Sign in to follow this  
Saalax

Hogaamiyaha Kooxda SSC oo Loo Taxaabay Xabsi Ku Yaal Dalka Kenya(The entreprise News Letter)

Recommended Posts

Saalax   

Hogaamiyaha Kooxda SSC oo Loo Taxaabay Xabsi Ku Yaal Dalka Kenya(The entreprice News Letter)

KENYA(OWN)- Hogaamiyihii kooxda SSC oo Ku xidhan Xabsi kenya ku yaala

Hogaamiyhii SSC reer Buuhoodle ee loo yaqaan Mr.Saleebaan Ciise /Xaglotoosiye oo ku xidhan Xabsi ku yaala wadanka Keenya saddex cisho ka horna laga celiyey inuu soo galo wadankan Uk.ayaa waxay waraar xoog ogaali sheegayaan in lagu soo eedeeyey in uu isaga iyo Kooxdiisa ay xidhiidh toosa laleeyihiin kooxaha xag jirka ah ee Koonfurta Somaliya ka dagaalama ee alshabaab iyo Xisbul -Islaam. wararka kale ayaa sheegaaya in dhawaan ay magalada Buuhoodle soogaadheen Maleeshiyo badan oo tababar Militari kusoo qaadatay Koonfurta Soomaliya gaar ahaan xarunta ururka Alshabaab ay ku leeyihiin Magaalada Kismaanyo.

 

Haddaba sida la ogsoon yahay Mr Xaglatoosiye iyo ninka lagu magacaabo sabarey waxay labaduba haystaan dhalasho Maraykan ah reerahaadu ama xasaskoodu waxay degen yihiin wadanka Maraykanka ,si kastaba ha ahaatee waraarku waxay sheegayaan in xadhigga Xaglatoosiye ay amar ku bixisay dawladda dalka Maraykanku, kaddib markii ay ******** fartana loogu fiiqay inay ficil Argagixiso faraha kula jiraan,wadanka maraykanka oo aad isha ugu haya dhalinyarada somaliyeed ee ka dhoofaya dalka maraykanka una kici timaaya geeska afrika iyadoo ay ka imanayaan warar badan oo tilmaamaya in ay dhalintaasi ku biir to ama is barbar taagto kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama somaaliya si kasta ha ahaatee kooxda uu hogaaminayo xaglatoosiye ayaa lagu wadaa koox aan indhaha laga qarsan karin iyadoo sababtay qaska ay ka wadaan dalka somaliland .waxaana soo ifbaxaysa xiligii wax laga qaban lahaa kooxda oo layswaydiinayo waxa ay u dagalamayaan, waxaa abaabul loogu jiraa sidii wax looga qaban lahaa cid kasta oo lug ku leh iyo qorshe kasta oo ay ka wadaan dalka gudihiisa iyo debediisaba madaama oo aanay jirin sabab keenaysa in la dhaqdhaqaajiyo abaabul dagaal iyo burbur,iydoo walaac laga mujinayaa xadhiga ay ku xidheen xarakooyinka aduunka ka mabnuuca ah taas oo maanta loo haysto Mr xagletoosiye oo ahaa hogamiyaha SSC .Xasuuqii kadhacy kalshaale oo ahayd fal argagixisnimo ahaydna malin ciideed taas oo dhaliisheeda dusha laga saraayo dawlada S/land, taasi waxay keentay in heegan lagash cidanka qaranka somaliland lagana dagaal galo siyaasada debeda iyo ta gudahaba si aanay nabadgalyada iyo xasiloonida somaliland aanay khalkhal ugelin, waana ta dhalisay in xabsiga loo taxaabo MR xaglotoosiye. dawlada somaaliland ka talisa oo horaantii ka gaabisay wax kaqabadka dhibta ka dhacday kalshaale loona tusay shacabka somaliland laba reer oo isku dilay ceel ama berked biyood laga cabo.iyo xogla,aanta weerarka lagusoo qaaday kalshaale taas oo dadka badankiisu u arkayeen dagaalka kalshaale in uu yahay weraar lagu soo qaaday qaranimada somaliland,dagaalkana ay soo qaaday jabhad hubaysani,difaacii dawladnimo waxaa uu isu bedelay in laheshiisiiyo reer qorulugud iyo reer buuhoodle taasina suura gal may noqon isku soo wada duub oo waxaa muqata in ay maanta isku si u wada arkaa shacabka reer somaliland iyo dawlda ka talisaaba in ladifaaco qaranimada dalka iyo dadka.

 

The entreprise News Letter UK

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Dr.Suleymaan Axmed Ciise (Xaglatoosiye) oo xoriyadiisi dib u helay

 

 

 

Kadib markii lagu xirey magaalada Nairobi ee dalka Kenya hogaanka sare ee Gobolada SSC, Dr.Suleymaan Axmed Ciise iyo qaar kamid ah hogaanka SSC, ayaa maanta xoriyadoodi dib u helay sida uu noo xaqiijiyey mid kamid ah raga ka agdhaw hogaanka sare ee SSC. Labada hogaamiye oo ay la socdaan qaar kamid ah jaaliyada SSC ayaa doonaayey in ay gudaha u soo galaan Gobolada SSC, waxaana lagu qabtey Garoonka diyaaradaha ee Wilson Airport, xili ay doonayeen in ay ka duulaan halkaas.

 

Xariga masuuliyiintan ayaa waxaa marin habaabin ku sameeyay qaar kamid ah warbaahinta, taas oo u muuqatay mid lagu talo galay, waxaana qaar kamid ah warbaahinta afsoomaaliga ku hadasha ay sheegeen in Dr. Xaglatoosiye uu ka mid yahay dhalinyarada ku biirey ururada xagjirka ah kuwaas oo ka dagaalama gudaha Soomaaliya, halka qaarkood ay sheegeen in loo haytso hogaamiyaha gobolada SSC in uu ka danbeeyay qaraxyo ka dhacay magaalada Laascaanood.

 

Sida laga soo xiganaayo qaar kamid ah dadkii la socdey Dr.Suleymaan ayaa sheegay in ciidankii dharcadda ahaa ee xirey markii ay ku waayeen wixii ay ku doonayeen in ay xabsiga ku geeyaan ayey sheegeen in ay uga shakisan yihiin in uu yahay nin dhawaan ka baxsadey xabsiga, ninkaas oo ay sheegeen in uu gacansaar la lahaa xarakada al-shabaab.

 

Dr. Suleymaan ayaa markii la sii daayey saxaafadda u sheegay in dawladda Kenya aysan u sheegin sababta loo xirey, waxa ay sheegeen in aan ku jiro dadka la raadinaayo taasna caddeyn waa u waayeen, imana soo daayeen haddii aan ahay mid ka mid ah argagixisada ayuu yiri.

 

Sidoo kale waxaa la sii daayey laba nin oo lala xirey kuwaas oo kala ahaa Axmed Cali Xassan oo haysta dhalashada dalka Kenya iyo Mxamed Xuseen Xaashi oo haysta dhalashada dalka Kenya

 

Sidoo kale qofka aan xogta ka helnay ayaa sheegay in ay arintaani ahayd qorshe shirqool ah kaas oo ay garanayaan dadka soo maleegay, iyo meelaha laga soo falkiyey, waxaana uu sheegay in xitaa goobta lagu diyaariyey mid kamid ah warbaahinta ku hadasha Soomaaliga si loo duubo marka la xiraayo, waxaana ay sheegeen masuuliyiintan in ay dhawaan soo bandhigi doonaan ragii soo maleegay qorshihii diyaaradda looga reebay Hogaanka SSC.

 

Dr.Suleymaan Axmed Ciisie Kaar iyo ku xigeenkiisa Col.Cali Sabaray ayaa lagu doortey shir loogu magacdaray Horseed kaas oo beesha *********** ay uga arinsanayeen aayahooda, oo ka dhacay dalka Kenya.

 

Suleymaan Axmed Ciise ayaa muddo dheer deganaa dalka Maraykanka, waxa uu ahaa ganacsade isla markaana ka shaqeeya hawlaha samafalka, waxaana uu Isbitaal weyn ka dhisey magaalada Buuhoodle ee gobolka cayn, sanadkii 2009 ayuu u tartamay jagada Madaxweyne ku xigeenka Puntland, taas oo uu kaalinta labaad galay, kadib Madaxweyne Faroole ayaa ku soo daray Golihiisi wasiirada ee u horeeyay, Xaglatoosiye ayaa door-biday inaanu ka mid noqon Golaha wasiirada ee Madaxweyne Faroole, waxaana xilkaas mar danbe loo magacaabey nin kale.

 

Axmed Muuse

Nairobi Kenya

Horseedmedia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Published on December 24, 2010 by Reporter

Wararka aanu ka helayno dalka isu taga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa sheegaya in uu ku sugan yahay Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye).

 

Waxaa uu dahwaan ka ambabaxay magaalada Nairobi ka dib markii uu muddo todobaad ah ku xanibnaa oo laga reebay safar uu ku tagali lahaa dalka Ingiriiska.

 

Xaglatoosiye ayaa hab qarsoodi ah uga ambabaxay magaalada Nairobi 16kii bishan December hase waxaana uu ka degay magaalada Abu Dhabi ee dalka UAE .

 

Socdaalka uu ku tagayey Imaraadaka oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa uusan sii wargalin jaaliyada gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ee ku sugan dalkaasi hase ahaate markii uu damcay in uu ka sii gudbo oo uu siiw ato safarkiisa Mareykankan ayaa ay ku wargaliyeen shirkadihii diyaaradaha in aysan qaadaynin.

 

ka dib Shan maalmood jahwareer ah ayaa waxaa uu ugu dambeyntii xidhiidh dhinaca taleefanka ah la sameeyay xubno ka mid ah jaaliyada dalkaas oo uu u shegay dhibaatada haysata.

 

Wararka ay Taleex Media ka helayso Abu Dhabi ayaa tibaxaayay in uu Xaglatoosiye u sheegay xunbihii jaaliyada in ay diideen diyaaradihii uu raaci lahaa waqooyiga America iyo qaarada Yurub oo lagu xiray inuu isa soo baraxo maadama xanibaad dhinaca socdaalka ahi saaran tahay.

 

Xiriir dhinaca Emailka ah oo ay Taleex Media la sameysay Xaglatoosiye kuna weydiinay waxaka jira wararkaasi ayaa uu ka gaabsaday in uu ajwaab naga siiyo.

 

Hase ahaate xubno ku sugan Abu Dhabi oo la kulmay Xaglatoosiye oo xidhiidh dhinaca taleefanka ah aanu la sameynay ayaa noo sheegay in uu xaglatoosiye joogo Abu Dhabi oo uu xaniban yahay.

 

” Diyaaradihii oo dhan waa diideen , mid walibana waxa ay lee dahay waa in uu isa soo baraxaa” ayuu uu yidhi xubin ka mid ah jaaliyada oo la kulmay Xaglatoosiye.

 

“Anaga haddii aanu nahay reer Imaaraad kama aanu warqabin socdaalkiisa oo nooma uusan soo sheegin balse waxaa uu nala soo xidhiidhay markii ay diyaaraduhu diideen” ayuu raaciyey.

 

Horaantii Bishan ayaa uu Xaglatoosiye damcay in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi,hase ahaate saraakiisha amaanka ee garoonka ayaa ku wargaliyay in uu iska soo baraxo safaarada Maraykanka ee Nairobi.

 

Taleex Media ayaa ogaatay in kooxda la magac baxday guddiga jaaliyada Nairobi ayaa kula talisay in hab laaluush ah lagu dhaafo garoonka diyaaradaha ee Nairobi.

 

Sida muuqatana waa ay sahladeen oo xisaabta kumaaysan darsan in uu dhibaatao kala kulmi doono UAE.

 

Xubnaha jaaliyada ee UAE ee aanu la xidhiidhnay ayaa sheegaya in magaca Xaglatoosiye lagu daray liiska dadka aan loo ogoleyn in ay Waqooyiga America u socdaalaan.

 

Laanta Maraykanka u qaabilsan amaanka gaadiidka ee loo yaqaano TSA ( Transportation Security Administration) ayaa sheegatay in liiskaasi loo yaqano NO-Fly-List lagu daron dadka dhaqdhaqaaqooda laga shakiyo.

 

Warbixin lagu soo bandhigay bogga ay internetka ku ledahay laantaasi ayaa ay sharaxaad kaga bixisay liiska la xanibay oo ay ku sheegatay in uu yahay nidaam diyaaradaha lagag reebayo cid walibo oo ku lug leh dhaqdhaqaaq argagaxiso.

 

Waxaana ay intaa raacisay warbixintu in ay iska kaashadaan ururuinta Liiskaasi dhamaan laamaha sirdoonka iyo kuwa kale ee amaanka ku lug leh.Liiskan ayaa la sameeyay kadib weerardii 11 September 2001 lagu qaaday dalka Maraykanka.

 

In magacaaga laga saaro Liiskaasi aaya muddo qaadaneysa sida lagu qoray bogga TSA Waxaana hada ku jira liiskasi dad kor u dhaafaya 82,177.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this