Sign in to follow this  
General Duke

Somaliland and puntland’s cooperation to be strenghened.

Recommended Posts

Aaliyyah   

ou sir are not even from somalia??

How did you conclude that? Zack is more somali than you are...He is from ******ia and ******ia is as much part as somaliawayn as any other region in somalia ..intaasna waxa u dheer in uu somaliwayn aminsahayahay.Unlike you. Somaliland magaloyinkeeda haku deeqo..SSCna haka daba ooyin...SSC waa somaliwayn waligeedna somaliwayn ayeey ka mid ahanasa...

 

hadaad siyasada la socotidna gaaladu waxa inta u badan in ay hargaisa rabaan in ay ka dhigaan capital city..haday sa noqotana ..somaliland dream will be tossed out of the window lol..

 

Have a nice day mr..

 

Somaliwayn dream will stay alive forever!

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Libaahe AKA Saalax, you support Somaliland oo rabta iney ka go'do Somalia waxaadna u diidan tahay SSC iney diidaan Somaliland sidaad u diidan tahiin Somalia. Talk about hypocrisy! Try to be be consistence waryaaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

The Zack is not from Somalia but Somali region of Ethiopia. If you hit some books you will realise the Somalis who were resettled in Somalia after the 1977 Ethiopia- Somalia war were considered Refuuge's even by your beloved Siad bare government.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

The Zack;681222 wrote:
Libaahe AKA Saalax, you support Somaliland oo rabta iney ka go'do Somalia waxaadna u diidan tahay SSC iney diidaan Somaliland sidaad u diidan tahiin Somalia. Talk about hypocrisy! Try to be be consistence waryaaa.

 

Ya uu diidaay SSC ini Somaliland diidaan? They have freedom of speech. In the case of Las Canood the residents chose Somaliland over Bintiland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Lies & Lies. Over 80% of the troops in Las Canood area hail from SSC regions. Get the message they are not interested being ruled by bintiland, or Xakltosooiye hence why the residents of L.A never mass demonstrated against the Sland presence in Las Canood.

 

 

 

 

2sa0aqe.png

 

2cxg6qb.jpg

 

 

2z6dmpc.jpg

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aaliyyah;681221 wrote:
How did you conclude that? Zack is more somali than you are...He is from ******ia and ******ia is as much part as somaliawayn as any other region in somalia ..intaasna waxa u dheer in uu somaliwayn aminsahayahay.Unlike you. Somaliland magaloyinkeeda haku deeqo..SSCna haka daba ooyin...SSC waa somaliwayn waligeedna somaliwayn ayeey ka mid ahanasa...

 

hadaad siyasada la socotidna gaaladu waxa inta u badan in ay hargaisa rabaan in ay ka dhigaan capital city..haday sa noqotana ..somaliland dream will be tossed out of the window lol..

 

Have a nice day mr..

 

Somaliwayn dream will stay alive forever!

Aaaliyah laakin kama muuqna ssc inay Somaliweyn yihin waxa ka muuuqata inay Somaliland yihin ssc ciid ku so duushay na ma jirto dadka meesha dagan aya doortay inay walaalahooda Soomaliland wax la qeybsadan oo la noolaadan Xaabsade wayo ina caassowe wa yoo fuaad adan cade wayo Mudane indho indho wayo cali sandule wayo col caydiid dhadhable wayo baashe maxammad farax wayoo Col gooni Mudane farax askar Col dalbac abdirsaq dawdar nimankasoo oo dhan wayo iyo qaar kallo badan wa niman u dhashay gobolka bariga sool iyo degaanka buhoodle. ahna dadka matala shacabka ku nool degaanka ah eeh Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^

Wasirada dawlad sharif ka mid ah ee u dhashay hargaisa iyo burco iyo waqooyiga waa,

 

Maxamed Cabdullaahi Oomaar Ra’isul-Wasaare ku xigeen Wasiirka Arrimaha Dibadda

 

Axmed C/raxmaan Abaade Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka badda, cirka iyo Dhulka

 

Cabdi Cali Maxamud {Riyaraac} Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib Udhiska

 

Faadumo Xasan Cali Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

 

Inta Somaliland ka timid ee dawlada u shaqeesa ha ahaato askar ama parliment ha ka mid ahaadaan 30 bay kor u dhaafeen…

 

Marka Xunjuf individuals are everywhere. It does not prove anything.

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aaliyah wa run kuwasi way jiraan laakin kuwas maha dad matala Ummada Sooomaaliland sabab maba iman karan dhulkey u dhasheen laakin Gudoomiyaha gobolka sool wa tagi kara xudun oo u dhashay dalbac Buhoodle wa tagi kara xaabsade iyo baashe maxammad farax wa tagi karan laascaanood cali sandule yagoori iyo adhicadeeye wa tagi karan , Maanta haday wasiirada TFG Xil ka hayaan hargeisa iyo imadan dee way i matalan laakin maba so cago dhigan karan. Taasi waxay ku tusaysa in anay wax tageero ah ka lahayn bulshadan Somaliland laakin bulshada bariga sool iyo buhoodle tageero wa ka haystan dadka xildhibaanada eeh ku jira Xukumaada Somaliland iyo barlamaanka ba iyo guurtida

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Somaliland: Axmed cabdi xaabsade says Somaliland borders are not negotiable.

 

 

 

2hn5r49.jpg

 

 

Xaabsade Oo Sheegay Inaan Xuduudaha Somaliland Lagu Badali Karin Isir Iyo Wada Dhalasho, Madaxweynaha Puntland-na Uga Digay Inuu Ku Soo Xad-Gudbo Sool Iyo Bariga Sanaag.

 

“Xidhiidha Somaliland Iyo Itoobiya Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Haya Waana Kolba Sida Uu U Dhigo, Haybtu Macno Ma Laha Dhulkana Sharci Iyo Xuduud Baa Yaala, Faroolena Shaqo Kuma Laha Sool Iyo Sanaag” Axmed Cabdi Xaabsade

 

Hargeysa, December 20, 2010 (Haatuf) - Guddoomiyihii ugu horeeyay ee golaaha wakiilada Somaliland ee shirkii Boorame lagu soo dhisay 1993-kii Xukuumaddii marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Axmed Cabdi Xaabsade ayaa uga digay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole inuu ku soo xad-gudbo xuduuda Somaliland gaar ahaana Sool iyo Bariga Sanaag.

 

Isaga oo intaa ku daray, in xuduudii Somaliland ee 1960-kii taalo, isla markaana aan lagu badali Karin Isrir iyo hayb toona.

 

Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade waxa kale oo uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo ay ku xidhan tahay kolba sida uu u dhigo xidhiidhka Somaliland ka dhexeeya dalka Itoobiya, isagoo ugu baaqayna, in dawladaha Geeska Africa oo dhan cilaaqaad siyaasadeed lala yeesho. Axmed Cabdi Xaabsade oo aanu shalay galab khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay isaga oo ku sugan magaalada Laascaanood oo ka soo laabtay shirkii nabadaynta ee lagu qabtay dalka Itoobiya, isaga oo ugu horayn aanu weydiinay sida uu u arko khilaafka golaha wakiilada ka aloosan, waxa uu yidhi “Hadaad tihiin Baarlamaankii dalka idinkaa dalka xukuma, sharci dajintii waa idinka go’aankana idinkaa leh, ummadu golihina ayay ka toosi kartaa ama ka tabi kartaa, waxaad haysaan taladii dalka haday musuqmaasuq tahay, sharci toosin tahay, haday maamul wanaag tahay idinkaa dalka xukuma, xukuumada idinkaa sharciga u haya haday qaloocato idinkaa toosin kara, haday wanaag tahayna idinkaa hogaamin kara waxaan idin leeyahay iska ilaawa hebel baa sidana iyo hebel baa qalad wada iyo hebel baa xisbigan ah mar haddii aad gole Baarlamaan aydin noqoteen gole qaran baad noqoteen ee ka baxa qof diid iyo qof jeclaysi, haddii hogaamintu idinka xun tahay hogaamin wanaagsan samaysta oo wax ku oola, waxaan idin leeyahay iska daaya shillimaad aad doontaan iyo lacag aad kordhisataan, dalku waxa uu ka dhismaa ama ka burburi karaa waa idinka, muddadii aan idinla joogayna Baarlamaan fiican maydaan ahayn, manaydaan lahayn hab-dhaqan Baarlamaan, waxaad ahaydeen niman iska soo hor jeeda oo maalinba u yaacaya, waxaan idin leeyahay ummada ka daaya jahawareerka oo dib iskugu noqda”

 

Mar aanu weydiijnay mushaharka xad-dhaafka ah ee ay korodhsadeen golaha wakiiladu iyo ciidamda iyo shaqaalaha oo aan wali loo kordhin, waxa uu kaga jawaabay “Horta arrintaasi ma fiicna inay golaha wakiiladu baahi muujiyaana maaha oo maalinba cid dilaalaana ma haboona inay waxaan meesha oolina isku kordhiyaana ma fiicna, wax noloshooda kaafiya haday helaan oo ay qaataana waxba lagama rabo, laakiin waxaan leeyahay ka daaya sida aad maanta wax u wadaan, ummaduna way idin eegaysaa waxaanad noqon doontaan niman naftooda uun u soo shaqo tagay, shaqaalaha iyo ciiidamadana mushaharka ha loo kordhiyo”

 

Mar aanu weydiinay sheegashada madaxweynaha Puntland ku doonayo Sool iyo Sanaag, waxa uu yidhi “Faroole shaqo kuma laha Sool iyo Sanaag iyagay u taalaa waxay yeelayaan nina u sheegi maayo, uga daba fadhiisan maayaan iyagay taladu u taala”

 

Mar aanu weydiinay sida uu u arko shidaalka uu doonayo in Faroole ka qoto deegaanada koonfurta Laascaanood ee la sheegay inuu ciidamo calooshood u shaqaystayaal ah u keensaday, waxa uu yidhi “Taasi ma suurto galayso waxa shacabku doonayo ayuun bay noqonaysaa, Faroole-na ciidan uma soo kaxaysan karo”

 

Mar la weydiiyay, in damaca Faroole salka ku hayo Isir wada dhalasho oo uu ku sheegayano Sool iyo Sanaag bari, waxa uu yidhi “Hayb waa laysku noqdaa laakiinse sharci iyo dhul baa dad isku hayba ayaa dalal kale kala dagen, kuwo isku hayb ahina way wada dagan yihiin, haybtu macno malaha qabyaalada Ilaahay baa caayay, qabyaaladana dawlad laguma noqon karo, waxna laguma dhisan karo qowmiyada ayaa ka fiican, Somaliland xuduudo la yaqaano ayay leedahay oo lama taabtaana”

 

Mar aanu weydiinay xad-gudubka iyo dhul fidsiga maamulka Faroole ee bariga Sanaag, waxa uu yidhi “Faroole kuma soo xad-gudbi karo Somaliland Sool iyo bariga Sanaag”

 

Mar aanu weydiinay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeeya sida uu u arko madaama uu safar nabadayna kaga soo laabtay kililka shanaad ee Itoobiya, waxa uu yidhi “Somaliland iyo Itoobiya xidhiidhkooda madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa haya, sida uu u dhigo ayuun bay noqonaysaa, in Geeska Africa oo dhan xidhiidh lala yeeshaana waa waajib”

Share this post


Link to post
Share on other sites

This forum makes me sick sometimes, its all Tribal, D=Puntland I=Somaliland, stop trying as if its got to do with politics Somaliland is still angry we didnt' give them enough attention when we ruled the whole of Somalia in peace.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland oo baaq u dirtay aqoonyahano Soomaaliyeed oo shir uga socdo Jabuuti

 

 

Hargeysa 20 December 2010 (Ogaal)- Dawlada Somaliland, ayaa ka hadashay siday u aragto shir koox aqooyahano Soomaaliyeed ah uga socda dalka Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi oo shalay u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, waxa uu sheegay in xukuumad ahaan ay soo dhawaynayaan cid kasta oo wax ka qabanaysa mashaailka ka taagan Soomaaliya, wuxuuna baaq u jeediyay aqoonyahanada shirku uga socdo dalka Jabuuti.”Waxa jira shir aqoonyahanka Soomaaliya uga socda Jabuuti oo ay kaga hadlayaan arrimaha Soomaaliya, laakiin shirkaasi wuxuu u gaar yahay sidii mashaakilka muddada dheer ka socday Soomaaliya loo daraasadayn lahaa afkaar wax ka tari karta looga soo jeedin lahaa,” ayuu yidhi Dr.Maxamed Cabdilaahi. “Waana arrin aanu soo dhaweynayno arrinta Soomaaliya cidii wax ka qaban kartaaba inay wax ka qabato,” ayuu raaciyay. Wuxuuna intaa ku daray oo uu yidhi, “Hase yeeshee, waxaanu ugu baaqaynaa mutacalimiinta arrimaha Soomaaliya ka shaqaynaya inay hadaladoodu ku koobnaadaan xalinta mushkilada Soomaaliya oo aanay hadalo laaqiya oo aan ku haboonayn Somaliland aanay ka hadal.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this