be escorting defectors since he know all the back roads from Puntland!

Share this post


Link to post
Share on other sites

the story has been confirmed. I have heard from reliable sources that the Darawiish will defintely leave Puntland. They will go to LA and Hargeysa. And the Hawd clans will go to Buhoodle. There are negoitations going on with the Buhoodle clans. They have a choice between choosing Somaliland or choosing

Ethiopia which occupies their land.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this