Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Liqaye   

Madaxweyne Sharif Sheikh Axmed oo caawa hortiisa lagu dhaariyay 11 xubnood oo isugu jira wasiir ku xigeeno iyo wasiiru-Dowlayaal (Daawo Sawirada)

 

Dowlayaal1.jpg

Dowlayaal2.jpg

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sheikh Axmed ayaa caawa hortiisa lagu dhaariyay 11 xubnood oo isugu jira wasiir ku xigeeno iyo wasiiru-Dowlayaal kuwaas oo isla maanta R/wasaaraha xukuumadda KMG ee Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo uu soo magacaabay.

 

Munaasabadan oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra isul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiim Fiqi wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxaa lagu shaaciyay magacaabista Xubnahaan, ayadoo Agaasimaha Madaxtooyada Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari” uu saxaafadda u akhriyay liiska oo u qornaa sidan:

 

1. Mudane C/casiis Xasan Maxamed “Laftagareen”, wasiiru-dowlaha wasaaradda Warfaafinta Boostaha iyo ISgaarsiinta.

2. Mudane Maxamed Sheekh Jaamac Negeeye, Wasiiru-Dowlaha wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

3. Mudane Feysal Cumar Guuleed wasiiru-dowlaha wasaaradda Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska.

4. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru-Dowlaha wasaaradda Tamarta, Batroolka, Macdanta iyo Biyaha.

5. Mudane Daa’uud C/kariim Xaaji Cumar, wasiiru-Dowlaha wasaaradda Shaqada, arrimaha Bulshada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

 

6. Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru-Dowlaha xiriirka arrimaha Baarlamaanka.

7. Mudane C/rashiid Maxamed “Xidig”, wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga.

8. Mudane Axmed Xuseen Xasan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

9. Marwo Saciido Xasan Cusmaan, wasiir ku xigeenka wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.

10. Mudane Cali Sheekh C/llaahi Afgooye, wasiir ku xigeenkaWasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

11. Mudane Saciid Maxamed Jimcaale, wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare.

 

Madaxweyne Shariif oo dhaarinta masuuliyiintaan kaddib hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in xubnahaani ay ka dhinaayeen golahii wasiirada ee dhawaan la dhisay, wuxuuna ku boorriyay in ay si wanaagsan uga soo baxaan waajibaadka loo igmaday, isagoo ugu duceeyay in uu Alle la garab galo.

 

Malik Abdalla

 

Agaasimaha Warfaafinta

 

Xafiiska Madaxweynaha

 

Muqdishu, Somalia mabdalla@presidency.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Government Announce Re-opening of Roads to Bakara Market

Hiiraan Online Staff

Friday, April 01, 2011

 

The Somali Government and AMISOM have announced that they will work together to reopen roads to the Bakara Market which has been closed for more than one month, after fierce clashes erupted in Mogadishu's Industrial Road, the only road connecting Bakara Market with the rest of the city.

 

In a joint press release, Somali minister of internal affairs and homeland Secuitry, Abdishakur Sheikh Hassan Farah, the governor of Mogadishu, Mohamud Ahmed Nur(Tarsan) and AMISOM commander, Nathan Mugisha, told the Somali media that they all agreed to reopen roads to the Bakara Market.

 

AMISOM spokesman,Barigiye Bahugo, told reporters that AMISOM and the TFG did not close the roads to Bakara Market, but the Alshabab were behind the blocking of the Bakara roads as they dug deep trenches in the middle of the roads.

 

'' The leaders of the Somali government and AMISOM have decided to help the Somali business community in Mogadishu by immediately reopening all roads under our control to the Bakara Market so that people and vehicles can travel to and from the market'', said AMISOM spakesman, Major Barigiye Bahugo.

 

Major Bahugo said that people now access the Bakara Market using Aden Ade Road near the Parliament Building, adding that thousands of people travel on this road each day.

 

However, the AMISOM spokesman acknowledged that heavy transport vehicles can not reach the Bakara Market, and called on the Ashabab to reopen the roads under their control they had closed to traffic.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somali Government Bans UN Officals from Coming to the Country

 

 

Hiiraan Online Staff

Sunday, April 03, 2011

 

Mogadishu, Somalia (HOL) - The Transitional Federal Government of Somalia has announced that it had banned some United Nations officials from coming to and working in Somalia for failing to carry out their official responsibilities.

 

In a communiqué issued late yesterday afternoon, the Somali Ministry of Home Affairs said that it had prohibited Mr. Scot Campbell, the head of the United Nations Human Rights Office for Eastern and Southern Africa (OHCHR) and Mrs. Sandara Beidas, the United Nations Envoy on Human Rights in charge of the United Nations Human Rights Directorate in the United Nations Political Office for Somalia (UNPOS), from coming to work in the country.

 

The Somali Ministry of Home Affairs told reporters in the Capital, Mogadishu, that it had ordered the Immigration Department not to allow the concerned UN officials to set foot on Somali soil.

 

In addition, the Somali Foreign Affairs Ministry has also written to the United Nations Political Office for Somalia concerning the same issue.

 

Further, The Somali government has called on the United Nations Office for Somalia to reflect on the rationale behind sending individuals of such caliber to safeguard the human rights of the Somali people.

 

Somali Minister of State in the office of the Prime Minister in charge of Human Rights, Sahro Mohamed Ali Samatar, said the government ban on the UN staff concerned was needed so as to protect the human rights of the Somali people.

 

This is the first time the Somali Government has banned members of the United Nations Staff from working in the country since it was formed in a UN organized Reconciliation Conference in Neighboring Kenya seven years ago.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Odayaasha beelaha Soomaaliyeed oo taageeray go'aankii ay xukuumadda KMG ah ku kororsatay muddada

 

Axad, Abriil 03, 2011 (HOL) – Kulan ay maanta oo Axad ah Muqdisho ku yeesheen golaha odayaasha beelaha Soomaaliyeed ayaa waxay ku taageereen go'aankii ay xukuumadda KMG ah muddada halka sano ah ku kororsatay, iyagoo sidoo kale ka hadlay shirka ka dhacaya Nairobi.

 

"Golaha Odayaasha beelaha Soomaaliya waxay taageerayaan qorshaha xukuumadda Soomaaliya ay waddo ee looga baxayo xilliga KMG ah, sidoo kale waxaan soo dhaweynaynaa muddada sannadka ah ee ay ku darsadeen xilligooda shaqo," ayaa yiri Ibraahim Maxamed Odawaa oo saxaafadda la hadlay kulankooda kaddib.

 

Mr. Odawaa ayaa sheegay in muddada sannadkan ah ee dhammaan hay'adaha dowladda loogu daray xilliga ay shaqeynayaan sida madaxweynaha ay tahay mid ay dowladda KMG ah ku dhameystirayso howlaha horyaalla.

 

Golaha wasiirrada xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore ku gaaray go'aan inay muddada ay shaqeynayaan ku kororsadaan hal sano, taasoo ay ku sheegeen inay tahay mid ay ku dhameystirayaan howlaha horyaalla oo ay ka mid yihiin: dib u dhiska, soo celinta ammaanka, dhameystirka dastuurka iyo qodobbo kale.

 

Muddo kororsiga xukuumadda ayaa waxaa kasoo horjeestay Qarammada Midoobay iyadoo ka codsaday xukuumadda jirta inay howlaheeda ku dhameystirto illaa bisha Ogoosto oo xilligeedu ku ekaa, lana qabto doorashooyin lagu soo dooranayo hoggaan cusub oo ay yeelato dowladda Soomaaliya.

 

Dhanka kale, guddoomiyaha golahan Maxamed Xasan Xaad oo isaguna saxaafadda si kooban ula hadlay ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan shirka uu Agustine Mahiga diyaarinayo, kaasoo uu ku sheegay inuu yahay mid lagu burburinayo dowladda Soomaaliya.

 

Mudane Xaad ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan go'aanka ay dowladda KMG ah ku gaartay inaysan shirkaas ka qaybgalay, isagoo xusay in shirkaas uu yahay mid dhabarka looga jabinayo howlaha dowladda KMG ah.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo si kulul u weeraray siyaasada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si kulul u weeraray siyaasada Beesha Caalamka ee ku wajahan Dowladda KMG iyo Arrimaha Soomaaliya, isagoo hadalkii ugu xasaasinaa abid tan iyo markii loo magacaabay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha jeediyay, kaasoo si dhow iyo si fogba uga hadlay qorshaha Beesha Caalamka.

 

Wareysi gaar ah oo dhinacyo badan taabanayay oo uu saaka siiyay Idaacada ku hadasha Afka Dowladda KMG ee Radio Muqdisho ayuu si qoto dheer uga hadlay siyaasada Arrimaha Dibada ee ku wajahan Xukuumadiisa.

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn baaq u diray shacabka Soomaaliya, isagoo ka digay isku haleynta Beesha Caalamka, isagoo sheegay in Caalamka doonayaan in dhan walba u rodaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyed.

 

"Waa arrin laga xumaado qaabka mar walba Beesha Caalamka nagula dhaqanto, in mar walba arrimaheena ay so fara gishtaan dhan walbana ay inoo rogaan waa wax nasiib daro ah, Shacabka waxaan ugu baaqayaa inay isku tashtaan"ayuu si kulul u yiri Ra'iisul wasaaraha.

 

Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa xusay in hadii xaalka Soomaaliya uu sidan u ku sii socdo, ay dhici doonto in Dowladda KMG iyo shacabka ay lahaato Beesha Caalamka, isagoo si gaar ah u muujinayay mowqifka Xukuumadiisa ka qaadatay shirka wada tashiga uu ku baaqay Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya.

 

"Ma wanaagsana in usha lagula hayo, waxaanan habooneyn in lagu yiraahdo magaalo hebel hadaanan tagin intaas laguma siinayo, marka waxaa loo baahan yahay inaan isku tashano, hadii kale waxaa dhaceys in Beesha Caalamka ay na lahaato"ayuu si kulul u yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo.

 

Mr Farmaajo oo hadalkiisa ahaa mid qiiro iyo wadaniyad ku dheehneyd ayaa si gaar ah waxaa uu ugu muuqday inuu uga gil gishay fara gelinta tooska ah ee Caalamka ku haayo Soomaaliya, isagoo yiri "Sanadkii Soomaaliya waxaa loo qoondeeyaa 80-Milayn qaar ka mid ah waxaa lagu bixiyaa Ciidamada AMISOM, anagana raali baan ka nahay, maadaama Ammaanka ay ku sugayaan, balse xagee lagu bixiyaa inta kale, inlee Soomaaliya lama siiyee, mar kasta wan weydiinaa Beesha Caalamka, mana laga helo"ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha.

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in caalamka uu arko in Dowladda KMG wax qabato, balse aan waxba lagu bixin, hase ahaatee waxaa uu soo jeediyay in loo baahan yahay in la isku tashto si looga maarmo gacan hoorsiga Beesha Caalamka oo ugala jeeday lacagaha laga soo uruuriyay shacab kale, waxaana uu ka dalbaday shacabka in dhaqaalaha ay Dowladda KMG u baahan tahay shacabka Soomaaliyed uu ka yimaadaa.

 

Mar uu ka hadlay wasiirka Umada Soomaaliyed ayuu sheegay in aan loo baahneyn Dib u Heshiisiin kale oo Beesha Caalamka ay qabato, isagoo xusay in hadii dhinacyada Soomaalida ay ku kulmaan meel ka mid ah gudaha Soomaaliya ay ka soo bixi doonto guul weyn.

 

Hadalkan ayaa noqonaya kii ugu kululaa ee Ra'iisul wasaaraha uu jeediyo, taasoo uu si guud ah dhaleeceyn ballaaran ugu jeediyo Beesha Caalamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasiiro ka tirsan Xukuumada, Xildhibaano iyo Saraakiil gaartay Beledxaawo

 

April 2, 2011

 

 

Wasiiro ka tirsan Xukuumada Farmaajo oo uu horkacayay Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane, Xildhibaano iyo Saraakiil ayaa maanta gaaray Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, halkaas oo bishii la soo dhaafay horaanteedi ay qabsadeen Ciidamada Dowladda KMG.

 

Xubnahan Wasiirada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Gaashaandhiga C/rashiid Xidig oo dhowaan xilkaas loo magacaabay iyo Wasiiru Dowlaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

 

C/rashiid Xidig oo saxaafada si kooban uga waramay safarkooda ayaa sheegay inuu yahay mid ay ugu kuur galayaan xaalada deegaanadii dhowaan ay la wareegeen Ciidanka Dowladda, isla markaana qorshahooda yahay inay eegaan xaalada.

 

Wararka ayaa sheegaya in Wasiiradan iyo xubnaha kale ay u sii gudbi doonaan deegaanada kale ee Gobolka Gedo ay dhowaan la wareegeen Ciidamada Dowladda, waxaana qorshaha safarka uu qeyb ka yahay dadaalka Xukuumada ugu jirto sidii Gobolada Koofureed ay kula wareegi laheyd.

 

Ciidamada Dowladda KMG oo wehliya kuwa Culumaa'udiinka Ahlusuna ayaa dhowaan meelo ka mid ah Gobolka Gedo dagaalo kula galay Xarakada Alshabaab, iyadoo ka qabsaday degmooyin dhowr ah.

 

Dagaalo u dhaxeeya labada dhinac ayaa wali waxay ka taagan yihiin deegaanada qaar, halkaas oo Shabaabka ku qaadayaan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay Xafalad balaaran oo lagu dhaarinayay guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare Jeneral Ceydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf .

 

ilkaxanaf.jpg

 

Xaflada ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaare Maxamed C/laahi Maxamed (Formaajo) iyo xubno kale.

 

Waxaa halkaasi laga akhriyay dikareeto uu soo saaray madaxweynaha, laguna magacaabay Jeneral Ceydiid Cabdullaahi (IlkaXanaf) in uu noqdo gudoomiyaha maxkamadda sare.

 

Gudoomiyaha maxkamadda sare ayaa waxaa dhaariyay wasiirka cadaaladda, garsoorka iyo arriimaha diinta, halka uu dikareetadana akhriyay Mursal Maxamed Saneey.

 

Maalinkii shalay ayay aheyd markii kulan ay yeesheen golaha wasiirada ay isku raaceen in gudoomiyaha maxkamadda sare laga dhigo Jeneral Ceydiid Cabdullaahi Xanaf.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xukuumadda Soomaaliya oo 90 cisho u qabatay Hay’adaha Qaramada Midoobay

 

Ra'iisalwasaaraha1.jpg

Isniin, April 04, 2011(HOL): Xukuumadda Soomaaliya ayaa hay’adaha Qaramada Midoobay ugu baaqday in ay u soo guuraan Magaalada Muqdisho, halkaasina ay howlahooda ku qabsadaan. Haddaba warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo arrintan ku saabsan isla markaana soo gaaray Xafiiska HOL ayaa u qornaa sidan:

 

Maadama Dalka Soomaaliya uu muddo 20 sano ah ku jiray xaalado adag, isla markaana hay’adihii dastuuriga ahaa ay soo mareen marxalado kala duwan ayaa hadda waxaa muuqda ifafaallo horumar ah oo u baahan in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada socda oo ay ka mid yihiin soo celinta amniga, dib-u-habeynta dhaqaalaha, maamul wanaaga, dib-u-heshiisiinta iyo sidii shacabka somaaliyeed loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimka ah.

 

Si haddaba loo dardargeliyo horumarka la sameeyey waxaa muhiim ah in dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ee DFKMG ah, bulshada soomaaliyeed qeybahooda kala duwan iyo caalamkaba ay kaalin mug leh ka qaataan sidii ummadda soomaaliyeed looga saari lahaa marxalladan adag loona gaarsiin lahaa horumar iyo barwaaqo.

ra'iisalwasaaraha.jpg

Caqabadaha heeysta ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ah hay’adihii Qaramada Midoobey oo aan la joogin shacabka Soomaaliyeed oo aan fadhigoodu aheyn Dalka gudihiisa. Waxaa hubaal ah in haddii hay’adahan uu fadhigoodu noqon lahaa caasimadda Muqdisho in xaaladda dalka uu wax weyn iska bedeli lahaa.

Sidaas daraadeed Xukuumadda FKMG ah iyadoo ka duuleysa waajibaadka ka saaran shacabkeeda iyo sidii loo xaqiijin lahaa in ummadda Soomaaliyeed la gaarsiiyo adeegyada bulshada sida gar-gaarka bani’aadanimo ayaa waxey go’aamisay in dhammaan hay’adaha Qaramada Midoobey ee ku howlan arrimaha Soomaaliya ay u soo guuraan magaalada Muqdisho muddo 90 maalmood ah gudahooda, si ay u sahlanaato in shacabka Soomaaliyeed loo fidiyo gargaarka ay sida deg-dega ah ugu baahanyihiin.

 

Xukuumadda FKMG ah waxey hubtaa in aysan danta ummadda Soomaaliyeed ku jirin in Nayroobi ay sii joogaan hay’adaha loogu talo galay inay u adeegaan bulshada Soomaaliyeed.

 

Soo guurista hay’adaha QM ee Muqdisho waxey wax badan ka bedeli doontaa xaaladda guud sida amniga, abuurista shaqada, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka guud oo ay bulshadu si weyn ugu baahantahay.

 

Mar haddii marar badan ay Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-Moon iyo Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Augustine Mahiga ay sheegeen inay ka go’antahay in dhammaan hay’adaha QM ay u soo guurayaan Muqdisho, waxaa la joogaa waqtiga laga dhabeyn lahaa ballanqaadyadaas. DFKMG ah waxey ka codsaneysaa QM inay arrinkan siiyaan muhiimada uu leeyahay oo ay muddada 90ka maalmood gudahood ugu soo guuraan.

 

Ugu danbeyntii waxaan u mahadcelinayaa bulshada qeybaheeda kala duwan ee taageerada joogtada ah siiyey Dowladda, sida oday dhaqameedyada, dumarka, dhalinyarada iyo qeybaha kale ee bulshada oo shucuurta si joogta ah ugu muujiyey sida ay u taageersanyihiin Dowladdooda.

 

Garad Salad Hersi

Press Officer Office of the Prime Minister

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo soo bandhigay miino ay sheegeen in lagu aasay jid ku yaalla xaafad dhexdeed

 

sniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay miino ay sheegeen inay kasoo saareen inta u dhexeysa shineemo Hodan iyo xaafadda Siigaale ee degmada Hodan.

 

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya G/sare C/llaahi Xasan Bariise ayaa oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in miiinda ay aastay Xarrakatu Shabaab, balse lagu soo saaray howlgal ay ciidamada DKMG ah sameeyeen markii lagu soo wargeliyay in halkaas ay miino ku aasan tahay.

 

"Baaritaanno ay ciidamada dowladda KMG ah sameeyeen ayay ku guuleysteen inay miinadan kasoo saaraan xaafad dhexdeed, waxayna ahayd mid loogu talogalay in lagu dilo askarta iyo shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri Bariise oo saxaafadda la hadlay.

 

Afhayeenku wuxuu sheegay in miidan ay qayb ka tahay dhibaatooyin shacabka lagu hayo, isagoo xusay in loogu talogalay in lagu qarxiyo taleefoonka gacanta, iyadoo lagu xiray goob ay shacabka iyo ciidamadu maraaan.

 

"Sida aad arkaysaa miinadan waxaa laga sameeyay rasaasta hoobiyaha iyo walxo kale oo la isku xiran, waxaana lagu xiray taleefoonka gacanta, si ay u qaraxdo markii lasoo waco," ayuu yiri afhayeenka Booliiska oo sharraxaad ka bixinayay miinada ay soo bandhigeen.

 

Goobaha ay booliisku sheegeen inay kasoo saareen miinadii ay soo bandhigeen maanta ayaa waxaa xalay ka dhacay dagaal culus oo ay soo qaadeen Xarrakatul Shabaab, iyadoo la sheegay in xoogagga Xarrakadu ay kusoo dhawaadeen jidka Maka Al-Mukarama oo muhiim u ah isku socodka dowladda iyo AMISOM.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shairif oo xariga ka jaray Telefishin ku hadli doona afka Dowladda KMG ah

 

NewTV_Opening1.jpg

Madaxweyne Sh. Sharif Sh. Axmed oo xariga ka jaraya Talafishin Cusub oo ku hadlidoona afka Dowladda KMG ah.

------

 

Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xariga ka jaray xarunta Telefishinka Qaranka Soomaliyeed oo dib loo furay labaatan sano kaddib, kaasoo ku hadli doona afka dowladda.

 

Munasabaddan oo ka dhacday xarunta wasaarada warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta C/kariin Xasan Jaamac oo ka shaqeeyay sidii telefishinkan dib hawada u geli lahaa.

 

Xafladda xarigga looga jarayay Telefishinka waxaa ka soo qayb-galay ra’iisul wasaaraha ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax iyo mas'uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif Axmed ayaa hamablyo u jeediyay wasiirka warfaafinta xukuumadda KMG ah iyo dhammaan shaqaalaha telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale ugu hambalyeeyay shaqaalaha Raadiyo Muqdisho oo ku hadla afka dowladda Soomaaliya.

 

Sheekh Shariif ayaa kula dardaarmay shaqaalaha Talefishinka inay ka shaqeeyaan midnimada, qaranimada iyo horumarka dalka si ay horumar ugu horseedaan ummada Soomaliyeed oo dagaallo kusoo jiray muddo dheer.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii hore hirigelisay inay dib u furto Raadiyo Muqdisho oo laga dhageysto Muqdisho iyo gobollada ku hareereysan, iyadoo xilligaa wasiir uu ahaa xildhibaan Daahir Maxmuud Geelle, iyadoo mas'uuliyiinta dowladdu ay sheegeen inuu qayb ka qaadanayo dagaalka lagula jiro Xarrakatul Shabaab.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Bannaanbax lagu taageeray go'aankii DKMG ah ay ka qaadatay shirka Nairobi oo ka dhacay Gaalkacyo

 

Talaado, Abriil 05, 2011 (HOL) – Bannaanbax lagu taageerayo go'aankii ay DKMG ah ka qaadatay ka qaybgalka shirka Nairobi iyo hadalkii ra'iisul waasaraha Soomaaliya ee ku aadanaa in hay'adaha gargaarku ay dib u soo guuraan Muqdisho oo maanta ka dhacay waqooyiga degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Dibadbaxayaasha ayaa waxay ku qaylinayeen erayo ay ku cambaareynayaan shirka Nairobi, iyagoo ku sheegay inuu yahay shir looga horjeedo midnimada dalka iyagoo ku ururay barxad-weyn oo ku taalla waqooyiga Gaalkacyo.

 

"Waxaan soo dhaweynaynaa go'aankii ra'iisul wasaare Farmaajo ee ahaa inay u soo guuraan hay'adaha gargaarka gudaha dalka iyo go'aankii ay DKMG ah kaga soo horjeesatay shirka Nairobi," ayay yiraahdeen dadka dibadbaxa sameynayay.

 

Banaanbaxan ayaa imaanaya iyadoo maamulka Galmudug oo ka taliya waqooyiga degmada Gaalkacyo uu sheegay inuu ka qaybgalayo shirka ay qabanqaabinayso Qarammada Midoobay ee bishan ka dhacaya Nairobi.

 

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore sheegtay inaysan ka qaybgalayn shirka Nairobi, kaasoo ay ku tilmaantay inuu yahay mid aanay dani ugu jirin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo ka hor yimid shirka Niarobi, taageerayna go’aankii dowladda

 

Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xaruntooda magaalada Muqdisho odayaasha dhaqanka ee beelaha Soomaaliyeed ayay kaga hadleen marxaladda kala guurka ah ee dalku marayo, shirka lagu wado inuu ka dhoco magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyo muddo kororsiga Dowladda ee halka sano aheyd.

 

Bayaankan oo uu saxaafada u aqriyay Maxamed Xasan Xaad ayaa ka koobnaa saddex qodob iyagoo ugu horeyntii dowladda Federaalka uga mahadceliyay aqbalaadii ay odayaasha dhaqanka ka aqbaleen in aysan ka qeyb gelin shirka Nairobi ee ay qaban qaabisay Q/midoobay kaasoo loogu magac daray shirka wadatashiga Soomaalida laguna casuumay maamul goboleedyada magac ahaan hoostaga DFKMG iyo urur horay ula midoobay Dowladda Federaalka isla markaana xubno muhiim ah ku leh xukuumada iyo qeybaha kale ee dowladda.

 

Sidoo kale, bayaanka ayay odayaashu ku taageereen muddadii halka sano aheyd ee ay xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay go’aamisay in loogu daro dhamaan hay’addaha Dastuuriga ah ee dowladda, si loo dhameystiro howlaha qabyada ah ee ka haray mudada kala guurka ah.

 

“Beesha Caalamka waxaan ugu baaqeynaa in dadka Soomaaliyeed ay ku taageeraan danahooda balse aysan u aqrin waxa ay iyagu soo abaabuleen oo ay ka leeyihiin dano gaar ah” ayuu yiri Nabadoon Xaad oo xusay in xalka Soomaaliya uusan ku jirin shir dibaddaha lagu qabto balse loo baahan yahay shir kasta oo la qabanayo in lagu qabto dalka gudihiisa go’aan ka gaaristiisana loo madaxbaneeyo Soomaalida.

 

Axmed Diiriye Cali oo isna ka hadlay goobta ayaa eedeyn u jeediyay wakiilka gaarka ah ee Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Augostine Mahiga oo uu sheegay inuu uga baxay balan ay ku soo wada galeen isaga iyo odayaasha dhaqanka dalka Jabuuti taasoo aheyd in shir kasta oo looga hadlayo danaha Soomaaliya inuu ka dhoco dalka gudihiisa isla markaana ay qeyb ka noqdaan dadka hogaamiyeyaasha u ah ummadda Soomaaliyeed.

 

Dhanka kale, odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed waxay shacabka ugu baaqeen inay ka soo qeybgalaan isu soo baxyo ballaaran oo ka dhici doona gobolada dalka iyo caasimadda Muqdisho kuwaasoo lagu muujinayo diidamada shirka Nairobi.

odayaasha-somaliyed_1.jpg

odayaasha-somaliyed_2.jpg

odayaasha-somaliyed_3.jpg

odayaasha-somaliyed_4.jpg

 

Maxamed Xuseen Ugaas

Ugaasyare114@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Macjmaca Culimada, Ururada Haweenka iyo qeybaha Bulshada oo shir qaran dumis ku tilmaamay shirka Nairobi

Warsaxaafadeedyo ay maanta siyaabo kala duwan uga soo saareen magaalada Muqdisho Majmaca Culimada Soomaaliyeed, ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Xoogaga wadaniyiinta, Golaha isutaga dhalinayrada, iyo golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa looga hadlay marxaladda kala guurka ah ee uu dalku marayo iyo aragtidooda ku aadan shirka la sheegay inuu ka dhaci doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaasoo ay qaban qaabisay Q/midoobay isla markaana lagu casuumay dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo Ahlusunna Waljacaamaca.

 

Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow oo shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Bakiin ee KM4 ayaa ka hadlay fikirkooda ku aadan shirka Nairobi ee Q/midoobay qaban qaabineyso gaar ahaana wakiilkooda Soomaaliya Dr. Augostine Mahiga waxayna sheegeen in shirkaasi uu yahay shir Qaran dumis ah sida ay hadalka u dhigeen, wuxuuna farta ku fiiqay inay uga digayaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay ka qeyb galaan kulankaasi,wuxuuna sheegay in qofkii shirkaas ka qeybgala uu yahay qof dambi ka galay dalka iyo dadka, isagoo warsaxaafadeedkiisana ku taageeray go’aankii ay xukuumada Federaalka KMG ah ku kordhisay mudada halka sano ah.

qeybaha-bulshada_1.jpg

Dhanka kale, Guddoomiye kuxigeenka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Canab Xasan Cilmi oo iyaduna shir jaraa’id saxaafada ugu qabatay xaruntooda magaalada Muqdisho ayay ku mucaaradeen shirka ka dhacaya magaalada Nairobi waxayna taasi bedelkeeda ka codsatay Q/midoobay inay dhiirigelin, taakuleyn iyo horumarin ku sameeyeen dowladda Federaalka oo ay sheegtay inay isbedelo la taaban karo ka muujiyeen maamulka iyo hanaanka Dowladnimo ee dalka.

 

Sidoo kale, guddoomiyaha xoogaga wadaniyiinta Soomaaliyeed Salaad Maxamed Sabriye oo isna warbaahinta la hadlay ayaa taageeray baaqii odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku aadanaa in shacabka Soomaaliyeed ay dhigaan isu soo baxaan si ay u muujiyaan sida ay uga xunyihiin faragelinta ay ku hayaan xafiiska siyaasada ee Q/midoobay UNPOS arrimaha Dastuuriga ah ee Soomaaliyeed.

qeybaha-bulshada_2.jpg

Guddoomiyaha golaha isutaga dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa isaguna fikirkiisa ku biiriyay waxa ay ka aaminsan yihiin dhalinayrada Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in dhalinayradu ay taageersanyihiin go’aankii ay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Dowladda Federaalkuba ku diideen shirkii dib u heshiisinta, iyagoo balan qaaday inay ka qeyb qaadanayaan banaanbaxyo maalinta khamiista ah lagu wado inay ka dhacaan magaalada Muqdisho kuwaasoo shacabku ku muujin doonaan fikirkooda shirka Nairobi iyo weliba marxaladda dalka.

 

Shirarakani ayaa daba socda shirkii shalay golaha odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ay ku diideen shirka ka dhacaya Nairobi.

 

Maxamed Xuseen Ugaas

Ugaasyare114@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this