Sign in to follow this  
Kamaavi

Ethiopia oo Wadadii Bur-burka Cagta Saartay - Qeybta 1aad

Recommended Posts

Kamaavi   

14/01/2011

 

517fvs.jpg

 

Hor-dhac

 

Dhaqanka Madaxda aan hanaanka Dimoqraadiya-deed loo soo dooranin ee kajira qaaradda Africa,ayaa aakhirkii noqda kuwo ku dhamaada bur-bur iyo is dhex-yaac dhinac walba ah.Taas oo keenta inuu shacabku gadoodo kana hor-yimaada xukunka dalkiisa, iyada oo ay dagaalo sokeeyana dilaacaan,xasuuq baahsana loo geysto dadka rayidka ah ee aan wax ba galabsanin.

 

Waxaana dalalka noocan ah ku habsada abaaro baahsan oo maamul-xumadu keentay, sababana in macluul iyo cuduro laga hortagi lahaa ku leedaan(dhintaan) malaayiin qof,natiijada laga sugaana ay noqoto taliskaas oo xukunkisii dhaco(Collapsed),dhamaadkiina la soo xaadiriyo Maxkamada dambiyada ee Caalamiga ah (International Crimal Court) oo dhawaanahan noqotay dawo ku meel gaadh ah oo lagu cabsiiyo Madaxda kaligood-taliyayaasha ah ee maan-taaga baaqyada caalamiga ah iyo joojinta dhibaataynta shacabkiisa.Sidoo kale,hogaamiyaha kaligii taliyaha ah ayaa dalkiisa dhaxal-siiya dhibaatooyin waa weyn oo mudo ragaadiya adag tahayna in si fudud looga soo kabto.

 

Waxa aan tusaale, u soo qaadan karnaa Labada dal ee arintoodu hadda taagan tahay, kuwaas oo kala ah Sudan iyo Ivory Cost;oo wadadii bur-burka dalalkooda cagta saaray mudo hore, buuxiyeyna dhamaan qodobadii iyo shuruudihii lagu yiqiinay nidaam sii dakhaakhulaya ( Failure State). Madaxda labada dal ee Ivory Cost, Laurent Gbagbo iyo Dhigiisa Sudan ee Cumar Al-Bashir, ayaa wadaaga astaamo iyo calaamado badan oo isku mid ah,cadeyna u ah in xukunkoodii u marayo meel halis ah oo aan ka noqosho lahayn.

 

Waxayna dhaxal siiyeen dawlada-hoodii iyo umadahoo-diiba qalalaase siyaasadeed iyo qul-qulatooyin aysan maareyn karin,kala qeyb-sanaan gaadhay heer go’itaan iyo fara-galin dibadeedba. Arimahan ayaa waxaa sababa u noqday xukunka labada dal oo ku qotoma Kaligii Talisnimo kursi jacayl, boobka,dhaca hantida iyo khayraadka dalalkooda iyo xasuuqa iyo barakicinta shacabka dalal ay u taliyaan..

 

Juquraafi ahaan in kasta oo labada dal ee Sudan iyo Ivory Cost kala durugsan yihiin oo aysan wadaagin xuduud ay isku qaadsiiyaan dhibaatooyinka mid walba goonidii u haysta,haddana wadamada Sudan iyo Ivory Cost maamulkoodu waa ay is shabahaan(isku eg yihiin)dhanka xasaradaha ka aloosan labada dal.Tusaale ahaan, Madaxweyne ku-xigeenka Sudan, Mr. Selv kiyar, waa nin gaal ah( masiixi ah) oo halgan dheer kadib, aduunka ka dhaadhiciyey inuu xaq u leeyahay in dadkiisu mudan yihiin in afti laga qaado ilaa heer go’itaan ah.Wuxuuna kaga gar helay cid walba oo dhibaato u arkaysa in Sudan la kala jaro( labada dal kala noqdaan),isaga oo aan waxba u dhimin diinta Islaamka( kuwa xag-jirka ah ee aaminsan madaama dawlada Sudan islaam tahay,dhulkuna waa islaam) iyo nidaamka Al-Bashiir ee gabaadka ka dhigta ku dhaqanka shareecada islaamka.Isagoo cadeeyey in diimuhu lug ku lahayn cabudhinta iyo duudsiga xuquuqda dalka kale ee laga tirada badan yahay balse ay ka dhiidhido oo xaqooda difaacda.

 

Dhinaca kale Ninka madaxda ka ahaa Mucaaridka dalka Ivory Cost Mr.Hassan Watara waa nin Muslim ah oo ku guuleystay Jagada Madaxtinimo ee dalkaas oo ay aqlabiyada dadkiisu yihiin dad gaalo ah taasina badalkeedii uma diidin in uu taageero ka helo bulshada reer -Ivory Cost iyo caalamka guusha uu hantiyey,isaga oo dhinaca iska dhigaya shakigii ku jiray kuwa xag-jirka ah( kuwa Cabudhinta aaminsan) in diinta uu haysto Mr. Hassan Watara ay khatar ku keeni karto daganaansha dalkaas madaama uu dalku yahay wadanka kirishtaan ah.Waxa uuna garnaqisgisii garowsho kaga helay gudaha dalkiisa iyo dibadaba.

 

Isaga oo galiyey cidhiidhi siyaasadeed oo horseeday in Golaha Amaanku ka arinsanayaan sidii ay cuna-qabatayn u saari lahaayen Kaligii-taliyaha Ivory Cost si uu natiijada doorasha u aqbalo xukunkana si nabad-galyo ah u wareejiyo.

 

Danta aan labada tusaale u soo qaatay ayaa ah in marka laga hadlayo bur-burka dawlada Ethiopia iyo xasilooni darada soo food-saartay xiligan inaad aragto dad ay saaran tahay fikrado hore oo lagu tilmaami karo kuwo baali ah ama gabowah, fikradahaas waxaa kamid ah Ethiopia waa dal Kirishtaan ah ! lama kala jari karo oo gaalo (reer-galbeedka) ayaa ilaashata iyo Waa jasiirad ku taala Wadamo Islaam ah dhexdooda.Waxaana ku kalifaya aragtidan gaaban ee meelna kaga jirin dooda ayaan is idhi waa aqoon yari iyo iyaga oo aan la soconin Siyaasada aduunka halka ay maanta mareyso. Siyaasadii aduunka ayaa isku badashay mid ku saleysan wax keenso aan wax kuugu biirshee oo micnaheeduna yahay xuquuqdaada soo dhacso kaaga hiilin mahayee.

 

Haddii ilaalinta Ethiopia qolo dhabarka u ridatay marnaba ma dhacdeen in Dakad(marso) la'aan la dhigo wadan dadkiisu ku dhaw yahay 80 Milyan oo wax walba sugaya inay dibada uga yimadiin.Dalka Eritrea-na kama aysan go'deen oo maynan ka xorowdeen haddii aysan halgan la gali lahayn talisyadii Ethiopia xukumayey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Haddan u soo laabto dulucda Faallada iyo Wadada bur-burka taliska Ethiopia uu cagta saaray ayna adag tahayna inay dib uga laabmaan sababna u noqon doonto in ay kamid noqdaan nidaam ku guul-dareysta dawladnima-dooda (Failure State).Waxaan inaga oo dhinac iska dhigayna dhulka Gumeysiga Ethiopia ku hoos jira ee Ogadeeniya iyo marxalada uu ku sugan yahay iftiimin doonaa,xaalada Siyaasadeed ee guracan iyo mida dhaqaale bur-bur ee ka dhex jirta Taliska Addis Ababa iyo saameynta ay ku yeelan karto mustaqbalka xukunkiisa.

 

Ujeedada maqaalka waxaa kamid ah sidii Sawir dhameystiran uu u heli lahaa ruuxa daneeya arimaha Ethiopia iyo halka ay marayaan,ogaadana beenta iyo mala-awaalka ay isugu sheekeeyaan dad aan aqoon iyo garasho toona u lahayn Wadciga iyo marxaladda adag ee ay Ethiopia mareyso hadday ahaan lahayd kuwaan kor ku soo sheegnay(mid Siyaasadeed & dhaqaaleba).

 

Waxa aan soo bandhigi doonaa dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee sanadahan hadheeyey Ethiopia curyaamiyeyna nolosha dadweynaha iyo nidaamkii dawlad lagu yiqiinay, xogtan oo indhaha u furi doonta kuwa iska jecel inay qoraan ama ku sheekeeyaan waxa ay mala-awaalaan ee naftoodu ka hesho necebna inay ogadaan marxaladda dhabta ah iyo qul-qulatooyinka aan kala og’a lahayn ee ka jira Ethiopia.Waxaan dib u dhigan doonaa haddii Alle idmo qadiyadda Ogadeeniya ama (Soomaali galbeed waxa aad rabto ugu yeedh) saameynteeda iyo halganka Gobonima-doonka ah ee Jabhadda ONLF ka wado gudaha dhulkaas iyo kaalinta uu ku leeyahay bur-burka iyo kacdoonadda ka jira Ethiopia inteeda kale.

 

2005tii- Doorashadii Lagu hun-goobay iyo Curashadii Ururo Hubeysan.

 

Laga soo bilaabo bishii May, 2005 doorashadii dhiiga badan uu ku daatay ee Mucaaridku ku guuleysteen,kuna heleen aqlabiyadda( saddex dalool, laba) kuraasta Parlamaanka dalkaas oo dhan 547. Ethiopia waxay gashay Jah-wareer siyaasadeed iyo qul-qulatooyin maareyntooda maalinba maalinka ka dambeeya ka sii adag yihiin xal u heli dooda.Waxaa abuurmay Jabhado iyo kooxo aan horey u jirin oo ka biyo-diiday doorashadii lagu shubtay ee dalka ka dhacday iyo nidaamka cadaalad darada ah ee dalka ka jira ee Beesha Tigreegu hor-muudka (TPLF) ka tahay.

 

Waxay na quus ka qaadeen in aan isbadal Dimoqraadiyeed oo xalaal ah talada uu san ku dhiibayn Ururka TPLF iyo hogaankooduba si walba oo doorasho loo sameeyo, iyagoo aaminay in meesha kaliya ee xalku ku jiro ay tahay in ay halgan hubeysan ku raadsadaan xuquuq-dooda maqan fadhigana isaga kacaan oo aan lagu daalin wada hadal lala galo taliska Zenawi.

 

Waxaana kamid ah Ururada ku dhawaaqay inay halgan hubeyysan la galayaan Xukunka uu Males Zenawi u taliyo,Maayor-kii hore ee ku guuleystay doorashadii 2005tii ka dhacday Addis Ababa,Dr. Birhanu Nega iyo madax sare oo ka gadooday Ciidamada qalabka sida, hogaamiyena uu u ahaa Bridg.General Teffera Maamo, oo si qarsoodi ah ula shaqeynayey Ururka Gimbot 7, oo madax ka yahay Dr.Birhanu Nega.

 

Waxaa sidoo kale,duurka galay oo hubkoodii qaatay Jabhadda EPPF( Ethiopian People Patriotic Front) oo qowmiyad Axmaaradd ka soo jeeda,waxaana mar kaliya urur-toodii ku biiray boqolaal ciidama qalabka sida ah iyo madax-doodii,iyagoo hawl galo ka fuliyey dhulalka Amxaarad(Amhara Region), gaar ahaan, Bahar-dar,Gondar,Dasse iyo meelo kale oo kamid ah dhulka sare ee Ethiopia.

 

Waxaa midoobay oo mad-madowgii soo kala dhex-galay xaliyey Ururka OLF(Oromo Liberation Front),hogaamiyena uu ka yahay Mr. Daa'ud Ibsa. Jabhadda ayaa sidoo kale,waxaa ku biiray General Kamal oo u baxsay isaga iyo ciidam uu watayba dhinaca dalka Eritrea oo dagaal-yahanada Jabhada Oromadu joogto.Janhadda OLF ee Oromada ayaa kamid ah Ururada ay isku xiliga qoriga Xoriyada wada-qaateen Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadeeniya (ONLF).

 

Arimahan is-biirsaday ayaa sahlay in weeraro abaabulan Jabhada Oromadu ku qaado fadhiisimaha Maleeshiyaadka Males zenawi hubeeyo ee ku sugan deegaamada Shawa,Fin-fine(Addis Ababa),Nazreth,Hararge,Baali,Jima iyo dhul-weynaha Oromiya.Midan oo keentay in ay taagero balaadhana Ururka OLF ka helo bulshada Oromada.

 

Taageradda xoogeeda waxaa sababay boobka-dhulka beeralayda Oromiya oo lagu ***-qiyey inay ku wareejiyaan maal-galiyeyaal Ajaanib ah oo la wareegay dhul balaadhan,arintan waxa aan si faah-faahsan ugu qaadaa-dhigi doonaa haddi Alle idmo,qoraalkayga dambe oo aan kaga hadli doono dhaqaala bur-burka Ethiopia iyo siyaasada TPLF ee ku saabsan maal-gashiga dhulka (Land Investment Policy) oo ah khatar soo food-saartay Malaayin Ethiopian beeralay ah. (85% dadka reer- Ethiopia waa beeralay).Dhacdooyinka ayaana keenay inuu shaki iyo aamin-daro ku abuurmo nidaamka qoyska ku qotoma ee TPLF iyo hogaamiyahooga Males Zenawi.

 

Waxayna bilaabeen in ay eryaan oo dil iyo xadhig ba isugu daraan saraakiisha ciidamada ka tirsan ee ka soo jeeda qowmiyadaha kacdoonka wada,lana badalo kuwooda haya jagooyinka muhiimka ah. Nasiib-daro se qorshohoodii ciidan ka ay la beegsadeen xal uma keenin.

 

Waxaana badatay goosashadii iyo kala shakigii u dhaxeeya askarta kala qowmiyadaha ah ee dareeska Ciidan wada qabay.Sidoo kale,waxaa cadaatay in badi dad weynaha Itoobiya ka biyo-diidsan yihiin siyaasada guracan ee isku-dilka iyo muquuninta ku saleysan ee beesha Tigreegu (TPLF) u adeegsato in ay ku maamusho dalka intiisa kale,iyaga oo kala kulmay diidmo la mid ah Maleeshiyaadka(ciidamada) ay iyagu qorteen.

 

Waxaana qeybta labaad ee maqaalkan ka sii anba-qaadi doonaa haddii Alle idmo,ururadii kale ee nabada aan ka quusanin,qorigana ka gows-qabsaday sida MEDREK, oo doorashadii 2010 iyo Inqilaabkii General Teffera Maamo oo fashilmay. Waxaana raacin doonaa dhaqaala bur-burka wadanka saamyeey iyo boobka hantida dalka iyo khiyaamadii doorashada 2010 oo si cad ugu shubteen Xisbiga TPLF iyo isbahaysigooda. Ugu dambeyntiina waxaan isku dayi doonaa inaan saadaal ka bixiyo waxa uu noqon karo mustaqbalka dhaw iyo kan fog ee dalwada Ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Zenawi's time is maybe coming to an end, but Ethiopia as a country has been there for millenia's and is here to stay.

 

Everything else is whishfull thinking.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this